Shaandhays W/T Cabdirashiid Maxamed Cali


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

SHAANDHAYS
Cabdirashiid Maxamed Cali (caaqilka)
Caaqilka101@hotmail.com
Luulyo 13 2012

ACW warx wab waa maanso jawaab u ah maanso uu BASHIIR HIRSI kusoo bandhigay shabakadda www.raxanreeb.com oo uugu magac daray SHURUG DIID  http://www.raxanreeb.com/2012/07/maansada-shurugdiid-wt-bashiir-m-hersi/

Abwaanka oo su’aalaad badan soo waydiiyey suugaanyahannada somaliyeed ayaan waxaan ugu soo jawaabayaa maansadan oo aan u bixiyey

SHAANDHAYS

1-ka shakiyey mar hore gabay

2-ka shubaaliyoo dhigay

3-maansada sharkeedii

4-shaacinteeda waayahan

5-shabakaadka lagu qoro

6-codka shacab ma gaadhsiin

7-shiinkii umaan qorin

8-inkastoon shukaantii

9-weli dawliskii shubo

10-shucaraa siday tidhi (suurad quranka krm ah)

11-ama sheegtay liilaaf

12-dad shirqoolan baa jira

13-shacab daallan baa badan

14-shan walaal ahaa yoo

15-kala shiray ayaa jira

16-shiikh buuro fuuloo

17-shiinkii nacaa jira

18-shariif kaan ahaynoo

19-shaadhkiis xidhaa jira

20-shaxaad doon kalaa jira

21-shaqo waa kunaa jira

22-shahiid been abuur iyo

23-shar uddood kalaa jira

24-shalow qaar ka dhacayoo

25-dhiiggii shubmaa jira

26-shabbad gabar ahaydoo

27-shirqool fulin ayaa jira

28-shan kun iyo shan boqoloo

29-shubahaad ayaa jira

30-AFARTAA SHAX DII IYO

31-DHAHA SHEEGISTAYDII

32-SHIINKAAN AQAAANNIYO

33-SHAACIR MAANSADIIS DHAHA

34-SHAMSO IYO IFTIIN IYO

35-SODDON IYO SHAN QODOB DHAHA

36-AFARKALE SHIFAYN IYO

37-shiinkuu BASHIIR qoray

39-SHURUG DIID hadduu yidhi

40-SHAANDHAYS middaan dhaha

41-SHAACIYA markale dhaha

42-SHIIFO iyo dawana dhaha !!!

43-bal shuhuud ahaadoo

44-geenayadan la shaaximay

45-nin walbaa shinsanayee

46-yidhi waan shubaayaa

47-tolow yaa shukaan qaban ?

48-waa shay muhiimee

HADDAAD SHAACIROOW TIDHI??

Ninka sharraxanoow, joog

19. Shabshablaha socdoow, joog

20. Sheekh Camaamadlow, joog

21. Oday Shaarubloow, joog

22. Shayb madax cadoow, joog

23. Shaqaaqada wadow, joog

24. Shibbanaha xarafaha iyo

25. Shaqallada dhigoow, joog

26. Shafka ha u garaacine

27. Shurug yuu ku raacine

28. How Shareera tumanine

29. Shirbaa Laashinoow, joog

30. Shiinleey tirshoow joog

31. Shiidaal sanoow, joog.

!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

49-SHACABKEENNA SOMAAL

50-maa shifaysay maandhoow

51-mise waad shiddaysoo

52-shaki baad ku beertoo

53-shaydaan warkiisaad

54- ugu baaqday shoobloow????

55-haddaad shaybki tidhi joog

56-sheikhii aad tikoortoo

57-samaan aadan sheegayn

58-maadaa shirqool wada

59-mise shaafi baad tahay ???!!

60-AFARTAA SHUCUUR GABAY

61-SHIFO RAADISKII DHAHA

62-AFAR KALE SHIR GUUD OO

63-AAN SHARUUD LAHAYN DHAHA

64-SHACABKII PUNTLAND IYO

65-HARGAYSA IYO SHALAANBOOD

66-WADA SHAAHAY ILA DHAHA .

67-SHAXDA HAWD ILAA SOOL

68-SHAALKII TALEEX DHAHA

69-SHUKRI MAHAD ILAAH IYO

70-SHIRAR NABADA ILA DHAHA

71-hadday beri shakaalnayd

72-shan shadii jabtee hore

73-lafahii ka shiilmeen

74-shifaan gaynay haatane

75-dhaqtar baa shakaaloo

76-nin shahaado haystaa

77-shan bilood qalaayoo

78-shacabkeenna oo idil

79-sharqi bari junuub iyo

80-shimaal iyo galbeed bay

81-duco soo shubeenoo

82-shacabkoo dalbaayaa

83-shaydaan ka tuuraye

84-shamacuu uddaaree

85-ugu dhiibay sheikhii

86-ayaa weli shidanaayoo

88-in kastoon shiddaba tegin

89- sheeg sheegisteedaan

90-maandhoow sharaystaye

91-mar haddaanay shiiqine

92-shacbaantaan dhamaad tahay.!

93-ila doon shan daahira

94-shantan boqol inaka daa

95-afar dhibic shantii baas 4.5

96-ka shifee dadkeennoo

97-sharci iyo qawaaniin

98-kulay tahay shantaan sano

99-mar un shaar inoo geli.!!

100-shaqadana inoo wada !!

101-AFARTAA SHAXDII IYO

102-DHAHA SHEEGISTAYDII

103-SHIINKAAN AQAAANNIYO

104-SHAACIR MAANSADIIS DHAHA

105-SHAMSO IYO IFTIIN IYO

106-BOQOL IYO SHAN QODOB DHAHA

107-AFARKALE SHIFAYN IYO

1O8-shiinkuu BASHIIR qoray

109-SHURUG DIID hadduu yidhi

110-SHAANDHAYS middaan dhaha

111-SHAACIYA markale dhaha

112-SHIIFO iyo dawana dhaha !!

113- Waxba yuusan shiinkiyo

114-shaqalkiisu ila tegin

115- yaanan sheeko sii badin

116-yaanan shaag kaleetoo

117-shaki yaallo raacine

118-shirka hadhay shir qayr dhaha

119-dab shidnaa la dami dhaha

120-shaydaan la naar dhaha

121-shabaabkii lasaar dhaha

122-damiin shiinka aan baran

123-nin shahaado aan wadan

124-mad-hab noqonin shaafici

125-shacabkeenni nace dhaha

126-shiidd tuurya dheer iyo

127-shaabuug la dhace dhaha

128-HADDII AADSE SHOOBLOOW

129-shan su;aal na tidhi fura

130-sheegoo wax iga dhaha ?

132-shaandheeyey aniguye

133-waxaa shacabka hagi kara

134-shracigana dabbaqi kara

135-qof shahaado haystoo

136-yaqaan shiinka diintiyo

137-sharcigii ilaah dhigay

138-misna garan shanteenniyo

139-shar dowladeed iyo

140-shacabkuna u siman yahay.

141-HADDAAD SHAACIROOW TIDHI

142-yaa shalay dawayn kara ??

143-sharaf noo samayn kara ??

144-sharta yaa kadigi kara ?

145-sharcigana cid fari kara

146-AAN KAA SHIFEEYEE

147-sharciga iyo quraan (kow)

148-shukri eebbe iyo samir (labo)

149-shaydaan la dirir kiis (saddex)

150-sheegaso qabiil oo

151-shafka loogaraacaa

152-waa shaabbad cuduree

153-shir ha keenin weligaa!!!!

154-shoodhoow BASHIIR yare

155- aan shiinka soo xidho

156-shirbkana af meeree

157-SHEIKH BAA SU’AAL BERI

158-NIN SHAKIYEY KU YIDHI SAAN

159-shiikoow fandhilkii

160-hadduu shaaha iigalo

161-sharci noo banneeyey iyo

162-shiin dhigay miyaa jira ???

163-shubuhaad masoo geli?

164-shiikhii jawaab celis

165-sheegaa ka liituu

166-shakigii ku saaraye

HALKA SHACABKA LOO WADO

ADBA SHEEDDA KA CADDEE !!!!!!??

hal abuur: abwaan cabdirashiid maxamed cali (caaqilka)

e-mail :caaqilka101@hotmail.com

Share

9 Responses for “Shaandhays W/T Cabdirashiid Maxamed Cali”

  1. Haad says:

    @ Cabdirashiid

    Hadii aad boqortooyadayda hoos joogtaan labadiinaba waan idin xirxiri lahaa adiga iyo Bashiirba. Waliba xabsi dheer baan idinku xukumi lahaa sidaad Suugaanteena ugu xadgudubteen awgeed.

    Waxaad dhaantaan oo kaliya Wajiyo Xunta dadka heesooda bililiqeysta. Waxaadba isoo xusuusiseen sheekadii aheyd; “Sayidow Gabayaa I Haaya”.

    Calaa iyo Xaal, waad ku mahadsantihiin sida aad isugu daydeen in aad Gabay noo soo bandhigtaan in kastoo aad na lug’goyseen kkk!

    Jj

  2. soomaali says:

    Walaahi waa maanso jawaab fiican u ah maansadii hore
    Waxaad mooddaa inay dayro iyo war rajo xumo tilmaamaya ay ka hadlaysay laakiin abwaankan wuxuu taagan yahay bal mar uun aan wax samayno hadhoow yeelkeeda
    Oo anakana intee naloo wadaa waaba yaabe ? Halka shacabka loo wado adba sheedda ka cadee

  3. Timacadde says:

    Maansha Allaah abwaan Alle yaa cisak runtii dhantaad sheegtay, jawaab habboonna waad bixisay Alle hibada kuu daa walal.

  4. haldha says:

    wlhi caaqilka gabayadiisa aad ban uga helaa mansha lah wa murti aad qaali u ah

  5. abdirahman-laaso says:

    Soo Dhawayn Bay Mudan Yihiin Labadan Isu Hal Celisay isku Daygooda Aawadeed. Hase Yeeshee,Waxaan Kacalool Xumaaday In Iyagoo Sheeganaya Abwaan Ama Gabyaayahanno Aysan Kala Garanayn Nooca Maanso Ee Ay Tirinayaan Ma Gabaybaa? Ma Heesbaa? Ma Geeraarbaa? Ma Guurowbaa? Ma Shiribaa? Ma Welgaa? Ma Buraanburbaa? Mise Waaba Saar? Mise Waa Kuwo Kale Oo Qaybaha Maansada Kamid Ah-Bal Adba? Mise Waxaad Tirisaanba Laba Ereyna Ha Ahaadee Waa Gabay. Mase Fahmayaan Qiimaha Gabaygu Leeyahay? Wuxuu Yahayna Maka Dhaadhacsan Tahay? Miyey Moogyihiin In Gabaygu Yahay Boqorka Suugaanta, uuna Leeyahay Xeerar adag,. (-Marse Hadduu Ilaah Ibaray,Boqorka Suugaanta.. -Bulxan Iyo Sidii Ina Dagaan, Xubinta Baadhaaye..) Abwaan Horaa Sidaa Yidhi. Caaqilka Iyo Bashiirba Hees U Egtan ay Soo Tiriyeen Yeysan Gabay Ku Sheegin. Xaal Baanu uga Fadhinaa. Haddii Kale Waa Jeel,Maadaama Ay Hiddihii Umadda Ku Xadgudbeen.

  6. cali gaacir says:

    mashaa allaah abwaan c/rashiid maxamed cali gurxan aad iyo aad baan ugu mahad celinyaa maansada qaaliga ahna oo jawaab celinta u ah gabaygii abwanka hore tiriyeyn waan soo dhanyaa

  7. Haad says:

    @ Cabdiraxmaan-Laaso

    Cabdirashiid iyo Bashiir xiniinyaa gubayee xirfad badan uma laha GABAYGA. Kkkk

    Waxa ay noo soo bandhigeen GABAY ma aha ee waa “GUBUY”. In kastoo akhyaartu ay dadaaleen Cabdiraxmaanow hadana sida aad sheegtay dambiga ay galeen wax aan JEEL dheer aheyn oo ka jaaseyn kara lama arko.

    Hadii aan isla heli laheyn xiniinyahooda/dadaalkooda iyo xigmada Xasan Cabdullahi, Suugaanteenu way bulaali laheyd (“-”)?kkk! Xasan Cabdullahi waa ABWAANKA tiriyay gabayga (Barasho Deegaan) kKkkk. Webkaan ka fiiri gabaygiisa, dhowr mitir buu gabaygiisu dareen ahaan hoos u qodanyahay.

    W.t

  8. abdirahman-laaso says:

    HAAD: Kkk,Dee Yaabayoo,Waxan Ay Tirsheen Midna Kama Aha Qaybaha Maansadda Oo Kooxaha Abla-ableeyaa Ay Sagaal Madaxa Sii Dhaafiyaan Oo Waxaan Kutilmaamo Garanwaayey,Heesbaa Ugu Dhawaydoo Iyadana Xeerkeeda Qodobkii Ugu Cuslaa Ee Miisaanka Ahaa Maysan Umiidaan Deyige, Iga GEE Bay Kaga Dhigeen,Adigaase Qaybta Bayd-Gaabyadda Magac Ubixiyoo Dee Waaba GUBUY, (Bayd-Gaabka Waa Lagu Yaqaan,Booddo-Dheerida,e) Midna Kudarsoo Duulkan USACAB TUMAYA Ee Silic-Dilyeynaya Magacii Abwaan (Alyacni Abwaan Bashiirow-da Iyo Abwaan Caaqilow-da) Waa Duul Aan Fahamsanayn Waxay Maanso Iyo Abwaan Yihiin. Taageero Indha La, Iga Dheh.Labadaas Isu Halceliyey Waa Kuwii Lagu Tilmaamay Iska Sheegtayaasha GABYAA (-Midbaa Odhan Gabyaa Baan Ahiyo Guba Raggeediiye.-Markaasuu Abwaan Gaaxsanaa Guha-guheeyaaye.) Tan BARASHO DEEGAAN, Saacadday Soo Dhacdayba Nasiib Ayaan Uyeeshay In Aan Akhriyo,Marar Kalena Waan AKhriyey Ladhacsanaan Aan Ladhacay Aawadeed.Kaasaa Gabay Wixii Kale…BIIQ Weeye:(-Taariikhdu Been Maleh.-BIIQ Weeye Faanuhu.-Lama Baano Meel Madhan.-Runtaa Lagu Badbaadaaye.-Aan Baabka Kuu Furo.) Gabayaaga Tiriyey Ee XASAN C.LAAHI XAASHI, Salaan Baan Udirayaa, Halkaas Kawad Baan Leeyahay.Gabayaa

  9. xooshaawi says:

    @cabdiraxmaanoow qoraaaladaada dhan micno kuma salaysna haddaad wax garanaysid imoow
    albaabka hore eee umadda kaddib wax sheeg laakiin hadda qiimo kuma fadhiyo hadalkaagu
    midda kale magacyada aad sheegaysid dad somali ah baa isku afgartay e wax diin ah maaha muhimaddu waa inaan anaa ka xun cidna la dhihine waxaad qalad ku tilmaamaysid saxdooda aaad sheegtaa

Leave a Reply