Shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Rammadaan Mubaarak: Soomaaliya: shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Luulyo 30 2012

Rammadaan Mubaarak! Waxaa jirta in gobolo badan oo dalka ka mid ah ay joogaan xoogag shisheeye oo aan aqoon dabeecadda mujtamac Islaam ah iyo waliba muhimadda bisha Rammadaan u leedahay Muslimka, waxaa kaloo wali jira siyaasiyiin fidno ka shaqayniya, cadaawad abuuraya, dad magacyo leh oo ciil qaba aaminsanna inay waqti dambe siyaasadda burburka soo galeen oo aysan ka faa’idaysan,dano shisheeye oo waxaas oo dhan u haysta inay maslaxaddiisa u yihiin furihii iyo marinkii lagu gaari lahaa.

Muran kuma jiro in Soomaaliya laysa siiyay, in Soomaaliya iyadoo ummaddii lahayd ay taagantahay laysku haysto qaybsigeeda, Soomaaliya!..Soomaaliya waxaa hubaal ah inay inoogu kici doonto qiimo aynaan hadda qiyaasayn, kama cabsi qabo Soomaaliya inay noqoto meel layska qaato oo inta shisheeye yimaado xoog ku muquuniyo, jinsiga dadka Soomaaliyeedna ma ahaa noocaas.

Mid waa hubaal inay jirto ilaa iyo haddana ay muuqato, in dalkii ay u kaceen siyaasiyiin aaminsan inay wax ku noqdaan ama wax ku ahaadaanraali gelin shishisheeye, isla markaasnana aan kala jeclayn rabitaanka iyo raali gelinta dadka ay rabaan inay xukumaan, waana cudurka ugu weyn ee burburkii dalka laga dhaxlay, wax kasta oo kale waa laga dawoobi doonaa, ama waa wax dhammaan kara, laakin dhibaatada sii jiitami doonta iyo khtarta dalka iyo ummadaaba ku soo fool leh waxay tahay dhaqanka siyaasadeed ee waayadii hore soomaalidu iskala weynaan jirtay ee shisheeye isu dhiibidda ah laakiin intii uu dalka burburay noqday wax laysugu faano.

Soomaalidu waxay lahaan jirtay dhaqan siyaasadeed ee runtii si dhib yar looga arki karo inay yihiin qoomiyad qaran ah oo madax banaan, marka aad fiiriso qaybaha kala duwan ee suugaanta Soomaaliyeed waxaa kuu soo baxaya sida ay u madax banaanaayeen xagga fikirka iyo noloshaba, bal tusaale ahaan u fiirso murtidan qadiimka ah “Gunimo DHereg Leh, Gaajo Gobanimo Leh Baan Ka Doortay!” waxayna ahayd murti ay sida ay u yiraahdeen ugu soo dhaqmeen ee iska hadal keliya ma ahayn, waana meesha ay mid kale ka tiraahdo “Waa Baahnahay Baqti Looma Cuno”…Yaa! Bal waxa manta socda ka waran? Waa nasiib daro.

Waxaan xasuusnahay sagaashannadii bilowgoodii nin kaniisadaha Kenya wadaaddadooda ka mid ahaa hadal uu igu yiri “ Waa hubaal in 30sano ka dib aan jabinnay albaabkii xirnaa, shakina kuma jiro inaan calooshiisa gaari doono!” hadal aan wali xasuustayda ka go’in, weedh ciilqab iyo xaasanimo ay ka buuxdo, shaki kuma jiro in qabqablayaashii dagaalka ay xilli aad u xun jilbaha inoo dhigeen cadowgeena hortiisa, kaaga daranee siyaasiyiinta soo baxayna ay ku tartamayaan raali gelinta cadowgaas si ay hoggaanka talada dalka u qabtaan.

Waxaa taas ka sii daran oo cillad weyn ah oo dabeecad soo siyaaday ah in dadakii lays lahaa iyagaa hanan kara hogaanka siyaasadda maanta aysan madax banaanayn, waxaa cajiib ah inay ku leeyihiin aduunku waa la kala adkaaday waxaana u hoggaansamaynaa siyaasadaha dalalka adkaaday! Taas macnaheedu waxaa weeye annagu wax siyaasad ah ma la imaan karno aan ahayn inaan raacno dowladaha xoogga weyn tooda mooyee, waase su’aalee taas dad-weynaha ma u cuntamaysaana?! Ka yaabi maysid.

Qofka bini aadanka ah isagoo xor ah buu dhashay, ama xornimuu ku noolaan ama wuu dhiman, taariikhda sida ay ina baraysana dabeecadda bini-aadamka kama mid aha inuu u hoggaansanaado cabsi laguna guumeysto, dadka Soomaaliyeedna warkooda daa, waxaana shaki ku jirin in aysan dhici doonin in qarniga 21aad ay inta madaxa hoos u rogtaan qaataan waxyaabaha qaarkood eel ala maagganayahay sida hadda saansaantu tahay.

Kenya way innagu soo khaldantay, waxaan garanayaa khudbooyinkii wanwanaagsanaa ee madaxdoodu aqrin jirtay intii uu socday shirkii Mbagathi, waxaan garanayaa gudoomiyihii shirkaas Abdo Bethuel Kiplagat oo ilmeeya markuu khilaaf shirka soo dhex galo oo aan hoyan ilaa uu khilaafkaas xal ka gaaro, Kenya waxay ka fekeraysay sidii ay Soomaaliya xiriir wanaagsan ula yeelan lahayd dadkeedana shaqo uga heli lahayd mashaariicda dib-u-dhiska dalka Soomaaliya, waxay ka fekeraysay siday xiriir ganacsi (haba ugu horeeyo qaadkee) oo weyn ula samaysan lahayd laakiin hadda….

Waxaan garanayaa sidii wanaagsanayd ee ay ula dhaqmeen shacaka qaxootiga ku ahaa ama hadda ku ah dalkooda, waxay si aad u quruxsan uga soo shaqeeyeen shirkii Mbagathi ee lagu soo aasaasay DFKMG Soomaaliyeed, laakiin hadda… hadda Israel iyo Norway baa dhegta wax ugu soo sheegay, waxaa loo sahmiyay xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya, waxaa loo soo aqriyay, laga soo dhaadhaadhiciyay, lagu soo qanciyay in xeebahaas ay shidaal ka qodoto, iyadoo mar AMISOM ah, mar la dagaalaysa Argagixisada khatarta weyn ee Al-shabaab iyagana ay hiil iyo hoo la garab istaagi doonaan….Aqoon La’aan Baa Rag Isku Hodda!

Uganda, Yoweri Museveni wuxuu aad ugu dadaalay inuu IGAD ku dhaadhiciyo inay Soomaaliya dowlad la dhisaan iyagoo ka madax banaan dalalka dunida horumartay, wuxuu dhowr jeer ku yaboohay lacago uu rabo inuu DFKMG soomaaliya ugu deeqo ka dowlad ahaan, laakiin hadda.. hadda waxaas a jiraan, Soomaaliyana wuxuu u arkaa meel uu shaqo uga sameeyo ciidammadiisa, wuxuuna amar ka soo bixiyaa Kampala, isaga iyo Kibaki waxay labaduba hadda ku dhowyihiin inay rumaystaan in Soomaaliya ay ahayd meel ay ka il duufeen oo ay ahayd inay mar hore qabsadaan….laakiin armay hadda il duufsanyihiin?!

Waxaa arrin iska cad ah in labada dal ay ku shaqayniyaan qorshe ka qoto dheer waxyaabaha ay DFKMG ah u sheegto shacabkeeda, waxaa maalin kasta Uganda, iyo Burundi, ay soo wadaan ciidamo qalabkooda u dhanyahay, xeebaha dalka oo dhan waxaa biyihii daboolay maraakiib dagaal oo leeyihin dalalka isu yaqaan Super Powe-ka oo iyaga ka caawinaya xagga xogta iyo basaasnimmada, waxaa hadda muuqda xataa in sal-dhigyadi boliiska ay la wareegayaan.

Waxaase jira wax aysan dowladahan ka fekerin oo ah in dalkan ay leeyihiin dad-weyne aan qaadan karain waxa lagula dhaqmayo nimanka siyaasiyaasiyiinta ah ee hoggaanka siyaasadda dalka haya, dad-weyne aan shaki ka qabin inay yihiin Qaran dunida wax la qaybsan kara aaminsanna in dhiig loo shiilo qaranimmada Soomaaliya!… Soomaali Ninkuu Alle Ka DHigay Baa Nasiib Leh!

“Alle Weyne Ilaahow, Aduunka Kii Lahayow, Ifka Kii Uumayee, Aakhiro la magansanayow, Ammaan Yeel Arligeena, Arxan laawe Iimeeya gudaha Iyo dibaddaba, Ka Ilaali Cadow Aafo U geysta.”

=Aammiin=

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

11 Responses for “Shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan”

  1. [...] View article: Shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali! W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan [...]

  2. Hodan Ahmed says:

    Ahmed Yassin, walaal dhiig miyaa haray? Somali dhibeysan isu geysan cidi ma gaarsiin, Ilaahay soo ma joogin markii maatada la xasuuqayey, oo dadka hantiyahooda la dhacayey, waa nabsi waxa meeshaas dhigay, oo weli aan layska shaafin ee la isu goodinaayo weli, marka waxba ummadaha kale ha eedeyn, waa in aannu annaga is xisaabino.Wa billahi towfiq.

  3. daljire says:

    hodan rabi kabaq , hadal laqwiya ayad ku hadashaye,, bal akhri wll waxad qortay ilahay maka qusatay adigu ? Salaamad !

  4. ali jebiye says:

    WALAASHAY HODAN AXMED WAA RUNTAA OO SOOMAALI IYADAA ISBADAY INMAANTA CADOW IYO SHISHEEYE UHESHIIYAAN OO MEEL DHEER AANAY WAX KAFIIRIN KUWA KULOOLAMAAYA INAY XIL DOONAAN MEEYEY NINKII DHALINYARADA AHAA EE FARMAAJO MAXAA LOO ERYEY YAASE CUNAY OO U LOOGAY CADOW SHISHEEYE WAYSU WADA CIILQABTAAYE CIDHIBTEEDA TANBE AAN EEGNO WAXAY DHASHO WAA NINKII UGU HOREEYE EE KUXIGA ALE HA UNAXARIISTEE KORNEL MADAX WAYNE CABDULAAHI YUUSUF OO MAANTA SHARIIF IYO CABDI WELI QOLALKA AY WAX KU QODHAAN RINJIYEEY OO KALA WAREEGAY MALESHIYO BEELEEDADII HOORE UHAYSTAY? MAXAA LOOGU ABAAL GUDAY MAANTA SOMALI ABAAL MALEH BAAN QABAA OO WAXAA QALBGEEDA DEGAY NIN JECLAYSI IYO EEX DULMI HUWAN EE ILAAH HANGA SAMATA BIXIYO WAXAN OO DHAGARA OO IS HUWAN IYO GAALO USOO DHIILO DHAANSATAY DHAMAAN WADANKII SOOMAALIYEED EE XORTA AHAA EE LOOSOOBAABA AY XORAYNTIISII

  5. saala weyne says:

    war bal faduushaa eega……oo maxaa naga qabta ninkan wax malmaluuqaaya ee naar afuufka ah….waa yaab tolow…..war ninku gardaro badanaa..war i sii qoriga……..

    war ninka waxaan qoray ma soomaaliduusan aqoon mise anaa waalan mise wuu riyoonayaa…Aan iraahdo riyo maalmeedkiisa AAAMMMIIINN…………….FALAAKIIN MUXUU WADAADKA WAX QORAY KA RAbaa walaalahayaga deriska nala ah hadiiba xooga hungiri ahi ka galay meeshaan aan cidiba lahayn ileyn koleba aakhirka shisheeyaa qaadan doonee……Intii cadow cuni lahaa cali ha beeseesto

  6. ina yuussuf says:

    asc dhamaantiin ramadaan kariim intaas ka dib maqaalka waa mid kasoo baxay maskax fiyoow hab muxaafid nimo ah oo aan qadarinayana loo qaabeeyey baravo mr sooyaan

  7. caraseedo says:

    Walaalayaal soomaali iyadaa furtay Albaabada cadowgu ka soo galay dalka markay isxasuuqday,maatadii laysay guryihii fiiqatay,barna dumisay,barna xoogeen walina ku faanayaan[sidaan wax u galnay maaragteen caasumaddi ummaddu ku faani jirtay,[[Bilicday ku sameeyeen]],[[foolxumo adduun]].
    TO:Daljire:walaal runta Rabbi waa ogyahay,siday wax u dhaceen,Allena waa xaqsoore, cadawguna waa jawaab Alle ka timid markaan nicmadii uu nasiiyay ku xamdiyi waynay baa la inagu saliday dhasheenii markii hore,markii dambana cadaw baa nalagu saliday,waxaan oo dhami waa jawaab Alle ee isaga haloo noqdo,haddi kale waxii la sugaaba waa mid kasii daran[[Alle hanoo yasiro]]sida uu sheegay qoraagu.

  8. Ummulkhayr says:

    Asc, waxaan aad ugu faraxsanahay in soomaali ay ku jiraan qoraaga sooyaan oo kale, runtii niyadaa ii dhisantay markaan akhriyey maqaalkan anoo weliba og xaalka soomaalida laakiiin waa dhab hadalka qoraaga mahadsanid walaal.

  9. Tahliil says:

    Asc ramadan kariim qoraalka uu qoray qoraga waa qoraal runta u dhow waxaasa murugo leh in aan soomaali ahaan dad xun nahay waxaanu nahay dad dantooda garanaynin oo wax iskuma falayaal ah sokeye iyo shisheye kala aqoon nolasha oo idil ka dhoohan intii caqliga u saaxiibka aheedna taladoda la qiimeyn dadkii hogaanka mudnaana quus dhigeen run ahaantii anigu ilaahay moyanee soomaali waxba ka sugi maayo aadna waan ugu caraysanahay caradayduna mid naceyb salka ku hayso ma aha laakin wa mid canaan ah oo kalgacayl ku salaysan waana ku qanacsanahay oo waliba ku farax sanahay in uu ilaahay soomaali iga dhigay mahadaasna rabi ayay u sugnaatay waxaa iga talo ah inaan hadal la saarnaanin ee wax qabad lala yimaado intayadan wax qoraysa aya hadii rabi idmo dalkaa oo idil badbaadin karta nin walboo mesha aad joogtid wax ka qabo wabilahi tawfiiq

  10. dhurwaaga mudug says:

    shisheeyaa ku dilay ayaa dhaama walalkaa oo ku dilaya ama aad dilayso marka dan kama lihin wixii tan noo dhama waa rabnaa.

  11. Qaran doon says:

    Runtii maanta soomaliya waxay maraysaa marxalad kala guur ah oo khatar ah waxayna u baahantahay samatabixin dhab ah, si loo gaaro samatabixintaas waxay u baahantahay in ay isu samirto oo la muujiyo dulqaad iyo in aan la fiirin wixii soo dhacay. haddii taariikhdii soomartay dalkeenaa 21 sano ee u dambaysay oo la soo fago wixii dhacay waxaa loo tagayaa qurun farabadan oo aan laga dhammanaynin, midda kale soomalida qofba qof ayuu necebyahay tusaale ninbaa ammaanyo farmaajo oo leh waxbuu qabtay, midkale ayaa waxaa uu leeyahay waxaa fiican abdi wali oo waxbuu qabtay, runtiina lama hayo cid u garqaaddo oo kala saarto dalkiina waxaa uu ku jiraa xaalad qatar ah, waxaa marka fiican cidda wanaagsan lama qarin karo iyada ayaa iska soo bixi laakiin waqti hala siiyo oo yaan loo xiisa qabin dhiig kale oo daato, midda kale wadamadaan dalkeenna yimid innga ayaa keenay markii aannu heshiin weynay ayeey na soo dhex galeen oo dhiigeennii kala badbaadiyeen waayo iyagii ayaa xataa naga nabadegeliwaayey marka waa inaan ogaanaa dhibaato aannan annaga isu gaysan naguma dhicin. midda kale waa la xisaabtami doonaa waana la isweydiin doonaa wixii dhacay yaan loo malayn in la isu cafiyey, waxaana qasab ah in ay sharciga maalin uun ka soo muuqan doonan kuwii sidaan yeelay qarankennii, wadxaana aaminsanahay waqtigaas aan sheegayo ma dheera ee halla dulqaato insha allah

Leave a Reply