Shalay Hal Keligii Taliye Maanta 42 Keligii Noolaade
SHALAY HAL KELIGI TALIYE MAANTA 42 KELIGI NOOLAADE
wardoon@journalist.com
Luulyo 25 2012
kacaankii ay mabaa’dii diisu ahayd hanti wadaaga ee dalka somaliya katalinayey 21 ka sanadood waxaa uu sababsaday kalimada kaligii taliye oo loogu yeeray Allaha u naxariistee madaxweynihii ugu danbeeye ee Soomaaliya jaalle sareeye gaas maxamed siyaad bare, waxaa xukuumadii milatariga hayd lagu riday kacdoon ka gadisan kacdoomada shacab weynaha dunidu ku ridaan xukuumadaha kacdoomadaas oo aaminsan mabaadii qeexan oo leh bar ay ka bilwdaan iyo meel ayku dhamaadaan.
Kacdoonkii ay sabab-satay xakuumadii milatariga ahayd waxaa uu ahaa mid ku abaabulan hab beeleed ama dhawaaqa tola’ayeey yaa reer hebela iyo mara tuurashada dumarka Soomaaliyeed oo ayagu ahaa kuwii gundhiga u ahaa halaaga ay wiil iyo waalidba ku waayeen, taasoo ay ugu wacnayd marka ragu geedaha ka dareeri wayaan waxaa ay rag ujeed gooniya wataa ku soo kicin jirey koox dumara oo gambada tuurta, sidaasna ay ragu ugu hooban jiren dab aan haba yaraatee wax aan halaagooda ahayni aanay ku jirin, faa’iidada dumarka kasoo gaarta oo ugu weyna ay ahayd marka raga geeriyooday loo hebeleeyo ay markaa baroor lajeesan jireen.
ma rabo inaan qormadaan ku dheeraado ee waxaan rabaa oo kaliya inaan xasuusiyo kuwii lagu kicin jirey yaa reer hebela inta kasoo hartay ee aan hilbahooda haadu feenan, inta kasoo hartay haweenkii ganba xoorka ahaa oo iyagu agoon iyo aabe laawe, wiil iyo walaal la aan labalaanbalsan mudada 21 sano kabadan, kuwii dabka hurin jirey ee iyagana aan xiligan waxba faraha ugu jirin, natiijada kasoo baxday kacdoonkii qabaa’ilka ku abaabulaa ee halkudhegiisu ahaa keligi taliyaha erya sowkama aanaan dhaxlin 42 keligi noolaade oo isku haysta kursigii keligii taliyaha.
Gunaanad
hadii shalay Soomaaliya rag iyo dumar, saqiir iyo kabiir, lagu damiyey dabkii baxayey iyo layrkii shidnaa, hadii aan waxa dhacay cidna maanta amaan gaara ku mudnayd, qaar kalana eed gaara dusha u saarnayn, hadii aad shalay isku abaabusheeb hab beeleed kaligii taliyana rideen, maxaad maanta talaa ood u haysaan miraha ama maxsuulka idiin yaal oo ah 42 kaligii noolaade garashadooda iyo doonidooduna ay tahay oo kaliya kursigii kaligii taliyaha, kuwaas oo dad dal iyo deegaan toona aan wax dana u hayn.
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Read More: Shalay Hal Keligii Taliye Maanta 42 Keligii Noolaade [...]
Waa maxay waxaan??
kacaankii odogii madaxda u ahaa ee Mahamed Siyaad bare Allah u naxariistee kaligii taliye ma ahyn ee wuxuu ahaa kaligii hanti ma yeeshe ee dadkii kacaankii faaiidada ku qabay ayaa nabadii caro ku shubay dadbadana uga geeriyoodeen waana ka cabeen waxa ay raadinaayen
@buule sida magacaaga ka muuqata somaliga ayaa kugu adag e qoraaga maqaalliisa waa mid caad aanu saarayn waana run ee beertii aan tabcanay ayaan guranaynaa
Horta ninkaagan is qariyay haddii sida aad wax u qortay ay kaa daacad tahay wax weyn baa kaa maqan, haddiise ay nin tooxsi ka tahayna waxaan kuu sheegayaa Keligii Taliye hadaad Siyaad Barre u qirtay tan kalana annagaa kuu qiraynee keligii noolana isagaa ahaa, kuwaad aad sheegay ma inkirsanin laakiin ogow waa wixii uu isaga ka tagay ee uu dhalay, wali waxa socdana waa nidaamkii uu ka tagay keligii taliyihii….
Mid waa jirtaa oo Dawaco sumaysan buu ka tegay, oo waabad aragtaa inta hadda u soo tafa xaydan kursigii uu ka tegay Keligii-taliyihii ama Keligii-noolihii(waan ka xumahay magacyada adigaa bixiyayee) marka kuwan isagu kama fiicnayn sida dad badan oo aad adigu ka mid tahay oo aan hoos wax u fiirin ama waxba kala socon wixii uu ninkaas dalka ka sameeyay ay qabaan, laakiin nin weyn baad tahayee taariikhda been ha ka sheegin.
Waxaan aad ula yaabaa markaan arko jabhaddii USC oo dadka Soomaaliyeed intiisa kala rabata inay la wadaagaan eedda burburka ay dalka ku sameeyeen, oo maalin kasta murmay oo dad dhaleecaynaya, bal waxaad fiirisaa Tarzan oo hadlaya “Muqdisho, Caasimad Waaye” inuu dhagar qabe yahay waxaad ku garanaysaa maalin kasta dad baa guryahoodii lagu dilaa isagoo ka hadlayo marna ma arkaysid, wuxuu ka hadlaayaa “Liido aa lagu dabbaashaa” wuxuu ka hadlaayaa Riyo in Xamar Caasimadda laga bedelo, adeer bal adigu qasab ka dhig Xamar Caasimaad noqoto! marka ninka Qoraaga ah ee is qariyay iyo Tarzan waxaad labadiinaba Suuq u raadinaysaan Badeeco Baartay!…
waa ka cabeen waxay raadinayeen waana eedeen dulmigay falkinayeen
Waxaas waxaa isugu sheekeeya qolyaha aaminsan waxa hebel haysto hadaanan
haysan ama helaynin,waxaa ii fiicnaa xukuumadii malatariga taasina waa qoraxdoo galbeed ka soo baxda.
Kacaankii 21 kii Oktoobar mid la mid ah oo kasii fiican ayaan Eebbe ka baryaynaa, waayo Dowladnimo iyo sharafi kama horrayn kamana dambeyn Dowladdii kacaanka. Ma waxaa jiray Dowlad Afrikaan ah oo dadkeeda waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah siisay oo aan ka ahayn Dowladii XHKS? Ma waxaan lahayn injineerro, duuliyeyaal iyo dhakhaatiir dalku soo saaray kacaankii ka hor? Ma waxaan lahayn Jaamacado iyo Akademiyo soo saarta miskax Soomaaliyeed? Ma waxaan lahayn Gagid iyo Dekado caalimi ah? Miyaanaan ahaan jirin (Dowladdii Soomaaliya) Dowladda kaliya laga dhageysto geeska Afrika? Miyaanay ahayn Dowladdii kacaanka tii Uganda ka baajisay weererkii Tanzania 1972/4 kii? Maxaan maanta haynaa?!!! 15 maamul xaafadeed oo Mahiga uu maamulo ayaan haynaa………Am sorry for those who do not know about the Somali history! Go and read!
@hanoolaato waan kugu raacsanahay e intaa u sheeg ninka labaxay libaax libaax dhalay kkkkkkkkkkkkk xataama istaahilo kuulay calibanjar kuulay cali banjar dhalay dadka fikirkooda la gumaxagxagtee bulshada wax u sheeg hadii aandan weli wax qoris garina dadka fikirooda waa u xor ee fadhi kudirirkaga iska joog
qoraagu waa mahad sanyahay ,maantana gunimo waynu dhex taganahay saa mahiga ina mamulayee. Lkn waxaan ku qoslaa lana yaabaa ninkan labaxay Libaax @ faalooyin qiima beel ah oo waxay yihin iyo waxay ka hadlayan tona anu jirin ayuu qooraa… Ninkii qoraaga ahaa ayuu weeraray, dad dhintay ayuu galay, jamhado qabilo tarsan ,, waxan meshaba ool iyo casimadnimada muqdisho. . Shame on you !
Dad dhin
@Willxarfo and Daljire, in aad u jawaabtaan dad aan jawaab astaahin ma haboona. Waxaan ku jirraa qarnigii 21aad! Qof qarnigii 20aad ku jira ma ahan in aad u jawaabtaan. Taariikhda ninna ma dafiri karo.
Waxaan qabaa anigu siyaad bare ma ahayn keligii tallaiye ee wuxuu ahaa madaxweyne dhab ah oo jecel dadkiia iyo dalkiisa….ee shacabka sidoodaba lagama waayo dad si qaldan u fekera oo aan muwaadiniin dhaba ahayn kuwa hada isu dharaxaya madaxtinimada Dalkana waxaan ilahay ka baryaya inuu nooga dhigo kuwa dhib ka ka saara dalkayaga..#