Shariif Xasan: Lacag Aan Dhacno Maba Nasoo Marin Ee Waxqabadkeena Ayaa Laga Soo Horjeedaa
Muqdisho (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa iska beeniyey eedeyntii ay soo jeediyeen guddiga cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eritrea taasoo shaaca ka qaaday in malaayiin doolar oo deeq ahaan loo siiyey dawlada KMG Soomaaliya ay lunsadeen madaxda sare ee dawlada.
Shariif Xasan oo aan looga baran inuu arimahan oo kale ka hadlo ayaa caawa markii ugu horeysay si toos ah u diiday inuu isaga gaar ahaan wax lacag ah oo dawlada ay lahayd ee musuqmaasuqay.
“Arinkaasi waxaan u arkaa mid aan waxba ka jirin, meeshaan meel wax lagu dhunsan karo maba aha. Xilliga la sheegayo waxaan ku jirnay rafaad iyo dagaalo ayaa lagu jiray” ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay idaacadda dawlada.
Shariif Xasan waxaa la weydiiyey in isaga gaar ahaan uu qaatay lacag ay dawlada lahayd, sida lagu sheegay warbixinta guddiga Qaramada Midoobay, wuxuuna ku jawaabay.
“Illaa 2004 dawlado ayaa dalka ka dhisnaa wasiiro maaliyadeed ayaa jiray, waxa aniga kaliya la ii soo qaatay waa wax qabadkeena ayaa la diidan yahay, sababtoo ah waxa fiican ee aan qabanay ayay diidan yihiin” ayuu yiri.
“Annaga lacag aan dhacno maba na soo marin, walaalow iyo baryo ayaan wax ku wadnay, Illaahay ayaa og sida wax lagu waday” ayuu sii raaciyey.
Shariif Xasan oo si kooban uga jawaabayey su’aalaha isla markaana mararka qaar codsanayey in wareysiga la soo gaabiyo ayaa la weydiiyey sida uu u arko eedeynta guddiga Monitoring Group xiliga ay soo baxday oo ku beegan xilli doorasho isaguna uu ka tirsan yahay musharaxiinta tartameysa.
“Dadkaasi warbixinta ay qoreen iyo waqtiga ay ku aadiyaan waxay u muuqataa in dad gaar ah lagu beegsanayo.” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyey “Dano gaar ah ayaa loola jeedaa”.
Shariif Xasan ma sheegin in wax cadeymo ah oo uu u hayo eedeymaha lagu soo oogay, hase yeeshee wuxuu sheegay in dawlada KMG masuuliyeenteeda ay tahay in ka jawaabaan dhamaan eedeymaha loo soo jeediyey.
Waa jawaabtii ugu horeysay oo Shariif Xasan uu ka bixiyo eedeymaha ku jiray warbixintii kooxda cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay Soomaaliya iyo Eritrea.
Warbixinta oo ka koobneyd 198 bog ayaa shaaca ka qaaday malaayiim doolar oo ay lunsadeen madaxda ugu sareysa DKMG ah uuna ku jiro Shariif Xasan oo horeyu ahaa wasiirka maaliyadda DKMG ah. Waxay warbixinta si gaar ah u sheegtay hab dhaqanka Shariif Xasan oo la tilmaamay inuu meelo kala duwan faraha la galay sida mashaariicda baasaboorka, dekeda iyo garoonka Muqdisho iyo shaqooyin kale oo ganacsi uu ku jiro.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk………………….waryaa shariif sakiin ma waxaad moodey shacabka somaliiyeed iney doqomo yihiin………..indho adakaa ninkaan
KKKK KKKKK KKKKKK ARREEY NINKAAN BEEN BADNAA , MA WUXUU LEEYAHAY WARBIXINTA KOOXDA DABA GALKA QARAMADA MIDOOBEY AYAA BEEN AH ?
LAMA SOCDO MIYAA IN QORAAL KASTA UU WATO CADDEYN DOKUMENTI LEH IYO RAAD RAAC AAN MARNABA SHAKI KU JIRIN MAR HADDII ARRINTU AY KU SAABSAN TAHAY DACWAD UNA SOCOTO GOLAHA AMAANKA EE QARAMADA MIDOOBEY.
SHARIIF XASSAN HADDII UU IS-LEEYAHAY AFKA UUN WAX KU BEENI WUXUU KA KALLUMEYSANAYAA MEEL AAN BIYO KU JIRIN, WUXUUNA MUUJINAYAA DACIIF-NIMADIISA KU AADAN MAAMUL DAWLADEED IYO MID HAY’ADEEDBA.
MIYUUSAN OGEYNIN INUU LEEYAHAY WAKAALADDA BAKAAL ? SAAMINA KU LEEYAHAY DAHABSHIIL ? MIYUUSAN OGEYN INUU LEEYAHAY SHIRKADO KA GANACSADA JAADKA, DIYAARADAHA IYO MAANDOORIYAHA ? MIYUUSAN OGEYN IN MUSHAARKII XILDHIBAANADA UU KA LUNSADEY AY DIIWAAN GASHAN TAHAY , QAARNA UU KA SIIN JIREY BAKAAL BIL KASTA ?
SHARIIF XASSAN MA WUXUU U MALEEYEY INAAN LALA SOCONIN HAWLAHA GANACSI AY XAASKIISA KU WADO NAIROOBI , DUBAI IYO MEELO KALE ? MIYUUSAN KA WARHAAYNIN IN WIILKIISA OO KA SHAQEEYA SAFAARADDA DUBAI INUU YAHAY MUKHALLASKA HAWLAHA WAX IS-DABA MARINTA OO LOO SOO MARO MAGACA DAWLADDA ? MIYUUSAN OGEYN IN WASIIRKII HOREY EE GAASHAAN DHIGGA MR FIQI UU KU KEENEY CODSI KAGA YIMID FIQI ADEERKIISA OO AY SAAMI GANACSI AY WADA LEEYIHIIN ? KA DIBNA MR MAXAMUUD ISLA FAMILKAAS OO DANTA GANACSI AY LA WADAAGAAN UU KA DHIGEY WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ? ARRIMAHAAS OO DHAN UU U SAMEEYEY DAN GAAR AHAANEED.
XAGEEY AADEY LACAGTII UU KA SOO QAADEY IRAN OO SUUDAANA UU KU DHACEY GANACSADIHII U FUDUDEYNAAYEY SOO DAABACAADDA LACAGTA BUGTA AH EE SOMALIA AY RABAAN INEY SOO GELIYAAN, BANKIGA CAALAMKANA HOR IS-TAAG KU SAMEEYEY ?
XAGEE BUU GEEYEY LACAGAHII UU TALIYIHII NABADSUGIDDA MR GITAARA OO HOREY U AHAA XOGHEYNTIISA GAARKA AH , LAGANA SOO QAADEY CUMAAN, IMAARADAKA, QATAR, KUWEIT , SUUDAAN IYO HAY’ADAHA SIRTA EE WADAMADA REER GALBEEDKA QAARKOODA ?
XAGEE BEY MARTEY LACAGTII UU KA SOO QAADEY CALI CABDALLA SAALAX MARKII LA HESHIISIINAAYEY ISAGA IYO CABDULLAHI YUUSUF ? XAGEE BUU GEEYEY MUCAAWANADII LOOGU TALO GALEY ABAARTII KU HOOBSATEY GOBOLLADA BAAY IYO BAKOOL OO ISAGA QANDARAAS LAGU SIIYEY INUU RAASHIINKA GAARSIIYO BOQOLAALKA KUN EE MACLUUSHA UGU DHIMANAAYEY MARKII UU LAHAA SHIRKADDA AL AHLI ? SOW MA OGA IN LA HAAYO IN RAASHIINKAAS UU KA IIBIB JIREY GANACSATO SOMALIYED OO QAARKOODA HADDA DIYAAR U AH INEY KU MARKHAATI FURAAN, ILAAHEYNA TOWBAD U KEENEY .
XATOOYADAAS INUU KU GALEY DEMBIGA AH XASUUQ SHACAB TABAALEYSAN MA OGA MIYAA?
XAGEE BUU GEEYEY LACAGAHII UU KA SOO QAADEY QATAR , KUWEIT IYO DAWLADO KALE EE CARBEED MARKII UU GEEYEY ERITREA SHARIIF IYO KOOXDIISA ? XAGEE BUU GEEYEY LACAGIHII UU KU GADEY KURAASTII BAARLAMAANKA EE LAGU SOO DHISEY DJIBUUTI EE KOOXDII DIB U XOREYNTA OO UGU YABOOHEY MR AWALDIHII UN U QAABILSANAA SOMALIA ?
MA OGA MIYAA IN DADKII LAGA IIBSADEY KURAASTAAS QAARKOODA AY DIYAAR U YIHIIN INEY MARKHAATI FURAAN IN BEECA LAGA SOO BILAABEY $ 5,000 ( SHAN KUN OO DOLLARKA MAREYKANKA ) UUNA GAAREY ILAA IYO $ 20,0000 ? MA WUXUU IS-LEEYAHAY LAMA OGA IN JAGOOYINKA WASIIRADA QAAR UU KU IIBIYEY $ 30,000 IYO IN KA BADAN , DADKII UU KA IIBIYEYNA AY HADDA DIYAAR U YIHIIN INEY SHEEGAAN?
SHARIIF XASSAN WUXUUSAN OGEYNIN IN SOMALIDU AYSAN HABA YARAATEE LAHYNIN WAX SIR AH ISNA GAARSIIYAAN WAX ALLAALE AWXII AY LA SOO KULMAAN, TAAS OO SAHLI KARTA IN SI SAHLAN LAGU SOO URURIYO SIRTA , LAGUNA RAAD RAACO HALKA AY KU BIYO SHUBATO.
GANACSATO KU SHEEGTA EE KU TAAJIRTEY XOOLAHA QARANKA IYO TAN SHACABKA AYAA SI DADBAN ULA SHAQEYSTA SHARIIF XASSAN IYO KOOXDIISA , CADDEYMO KU FILANNA WAA LOO HAAYAA, HADDII AY KOOXDA DABAGALKA QM AY U BAAHATANA FARTA LOOGU FIIQI DOONO, IYADOO QORAAL AHANA LOO GUDBIN DOONO, SIDA SHIRKADAHA KALA AH SHARIIF ABOW, SHIKHEEY, BAA CALWI, BAKAAL, AL AHLI, SHARIIF DHEGA WEYNE IYO KUWO KALE OO AAD IYO AAD FARA LOOGA HAAYO.
UGU DAMBEYNTII SHARIIF XASSAN MA WUXUU U MALEEYEY INAAN LAGU DABA JIRIN MARKII UU HADDA KU DHEX JIRO IIBINTA KURAASTA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE OO AY HADDA JOGTO $ 30,0000 UNA SOO DULAALAAN DUUBAB BUG AH OO UU SAMEYSTEY KUNA AMREY INEY U SAJUUDAAN KA DIB MARKII UU U DIIDEY DUUBABKII SOO JIREENKA AHAA INEY MATHALAAN BEELAHOODA , ARRINTAAS OO HADDA BEELAHA JIDDO, DABARRE, TUNNI IYO KUWO KALEBA SI TOOS AH UGU GUDBIYEEN IIBKA UU KU HAAYO SHARIIF XASSAN DHAQANKOODA IYO JIRITAANKA BEELAHOODA ISAGOO KU RAADSANAAYO LACAG SI UU U FUSHADO DANAHIISA GAARKA AH.
SHARIIF XASSAN WAA INUU SI CADAALAD WAAFAQSAN ISAGA DIFAACA DEMBIYADA KALA AH:
1) XATOOYO HANTI QARAN IYO MID GAAR AHAANEED.
2) KU TAKRI FAL AWOOD DAWLADEED IYO WAX IS-DABA MARIN MAAMULEED.
3) XASUUQ GUUD ( GENOCIDE ) EE UU KU SAMEEYEY UMMAD TABAALEYSAN MARKII UU AL AHLI ISKA LAHAA , QANDARAASNA KU QAATEY INUU RAASHIINKII QM GAARSIIYO UMMADDAS, UUNA IIBSADEY.
UGU DAMBEYNTII WAXAAN LEENAHAY SHARIIF SAKIINOOW CARABTA WAXEY KU MAAH MAAHDAA ” AL BINTU FIL BEYT, WA KHABARUHAA FIL SUUQ”, TAASOO MICNAHEEDU AYAHAY ” GABARTA WAXEY KU JIRTAA GURIGA, WARKEEDNA SUUQA AYUU YAALAA ” SIDAAS DARAADEED OGOW INUUSAN JIRIN WAX KUU QARSAN. KUMANA DIFAACI KARAAN KUWAV KUUGU WAREEGSAN SIDA MR BURCI, KHAALID, NURAANI BAKAR, SHARIIF SHEEKHUNA IYO FOWSIA, XITTAA HADDII AAD DOONTID KU SOO DARSO MR DHUXULOW IYO IBBI ILLEEN DAGAALKA HADDA MEEL FAGAARE AH AYUU KA DHACAYAA . KKKK KKKK KKKKK
sheekhu lacag waxa uu u yaqaan bilyan iyo wixii ka badan.markaa hadii uu bilyanku soo mari lahaa wuu dhici lahaa waa siduu hadalka u dhigay e kkkkk
Inaalilaahi !! waryaa weli ma u sii ciilqabtaa dhaca shacabka soomliyeed , Ku lahaa lacag maba arkin tan aad daabacaaysid iyo tii wasaarad maaliyada ma hooyadaa ayaa ka dhaxashay kaallay ma waalan yahay ninku war xishooda oo dadka ka horwareega ducufoyahay imaanka la,a. kii kalena ma haduu lacag horleh siinayaa TVga universal walaahi xataa tvgu waxa uu nioqn doonaa jabbad laga guuray kaas aayaa soomaali u haray e ha ceebaayn tvga.
hahahahahahahahahahaha kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kix kix kix kixkix war yaa qosloo af wanaagsan. waxaa layidhi reer aan qof waalan lahayni si wacan uma qoslo sakiin aad buu iiga qosliyey
Qofkastoo Soomaali ah markuu wejigiisa iyo hadalkiisa maqlo ayaa dhiigkar ku dhacaa,
walee shariif ma, xishoodo, war halkaad joogto is eeg oo iska dhuumo.
Keerow kudarso waxaa mar dhoow soodagay magaalo kutaala state la dhaho Michigan Xaas iyo ilmo uu dhalay Waxayna ka soo guureen isla satate ka Michigan maagaalo ladhaho Lansing oo ah capital cityiga Michigan Waxay ka daganaayeen Lansing michigan guri low income ah. Hadana waxuu u gaday guri $ 300.000. Gurigaana waxaa lagu kalagatay cash America banaankeeda waxaana laga gaday gurigaan nin ka ahaan jiray wasiir dowladii Ina cabdirishiid oo ladhaho Boonoow. Marka shariifka parlamaanka Waxuu danbi ka galay America social service ka loo gu talo galay Dadka faqriga ah , Shariifka parlamaanku waa most corrupted man Waana in la sooqabtaa hantida uu kadhacay Dadka Soomalida ah Oo ku dhibaa teeysan xeryaha qaxootiga wadanka gudihiisa & Dibadiisa, Shariifka parlamanka waa in lasoo xiraa Hantida uu kadhacay Umadana la soo celiyaa Waxba ma Qarsomi karaan ,
Tuugo kula taal tabtaa ma weydo. Kuligood waxba isma dhaamaan.
war ilayn tanookale war shariif xasan iyo tv unvrsal waxba isma dhaamaan oo walaahiya kan unvrsal leh wuxuu USHAQEEYAA oo sitoosa ugu shaqeeyaa SIILAANYO DHIIGSHIIL LAND UFIIRSADA HADALKAAS WAXAA LASOOCADEEYEY OO DABAGAL DHEER KADIB AAN OGAANAY INUUSAN UDHAXAYN UMADA SOOMAALIYEED TV UNVRSAL WAA HUBAAL TAASI WAXAA QANDARAAS SIIYEY IYO HESHIIS HOOSE SIILYAANO DHIIGSHIIL LAND
Alle halaga cabsado oo yaan la xadgtdbin wax badan ayaa jiro øo Soomaalida ka qarsan. Warkan kasoo baxay UNMG waxa laga leeyahay dano aad u fog raga hadeer la eedaynayana qaasatan 2 shariif waxay wakiil ka ahaayeen isla xafiiska maanta eedaynayo , lacagaha la sheegayana waa 3 lacagood o laga helay wadamo carbeed! Aaway halkeesa martay 250 malyan e caalamka ugu deqo somaliya sanadwalba e UNta maamusho?!
Soomaaliyeey caqligiina ha shaqeeyo.
HADUU SHARIIF SAKIIN MAANTA UU GALAY DABIKII QABLEEYDA DAALIMIINTA MAXAA LOOLA YAABAY MARKUU SAAXIIBKII LAHAA WAASHINTON SHIRKII 2SANO IYO BILO KAHOR MAKUU HORTEGEY SHEEQ SHARIIF QURBAJOOGTA USE WUXUU YIRI OO KU CELCELIYEY NINKAAS SHARIIF ANAA KAMASUULA WUXUU LAYIMAADO MARKAY ISKASOO TAAGEEN DAD AAD UFARA BADAN OO SOOMAALIYEED OO INDHEERGARAD IYO SIYAASIYIIN ISUGU JIRA MAANTA ILAAHAY QABLEEY DA DAALIMIINTA HAKU XEJIYO HADUU DHACAY MASAAKIINTII JIDKA KUDHAMAANAYSEY LABDOODUBA WAA IS OGYIHIIN EE YAAN LOO KALA HADHIN DAALIMIINTA ILAAHAY SOOOQABAY HADAY CUNEEN XINJIRIHII UMADA AAMIIN
Keerow ciil & caadifada aad qabto qoto dheeraa.
Barakada Ramadaan ha is seejin beenta & namiimnimad waa dambi aad u weyn.
Shariif Xasan waxi wanag ah oo uu umad Soomaaliyeed u galay waa la ogyahay xumaanta laga faafiyana waa la ogyahay. Soomaalina waa istaqaan
raxanreeb GAAS na amaan bey u heysaa Sharif Xasanna eedeyn !!
Kii doqon ah haloo sheego
shariifka waxuu sheegay inuusan waxba is-dabamarin waa inaan u qaadana sida u yiri waayo anaga waxaan ku caddeyn karno ma jirto sidaa darrted kuwan meeshan wax ku qoray u hadlaya sidii ayagoo wax caddeyn ah waxaan idin leeyahay sida halku-dhigga siyaasadeed ee leh adeer caddee ama aamus( show it or shut up ).