Shariif Xasan Oo Si Rasmi U Shaaciyay In Uu Yahay Musharax Madaxweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdsho (RBC) Iyadoo ay soo badanayaan musharaxiinta dooneysa in ay noqdaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wixii ka dambeeya marka ay dhamaato xilliga KMG ah oo ku eg wixii ka dambeeya 20-ka August, ayaa waxa ka mid ah shaqsiyaadka doonaya in ay noqdaan madaxweynaha Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh oo ah guddoomiyaha garab ka mid ah baarlamaanka lakala diray.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waa nin siyaasadda Soomaaliya 20-kii sanno ee burburka ku soo biiray, waa nin xiriiro badan la leh beesha caalamka iyo dalalka dariska ah, sida Ethiopia.
Waxa uu soo noqday labo xili afhayeenka baarlamaanka, sidoo kale xukuumadii Ra’iisal wasaaraha uu ka ahaa Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake waxa uu ka soo noqday ra’iisal wasaare xigeen iyo wasiirka maaliyadda.

Shariif Xasan waxa uu hadda doonayaa in uu qabto jagada ugu sareysa dalka Soomaaliya, waxa dhowr jeer la sheegay in uu ka mid yahay masuuliyiinta lacagta dowladda soo gasha lunsaday, sido kale waxa uu xiriir la sameeyaa kooxaha doonaya in boqonta jaraan hanaanka dowladnimo, waxa ay isqabteen madaxweynihii geeriyooday Cabdulaahi Yuusuf markii dowladii Kenya lagu soo dhisay ay xarun u ahayd Baydhabo, waxa uu isbaheesi la yeeshay midowgii maxkamaddaha garabkii Asmara ee uu ka mid madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqi doono in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu yiri ” Qof Soomaaliyeed ayaan ahay xaq ayaan u lee yahay in wax doorto annigana la idoorto, marka waxa aan ahay musharax haa waxa aan doonayaa in ay isku soo taago xilka madaxweynaha.

Mar uu ka hadlaayay haddii u yahay musharax madaxweyne, in uu haddana yahay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waxa uu yiri ” Maya marabo in aan isku soo taago xilka guddoomiyaha baarlamaanka, hadda waxa aan ahay musharax madaxweyne”

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ka mid yahay dadka ku jira warbixin ay dhawaan ay soo saareen kooxda dabagalka cunaqabateenta Soomaaliya Monitoring Group oo sheegay in seddaxda masuul ee ugu sareesa dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka sannadkii la soo dhaafay ee 2011-ka in xafiisyadooda ay isticmaaleen 12-milyan lix boqol iyo shan kun oo dollarka Mareenkanka taasoo loo maleenayo in ay la lunsaday.

Si kastaba, seddaxda masuul ee ugu sareeysa dowladda KMG ah waxa uu mid kasta sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxana ay arrintaas keentay su’aalo badan, laakin waqtiga ayaa loo deen doonaa.

RBC Radio

———————–

Xafiiska Wararka Muqdisho

Waxa uu hadda doonayaa in uu qabto jagada ugu sareysa dalka Soomaaliya, waxa dhowr jeer la sheegay in uu ka mid yahay masuuliyiinta lacagta dowladda soo gasha lunsaday, sido kale waxa uu xiriir la sameeyaa kooxaha doonaya in boqonta jaraan hanaanka dowladnimo, waxa ay isqabteen madaxweynihii geeriyooday Cabdulaahi Yuusuf markii dowladii Kenya lagu soo dhisay ay xarun u ahayd Baydhabo, waxa uu isbaheesi la yeeshay midowgii maxkamaddaha garabkii Asmara ee uu ka mid madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Share

20 Responses for “Shariif Xasan Oo Si Rasmi U Shaaciyay In Uu Yahay Musharax Madaxweyne”

  1. Barqo says:

    Waa nasiib daro in shariif xasan oo aan ognahey sida uu ugu tagrifashey xafiiskii baarlamaanka inuu maanta isusoo taago xil madaxweyne .waxaan hubaa hadii ladoorto in lawaayayo magaca somalia god dheerna ayku sii dhaceyso qaranimadu

  2. [...] See more here: Shariif Xasan Oo Si Rasmi U Shaaciyay In Uu Yahay Musharax Madaxweyne [...]

  3. daljirka says:

    kkkkkkkkkkkkk. War shariifow anigu waxba kaa shegi mayo oo waa ramadaan. Lkn waxaan kusoo koobayaa ( madax waynanimoy xaal qaado). .

  4. asad says:

    HaYaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaY !!!!!!!!!

  5. keerow says:

    Wax cusub ma ahan arrintaan maxaa yeeley kuwoo isaga oo kale ayuu arkey iney murashax yihiin.

    Waa aduunyo gadoon sida horey loo sheegey in Xukunka ay ku tartamaan kuwa ugu dembiyaha badan ee dalka.

  6. A.karim says:

    Tuugaan ya dooranaya

  7. aar says:

    TUUG TUUKSI BADAN.

    ORODOO DADKAADA DARXUMADA HAYSTO WAX U QABO. LACAGTA XAARANTA AH KOLEY MEEL XUN WAY KUMARINAYSAAYEE.
    60JIR AAAYO XUN BAA TAHAY.

  8. Ceelbooc says:

    Geelaaga cirkaas lagumaal qodhay iyo xeraday

    3 da masuul ee uugu saraysa madoorteen inta lasoo cadaynayo oo clean laga dhigayo ilayn khiyaano qaran baa lagusoo eedeeyay marka inta laga soo hubinayo teeramkaan waa in laga gudbaa ilahay dartiis wani cusubna ladoortaa waa dad karti u leh siday wax u socdaan new face pls

  9. Ahmed says:

    Aflagaadadu waa ceyb waxan ku jirnana waa bil Ramadan. Webka RR waxaan ka codsanayaa aflagaadada tirada badan oo shaqsi ama qabiilkiisa ama deegaankiisa lagu aflagaadeeyo halaga joojiyo. Contol u sameeya commentiga. Waayo dad aan weli kuleylka nabad la’aanta keentay baa wax is soo qorqora mararka qaarkood. Xuriyatul Qowl micnaheedu ma ahan wixii webka lagu soo qoro afka halagu taago.

  10. Taleexi says:

    Kkkkkkkkkkk sheeko baralay shariif sakiin sharcigii uu jeclaa ee 4.5 ayaa u diidaya oo aan u ogoleyn inuu madaxweyne kanoqdo Somalia.

  11. ali says:

    Allaylehe anaa raacsan oo dooranaya, saaxiib ninkaan hub mawato qori caaradddii wax ku doonimayo horey umadda umasoo xasuuqin maxaa loogu diidayaa. KKKKKKKKKKK, siyaasad oo kaliya baa hub u ah iyo nabad. waxaa cajiib ah ummad dhan oo ka xajiimoonaya ruuxii wanaag wada, Tuug iyo aabihii, khaa’in iyo aabihii ummad laaye iyo aabihiina gorodda kusoo qaadanaya misana wanaag baan rabnaa leh aana arkin guntiga iyo gorodda waxa uga buuxa. waxaad mooddaa in Somali sanada ilaahay ka qaaday caqliga iyo xikmadda “wisdom” aanayna kala garanayn waxa ugu sahlan ee SAXA iyo KHALADKA Ah.

  12. Ismahan says:

    Waxan kujirna bishi barakaysneed qofna waxkamashegayo lkn wanka xumahay in qof walba dhoho madaxwaynan raba wasu al maxalagahela madaxwayne dadbadan ban aragna in ay ahayn dad somaliya wax uqabanaya marka malacagbayraban ilahayow cebta somaliya astur

  13. puntlander says:

    madaxwayne qofkasta oo soomali ah ayaa isu soo sharixi kara lkn qof danbiile ah isuma soo sharaxinn karo xilka madaxtino ee dalka sidoo kael qof lunsaday handi agoomeed iyo hanti loogu deeqay barakacayaal isuma soo sharaxikarao waxaaba haboonayid in uu is casilo hada

  14. wiil gedo says:

    One thing, shariif sakiin your brain divorced your head.if your thinkin somalis will elect you president.

  15. qabqabsey says:

    shicibka somaliya iyo labada shariif,faroole,cabdiwali,iyo odayaasha isku sheegay in ay oday dhaqameed yihiin ee xamar fadhiya ee af ku xooglayaasha ah yaa wax waydiinaya.waxa hore loo yidhi wadhaf iyo shimbrihii war isuma hayaan.dawlad nimo iyo qabqablayaal qabiil qaawan u badheedhay meel ma wada fadhiisan karaan.
    taxa aan ognahay ragii liisamada looga qaaday waayo dadkii ay matalayeen bay dhaceen in meesha ay wasiiro ka yihiin .
    waxa la ogyahay in shariifyadu al shabaab ay wada shaqaystaan.
    waxa la ogyahay qaar oday dhaqameedka lagu sheegayo iyo faroole in ay budhcad badeeda wada shaqaystaan.
    waxa aysan ogayn in siyaasada lagu kala tagay oo rag is gurayo.
    waan ka xumahay in ay somaliya masiibadaa nasiib darada ahi shicibka haleeshay.
    xamar iyo garawe waxa ka taliya caado qaadayaashii ugu gunsanaa somali.
    shicibkaa dhiban waan u soo ducaynaynaa in ilaahay faraj kale u furo.
    31Aug 2011 waa kala reebkii somali ee taa ha la ogaado.

  16. ali says:

    walee kurisgoo laguu waashay ee mid kheyr qabo alloow noo keen

  17. Shandile says:

    Sharif you are right go for it , Mr.president . You can make a difference.
    You have my vote Upps , My tribal leader vote as long you fill up his pocket.

  18. Ahmed says:

    188 cod baa lagu soo doorta, the rest is history. Markey gaarto one man one vote markaas hala hadlo.

  19. xarago says:

    ilaaheey danbi dhaaf weydiiso intam xolahaas masakinta
    soo cuni karto wa so cuntey xil laga cararo aa la arki
    jirey intaas ilaah ha ku calfo dadka waalan xata
    ku dooran maayan hadaan xabsi lagu dhigin ayaa
    nasiib leedahay

  20. Ali Soomali says:

    shariif xasan waa halyey wax badan dalkiisa iyo dadkiisa taray, runta marka laga hadlayo oo caadifadda iyo jirada dadka qaarkiisa ku jirta meel la iska dhigo Shariif xasan waa halyey mudan in loo doorto madaxweyne waayo intii somalia bur-burka ka dhacay shariif xasan waxuu geed dheer iyo gaaban ku koray inay somalia dowlad taam ah ka islaaxdo, asaga ayaa asaaskeeda iyo hormoodkeeda lahaa dowlad kasta oo dalkan soo martay bur-burka dabadi, maanta waa istaahilaa in uu dalka madaxwene ka noqdo.

Leave a Reply