Sheekh Shariif: Baarlamaanka Cusub Cid Aan Soo Buuxin Shuruudaha Ma Soo Geli Doonto


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya looga baahan yahay shuruudo tiro badan iyagoon soo buuxina aysan soo geli doonin baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Shariif ayaa hadalkani ka sheegay kulankii shalay isaga, Raysul wasaare C/weli Gaas iyo Shariif Xasan ay la yeesheen odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho.

“Waxaa jira guddi farsamo oo ka socda saxiixayaasha, guddigaasi waxay hubinayaan in xildhibaanada cusub ay yihiin dad shuruudaha ka soo baxay, haddii ay wax ka dhinaadaan dib ayey ugu celinayaan beelaha” ayuu yiri madaxweynaha oo sidoo kale u mahadceliyey lixda saxiixayaasha ee qariirada roadmap-ka.

Madaxweynaha ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka inaysan keenin dad aan ka soo bixi karin shuruudaha, “Waayo baarlamaanka cusub waxaan ka rabnaa dad masuuliyad qaadi kara” ayuu yiri.

Dhanka kale Sheekh Shariif wuxuu sheegay inuu ka xun yahay in odayaasha dhaqanka Soomaalida lagu soo koobay 135 oday oo kaliya balse odayaasha Soomaaliyeed aysan ahayn 135 kaliya.

“Waxaan rabnaa in liiska 135 oday la soo dhameystiro, taasi micnaheedu ma ahan in duubabka Soomaaliyeed ay yihiin 135 kaliya laakiin siyaasada ayaa keentay” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ay wehlinayeen raysul wasaare Gaas iyo Shariif Xasan oo dhamaantood ah musharixiin u tartameysa xilka madaxtinimada dalka.

Hadalka madaxweyne Shariif ayaa imaanaya iyadoo guddi loo saaray xallinta khilaafaadka ay weli ku hawlan yihiin soo gudbinta liiska magacyada saxda ah ee odayaasha dhaqanka kadib markii muran uu ka yimid odayaasha qaarkood oo lagu eedeeyay inaysan ahayn dhaqan soo jireen ah, waxaana usbuucii hore madasha shirka laga saaray labo xubnood oo la sheegay in beelahooda ay ku muransan yihiin.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Sheekh Shariif: Baarlamaanka Cusub Cid Aan Soo Buuxin Shuruudaha Ma Soo Geli Doonto”

  1. Sama_Kataliye says:

    Shariif afgaduud iyo cabdiwali calooley baa hadba meel nooga qaadaya shanbirayahow heesa hees wanaagsan heesa. Sharuudaha cusub oo ay maanta noo sheegayaan maxay tahay haday sharuudo iyo nidaam ixtiraamayaan may shariif sakiin meesha ka cayriyaan miyuusan ahayn midkii baarlamanku aqlabiyad ku cayrsheen sannad ka hore.

    Ninbaa laga sheegay anigu ma tuugaas baan lax kadhaarsanayaa amaba shacabka soomaaliyeed bay nimankaan u maleeyeen wax magarato iyo dhasheed in uu yahay!!

Leave a Reply