Shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo Ka Furmay Addis Ababa Iyo Madaxweyne Shariif oo Kulan Gaar ah La Qaatay Senawi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Shir madaxeedkii ururka Midowga Afrika ayaa shalay galab ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia halkaasoo ay isugu yimaadeen madaxda wadamada qaaradda Afrika.

Shirkan ayaa xoogiisa diirada lagu saarayaa dhibaatooyinka siyaasadee eewadamada qaarkood, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa xaalada wadanka Mali oo afgembi militari talada looga qaaday maamulkii dalka.  Midowga Afrika ayaa cambaareeyay maleeshiyaadka ka dagaalamaya wadankaasi ee lagu eedeeyo inay xiriir la leeyihiin ururweynaha Al-Qaacida.

Sidoo kale arimaha labada Suudaan ayaa si weyn looga hadlay, waxaana madaxda Midowga Afrika ay soo jeediyeen in arimaha labada Suudaan lagu wajaho xal diblomaasi.

Arimaha Soomaaliya oo shirkan looga hadlayo ayaa si aad ah looga hadlay dadaalada Midowga Afrika gadaal ka riixayo ee lagu wado in lagu soo afjaro waqtiga ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Kulanka Shariif iyo Senawi

Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka Midowga Afrika ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay raysul wasaaraha wadanka Ethiopia Melez Senawi, kulankaasoo ka dhacay xafiiska Senawi.

Warar ku dhow safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in kulankan uu la xiriiray ballan hore oo u dhexeysay labada nin, waxaana watrar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Shariifka iyo Senawi ka hadleen doorashada ka dhacaysa Muqdisho bisha Agoosto taasoo uu Shariif u tartamayo in markaleuu madaxweynaha dalka ku noqdo.

Raysul wasaaraha Ethiopia Senawi ayaa horey taageeradiisa u siiyey Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loolanka madaxtinimada kaalin fiican kaga jira, waxaase laga yaabaa in madaxweyne Shariif arintaasi uu ka walaacsan yahay isla markaana uu doonayo in taageerada Ethiopia, oo muhim u ah siyaasadda Soomaaliya uu isaga helo si uu kursiga madaxtinimada Soomaaliya ugu guuleysto.

Sheekh Shariif ayaa isla arimaha doorashada kala hadlay madax ka socota wadamada Suudaan, Kenya, Jabuuti, Uganda, Rwanda iyo Burundi oo dhamaantood uu taageero ka raadinayo.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Shir Madaxeedkii Midowga Afrika oo Ka Furmay Addis Ababa Iyo Madaxweyne Shariif oo Kulan Gaar ah La Qaatay Senawi”

  1. Puntlander says:

    Maansha’alaah Xuduudii Soomaaliya wey fiday oo Madaxweyne shariif waxa uu madax u noqon doonaa Ethiopia, Kenya, Jabuti iyo Ugandha madaama uu Codkooda rabo si uu u gu guuleysto Xilka Madax nimada Soomaaliyeed.

Leave a Reply