Shirkii Ansixinta Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya oo Markii Saddexaad Dib u Dhacay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya oo lagu balansanaa in uu maanta si rasmi ah mar kale kaga furmo magalada Muqdisho ayaa dib u dhac uu ku yimid markii sadaxaad.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda dastuurka iyo arrimaha fedraalka ee Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa warbaahinta u sheegay in gabi ahaanba uu shirkaasi dib u dhac ku yimid.

Xaaji Buux waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababtay muran iyo is qab qabsi ka dhex jira Odayaasha dhaqanka, waxaana uu tilmaamay in ugu dambayn shirka la filaayo in uu furmo 25-ta bishaan oo ku beegan maalinta Arbacada.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka Soomaaliya ayaa wuxuu intaasi uu ku siidaray hadalkiisa in ay haatan magaalada Muqdisho xaadir ku yihiin xubnaha ergadii ansixin lahayd dastuurka iyo kuwo ka sii badan intaba.

Wuxuu sheegay in odoyaash adhaqanka ay sidoo kale isku qilaafsanyihiin ergada ansixinaysa dastuurka, wuxuuna tilmaamay in odoy waliba uu wato, ergo gaar ah, taasina ay keentay in ay yimaadaan ergo ka badan intii loo baahnaa.

Ugu dambayntii C/kariin Xaaji Cabdi Buux wasiir kuxigeenka wasaaradda dastuurka waxa uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka in ay kala saaraan hawlaha qaranka iyo kuwa beelaha gaar ah, waxaana uu ku booriyey in ay muhiimadda koowaad siiyaan hawsha qaranka oo ah tan ay iminka Muqdisho ugu shiraayaan.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

5 Responses for “Shirkii Ansixinta Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya oo Markii Saddexaad Dib u Dhacay”

  1. [...] Read this article: Shirka Ansixinta Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya oo Markii Saddexaad Dib u Dhacay [...]

  2. [...] Read More: Shirkii Ansixinta Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya oo Markii Saddexaad Dib u Dhacay [...]

  3. Khadra ibraahim says:

    Hilib ceeriinkiisa lagu hishiin waayey bisaylkisana malagu hishiiyo, awalba dastuurka dhan xaaraan ayuu ahaa dhib udhacaan aad maqlaysana waa inuu baadil yahay ayey kutusinaysaa, waxanu haysanaa mid ansax ah wana quranka doodiana kama taagna ee quraanka intii latuuro yaan binu aadam hadalkiis laqaadan wili dastuur nin cadaana dajiyay oo gaal ah, walaalayaal ilaahay kabaqa oo wiliba ilaaha aad sheeganaysaan inaad tuurteen kabaqa isaga idin abuurtay waxna lama ahaa inuu ilaahay madasha shirka dhulka lagooyo, haa waxba lama aha.

  4. jamaal says:

    Asc sln ka dib aniga kuma qancin shegadan dowlada hanoo shegto hadii ey culeys saaranyahay maxa yelay waxa muqato in ey la ordayan dasturka waana arin u bahan si argati fog in looga baarandago ileyn waa mustaqbal umadeed odayaasha fursad haloo in ey ka saaran waxa xaaranta ah oo aan dalka dadka iyo diintena islaama u qalmin mahadsanidin. Ramadankarim

  5. cabudwaaq says:

    odayaalku soo ma ahan kuwii labaatan sano qabiilkooda dhextaagnaa oo somali isku keeni waayey?
    sow maaha kuwii u abaabulahyay in ay somalidu islaayaan?
    hadii oday kheyr leeyahay waa horey somali isku soo dhaweyn lahaayeen soo maaha?

    anigu waxaan ku talin lahaa in lakala buriyo waxa meesha iskugu yimid ee labaxay xildhibaano iyo nabadoono. walaalayaal waxaan ognahay in qaladaad dhor ah uu kujiro dastuurka qaladaadkaas waxaa ugu weyn in uu leeyahay dastuurku in xuduudaha somalia ooo muranku kujiro si nabad ah oo shaciyada waafaqsan lagu dhameeyo anigu oma arko erayadaas in ay toos u siinayso kenya badeena marka odayaalka xaad uu hogaamiyo isbaaray u dhigteen geedi socodkii hayaanka ahaa oo dowladnimo lagu gaarayey ayagoo isticmaalaya dastuurka hada iyo talo waa in lakala diraa kuwaan inta xalaasha ah oo soo harta ama Garowe ama Cabudwaaq haaloogu yeero hana la ansixiyo dastuurka doorashada madaxweyne Garowe HALAGU QABTO .

Leave a Reply