Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka Oo Galay Maalintii Shanaad
Muqdisho (RBC Radio) Shirka Ergada ansixinaysaDastuurka Cusub ee Soomaaliya ayaa galay maalintii Shanaad iyadoona maanta ergada golaha ansixinta dastuurka cusub loo qaybiyay ilaa iyo 10 Gudi isla markaana gudi kasta ay ka doodaysay Qayb ka mid ah dastuurka.
Raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed cali Gaas oo maanta la kulamay dhamaanba gudiyaadaasi ayaa waxa uu ku booriyay in ay howshooda si wanaagsan u gutaan.
C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu sheegay in ergada ansixinaysa Dastuurka ay haatan haayaan howl adag loona baahanyahay in ku dhameeyaan waqtigii loogu talagalay.
Mar Raysal wasaaraha Soomaaliaya laweydiiyay in dastuurka lagu soo darayo ama lagu cadaynayo caasimada Soomaaliya ayaa wuxuu ku jawaabay.
“arintaas waxaan u daynayaa ergada ansixinaysa dastuurka sababtoo ah ayaga ayaa go’aan ka gaaraya casimada iyo arinteeda mana ahan in aan anigu wax badan ka iraahdo arintaasi” ayuu yiri Raysal wasaare Gaas.
Wuxuu intaasi ku daray in loo baahanyahay maadaama lagu jiro bisha Ramadaan oo ah bil cibaado in Ale laga cabsado oo laga fiirsado dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Shirka golaha ansixinta dastuurka ayaa wuxuu soo bilowday 25-kii bishaan aan ku jirno ee July waxaana loogu talagalay in uu socdo mudo Sagaal maalmood ah iyadoona haatan ay ka harsantahay oo kaliya ilaa iyo afar maalmood.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho





















alaa weyn nin ki aaminaa awood leh.soomaaliya hanoo laato .hadaanu nahay qurbo jook to oo aan lasocdo xaalada somalya waxaan dhihi l.ahaa sida aad kusocotaan halagu socdo cadowgana hajabo .walaahi waa farxad .xamarey waan kuusoo socdaayee isug.
Haddii ay dhab tahay in ra,isal wasaaruhu idinku yiri “maadaama bishii barakeesneed ee ramadaan lagu jiro dastuurkan si wanaagsan ha looga fiirsado” sida laga wariyey isaga waajibkii iska rid oo waa gutay.Adinkay idiin taal inaad amaanada sida ay tahay u gudataan oo Alle idinla og yahay ama in laydin dhinac mariyo oo bil Ramadaan aad shahaado suur ( marqaati beenaale ) furtaan Alle iyo ummadda hortooda!!! Alaahuma ash’had inaan gaarsiinay.