Shirka Lagu Ansixinaya Dastuurka Soomaaliya Oo Goordhow Furmay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Sida ay soo sheegayaan wariyaasha RBC Radio u jooga Shirka lagu ansixinaayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxa goordhow si rasmi ah u furmay shirka lagu ansixinaayo dastuurka cusub ee dalka, isala markaana waxa goobta shirka soo gaaray madaxda dowladda KMG ah Soomaaliya.

Waxa bilowday khudbadaha laga jeedinaayo shirka, iyadoona ay ku sugan yihiin goobta fannaaniin kuwaas oo maanta oo dhan madadaalo u hayay ergada ka qeybgaleysa shirka.

Shirka ayaa furmay 1-dii duhurnimo ee maanta, iyadoo uu dib u dhacay muddo 4-saac iyo wax ka badan.

Waxana shirkan barbarsocda shir kale oo ay lee yihiin odayaasha dhaqanka, kuwaas oo soo xulaya 275-mudane oo ah baarlamaanka cusub ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya,Afhayeenka baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga ayaa la filayaa in khudbado ay ka jeediyaan shirka oo maanta furitaan iska ah, oo shaqo sidaas u badan aan la sameen doonin.

Shirka waxa kaloo ku sugan golaha wasiirada xukuumada KMG ah.

Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

Share

Tags:

4 Responses for “Shirka Lagu Ansixinaya Dastuurka Soomaaliya Oo Goordhow Furmay”

  1. khadija says:

    alloow guulee oo ka dhig mid soomali dan u ah odayaasheena dhaqanka in ay noqdaan kuwii guul u soo hoya soomaliya oo shaashada aduuunka xumaan mooyee aan wanaag laga soo saarin ishaa barakeysan illahay waxaan ka baryeynaa in wadankeenii sidiisii noogu soo noqdo oo sheydaan oo dhan uu naga qabto faroole ka biloow burcad shabaab iyo sheydaan oo dhan aamiin aamiin insha allah.

  2. [...] Visit site: Shirka Lagu Ansixinaya Dastuurka Soomaaliya Oo Goordhow Furmay [...]

  3. daljirka says:

    Guuul insha allah Allow dalka noo hagaaji.Aamiin

  4. luul says:

    to khadiija sheydaanta baxsatay , adiga ka biloaw naftaada in aad wanaajiso
    mesha waxaa ku soo qoreysaa magac nin madax ah ayaad aflagaadeyneysaa markaas ayaad leedahay illahow naga qabo . madaxweyne faroole waa nin wanaagsan adiga oo kale ma ahan oo fulaynimo awebsite ku ceytameysid , naa aqlaaqdaad suubi waxdaranyeey wasaqda ah

Leave a Reply