Shirka Midowga Africa Waxyaabaha Kalkan Hareen Doona [Warbixin]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Addis Ababa (RBC) Hoggaamiyaasha midowga Africa ayaa kullan ku leh magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia, waxana doorkan u yaala shaqo adag oo ay ka mid tahay qataraha ku wadahan Gobalka ee ka immaanaya Al-Qaacida, xallinta khilaafka ka dhex-jira labada Sudan,hoggaan cusub oo midowga Africa uu yeesho iyo is-badalka ka dhaca Soomaaliya wixii ka dambeeya 20-Agust ee sannadkan.

Tan iyo markii sannadkan afgami ay ka dhaceen dalalka Mali iyo Guinea-Bissau oo ku yaala gobalbeedka Afrika, ayaa dhul badan oo ku yaala waqooyiga Maali waxa uu ugacan galay kooxo islaamiyiin ah oo xiriir dhow la leh Al-Qaacida, waana tan keentay in kalkan shirka uu ahmiyada ugu weyn siiyo arrintaas.

Midowga Afrika ayaa diyaarinaya ciidan cudud leh oo loo diro dalka Maali, kaddib markii kooxda qabsatay waqooyiga dalkaas ay bilaabeen in ay raat tiraan taarikhdii uu lahaa dalkaas.

Arrinta Maali

Madaxweynhaa dalka Ivory Coast Alassane Ouattara,oo shir guddoominaayay kulanka golaha ammaanka midowga Afrika shaley yeesheen ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray xaalada hubaal la’aanta ah ee ka jirta waqooyiga Maali, oo ay wadaan kooxo argagixiso ah” sida uu hadalka u dhigay.

Intii uu kulanka socday waxa si weyn looga hadlay xiriirka ka dhexeeyay dhaqdhaqaaqyada ka tirsan Al-Qaacidada gobalka Saaxi, kooxda Boko Haram ee dalka Nigeria iyo ururka Al-Shabaab ee ka dhisan Soomaaliya, waxana uu yiri Mr. Ouattara waxa ay kooxahan wadaan hanjabaad muuqata.

Hoggaamiyaasha midowga Africa ayaa raadinaya siddii golaha ammaanka QM uu taageeri lahaa in faragalin milatari lagu sameeyo dalka Maali ka hor inta aysan si fiican u xidideesan kooxahan oo talada dalka qabsaday markii ciidamo gadoodsan ay afgami ka sameeyeen caasimada Bamako 22-kii bishii March ee sannadkan.

Golaha ammaanka midowga Africa ayaa sheegay in dalalka galbeedka africa looga baahan in ay cadaadis saaran siddii loo soo afjari lahaa xiisada dagi la’ ee dalka Maali, si degdeg ahna xal loogu helaa.

Sidoo kale waxa ay hoggaamiyaasha midowga Afrika u yaal siddiii xal loogu heli lahaa khilaafka sii xooggesanaya labada wadan ee Sudan, kaddib markii dalka cusub ee koonfurta sudan madax-bannaani qaatay sannadkii horre.

Madaxweynayaasha Sudan iyo Koonfurta Sudan Cumar Xassan al-Bashir iyo Salva Kiir ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waana markii ugu horreysay ee labada hoggaamiye ay kulmaan tan iyo markii ay soo baxeen hurgufta xagga soohdimaha oo dhalisay in dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaro ugu dambeen bishii April ee sannadkan.

Waxa la arkayay iyagoo is-gacan qaadaya oo dhoola cadeenaya, laakin Majiiro wax -faah faahin kale oo laga hayo kullanka ay yeesheen labada nin , Jubba iyo Khartoum waxa mid kasta uu lee yahay muranka waxa bilowday kan kale.

Labada dal waxa hadda heesta cadaadis, waana tan keentay in ay hadda wadahadlaan labada wadan sida ay lee yihiin warsiyaasha ku sugan xarunta midowga Africa.

Golaha Ammaanka QM ayaa waqti u qabtay labadan dal in ay murankooda ku soo dhameeyaan 2-da bisha August

Madaxa nabadgalyada iyo ammaanka midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa saxaafadda u sheegay in si degdeg ah xal loogu heli doono arrinta dalka Maali, laakin ma sheegin in ciidan loo diraayo iyo in kale.

Shirka iyo arrimaha Soomaaliya

Shirka midowga Africa waxa meel sare kaga jira arrinta Soomaaliya, waxana hadda ku sugan shirka wefdi u hoggaaminaayo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo dowladdiisa ay u hartay wax ka yer muddo bil ah.

Madaxweyne Shariif waxa uu shirka ugu yaraan hordhigi doonaa guulaha ay gaartay dowladiisa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, oo ay ka mid tahay qabsashada magaalooyinka Afgooye, Balcad iyo Laanta buuro oo ah meelo muhiim u ahaa Al-Shabaab oo hadda culeys ballaaran uu ku furan yahay.

Sidoo kale kama marna in Shariif uu weydiisan doono hoggaamiyaasha Africa in la taageero doorashada soo socota ee dhaceysa wixii ka dambeeyay 20-August ee sannadkan.

Ugu Dambeyn Shirka waxa hareen doona hoggaanka cusub ee Midowga Africa.

Madaxda midowga Africa waxa hadda horyaala in la doorto guddoomiyaha cusub ee ururka, waxana ku tartamaya John Ping oo ka socda dalka Gabon iyo Dlamini-Zuma oo ka socota South Africa, waana xaaskii hore madaxweyne Zuma.

Mr. Ping waxa uu taageerada ugu weyn ka heestaa madaxda afrikanka ah ee ku hadlay afka Faransiiska, halka kuwa ku hadlay ay taageersan yihiin Mrs. Dlamini oo ka socota Pretoria, arrintan waxa ay dhalisay muran ku saabsan ururka dhexdiisa sida ay lee yihiin diplamaasiin ku sugan Addis-Ababa.

Hoggaamiyaal badan ayaa doonaya in isbadal ka dhasha hoggaanka midowga Africa, waana taas mida keentay in markale kolkan labada musharax ay galaan tartan labaad.

 

RBC Radio

————————–

Waxa Tarjumay Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply