Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah Bixisey (Sawirro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin


Shirkadda Golis Telecom Somalia ayaa qeybisay deeq timir ah oo gaareysa 304gk.,deeqdaas ayaa la siiyey dariiiqada “Adin soone” ee saldhigeedu yahay Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Maamulaha shirkadda Golis Qardho Mudane Axmed Cawaale Gaare ayaa deeqdaas gudoonsiiyey gudi ka socday dariiqada Adin soone.

Mudane Cawaale mar uu ka hadley deeqda timirta ah oo ay shirkadu bixisay ayuu yiri “Bisha Ramadaan ee barakaysan shirkadu waxay go’aansatey in ay ka qeyb qaadato afur-siinta cid kastoo ay shirkaddu u garato in uu mudanyahay”.

Cawaale ayaa sidoo kale sheegay in dariiqada “Adin soone” ay ka mid yihiin macaamiisha shirkadda ee isticmaala adeegyadeeda loona baahanyahay in wixii wax tar ah ee ay u baahanyihiin la siiyo.

Dhinaca kale, Sh.Axmed Cabdulaahi Cabdi oo ka socdey dariiqada “ Adin soone” ayaa muujiyey farxadda ay ku faraxsanyihiin in shirkadda Golis ay siisey Timir ay ku afuraan bisha Ramadaan ee barakeysan.

Deeq timirta ah waxay ka mid tahay waxtarka shirkadda Golis ay u sameeyso bulshada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaanka Kariimka ah.

RBC BOSASO

Share

Tags:

2 Responses for “Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah Bixisey (Sawirro)”

  1. [...] Original post: Shirkadda Golis oo Deeq Timir ah Bixisey (Sawirro) [...]

  2. xog ogaal says:

    Maan shaa Allaah GOLIS waa ka filaynay deeqdaan iyo bisha ramadaan, waxaase weli GOLIS lagu xasuusan doonaa Calaamadintii wadada dheer ee laamiga ah, guuleysta oo kordhiya xiriirka iyo gacanta waxrarka leh ee aad la lee dihiin shacabkiina, waa idiinku mahad celinayaa mar kale in shirkaddu u muuqato mid fahansan waayaha adag ee shacabkeeda haysta, GOLIS GUUL.
    It is a daimond in Puntland

Leave a Reply