Shirkii Ansixinta Dastuurka oo Galay Maalintii Lixaad
Muqdisho (RBC) Shirkii ansixinta dastuurka qabyada ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah galay maalintii lixaad iyadoo ergooyinka shirka ay isu qeybiyeen guddiyo ka kooban illaa 10 guddi.
Madasha shirka ayaa waxaa ka socda doodo ku saabsan cutubyada dastuurka oo ay ergooyinka isugu qeybiyeen waxaana guddi kasta ay doodaha ku sameynayaan qol u gaar ah oo ka mid ah xarunta Gen Kaahiye [Ex Iskuul Boolisiya] halkaasoo shirka uu ka socdo beryahan.
Wariyaasha ku sugan madasha shirka ayaa soo sheegaya in shirka uu gudoominayo wasiirka dastuurka DKMG C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Waxaa lagu wadaa in ugu dambeyn dhamaadka usbuucan lasoo afmeero shirka ansixinta dastuurka oo furmay Arbacadii lasoo dhaafay, sida ay horey u sheegtay xukuumada KMG ah laguna dhawaaqo in dastuurkii qabyada ahaa la ansixyey.
Dhanka kale qaar ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka iyo odayaal ku sugan madasha ayaa Raxanreeb u sheegay in lagu wargeliyey in mudo saddex maalmood ah lagu soo gudbiyo magacyada ka dhiman liiska xildhibaanada baarlamaanka oo beelaha qaarkood weli aysan gudbin.
RBC Radio










