Shirkii Dastuurka oo La Shaaciyey Inuu Dib U Dhacay Iyo Raysul Wasaaraha oo La Kulmay Odayaal iyo Xubnaha Guddiga Khilaafaadka
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goordhow xafiiskiisa kula kulmay xubno ka m,id ah odayaasha dhaqanka iyo guddiga xallinta khilaafaadka iyadoo shirkii dastuurkana la shaaciyey inuu dib u dhacay.
Kulanka oo goordhow soo dhamaaday ayaa warar ku dhow waxay sheegayaan in raysul wasaare C/weli Gaas uu cudurdaar ka bixiyey dib u dhaca shirkii ansixinta dastuurka oo ahayd in maanta uu furmo laakiin markale dib u dhacay. Waxaana raysul wasaaruhu uu sheegay in labo illaa saddex maalmood lagu daray mudada dib u dhaca shirka oo ka dhacaya xarunta akademiyada booliska ee Gen Kaahire (Ex Iskool Boolisiya) oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.
C/weli Gaas ayaa sabab farsamo ku micneeyay dib u dhaca shirka, wuxuuna odayaasha u sheegay inaan loo qaadan in shirka ay caqabad heysato.
Raysul wasaaruhu wuxuu kaloo odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka ka codsaday in mudada 24ka saac ee soo aadan lagu dhameeyo khilaafka ka taagan qaar ka mid ah odayaasha oo illaa hadda la sheegayo in beelahooda aaney isku raacsaneyn.
Afar oday oo muran ku jiro
Rag ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka oo Raxanreeb ay la hadashay ayaa sheegay in intii badneyd khilaafkii ka taagnaa rasmi ahaanta odayaasha la xaliyey, hase yeeshee illaa afar oday dhaqameed ay beelahooda isku diidan yihiin.
“Afar oday ayaa weli la xallin oo qabiiladooda ayaa min labo oday soo dirsaday marka waxaa lakala saari waayey kee sax ah keese been abuur ah, iyagana hadda ayaan ku guda jirnaa arintooda” sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay mid ka mid ah xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka oo aan rabin in magaciisa aan xigano.
Dhanka kale wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in diyaargarowga shirka si aad ah looga dareemayo magaalada Muqdisho iyadoo ay magaalada ku soo qulqulayaan ergooyin dalka iyo dibadda ka kala imaanaya kuwaasoo ka qeybgali doona shirka dastuurka marka uu furmo. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maanta la bilaaay diiwaangelinta ergooyinka ka qeybgalaya shirka oo loo sameynayo kaarar aqoonsi ah.
Shirkan oo sida horey loo qoondeeyay ay ahayd inuu furmo 12-kii bishan ayaan suurtagelin waxayna dawlada dib u dhacaasi hore ku sufeysay mid farsamo. Waa markii labaad oo mudada ay dawladu u qabatay shirkan lagu ansixin lahaa dastuurka uu dib uga dhaco xilligii la filayey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Waa qabiilkii oo kaba loo geshay, koofiyad iyo cimaamadna loo saaray
Kkkkkkkkk wale wanyabanahy ma odayash qalfdan mise dowlada qodobada ay shegayan odayashu malagarebo darturka
Car wax ay soomaali maareeneyso yaan laga waayin dib u dhac iyo fashil.