Sidee Loo Kala Qaatay Malaayiinta Doolar Ee Soo Gashay DKMG Soomaaliya (Qeybtii 3aad Warbixinta QM)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb  ayaa shaaca looga qaaday si faahfaahsan malaayiin doolar oo deeq ahaan u soo gashay DKMG Soomaaliya taasoo ay musuqmaasuqeen madaxda ugu sareysa dawlada, sida warbixinta lagu sheegay.

Warbixintaasi oo ka koobneyd 198 bog ayaa qeybtii hore [halkan ka akhri] oo Raxanreeb ay daabacday waxay ka hadashay masuuliyiinta ugu sareysa dawlada oo lagu eedeeyay inay isdabamarin ku sameeyeen boqolaal milyan oo doolar, waxaana madaxda warbixinta lagu xusay ay kala yihiin Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas, Raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole. Halkan ka eeg warbixinta Monitoting Group

Qeybtii labaad ee warbixinta [Akhri qeybta 2aad] waxay si faahfaahinsan u sharaxday sida loo kala qaatay lacagaha la sheegay in la xaday, waxaana ka soo tarjunay isla warbixinta ay soo saareen Guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group.

3- Lacagtii ay ku deeqday dawlada Koonfurta Suudaan

Horraantii sanadkii 2012, dawlada Koonfurta Suudaan waxay ku deeqday lacag dhan USD $1 Million (Hal Milyan Doolar), waxaana lacagtaasi la soo marsiiyey Price Waterhouse Coopers oo ah shirkad heysa xisaabaad maaliyadeed bank account oo ay leedahay DKMG Soomaaliya.  Lacagtan waxay dawlada Koonfurta Suudaan ugu talagashay in lagu taageero dib u heshiisiinta gobolada laga saaray ururka Al-Shabaab iyo horumarintooda.  Saraakiil sare oo ka tirsan dawlada Soomaaliya waxay guddiga Monitoring Group u sheegeen in dawladu lacagta halka milyan ay heshay.

Raysul wasaare C/weli Gaas

Dukumintiyo ay heshay kooxda Monitoring Group oo laga helay xafiisyada gudaha ee dawlada Soomaaliya, raysul wasaare C/weli Gaas ayaa wuxuu amray wasiirkiisa maaliyada (Dr C/naasir Candulle) in lacagta uu kala siiyo si toos ah shakhsiyaad dawlada ka tirsan, xildhibaano iyo siyaasiyiin waaweyn.  Sida kooxda Monitoring Group ay sheegtay, qeyb ka mid ah lacagta oo dhan US$121,700 (Boqol Labaatan iyo Kow iyo Toddoba Boqol Kun Doolar) waxay ku baxday xafiiska raysul wasaare C/weli Gaas.

Illaa hadda cadeymo looma hayo waxa shakhsiyaadka la siiyey lacagtaasi ay ku kharashgareeyeen. Sidoo kale lama oga in arimaha dib u heshiisiinta ee loogu talagalay lacagta loo adeegsaday.

4- Musuqmaasuqa ka jira daabacaadda baasaboorka

Warbixinta waxay sheegtay in maqnaanshaha dawlad dhexe oo aan ka jirin Soomaaliya mudo dheer ay dhaawacday sharaftii muwaadinimo ee dadka Soomaaliyeed iyadoo uu meesha ka baxay sumcadii baasaboorka Soomaaliga uu lahaa, kaasoo markii dawladu ay burburtay dhamaan wadamada dunida ay diideen.

Kooxda waxay sheegtay, in dawladihii KMG ah ee soo maray Soomaaliya marar badan isku dayeen inay sameeyaan baasaboor cusub laakiin mar walba ganacsato hunguri doon ah ay rabeen inay sameynta baasaboorka ka dhigtaan shaqo faa’iido laga sameeyo oo horseed u noqota musuqmaasuq iyo wax isdabamarin.

Wasiirka Maaliyadda DKMG Dr Cabdinaasir Cabdulle

19-kii October 2006, waxay DKMG Soomaaliya (xukuumadii Cali Maxamed Geedi) heshiis qandaraas ah la gashay shirkad lagu magacaabo Just Solution Limited (JSL) taasoo lagula heshiiyey inay daabacdo baasaboor cusub oo Soomaali ah oo noociisu yahay “Biometric” oo ah noocacasriga ee hadda adduunka laga isticmaalo.  Shirkaddan JSL waa shirkad laga leeyahay wadanka Seychelles hase yeeshee waxay xafiisyo ku leedahay magaalada Sharjah (Airport Free Zone, United Arab Emirates).  JSL waxay adeegsataa website-ka rasmiga ah: www.justsolutionsltd.com .

Raysul wasaarihii xilligaasi Cali Maxamed Geedi wuxuu Monitoring Group u sheegay in ujeedada sameynta baasaboorka cusub ay ahayd in lagu bedelo noocii hore ee baasaboorka dalka (baasaboorka cagaarka) oo aan ahayn nooca “Biometric”.   Ka hor intii ausan xukuumadu saxiixin qandaraaska shirkadda JSL waxaa heshiiska taageeray golihii wasiirada ee xukuumadii Cali Maxamed Geedi.

Dhanka DKMG wuxuu waajibaadkeeda ahaa, sida ku qoran heshiiska;-

1) In ay magacawdo guddi sare oo maamula mashruuca baasaboorka, isla markaana awood u leh inay wada shaqeyn la sameeyaan shirkadda JSL.

2) Inay sameyso kooxaha ka shaqeynaya goobaha xog ururinta (diiwaangelinta dadka baasaboorka doonaya) oo laga sameynayo gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

3) Inay u soo saarto waraaqaha codsiga dhamaan muwaadiniinta soo dalbada baasaboorka.

4) Inay xaqiijiso, hubiso codsiyada dadka kadibna u gusbiso shirkadda JSL si loogu soo daabaco dukumintiga baasasboorka iyo kaarka dhalashada.

5) In xogta baasaboorka ay keydiso

6) Inay xaqiijiso in wixii lacag ah ee laga qaadayo dadka soo codsanaya baasaboorka la dhigo bangi loo qondeeyay (account bank), isla markaana wixii lacag ah ee ay leedahay JSL loo xawilo.

Cali Maxamed Geedi

DKMG ah waxay ballanqaaday in xarun laga bixiyo baasaboorka ay ka fureyso Nairobi, waxaana masuuliyada xaruntaasi ay hoos imaaneysaa Gen C/laahi Gaafow Maxamuud oo ah Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha DKMG ah.

Raysul wasaare Geedi wuxuu Monitoring Group u sheegay in qandaraaska daabacaada baasaboorka ay u adeegsadeen sharci ahaan dastuurkii 1960-kii, “Waayo Axdi Qarameedka DKMG ah kama uusan hadlin arinta qandaraaska noocan oo kale ah” ayuu yiri Geedi.

Dhanka shirkadda JSL wuxuu heshiisku sheegayey inay masuuliyadeedu tahay;-

1) Inay meelmariso nidaamka cusub ee baasaboorka iyo waraaqaha dhalashada lagu bixinayo. Iyo inay xarun kasta oo baasaboorka laga bixinayo ku qalabeyso shan computer (nooca PC), labo labtop, labo makiinadood oo scnanner-ka faraha ah, labo digital camera, labo makiinadaha wax daabaca [printer] iyo hal makiinadaha waraaqaha sawira [photocopy].

2) Inay qabato dukumintiyada ay soo diraan masuuliyiinta ku shaqada leh baasaboorka bixintiisa.

3) Inay hubiso in lacagaha bangiga loogu shubo ay heleyso.

4) Inay ka hubiso xogta baasaboorka ee la xareeyay.

5) Inay baasaboorka iyo kaarka dhalashada u soo saarto. Waxaana xaruntii ugu horeysay ee lagu daabaco baasaboorka laga furay Sharjah Airport Free Zone oo ay deganeyd shirkadda JSL.

6) Inay baasaboorka iyo dukumintiyada kale gaarsiiso masuulioyiinta ku shaqada leh ee dawlada.

7) Inay maalgeliso mashruuca oo ay ku jiraan qalabka xogta lagu soo ururinayo.

Gen Cabdullaahi Gaafow

Labada dhinac (DKMG iyo JSL) waxay ku heshiiyeen in halkii baasaboor oo laga soo dalbado gudaha Soomaaliya laga qaado $70, isla markaana shirkadda JSL ay ku yeelato $49 (oo ay u goosaneyso deynta maalgelinta).  Sidoo kale in laga qaado $20 oo dheeraad ah wixii baasaboor dalab deg deg ah loogu baahan yahay.

DKMG waxay baasaboorka ku bilawday $150 halkii baasaboor dibadda Soomaaliya, halka gudahana lagu dalacay $100.  Bartamihii 2009 ayaa qiimahaasi hoos loo dhigay, waxaana laga dhigay $100 halkii baasaboor ee dibadda laga bixiyo halka baasaboorka gudaha laga bixinaya laga dhigay $80.

Shirkadda JSL waxay ogolaatay in ugu horeyn mashruuca ay ku maalgeliso US$411,000 (Afar Boqol Kow iyo Toban Kun Doolar) taasoo ah deyn horumarin ah, laakiin waxay shuruud uga dhigtay JSL inay wada qaadaneyso dhamaan khidmada baasaboorada ka soo xaroota illaa inta ay ka soo ceshaneyso lacagtay ay deynta u bixisay.

27-kii December 2006, Mr. Mukherjee oo ah madaxa shirkadda JSL ayaa warqad u diray Gen C/laahi Gaafow (madaxda laanta socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG) iyo Xasan Axmed Jaamac (wasiir ku xigeenkii arimaha dibadda xukuumadii Cali Maxamed Geedi). Warqadaasi wuxuu Mr. Mukherjee ku sheegay in uu ogolaaday inuu soo dhiibo lacag gaareysa US$200,000 (Labo Boqol Kun Doolar) taasoo qeyb ka ah US$211,000 (Labo Boqol Kow iyo Toban Kun Doolar) oo ay horey deyn ahaan u bixisay shirkadda JSL.  Ugu dambeyna lacagtaasi waxay gaartay Gen Gaafow iyo wasiir ku xigeenka dibadda Xasan Axmed Jaamac iyaguna wax aqbaleen jiritaanka warqadaasi.

Lacagtaasi waxaa loo bixiyey sida soo socota:-

i) Bishii December 2005, shirkadda JSL waxay lacag jeeg ah (cheque) ku wareejisay Account Number uu lahaa raysul wasaare Cali Maxamed Geedi, lacagta ay dhigtayna waxay ahayd US$200,000 (Labo Boqol Kun Doolar).   Cali Geedi wuxuu account-ga ku lahaa Commercial Bank of Africa oo ku yaalla Nairobi (Account No. 25006038)

ii) Bishii November 2006,  shirkadda JSL waxay bixisay US$11,000.00 (Kow iyo Toban Kun Doolar) oo loo isticmaalay mushaharkii shaqaalaha xafiiska baasaboorada ee Nairobi laga furay

iii) 28-kii December 2006, JSL waxay Gen Gaafow siisay US$150,000 (Boqol iyo Konton Kun Doolar) oo caddaan ah.

iv) 8-dii February 2007, JSL waxay Xasan Axmed Jaamac (wasiir u xigeenkii arimaha dibadda) siisay US$40,500  (Afartan Kun iyo Shan Boqol Doolar) oo caddaan ah.

v) Lacag gaareysa US$9,500 (Sagaal Kun iyo Shan Boqol Doolar) ayaa lagu bixiyey safaro diyaaradeed oo ay galeen masuuliyiin ka tirsan DKMG ah.

Baasaboorkii ugu horeeyay waxaa uu soo baxay bishii March 2007. Hase yeeshee dhowr bilood gudahood waxaa durba soo baxay caqabado soo foodsaaray mashruuca iyadoo labada dhinac [DKMG iyo JSL] ay isku eedeeyeen inay ka soo bixi waayeen masuuliyadooda.  Masuuliyiin ka tirsan DKMG oo hawlaha baasaboorka ku guda jiray waxay JSL ku eedeeyeen inay baasaboorka marka uu soo baxo ku soo garsiin weyday xarumaha looga baahan yahay waqti ku haboon oo aan daahitaan lahayn.  Sidoo kale waxay ku eedeeyeen shirkadda inay furi weysay xarumihii lagu ballamay in gudaha dalka laga sameeyo.

Laakiin dhanka gudoomiyaha JSL Sanjiv Mukherjee, wuxuu ku eedeeyay dhanka masuuliyiinta DKMG ah inay noqdeen musuqmaasuq wuxuuna sheegtay in aan dibloo soo celin lacagtii deynta ahayd ee US$411,000.  Wuxuu kaloo sheegtay in DKMG ah aysan soo wada dirin dhamaan khidmada laga qaado baasaboorka iyo in shirkadda JSL ay dhibaato kala kulantay masuuliyiinta isbed-bedelaya ee xafiisyada dawlada kuwaasoo markasta dad cusub imaanayeen.

13-kii March 2008, Gen Maxamed Warsame Faarax “Darwiish” (taliyihii hore ee Nabadsugida DKMG ah) ayaa warqad u diray gudoomiyaha shirkadda JSL isagoo u sheegay in Gen Gaafow iyo Xasan Axmed Jaamac loo xilsaaray inay xalliyaan wixii caqabado ah ee jira isla markaana la furo illaa shan goobood oo baasaboorka laga bixiyo.  Gen Drawiish wuxuu qiray in DKMG ah aysan ka soo bixin waajibaadkii dhaqalaha ka saarnaa ee ay ka rabtay shirkadda JSL hase yeeshee xal loo baahan yahay.

Labada dhinac waxay markii dambe isku afgarteen in la furo labo bangi xisaabeed [account numbers mid ay leedahay JSL iyo mid DKMG] lagana furo Nairobi isla markaasina shirkadda JSL qeybteeda loogu shubo account-geeda, waxaana la sameeyay in safaaradda Nairobi ee DKMG ah ay maamusho labada xisaaba kuwaasoo markii dambe hirgali waayey kadib markii codsiyada baasaboorka ay yaraadeen.

Dhamaadkii bishii March 2008, iyadoo xal loo raadinayo dhibaatooyinka ka taagan baasaboorka ayaa danjire C/qaadir Sheekheey [Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Dubai] ayaa wuxuu kulan la qaatay raysul wasaare Cali Geedi, Gudoomiyaha JSL Sanjivan Mukherjee iyo labo oo ganacsato Soomaali ah.  Kulankana wuxuu ka dhacay Safari Park Hotel oo ku yaalla Nairobi. Dawlada KMG ah waxa metelayey Gen C/laahi Gaafow,. Danjire Sheekheey iyo danjire Maxamed Cali Ameeriko (safiirka Soomaaliya ee Kenya).

Labada nin ee ganacsatada ah ee kulanka joogay waxay kala ahaayeen Sharif Axmed Bacalawi, oo ah maamulaha shirkad lagu magacaabo SASCO Logistic (L.L.C) oo ka diiwaangashan Dubai iyo nin ay saaxiibo/shirko yihiin oo lagu magacaabo C/laahi Cumar “Bootaan”.

Intii kulanka uu socday Danjire Sheekhey ayaa sheegay in shirkadda JSL [oo horey u waday mashruuca baasaboorka] ay ka cabaneyso dhanka maaliyadda sidaasi darteed ay u baahan tahay saamiley hawsha ay la wadaagto.  Isla kulanka ka dhacay Safari Park Hotel ayaa saraakiisha DKMG ah waxay JSL u soo jeediyeen inay heshiis la gasho shirkadda SASCO Logistic (L.L.C).

JSL waxaa lagu qanciyey in iyada ay leedahay masuuliyada mashruuca oo dhan, hase yeeshee shirkaddan cusub SASCO Logistic ay hawsheedu noqoneyso arimahan soo socda;-

A) In ay suuqgeyn u sameyso mashruuca baasaboorka kana gado dadka Soomaalida ee ku nool gudaha iyo dibadda iyadoo la kaashaneysa DKMG ah.

B) In baasaboorada iyo kaararka dhalashada ay ka qaado xarunta JSL marka ay soo saarto ayna u gudbiso goobaha looga baahan yahay ee gudaha iyo dibadda.

C) Inay fududeyso dhamaan lacagaha dhanka DKMG ah ka imaanaya ee ka soo xerooda bixinta baasaboorka.

D) SASCO waxay JSL siineysaa $24 oo horumarin ah halkii baasaboor iyo kaar aqoonsi ee ay sameyso, Isla markaana SASCO Logistics waxay ku yeelaneysaa $25 lacagtii markii hore lagu heshiiyey ee $49 halkii baasaboor inay ka qaadato JSL (sida ku xusan qandaraaskii 2007).

Heshiiska cusub waxay SASCO ogolaatay inay JSL siiso lacag dhan US$2.4 million (Labo Milyan iyo Afar Boqol Kun) laakiin marka hore ay soo horumariso SASCO US$500,000 (Shan Boqol Kun Doolar).

Sida uu sheegay agaasimaha JSL Sanjiv Mukherjee wuxuu heshiskan qorayey in SASCO Logistics ay noqoto tan tooska ula xiriireysa DKMG ah iyo masuuliyiinteeda, isla markaana SASCO ay qabileyso wixii “laaluush” weydiiya, taasoo JSL ay u aragtay mid ka mid ah caqabadihii waaweynaa ee horyaallay oo laga horqaaday.

4-tii April 2008, nuqulka qandaraaska cusub ee dhexmaray JSL iyo DKMG ah ayaa loo diray wasiirka maaliyada DKMG ah si uu u soo saxiixo, hase yeeshee sida uu xaqiijiyey Gen Darwiish waxaa heshiiska soo saxiixay Gen C/laahi Gaafow [wasiirka maaliyada ma saxiixin].   Gaafow waxba kamuusan ogeyn in heshiis lala galay qolo saddexaad [SASCO Logistics] sidaasi darteed labo bilood kadib markii Gen Gaafow uu ogaaday in qandaraaska ay ku soo biirtay qolo saddexaad wuu diiday inuu bedelo nuqulkii hore ee heshiiskii JSL, wuxuuna sheegay in DKMG aysan rabin inay faraha la gasho arimaha hoose ee shirkadda JSL.

Dhowr usbuuc markii ay ka soo wareegatay, Shariif Axmed Bacalawi oo ahaa maamulaha SASCO Logistics ayaa isaga baxay qandaraaska, wuxuuna dalbaday in loo soo celiyo lacagtii US $500,000 ee uu horumarinta u bisiyey iyo lacag kale oo dhan US $100,000 (Boqol Kun Doolar) oo uu siiyey Shirkadda JSL.  Shariif Bacalawi wuxuu sheegay in gelista qandaraaska ay ahayd khalad isla markaana mashruucan uusan ahayn mid shaqeyn kara.

Axmed C/laahi Yuusuf

Bartamihii 2008, Gen Darwiish [oo ahaa taliyaha Nabadsugida] ayaa u dhoofay Dubai si uu u soo indhadheeyo mashruuca shirkadda JSL iyo DKMG.  Beryihii uu ku sugnaa Dubai ayaa danjire Sheekhey wuxuu ka codsaday Gen Darwiish inuu isbaro nin ganacsade ah oo la yiraahdo Shariif Axmed Bacawali,  waxaana ballan lagu dhigtay Millennium Hotel oo ku yaalla magaalada Sharjah halkaasoo u deganaa Gen Darwiish.

Is araggii koowaad, Ganacsade Shariif Bacalawi wuxuu Gen Darwiish u sheegay in isaga iyo saaxiibadiisa kale ay jecel yihiin inay bedelaan Shirkadda JSL, isla markaana ay diyaar u yihiin inay qabtaan wixii shaqo ah ee JSL qabaneyso.  Wuxuu kaloo sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf uu arintaasi soo dhoweynayo laakiin caqabada kaliya ee hortaagan ay tahay ‘GEN DARWIISH’, laakiin Gen Darwiish wuxuu u sheegay labada nin [Sheekhey iyo Shariif Bacalawi] in dawladu ay weli qadarineyso heshiiska JSL.

Toddobaadyo kadib, Gen Darwiish waxaa soo wacay Axmed C/laahi Yuusuf (wiil uu dhalay madaxweyne marxuum C/laahi Yuusuf) oo ku sugnaa Nairobi, wuxuuna ku wargeliyey Gen Darwiish inuu deg deg ku yimaado magaalada Nairobi.  Ina C/laahi Yuusuf wuxuu Gen Darwiish u sheegay in ragga kala ah; seedigiis Sayid Cali (oo ah sayga Maryam C/laahi Yuusuf oo uu dhalay madaxweyne C/laahi Yuusuf), Gen Gaafow iyo Danjire Axmed Maxamed Cigaal (Danjiraha DKMG Soomaaliya u joogay Imaaraadka Carabta) ay rabaan inay la kulmaan madaxweyne C/laahi Yuusuf si ay madaxweynaha ugala hadlaan taageerada bedelaad lagu sameeyo qandaraaska baasaboorka E-passport.

Danjire Axmed Maxamed Cigaal, markii la weydiiyey inuu kulankaasi ka qeybgalay wuu beeniyey.  Laakiin Monitoring Group waxay heleen in Maryam C/laahi Yuusuf (gabadha madaxweyne C/laahi Yuusuf) iyo saygeeda Sayid Cali ay deganaayeen magaalada Sharjah ayna ka warqabeen mashruuca baasaboorka iyo halka uu marayey, waxaana la sheegay in mar la kulmeen maamulaha JSL Sanjivan Mukherjee ayna weydiiyeen inay kala qeybgalaan mashruuca baasaboorka.

Gen Darwiish markii uu ku soo laabtay Nairobi, wuxuu madaxweyne C/laahi Yuusuf ka dhaadhiciyey inuusan joojin qandaraska Shirkadda JSL ee baasaboorka.

Dhamaadkii November 2008, waxaa iscasilay Gen Darwiish.   Darwiish wuxuu telefoon kula hadlay Sanjivan Mukherjee isagoo u sheegay in wixii lacag ah ee ay leedahay JSL uu kala ballamay inay bixiyaan Gen Gaafow iyo Xasan Axmed Jaamac (Wasiir ku xigeenkii xilligaas ee arimaha dibadda).  Waqtigaasi uu Darwiish xilka ka tagay waxay JSL lahayd US$700,000 Toddoba Boqol Kun Doolar).   Waxaana laxaqiijiyey in dawlada ay u taallay lacag dhan US$420,000 (Afar Boqol iyo Labaatan Kun Doolar) oo ku jirtay account safaaradda DKMG ay ku leedahay Addis Ababa kana soo xerootay baasaboorka, iyo US$400,000 (Afar Boqol Kun Doolar) oo ku jirtay xisaab ka furneyud Muqdisho oo baasaboorka uu lahaa.

Gen Darwiish wuxuu Gaafow ka codsaday in lacagaha ku jira xisaabaadka Addis Ababa iyo Muqdisho laga soo saaro laguna bixiyo deynta ay ku leeyihiin JSL.  Hase yeeshee mudo kadib, Gen Darwiish wuxuu ka ogaaday masuul ku sugan safaaradda Addis Ababa in lacagtii ku jirtay xisaabta Addis Ababa ay ka soo saareen Gen Gaafow iyo Shariif Xasan (oo markaasi loo soo magacaabay wasiirka maaliyada).   Waxaana Gen Darwiish uu ogaaday in lacagta aan la siinin shirkadda JSL.

19-kii March 2009, Gen Gaafow waxay Nairobi ku kulmeen Sanjivan Mukherjee, Waxaana Gaafow la socday Maxamed Aadan Edson oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, waxayna ka wada hadleen arimaha baasaboorka, dalabaad hore oo aan la soo gudin iyo lacagaha weli ku taagan dhanka DKMG ah.  Sanjivan Mukherjee wuxuu ka cawday dalabaadka uga yimaada safaaradda Dubai ee uu soo diro Danjire Sheekhey).  Wuxuuna sheegay in qunsulka Dubai (Sheekhey) uu si toos ah dalabka ugu soo gudbiyo shirkadda JSL halkii uu cadeyn ka soo qaadan lahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha DKMG ah ee Nairobi, wuxuuna Sanjivan Mukherjee cadeeyay in Sheekhey uu ku amro inuu baasaboorka u soo saameyo dadka uu soo weydiisto.

Isla kulankan ayaa Sanjivan Mukherjee wuxuu Gen Gaafow ka codsaday inuu bixiyo lacagaha ka maqan JSL oo dhan US$722,423 (Todoba Boqol iyo Labaatan iyo Labo Kun iyo Afar Boqol iyo Saddex iyo Labaatan Doolar).  Lacagtaasi waxay isugu jirtay US$200,000 deyn horumaris ahayd iyo US$522,423 oo ahayd lacag ka maqan JSL oo ahayd khidmadii ay ku lahayd daabacaada 17,572 E-Passports oo ay sameysay.

Gaafow wuxuu Sanjivan Mukherjee  u sheegay inuu diido dalab kasta oo ka yimaada toos safaaradaha iyo qunsuliyadaha isla markaana cida amarkasoo siin karta ay tahay kaliya ‘laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee uu isagu madaxda ka yahay’.

Horraantii 2009, ayaa danjire Sheikhey wuxuu la soo xiriiray Sanjivan Mukherjee  wuxuuna ka codsaday inuu la kulansiiyo wasiirka cusub ee maaliyada (Shariif Xasan), kulankana uu ka dhacayo Dubai.   Sida uu sheegay Sanjivan Mukherjee ka hor ballanta waxaa jiray wadahadal dhexmaray danjire Sheekhey iyo isaga [Sanjivan Mukherjee].  Sheekhey ayaa Sanjivan Mukherjee u sheegay in wiil uu dhalay Shariif Xasan uu jaamacad ka dhigto Australia isla markaana ay jiraan duruufo dhaqaale, haddii uu Sanjivan Mukherjee xoogaa kaga farxiyo WIILKA in markaasi Shariif uumarkaasi si fudud u xallin karo dhamaan caqabadaha hortaagan shaqada JSL ee baasaboorka, laakiin Sanjivan Mukherjee wuu diiday in wax lacag ‘laaluush’ uu bixiyo.

Markii la gaaray kulankii dhexmaray Sanjivan Mukherjee, Sheekhey iyo Shariif Xasan wuxuu ahaa mid caadi ah oo aan gaar ahayn, sida Montoring Group ka soo xigteen Sanjivan Mukherjee.  Laakiin danjire Sheekhey wuu beeniyey in wax ‘shaxaad iyo laaluush’ uu SHARIIF XASAN WIILKIISA u weydiiyey Sanjivan Mukherjee.

23-kii June 2009, C/laahi Maxamed Aden oo ah ku xigeenka qunsulka safaaradda Soomaalida ee Dubai ayaa warqad cabasho ah u diray shirkadda JSL, wuxuuna u sheegay inay ka walaacsan yihiin in JSL ay ku guul dareysatay inay ka soo baxdo ballanta iyo shaqada isla markaana illaa 3-dii June aysan jirin wax baasaboor ah oo la soo saaray.  Warqada waxay kaloo ka dalbatay shirkadda JSL inay soo sheegto taariikhda rasmiga ah ee ay dib u bilaabeyso sameynta baasaboorada.

24 June 2009, ayaa warqad jawaab ah ay soo dirtay shirkadda JSL, waxayna ku sheegeen in qalabkooda daabacaada iyo xogta ay ku wadeen ballaarin sidsaasi darteedna ay ku rajo weyn yihiin in usbuuca ugu horeeya ee bisha July 200 ay soo saari doonaan baasaboorada.

JSL waxay kaloo xilligaasi sheeganeysay in lacag dhan US$600,000 ay weli ku baaqi tahay dhanka DKMG ah isla markaana dhowr jeer oo ballamo loo qabtayna aan la fulin. Isla warqadaasi ayaa loo diray xafiiska raysul wasaaraha cusub [Cumar C/rashiid], wasaaradda arimaha dibadda, wasaaradda maaliyada iyo qunsuliyada Soomaalida ee Dubai.

19-kii May 2009, waxaa amar ka soo baxay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha DKMG ay ku cadeysay in wixii xog “online ah” ee lagu keydinayo server-ka baasaboorka ay ka masuul tahay qunsuliyada Dubai marka la soo xaqiijiyo xogta kadib.  Isla markaa wuxuu kaloo amarkaasi sheegay in Soomaalida degan dibadaha ee aan heli karin goob ay baasaboorka ka qaataan inay la xiriiraan qunsuliyada Dubai ayna ku soo dalbadaan baasaboorka qaab email ah.

Arintaasi waxaa ka qeyliyey rag Soomaali ah oo arinta baasaboorka si fiican ula socday kuwaasoo sheegay in ku wareejinta xogta baasaboorka lagu wareejiyey qunsuliyada ay khatar ku tahay amniga xogta ayna albaab u furtay dembiilayaasha caalamiga ee raba inay helaan baasaboorka Soomaaliga.  Ilo wareedyo ayaa sheegay in arintan ay sii taagertay warqad uu Shariif Xasan u qoray danjire Sheekhey inuu kaliya wakiil uga yahay dawlada la shaqeynta shirkadda JSL.

Shariif Xasan

26-kii June 2009, Lt. Col. Cabdi Yuusuf Jibriil oo ahaa ku xigeenka Gen Gaafow ayaa warqad u qoray xafiiska raysul wasaaraha iyo madaxweynaha isagoo ka digay in baasabooradii shaqaalaha dawlada iyo kuwa diblomaasiyiinta ay ku dambeyn doonaan gacanta argagixisada caalamiga ah haddii aan wax laga qaban.  Col Cabdi Yuusuf Jibriil wuxuu kaloo cadeeyay in dhac iyo boob baahsan uu ka socdo Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, hase yeeshee Col Cabdi Yuusuf [oo hadda ku sugan Mineapolis] wuxuu Monitoring Group u sheegay inaan warkiisa la dhageysan oo waxba laga soo qaadin ayna jirin cid baartay.

Ugu dambeyntii ganacsade Shariif Axmed Bacalawi (mulkiilaha SASCO Logistics) wuxuu la xiriiray Shariif Xasan wuxuuna weydiistay in la siiyo lacagtii deynta ahayd ee ka gashay mashruuca baasaboorka taasoo dhameyd US$600,000.   Shariif Xasan wuxuu Shariif Bacalawi u sheegay inuu iska cafiyo lacag dhan illaa $400,000 hase yeeshee $200,000 kale ay uga qaadayaan Shirkadda JSL ee mashruuca baasaboorka qandaraaska ku qaadatay.  JSL waxay markii dambe siisay Shariif Bacalawi  $200,000 loo ballanqaaday.

Sida Monitoring Group ay ogaatay ganacsade Shariif Bacalawi wuxuu qeybtii kale ee deyntiisa ka maqneyd ku qaatay canshuur laga dhaafay badeecad uu ka soo dejiyey dekeda Muqdisho,  dhaqankaasoo sida kooxda ay sheegeen caadi ka ah dawlada KMG ah marka ay ganacsatada deyn ku yeeshaan. LA SOCO QEYBTA AFRAAD

Akhriso qeybtii hore

___________________________________________________________
*Warbixintan waxay qeyb ka tahay 198 bog oo UN Monitoring Group u gudbiyeen Golaha Amaanka.  Waxaa soo tarjumay Shabakada Raxanreeb.com.

Share

Tags:

20 Responses for “Sidee Loo Kala Qaatay Malaayiinta Doolar Ee Soo Gashay DKMG Soomaaliya (Qeybtii 3aad Warbixinta QM)”

  1. NINA says:

    dhaca iyo boobka aad qaybtiisii sadaxaad maraysaan aniga waxay iila eg tahay baroortu orgiga ka wayn sidee dad ku meel gaadh ah inta lacag loo dhiibo loogala xisaabtami waayey markiiba ta kale hargaysa dhac iyo boob xawli ah baa ka socda maxay monitaring groupku uga hadli waayeen xataa maalin dhawayd siilaanyo xaaskiisa iyo nin uu sodog u yahay ayaa 2 milyan oo dolar iyagoo sita lagu qabtay nairobi miyayan soomaaliya ka mid ahayn oo aan lala xisaabtamayn iyadoo kolay qiiq kastaa leeyahay dab uu ka kacay hadana arintan waxaan u arkaa in loogu dan leeyahay dad khaas ah ogaadana monitaring group ninka u taliyaa waa nin snm la xidid ah wakhtiga eedahani yimaadeena waa wakhti doorasho iyo road map kolay kama fara madhna dadka u dooda snm ee jecel in aan koonfurta soomaaliya degin si ay u korodhsadaan wakhti waa in taa diirada la saaro

  2. [...] Read More: Sidee Loo Kala Qaatay Malaayiinta Doolar Ee Soo Gashay DKMG Soomaaliya (Qeybtii 3aad Warbixinta QM) [...]

  3. SSC BOY says:

    raxanreeb horyaalka saxaaafada waad mahadantihiin ilaa xad halkaas ka wada dadaalka lkn fadlan farmaajo qaabka loo dhigay warbixintiisa saxa maaha eedaysane monitering u qoran c/wali ayaa been u sheegay sida hadalka loo dhigay u isticmala kaligay maaga dadka ka xun si qaldan ee loo turjumay eedaynta farmaajo lkn waa boqolaal kun oo qof fadlan naga saxa halkaas oo qeexa sida ay u qortay ee ah inuu c/wlai eedeeyay

  4. AHMED says:

    FARMAAJO WAA TUUG CAALAMKU OGYAHAY WAXBA NACAYB C/WELI(MJ) YUU KU GELIN SXB.

  5. daacad says:

    raxanreeb shaqo fiican ayaad heeysaan abdi wali waa tuuug filimkisii waa u dhamatay 1 milyan southe sudan laga soo qaaday saga ayaa jeebka ku shubtay cebeeey tacaaaaal

  6. Muwaadin says:

    Waxbaa meesha ka dhacay illeyn tuugadan ummaddii waa halaageen.Gacmaha goormaa laga jarayaa???? Yaa i tusa iyagoo gumadku dhaqdhaqaaqayo…..

  7. qabqabsey says:

    @Nino
    Wali ma beentii iyo isir nacaybkii ayaad meel walba la soo taagan tahay.miskiinad aan waxba u bilaabnayn ayaad tahay xaaska siilaanyo wax aad ka garanaysaa ama aqoon ah ood u leedahay ma jirto,laakiin wax wal oo qof in yar oo caqliya lihi uu ka xishood ayaa kaa soo yeedha.miyaanad in yarna is odhanayn dad caqli goodu fayoow yahay ayaa bartan akhriya.
    ilaahay ha kuu gargaaro.

  8. maxamuud axmed says:

    waxan oranlahaa mr farmaajo waa nin sharaf leh yaan la ceebaayn nin laaluush qaata waa ka weeyn yahaya markaa magiciisa halaga saaro gaas baa been ka sheegay

  9. Siilanyo laguma darin oo lunsadey lacag gaareysa 1.5M$ UASID,IRPF,CCFP uu kaga cuney lacagtaas oo lagu talagaley dadka barakacyaasha ah ee abaraaha haddba R.R.Com iska daaya cadiifada aad dadka kukala saareysaan Siialnyo oo ah nin dhiigyo cabah lacgta waxaa uu u adeegsadey Kalshaale ayauu xasuuq ba’an ka geystey 2010, Farmaajo ayaa ka daran oo xadey lacag gaareysa 2.5M$ uuna ka qaatey UNDEP,UNHCR,UNSOM,UNIPOL,oo loogu talagaley qarshaha Dekadda xamar,Garoonka dayuuradaha,iyo ciidamada in lagu dhiso,Gaafow oo dhacey lacag gaareysa 1,5M$ oo loogu talagaley socdaalka iyo Passaporka,Ina Cali America oo dhacey 1,8M$,Nuur Cadde oo dhacey 1,9M$ lacgahaas oo ay hadda isku sharaxyaan somalida waa iney iska jiraan tuugadan ay wadaan Farmaajo oo hadda ay ku taagantahey lacagtaas meelaha uu dhigtey oo lasoo sheegey iney u taalo Dubai,NY,Malezia,Roma haddba sidee baa loo aminayaa tuugadan oo masaakiinta xoolahooda dhaca ku heysa iyo mooryaanta Xamar guryaha dadkii lahaa ku dilaya oo aan rabin iney somaliya nabad noqoto?waa su’aal dad badani ay isweydiinayaan tuugadan oo qalinka wax ku xadey iyo mooryaan oo qori AK47 wax ku dhacey sideebaa looga nabad galyaa haddba waa in maxkamad la soo tagaa tuugadan uu ugu tunka weynyahey Faramaajo oo ah nin qabiil lagu soo koriyey oo aan waxba baran oo ahaa nin faatalo ah oo ciyaal zio ah

  10. bucur says:

    raxan reeb ============ muxuu cunay isagu mise war uun bay sheegaan

  11. maxamuud axmed says:

    kkkkkkkkkkkkk farmaajo meel buu iska saaray sxb lacagahaas laakiin gaas warkiisu ma cadda dee bal waa la sugayaa

  12. somalijecel says:

    ACWW:Anigu waxaan qabaa 2 shariif waanba ogayne ninka Proffeserka sheegtay misan Anti-correption unite sameeyay ee isaga dadkii xaday ayaa iigu daran.Ragna kale waxaaba la dhihi karaa aqoon ma leh waxaa ka sii cajaaibsan farasamada uu sameyay ee tuugnimada ah.Imisa boono ayuu qoray just say 1500 oo xabo middiiba ay tahay ugu yaraan 50.000 dolaar 1500×50000=75000000 cajiib wali wuxuu rabaa in la doorto tolow somali miyay waalan tahay?Dadka qaar baa raba in ay qabiil ku taageeraan iyagoo inoo sheegaya ragga kale in ay wax xadeen sida 2 shariif iyo farmaajo.
    Montoring group baarista ugu horeysaa waa in Abdiwali lagu sameeyo ankee waxaa shaki iiga jiraa Proffesernimada uu sheegtay ninkan luqadiisu tahay jajabka.Waxaa cajiib ah Drs ragga badan oo somali ah ayay sheegtay tolow maxay uga reebtay Gaas tuugada isagaaba ugu dhac badane sidee wax isugu sheegi doonaa bal ila eega qoraaladan sare ku qoran walee ina daddow wax kaam dhagaysto walee waa la is bartay nin waalan ayaa igu yiri nin ina hebel reer hebel waa iga walan yihiin ee ha igu daalin SOMALI ILLAHAY BAY LEEDAHAY TUUGNA WAXAA UGU DARAN KAN MAALIN KASTAA FARSAMO CUSUB KEENA

  13. qarandhise says:

    farmaajo meeshaan kuma jiro raxanreeb horta ma isagaa leh? reportka way ku cadahay inuu qaatay 3.5million sida uu Cabdiwali sheegay mise Cabdiwali ayaa been sheegaaya oo Farmaajo waa run sheeg? Hadii ay sidaas tahay, maxaad prove haysaan? Aniga waxaa rumaysanahay inuu Farmaajo yahay tuug sida inta kale ee la sheegay ogaana musuqmaasuqa meesha ka socday waxbana kama qaban ee yuusan dadka been u sheegin oo iska dhigin nin nadiif ah. Wuxuu ahaa nin rakhiis ah u shaqeeynayay Aala Sheikh markii laga dambena qaatay 2million ee uu Sheikh Shariif siiyay markii Kampala la joogay. Tan kale, wuxuu khiyaanay asxiibtiisa oo dhan oo lacag ayuu ka doortay. Tan waxaa cadeeyay Fartaag oo nin ]]]]]]]]]]]]]] ah. Soomaaliyeey run aan isku sheegno oo yaan la difaacin tuug ruuxuu rabo ha ahaadee.

  14. qarandhise says:

    farmaajo waa tuug sida intooda kale ay u yihiin ee saaxiibayaalow been yaan la isku sheegin

  15. Runsheeg says:

    @ ayan,, somaliland waa wadan dilmuqraadi ah ka fog musuqmaasuq, cidii ku kacdana horaaa laga xidhaa sida badhaasaabkii gobolka waqooyi galbeed oo kale markaa waxba ha ku xiiqin waxaan jirin

  16. Hassan Dheere says:

    Waxaan u arkaa arintaan monatary group-ku inuu yahay dhaleeceen la rabo in qofkii wax qaban kara oo dhan la cambaareeyo,hadii wax isdama maris la baarayo ha laga bilaabo malaayiinta dollar ee UNDP iyo hay’adaha NGo ah ay cuneen,waxaa la rabaa in Somalida laga horkeeno madaxdooda,waxaad cadeeyn kuu ah sida ay u tahay timing-ka iyo xiliga lagu soo aadiyey,maxay hore ugu sheegi waayeen,waa arin aad loo buunbuuniyey,si somalida loogu diiido in ay ka soo baxaan dad hami dowladeed leh oo wadanka sabata bixin kara,waa daciifnimo,waaa duleeyn,waa fogeeyn somali laga fogeeynayo xukunka oo la rabo in ajaaniib iyo dowlado deris ah lagu qabsado dalka,si loo dhaho kuwaani isma xukumi karaan.Yaan dadka la marin habaabin,waan aragnaa shaley iyo maanta ineeysan somalia isku dhoweeyn,waad dareemin sida idaacadaha,telefishanada,webseeydyada loogu buunbuuninayo arintaan,waa in aan iska ilaalinaa waxgaradka ioyo siyaasiyiinta dalku.Arintaani ma haysato wax caddeeyn ah oo rasmi ah,waa arin aad u daciif ah oo wax run ah aan ku saleeysneeyn.

  17. Jebarti ! says:

    waxaa xaqiiq ah took iyo tooga kharisba waqtigaa shegayo horta waxaan muran ku jirin in took uu ku dhax jiro 3 masuul oo sare marka hadii uu tuuk ku jirana horaa loo yiri ninkaa garan wyso saxibkisa fiiri 3 masuul ugu sareso waa saxibo hadii mid uu tuuk yahayna intooda oo dhan waa tuuk waxba yaa la difacin xoolaha la dhacayo ninkasto oo soomaali ah waxbuu ku leyahay marka alle halaga cabsado ha leska dayo difaca lagu difacayo khabiilka iyo qurinka shaqsiyaadka khofkii kharank soomaaliyeed dhaca iyo shacabka soomaaliyed waa took khaa’inul wadan kaa ayaa mudan in sharciga la horkeno hadaan runta lesu shegin been ayaa inoo laban walaalayaal runta rabiyaa jecel beentana iyo khiyanada xasidnimada dilka dhaca boobka aale ayaa neceb marka alle halaga cabsado

  18. Daacad says:

    Wali kuma arag warbixintan lacag u lunsaday Sharif Xasan, waxaanse arkaa in arrimo isku xirnaa u kala furdamiyey sida lacagti laga cunay Sharif Bacalawi o uu soo celiyay qaarna canshuur dhaaf ku siiyey… So where is beef bulshooy?

  19. REER GALBEEDKU ayagaa TUUGTA noo wada keeney MID AY ALSHABAAB KA SOO SAAREEN sida (TUUG SHARIIF) iyo MID AY MAREYKAN nooga keeneeneen sida (FARMAJO- GAAS- INA C/RASHIID) iyo (TUUG SAKIIN) tuugada inta soo harteyna kuwaanaa keeney MARKA YEYSAN NOO SHEEGIN LACAG BAA LA CUNEY IYO WAXBAA LA XADEY,,,, meesha awal ma waxey u keeneen INEY MASAAJIDO DHISAAN,,,tan kale SOMALIDA waa WADA TUUG IYO TUUG KALKAAL,, inta aan tuugta aheyna waa QABIILEYSTE danta umada danta qabiilka ka hormariya,,,iyo MISKIIN xoolihii laga boobey oo meelaha dawarsanaaya,,

  20. sh:alidheere says:

    cali yuusuf kaarshe Galkacyo soomaaliya aan niraahno ilaahow adaa dad badan inaa lillaahi waa inaa ilayhi raajicuun dad qof la aamino la waayay dhibta kawayn oo dhici lahayd maxay tahay mida kale mawaxaan maraynaa inaan barino dadka halka sano dowlada ahaa dhaqaalahana aan haysan dadkoodiina qaxootiga yahay dagaalkuna ku socdo hadana aan xadnay soo yaab maahan

Leave a Reply