Somaliland oo bilashada Ramadaan laga arkay iyo Wasiirka Diinta oo ka hadlay
Hargeysa(RBC):- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in bilshada Bisha barakaysan ee Ramadaan caawa laga arkay gobolka Togdheer ee Somaliland, sidaa daraaddeedna Jimcaha caawa ay Ramadaan bilaw (kaw) tahay.
Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Warbaahinta la hadlay caawa waxa uu sheegay inay Wasaaraddu aad ugu dedaashay sidii ay u sugi lahayd inay caawa Ramadaan tahay iyo in kale, isla markaana heegan buuxa ay Wasaaraddu ka gashay dhammaan gobollada dalka, lana socotay dunida Muslimka.
Sheekh Khaliil waxa uu guul iyo nasiib-wanaag ku tilmaamay in bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan laga arko magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco, isaga oo sheegay in qofkii arkay bisha oo uu xusay inuu yahay nin Sheekh ah la dhaariyey sida ay Diinta Islaamku dhigayso.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo faahfaahinayaa waxa uu yiri; “Waxa sugnaatay in Bisha laga arkay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, qofkii arkay oo ahaa qof looga qaateen ah oo Sheekh ah Isu-duwaha Wasaaradda Diiinta iyo Aw-Qaafta, Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-ka-reebista iyo Maxkamadda ayaa isu yimi, sida sharciga ah qofkaa waa la dhaariyey. Sidaa daraaddeed-na caawa waa Soon, Berri oo Jimce ahna Bisha Barakaysan ee Ramadaan waa Kow.”
Waxa kale oo uu Wasiir Khaliil sheegay in caawa sidan oo kale bisha looga arkay dalal kale oo Carabta ka mid ah, sida Kuite, Qadar, Sucuudiga iyo meelo kale oo Jimcaha caawa laga soomayo. Masaajiddada magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa caawa laga tukaday Salaadda Taraawiixda ee Bisha Ramadaan la tukado marka Cishaha laga baxo.
“Illaahay baynu mahadinaynaa, Illaahay wuxu innagu waajib-yeelay inaynu Bisha Ramadaan Soonno, waana Bil Khayr badan leh, waa Bil mudan in la ilaashado, waa bil ay tahay in qof walba oo Muslim ahi Soomo, Cibaadadana oogo.” Ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland. Waxaanu Wasiirku u hambalyeeyey Madaxweynaha Somaliland, Marwadiisa, Madaxweyne ku-xigeenka, Marwadiisa Madaxda golayaasha dawladda, guud ahaan Shucuubta Islaamka, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland oo uu Illaahay uga beryey inuu bishan khayrkeeda siiyo, bisha bisheedana nabad iyo caafimaad-qab ku gaadhsiiyo.
Geesta kale, waxaa uu Wasiirka Diinta iyo Aw-qaaftu ugu baaqay Culimada Masaajiddada iyo Mu’addimiinta Masjiddeda inay mideeyaan Eedaanka Salaad kasta, gaar ahaan Addinka Daakiraadda ee lagu Suxuurto, Eedaanka Salaadda Subax iyo Eedaanka Salaadda Maqrib oo lagu afuro, si aanay dadweynuhu ugu khalkhalin Addimaadda is-daba-joogga ah.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland waxa uu u digay dadka isku-daya inay Bisha barakaysan ee Ramadaan ka shaqaystaan ka ganacsiga xaaraanta, gaar ahaan kuwa marka ay bishu bilato ee Meheradaha laga cuntooyo oo dhan la xidho, iyagu bilaaba in inay furtaan goobo ay ku iibiyaan cuntooyin bisil, kuwaas oo uu sheegay inay Wasaaradda oo kaashanaysa Guddiga wanaag-farista iyo ciidammada ammaanka lala socon doono dhaq-dhaqaaqooda, tallaabo sharci ahna laga qaadi doono.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.












