Somaliland Oo Hakad Galisay Wadahadalkii U Socday Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa (RBC)  Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in uu hakad galiyay, wadahadaladii u socday dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

War -saxaafadeed uu soo saaray wasiirka arrimaha dibedda Somaliland .Dr, Maxamed Cabdulaahi Cumar, ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay joojisay wahadalada u socday iyaga dowladda Fedaraalka KMG ah ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta ay hadda u hakiyeen wadahadalada ay la lahaayeen Soomaaliya, ay tahay maadama hadda uu dhamaad ku dhow yahay xiliga KMG ah oo ku eg 20-August ee sannadkan, Soomaaliya ay markaas ka dhalan doonto dowlad rasmi ah, in doonayaan in ay fursad siiyaan dadka iyo dowladda Soomaalida, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan, in la sii wado wadahadaladii ay la lahaayen Soomaaliya, waxana uu sheegay in labo wadahadalo oo horey uga dhacay London iyo Dubai ay ahaayeen kuwa aad u wanaagsan oo ka soo baxay wax wanaagsan.

Waxa uu ugu dambeen sheegay in marka laga baxo KMG ah, ay la sii bilaabi doonaan wadahadaladii u socday iyaga iyo Soomaaliya.

Dhawaan ayaa madaxweyne Shariif Sheekh Axmed isagoo la hadlaayay saxaafadda,waxa uu sheegay in wadahalada ay la lee yihiin Soomaaliya, in dib ay u bilaaban doonaan marka laga gudbo xiliga KMG ah.

Somaliland, waxa ay dooneysaa in ay ku adkeyssato gooni isku taageeda, taas oo wali ay u la’dahay ictiraaf ama aqoonsi, taasoo wali aysan helin.

RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Hargeysa

Share

Tags:

3 Responses for “Somaliland Oo Hakad Galisay Wadahadalkii U Socday Soomaaliya”

  1. [...] Read More: Somaliland Oo Hakad Galisay Wadahadalkii U Socday Soomaaliya [...]

  2. cali darwiish says:

    Si wanaagsan ayey sameeyeen.

  3. Kismaayo says:

    Waar kuwan xishoon mayaan.

    Woqooyga Soomaaliya waa gobol ka mid ah Soomaaliya.

    This nonsense tribal charade must stop.

    Khatumo State iyo Awdal State iwm ayaa matali kara keliya gobollada woqooyi. Not snm traitors thugs.

    Somali is one nation, under God.

    Viva Somalia

Leave a Reply