Somaliland oo sheegtay in fiditaanka HIV/AIDS hoos uga dhacay heerkii hore


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaadday in heerkii hore ee uu cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS ka marayey Somaliland uu wakhtigan hoos uga dhacay. Taasna ay ugu bushaaraynayaan dadweynaha.

Agaasimaha guud ee Hay’adda ka hor-tagga iyo la-dagaallanka HIV/AIDS u qaabbilsan Somaliland Dr. Maxamed Daahir Khayre, ayaa daboolka ka qaaday inuu cudurkani heerkii uu hore uga marayey dhulka Somaliland hoos uga dhacay qiyaas ahaan 1.3% (hal dhibic saddex boqolkiiba).

Sannadkii hore ayaa lagu qiyaasay inuu dadka ku dhaqan dalka Somaliland xanuunkaasi hayo in u dhiganta illaa 6.5%, hase yeeshee, waxa uu Agaasimaha guud ee Komishanka HIV/AIDS uu hoos u dhac ku yimi qiyaas u dhiganta 1.3%. waxaanu Agaasime Khayre sheegay inay taasi bushaaro fiican u tahay bulshada reer Somaliland.

Agaasimaha Guddiga ka hor-tagga iyo la-dagaallanka HIV/AIDS, waxa uu sheegay in dadka wakhtigan dawooyinka xanuunkaas qaata ee ku nool gobollada Somaliland yihiin ugu yaraan illaa kun qof iyo in ka badan. Waxaanu sheegay in kasta oo xaddiga xanuunku hoos u dhacay, haddana waxa uu iftiimiyey in weli khatartiisu taagan tahay.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share

1 Response for “Somaliland oo sheegtay in fiditaanka HIV/AIDS hoos uga dhacay heerkii hore”

  1. [...] Link: Somaliland oo sheegtay in fiditaanka HIV/AIDS hoos uga dhacay heerkii hore [...]

Leave a Reply