Su’aal Ka Taagan Dhamaashaha Ku-Meelgaarka Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Danjire Augustine Mahiga

Muqdisho (RBC) Sida ku cad qorshaha qariirada tubta ‘ROADMAP’ ee ay saxiixeen lixda saxiixayaasha bishii Sebtember 2011 iyo heshiisyadii ka dambeeyay ee Garowe I, Garowe II iyo Kii Gaalkacyo waxay dhamaantood sheegayaan in ku-meelgaarka dalka uu ku jiray mudada 12-ka sano ahayd uu ku dhamaan doono 20-ka bisha soo socota ee Agoosto.

Ka gudbida ku-meelgaarka ayaa dad badan- siyaasi iyo shacaba u arkaan mid fursad ka dhow tii hore siineysa Soomaalida oo mudo ka badan labaatan sano aan helin nidaam la aqoonsan yahay, iyadoo sharaftii dadka Soomaalida ay dunida ku lahaan jireen ay baaba’day.

Hase yeeshee hadal uu wariyaasha ajnabiga kaliya siiyey wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Augustine Mahiga ayuu ku sheegay in wax badan aysan iska bedeli doonin “nooca dawlada” ee hadda ka jirta Soomaaliya isagoo sheegay in afarta sano ee soo socota lagu sii shaqeyn doono maamul ku-meelgaar ah, hase yeeshee ka duwan midka hadda sii dhamaanaya.

Hadalkaasi uu bixiyey Danjire Mahiga oo uu uu sheegay wariyaal caddaan ah kaliya ee u kula hadlay xarinta AMISOM ee Xalane wuxuu ku cadeeyay in la sameyn doono guddigii wadajirka ahaa ee maamulka maaliyadda dalka kaasoo uu sheegay inuu ka soo baxay shirkii London ee 23-kii Febraayo iyo kii Istanbul ee bishii June qabsoomay, shirarkaasoo dhamaantood lagu lafaguray marxalada cusub ee Soomaaliya.

From transition period to interim administration”": ka bixida marxalada kala guurka iyo u gudbida nidaam ku-meel gaar ah.

Danjire Mahiga oo wariyaashu weydiiyeen doorashada madaxda cusub ee dawlada iyo dhameynta mudada kalaguurka ee loo yaqaano “Transition period” ayaa si dhiiran u sheegay in dhameynta mudada kalaguurka “Transition period” ay ku dhacayso 20-ka Agoosto kadibna la dooran doono baarlamaan iyo dawlad leh madaxweyne iyo gole wasiiro, laakiin wuxuu adeegsaday in dawladaasi ay tahay “Interim administration” oo micnaheedu yahay “Maamul ku-meel gaar ah”.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay hadda mareysomeel aad u wanaagsan waayo ayuu yiri, sanado ka hor Soomaaliya waxaa loo yaqaanay ‘dal fashilmay’, madaafiicda ayaa ku dhacaysay aqalka madaxtooyada, maantase doorasho madaxweyne iyo ansixinta dastuurka ayaa ka dhacaysa Muqdisho.

Guddiga Maamulka Maaliyada

Sida uu sheegay Augustine Mahiga, waxay guddigan ka koobnaan doonaan khubaro Soomaali iyo ajnabi isugu jira, waxaana ka mid ah xafiiska UNPOS ee siyaasadda u qaabilsan Qaramada Midooba.  Waxayna hawsha guddigan noqon doontaa inay maareeyaan wixii dhaqaale ah ee gude iyo dibadba ka soo gala dawlada si aysan u dhicin in la musuqmaasuqo.

Waxaa jiri doona boono ama “receipt” ay u adeegsan doonaan wax kasta oo lacag ah oo dawlada soo gala ama la bixiyo si loo helo faahfaahin iyo raadraac muuqda oo lagu xisaabtami karo marka loo baahdo.

Dhanka kale, wuxuu Danjire Mahiga sheegay in eedeymaha musuqmaasuqa ee loo heysto madaxda DKMG ah ee hadda jirta ay yihiin kuwo ka soo baxay guddi uu xilsaartay Golaha Amaanka, dhowaana laga doodi doono eedeymaha ku jira warbixintaasi iyo sida tallaabo looga qaadi karo dadka la eedeeyaay.  Wuxuuna kula taliyey madaxda la eedeeyey inay keensadaan cadeymo ku filan inay isku difaacaan.

Haddaba waxay su’aal ku jirtaa fasiirada sida loo sheegayo dhameynta ‘KALAGUURKA’ iyo ‘KU MEELGAARKA’, waxayna waxan oo dhan soo baxayaan iyadoo labaatameeyo cisho oo kaliya ay ka harsan tahay waqtiga dawlada KMG ah ee hadda ka shaqeysa Soomaaliya.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

17 Responses for “Su’aal Ka Taagan Dhamaashaha Ku-Meelgaarka Soomaaliya”

  1. daljire says:

    mahiiga wuxuu ulee yahay waxba isma bedeli doonaan wuxuu kawadaa madaxdii wadanka oo uu bah dilijiray oo marna xalane ugu yeeran jiray marna Adan cade ayuu rabaa inuu sii wato ,teeda kale qofkaan karaahiyadaa dawlada ma isagaa dhisanaya mise anaga somalidaa ? ? ! ! ? ? ! Waxaanse ilaahay karajaynayaa in ladoorto wiil kulul oo mahiga shaydaan naga qabta ,wuu nagu ciyaarayaaye nana ceebeeye…. Waxan rabnaa
    like Samatar,farmajo, baadiyow ,etc

  2. Axmed yare says:

    Dee ma hadaad ogaateen in dalku uusan gacan noogu jirin. Sxbyaal ninkaan tashan waa loo talin. Mahiga waxaa uu haystaa siyaasi jahil ah Iyo aqoon yahan danayste ah. Si loo legdaana way adkaanaysaa. Ee shacabow tashada, ama adkayasta…….

  3. cawaale says:

    waxaan hubaa in ay fashilmeen mihiga iyo kooxdiisa 20 ogost waaka dib dhici doontaa hawshaan,hadii kumeel gaar lagu jiro iyo hadii kaleba, soomaliya madax qaran bay ubaahan tahay oo karti iyo hufnaan iyo wadaniyad kujirto, umalayn maayo raga qabiilka ku jooga xaafiis ayada in ay wax keeni karaan,

  4. somalia says:

    waa kumeel gaar to kumeel gaar micnaha kujira dastuur kumeel gaar ah barlamaan iyo golihii fulinta oo within 20 days lagu doorto wa arin scenario ii lamuuqdo aaway dowlada ayku taami jireen inay full governance noqondoonto kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  5. carfuuda says:

    waxaan idiin sheegayaa oo aan ogahay in wadanka laqabsadey ee waa hurudaan walaahi waa laqabsadey

  6. waa arkaayey markii marna TURKIGA la idiin duubayey sida geel xaraasha marna muqdisho ku shira la lahaa in meesha dano dowlado kle la waday war meesha geelii la la tegyey -moqoraysta waa taad arlada madhax u diideene, maalintii dhowayd ee shirku furmaayey sideetan jir baa micrifoonka inta qabsaday lahaa Long live Mehiga, Long live Mehiga, Long live Mehiga idinkuna waa ka daba qaadayseen war maxaa loo waayey nin keliya oo odaygaa meesha ka naagaynaya ee BIDOODKA ku saliyaya ka riixa meesha oo yiraahda war bidoodka ma mudna inaan ku salino, war xataa saliga nebi Mohamed NNKH lama xusin meesha boqolaal jeerna waxaa laga yiri Mehiga noolow, war yaa Lo, miyaad tihiin yaab baanu ku maqanahay hadaan somaliland nahay war beeye ragii dhiiga kululaa ee ……… war aaway ragii ”””””””’ ee aan waxaa loola imaan jirine, war meeye ;;;; koonfureed ee Talyaaniga boqol sano ka hor afka jebiyey, war eelay wiiqdii aaway awalba kuwaasi naf may lahayne , war meeye nimankii …….. ee agtooda aan laga xaabaysan jirine , war dadkii miyaa la doorsaday sidani waa maxay, ,,,,,,,,,, Mehiga out and do be master of youselves, chase him away and leed yourselves or else………………………..?

  7. murad says:

    awelba doodaasu way jirtay dad badan baana ka hadlay oo siyaasiyiin ah in nidaamka interim ka ee loo guurayaa ka sii hooseeyo kan transition ka laakiin dad badan oo soomaali ah baa iska rumaystay hadalka madaxda kumeel gaadhka iyo shisheeyaha ee doonaaya in laga ansaxsado shacabka distuur iyo qawaaniin dhulkooda lagu boobaayo oo lagula wareegaayo(lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa) mahiiga soomaali waa ka rayay sida loola dhaqmona aad buu u fahmay

  8. Sama_Kataliye says:

    @Axmed Yare, waad asiibtay walal laakiin Soomaali muddo dheer baan kulahaa erayadaada oo kale hase ahaatee dhag jalaq la iimasiin. Marka Mahiga waji barar marna transitional administration marna interim administration chorus hawga dhigo heestiisa ah shanbirayahow heesa hees wanaagsan heesa.
    Allow Alle

  9. mahaday says:

    assalaamu calaykum, ramadaan kariim.

    walaalayaal, marka u horeysa waxaan rabi kabaryayaa in wadanka rabi nabad ka dhigo
    tan labaad dambigayyaga dhaafa .

    tan sadexaad jahliga dadka kasaaro taas oo keenta cabsi iyo is aamin la aan

    hadaan u soo noqdo arinkaan uu kadhwaajiyaey journalistaha raxanreeb anigu waxaan u arkaa interim government iyo transitional gov in ay ku kala duwanyihiin sidatan:
    transistiona gov waa dowlad kumeelgaar ah oo lagu garayo dowlad buuxda .
    interim gov waa dowlad buuxda oo wax laga badali doono siday u shaqayso.

    waxaan u maleynayaa in ii naa fahmin dowlad buuxda oo wax laga badali doono.

    waxaan kawada inkastoo ay tahay dowlad buuxdaa hadana sey ushaqeyndoonto 4 sano kadin waxbaa laga badalyaa waxyaaba laga badalayo waxaa kamid ah in qaabka baarlamaanka ah aan madaxweyne lagu soo dooran oo lagu dooran doono one vote one person waxaa kaloo labadli doonaa dastuurka oo kumeelgaar ah

    waxaan rajeynayaa in xoogaa aan wax ka iftiimiyey anogoo ku mahdinaya rabiga khaaliga ah

  10. maxamed says:

    waxay ila tahay waliged somaliya tuhun ayey ku jirtey,waligedna kabixi meyso,sabab too ah ma’ah dad tashan kara,waxii tashan wayana sidas ayey mutan,oo waa lo talinaya.

  11. prof Piccolo says:

    vivvo caasimada bahalo galeenka marba haddii laga leexiyo waa guul shacbka u soo hoyotey waana malin madaow mooryaanta tuutaha u gashtye xoolo xaaran ah somaliya waa in laqabsadaa

  12. maroodi says:

    Asc dhaman walalaheyga muslinka ahow. qof waliba manta wxa wajib ka saran yahay Diinta iyo dalka . walalayal in aan gaalo madoow aan daba orodno iyo mid cadba taarikhdeena lagu ma hayo walow u hda xitaa qofkii muslin ah oo dhinta uu ku tukanayo asagoo qurunkii leh. wxaa isweydiin mudan damiirkii Somalinimo xagee aaday madaxda somaliyeed aawaye iyo kuwii Caqliga u saaxiibka ahaa allow geed fiintis ayaan saaranahaye naga badbaadi ,gaaladan iyo dastuurkooda. dastuur waa kii rabi,, yaa allaah .

  13. suheyla says:

    gaalkani riyuu ku jiraa. ee soomaalay haniyad jabin waasida uu jeclaanlahaa waayo asaga dantiisa kujirto dawlad kumeelgaara iyo midkasii hooseysa asaguna kama hadli karo somali dawlad buuxda oo ay yeelato inaga somalia ah ayay inaku xirantahay inaynu dhulkeena ceshano oo dawlad u ogolaano iyo in layna qabsado oon dhaxal wareegno .hadii aragtideenii dhaafiweydey qabyaalad,maxancunaa iwm weyba tagi inlayna qabsado hadii taa aynu dhaafno oo hadafkeenu ahaado dalka somalaa leh ee aan is badbaadino oo aynu dareenkeeda yeelano inay inaku soo socoto tan maanta jirta eedhiba mid kadarani oo ah gumeysi iyodal la,aan weynu badbaadin.

  14. sahra says:

    Interim goverment uun bay noqon kartaa dowlada hada la doortaa maxaa yeelay Dowlad dhamaystiran waxaa lagu gaari karaa marka doorasho xor ah dhacdo. Marka isagu wax uu wato ma ahan ee waa sida ay tahay saa haloo fahmo. Mida kale Somalia talada waa lala yeelan inta loo arko dawladeeda “weak goverment” cidkasta oo daciif ahna talada waa lala yeeshaa bal fiiriya sida Greece loogu khasbayo austerity aysan rabin, marka waxaan in loo taliyo kaga bixi karnaa waa anagoo dagaal iyo is dhibaataynta iska joojina dowlad xoogana dhisana. Wabilaahi Towfiiq

  15. abdiqani says:

    asw walaalaya waxaan raba in aan ogaado yaladhahaa mahiaga muxsayahay ma somaalibaa

  16. Rooraaye says:

    Dhamaan meesha waxaad ku heysaan nac nac waxaan loo baahneyn adinku hadaad wadiniyiin tihiin maxaa loo taageeraa xukundoon isku qabiilbaanahay waa ina adeerkey mahiiga ka hor maxaa faraha kuugujirey inuu ku xukumo waad istaahishaa waxaa la yiri lax walibaa meeshay is dhigtaa lagu qalaa aqoonyahana ma tihid wadiyad haba sheegin adeer haku daalina wadan aan dad laheyn weeye soomaali

  17. [...] AKHRI WARBIXIN UU MAHIGA U SHEEGAY WARIYAAL AJNABI AH OO RAXANREEB AY QORTAY [...]

Leave a Reply