Suleymaan Xaglatoosiye oo Ku Sugan Magaalada Garowe (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe (RBC) Gudoomiyihii hore ee ururka SSC Suleymaan Ciise Axmed “Xaglatoosiye” ayaa beryahan ku sugan magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland halkaasoo uu kulamo kula yeeshay masuuliyiin iyo siyaasiyiin reer Puntland ah.

Ilo wareedyo ku dhow Suleymaan Xaglatoosiye waxay Raxanreeb u sheegeen in mudo usbuuc ahba Suleymaan uu ku sugnaa magaalada Garowe.

Illaa hadda Xaglatoosiye kama uusan warbixin ujeedada socdaalkiisa Garowe, hase yeeshee wararka laga helayo dad ku dhow ayaa sheegaya in socdaalkiisa Garowe uu la xiriiro martiqaad ay u fidiyeen masuuliyiinta madaxtooyada Puntland, isla markaana wadahadalo ay u socdaan.

Arimaha gobolka Sool iyo colaadaha ka aloosan deegaanada Sool iyo Buuhoodle ayaa la sheegayaa in arimaha laga wadahadlayo ay ku jiraan.

Imaanshaha Suleymaan Xaglatoosiye ee magaalada Garowe ayaa ku soo beegantay xilli la filayo in madaxweyne Faroole uu iskushaandheyn ku sameeyo golaha wasiirada maamulka Puntland.  Lama oga in Xaglatoosiye uu ka mid noqon doono wasiirada cusub ee la filayo in madaxweyne Faroole uu ku magacaabo isku shaandheynta.

Suleymaan Xaglatoosiye wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u tartamay doorashada madaxtinimada Puntland sanadkii 2008, hase yeeshee markii uu doorashada ku guul dareystay ayaa madaxweyne Faroole u magacaabay wasiir taasoo Xaglatoosiye uu diiday.  Waxaana Xaglatoosiye uu markaa kadib ku dhawaaqay maamul hoostaga SSC oo fadhigiisu yahay Buuhoodle.

Dhowaan wuxuu Suleymaan Xaglatoosiye la kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo ay isku arkeen Dubai.  Wax badan lagama oga sababta iyo natiijada wadahadalkaasi.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

25 Responses for “Suleymaan Xaglatoosiye oo Ku Sugan Magaalada Garowe (Faahfaahin)”

  1. Wiil-mudug says:

    Siilaanyo iyo Faroole inuu xariir ka dhaxeeyo saas ku garo marka, maxaa yeelay labada ninba Xaglatoosiye wuu la kulmay. alow ale.

  2. daljirka says:

    kkkkkkkkk. Ninkani ma nin waalanbaa,ma xanuunsanayaa,ma basaasbaa, bal micneeya. Bal wuxuu wax isku dhex qasayo fiirsha ,, siilanyo,faroole, ssc, dameerohooduba mawada daaqaane.. Tankale
    sow tay ina calishire iyo farole toogashada kuxukumeen ,tankale wasirkuu diday 08 hada haduu yelo sow iyana qosol maaha , nin wareeray iga dheh..!

  3. Waxyaqaan ina waxgarad says:

    waa guul inuu wadankiis dib ugusoo laabto isagoo waaya aragnimo badan ay usoo korortay uuna kaqayb qaato dhismaha dalka iyo horumarkiis inta maqana ee meelahaas wareegaysa waxaan kula talinlahaa inay go’aankaas geesinimada leh oo kale qaataan

  4. puntlander says:

    ninkaan wuu carooday hadana wuu soo laabtay cidkastoo carootana puntland way soo dhawaynaysaa
    tanlabaad jagada wasiir nimo uma qalmo in xiligaan loo magacaabo wasiir waayo dalna ma matalo dadna ma uu matalo dad sokeeye ah ayuuna cuqdad dhex dhigay isagoo ujeedadiisu tahay in uu kursi ku helo taasna waxaa kuu cadaynaysa tan iyo markii xilka ay ka qaadeen G6 ga khaatumu waxuu marba madax ku dhufanayay gidaar cidlo ah cidkalaba yeelkeede ninkii xasuuqay ayuu kursi udoontay taasina waa damiir daro

  5. Garoowe says:

    isagu yaaab malaha waana ini dadkiisii iyo dalkiisii ku soo laabty haddii uu khaldanaa iyo haddii laga khaldanaaba lkn kuwan kale ee aan warba haayn oo lagu yidhi ============ ayaaa idiin cadow ah iyo Garoowe ku duula miyaanay marna sida dadka u fekeraayn, War garoowe nanka =========== cidi kama sheegato ee dadka idinku ha isu miijinina inta Garoowe degan eega sidaa u nolyihiin , Qofkii doonayaa hargaaysa ha aado lkn naga daaya xag xagasha iyo afka aad nagu balaq siisaan ,

  6. Malabsade says:

    K.k.k.k walale ceebtisa wa sago yeela kursigi 2008 marka waxay noqonaysa sharaf rid

  7. Khaatumaawi says:

    Faroole iyo Xaglo toosiye labaduba jiniyo ayey qabaan oo daawooyin bey qaataan malaha kulankan waxay kaga wada hadlayeen halka xaaladooda caafimaad marayso kkkkkkkkkkkkkk

    Guul Khaatumo State of Somalia

  8. Garowe says:

    War kan tolkiis ayaa soo deyriyey Budland waxba maku soo kordhin karo. Buuhoodle xitaa ma aadi karo markaa kan madaxweyne Faroole ha eryo yeynan budland soo dhaweysan.

  9. Real sanaaglander says:

    Anigu waxaan aamisanahay xaglatoosiye maxaad ula yaabaysaan madaxtooyada puntland baaba maata ah safaarad hargaisa leedahay?

  10. caraseedo says:

    Walaalayaal dadku waa khaldamaa,waana in ay ka soo noqdaan,Alle ayaan qaldamin,kuligeen waxaan nahay Aadame habeen iyo malinba qaldama,marka walaalkeen xaglatoosiye hadduu soo noqday, hambalyaanu leenahay,dalkuna waa dalkaagii,dadkuna dadkaagii oo lagama xigo,
    waxaan leenahay:yaan layna kala gurinoo,yaan layna kala gadan,you well come.
    Garoowe,Buuhoodle,Laascaano,Gaalkacyo,Boosaaso IWM,runta markaan isu sheegno lagama laha,ee yaan been la’isu sheegin.

  11. aniga waa so dhawaynaya Salebaan Xala toosiye tankale siilanyo waxaa laga yaba inuu kala hadlay inuu kala baxo ciidana hoostaka siilanyo dhulka puntland xagala toosiye shacabka reer puntland buu ka mid yahay waana siyaasi dhalin yara waana loo bahan yahay inuu si yasada dhex ma quurto so uu u xaliyo arumaha murg saan

    tan kale waxaa kalle oo la filaya inuu Garawe soo Gaaro PROf Cali Khaliif Galaydh
    ——————————————waxaa horay u jogay garawe PROF Juurille
    waxaa soo gartay dhawan Garawe Fananada qaranka Saado Cali Warsame

    dhamaan dad kaan miisanka iyo meqanka ku leh umada soomaliyeed gar ahaan puntland
    waxay marqaati u tahay si dii puntland looga sari lahaa kala dad sanaanta
    baah saan ee ka dhex jirta waa soo dhawaynaya in puntland ka tashato aayaheeda

  12. ceeb nahan hadii loo magacabo sawiir ee waa sharaf u soo hoyatay
    shacabka punland waayo salebaan waa nin reer puntland siyaasaduna malinba meel bay jogtaa
    faroole hadii uu siyasaad fiican ka leyahay gobolada ssc waa inuu xagla toosiye u magacaaba wasiir sare

  13. Jawaabe says:

    Waa maxay aawey kaatumo ragii xaga putland bay ka doorteen hal qabiil qaran ma noqdo dadkaaga dhinac ka raac hooy hooy hooy dhinac ka raac xaglatoosiye wuxuu kamid yahay ergada ansixinta wuxujna kamid noqonayaa baarlamaanka soomaaliya waa xubin firfircoon uu aad ugu adag qadiyada markaa 120 putland ayuu ku jiraa waxaan maqlay waa gudoomiyaha gudiga ansixinta ergada putland kanaxoow nafta waa idont care jls iyo nin cidla ka duday viva putland state of somaliya waa lakala tegay orodna maaha

  14. Ssc boy says:

    Ramadan karim dhaman aqristayasha sharafta leh waxan ad uso dhaweyneyna hadan nahay dhalinta buhodle arintan farxada leh wana gul uso hoyatay shacabka ssc melkasto ay jogan waxana so dhowatay xorenti lascanood buntland 4ever

  15. mohamud says:

    anigu waxan leeyahay putland ama ————– maamul buu leeyahay waana khaatumo state ee xaglo oo dayro ka ah maamulka khaatumo ?yo ======== ee idinka haydin daba dabaysto

  16. Siyaasadda xaglatoosiye waa Rattigii Macsarada Shiidayey.
    Run sheeg waa balo sheeg,Xaglatoosiye waxa uu ahaa Musharixiintii Puntland ku haminayey in mar uun Hogaanka u’qabto,nasiibdaro waa ku guul dareestay hamigii uu lahaa Xaglatoosiye.Waxaa loo magacaabay Wasiir waa uu diiday isagoo markaas wax qoon sanayey.Xaglatoosiye oo hamigiisii Madaxweyne meel marinaya ayaa ku dhawaaqay Maamul si kastaba ha ahaate arintu,suleymaan Rag iyo Odayaal ayaa banaanka usaarey isagoo filanayey in Golaha Shirkii Khaatumo uu ku yeelanayey saami weyn nasiib daro waa la hareer maray,isla markii Khaatumo lagu dhawaaqay ayuu idaacadda ka had lay is sagoo la yaab ku noqotay sida siyaasadeed ee banaanka loogu saaray.Suleymaan isagoo wali caro ku maqan oo isku dayaya in uu mar uun wax is badal amase loolal siyaasadeed kula tar tamo Khaatumo ayuu Siilaayo la kulmay,waxaa halkaas ka muuqda in Xaglatoosiye uu markaan wax biday in Puntland oga wanaagsan yihiin Soomaaliand oo uu ku hungoobay.Haddaba waxaa is weydiin mudan Suleymaan Xaglatoosiye Wasiir nimadii uu diiday mudo hore waxa uu dib ugu soo gudo noqday Puntland waxaa weeyaan siyaasad uu kula tartamiyo Khaatimo State,laakiin intee gaari doonaa Xaglatoosiye oo uu ku furandoonaa.Maxayse Puntland uqabaneysaa Suleymaan mise dantooday ku fushan doonaan?!!.Ubadi sidii shalay utagay ayuu utagayaa.Mahadsanadiin.

  17. daljirka says:

    nin wareeray haduu nin waalan uyimi qiyaas natijada kaso bixikarta ,odaygan shactirolahaa ee farole iyo filimaystaha wayn ee xaglo jabiye, waxay ila tahay riwaayad cajiiba inay jilayaan .. Lkn wan dawan doonaa.

  18. khadija says:

    xagla toosiye marekan kuma soo noqon karo, buuhoodle kuma noqon karo wuxuu raadinaayey meel uu magangalyo iyo meel uu dego ka helo sopmalilland waxay istuseen ninkana Khaatumo ma metelo kuwii horee ina joogey ayuuba ka sii liitaa ee wax noo qaban maayee inga daaya hadal heyntiisa dad dibada jooga ayaa kula taliyey puntlan iska dhiib faroole oo moodayey inuu danta uu leeyehay ku fushan kara ayaa sacabada u fidiyey, ma xuma ee xagle wax maku soo kordhin karaa cidwalbaba oo uu utago jawaabtu waa maya nama metelo magacenana kuma cayaari karo faroole naflacaarigii iyo khayaamadii uu wadey wakaa naf ka doontey fanaanad iyo wiilala yaryar oo wax qora bal maxay ku soo kordhin maleshiyada aya wadato saado oo uu ka mid yahay xagalo waxba tari mayaan ee lacagta burcada un haka soo qaataan wiilashii dhinteyna saado ayaa loo heystaa ayadaa ina cilmi ka xeysatey xaaskiisii oo uur leh ilama yar yar ayaa u joogey kenya sheydaantaas aaya utimid oo kaxeysatey isagoo diidan allaha unaxariisto.

  19. tanaad says:

    ninkan waa ninka soomalida ugu aqli badan cadowgaaga waa la hadlaa waana laga faa iideestaa marka ninkan xaglo toosiye waa nin siyaasi ah lakin dadka waxey u maleeyan wax kale ,

  20. Puntland boy says:

    Bisha Ramadan baa lagu lijiraa marka waxaa fiican in laiska daayo Beenta Iwm, Saleebaan Garoowe Nina marti uguma aha Waa hadii runta laga hadlayo, Siyaasadu waa xumaan kartaa Laakiin waa dhibaato markii siyaa sadaada xumaanteeda aay dhibaato kusoo gaarto, Saleeban Waa Puntlander

  21. NINA says:

    waar xaglo rag tolkiisa ayaa idinka yaqaan xaalkiisu waa cadka ama cunay ama ciideeyey hadana p/land uma socdee inuu jaranjaro uu siyaasada soomaaliya ku galo xagan garoowe ka helo ayuu qadhaabanayaa anigu markaan u fakaro siduu u fakarayo waa ku raacayaa taa waayo dee imisaa p/land iyo weliba koox khaas ahi ay jaranjaro ka dhigteen reer khaatumo waa doorkiisii dee kkkkkkk

  22. ali says:

    @NINA puntland ha lagu kora oo jaraajaro ha laga dhigtee laakiin adigu kama dhigan kartid sababtoo ah garanmaysid sida looga dhigto. kkkkkkkkk.

  23. NINA says:

    ALI
    wax cusub maad sheegin waa caqliyadaadii ay reer khaatumo kaaga tageen aniguna soomaaliyaan hawaysanayaa oon cidi iga xigin umana baahni inaan p/land u soo maro inta hanka yar baa sidaa u fakara intaad reer khaatumo sidaa ula hadlaysidna waxaad muujinaysaa colaada iyo cuqdad aad u qabto khaatumo oo aad si reer miyinimo ah halkan ugu muujisay ilaahay ha kaaga sahlo cudurkaa

  24. caraseedo says:

    Walaalayaal Xaglotoosiye waxaan u malaynayaa in uusan ka waayin dalka USA nolol uu ku noolaado,laakiin fikirkiisu waa kasii sareeyaa,oo waxuu isleeyahay tolkaa wax u faa’iideeye ee yaan wiilka laxagxaganin,shalay markii uu asaasay SSC waa loo caleemo ruxaayay,maantana koley waxuu wataa figrad ka sii dheer tii hore ee SSC,meel ay la gaartaba,
    Allena haku guuleeyo wixii khayrku ku jiro AMIIN.

    Marka yaan la xumayn meel fog ma uusan tagin ee wali waxuu ku dhexjiraa tolkiis,oo maamulka faroole hadduu ku qanciwaayay markii hore,haddana waxa uu u soo laabtay waa dalkiisii iyo dadkiisii,oo Faroole kama xigo dhulka,oo waxaaba dhacda in uu bedelo mid ka khayr badan oo waa wax ilaahay ku shuqul leeyahay ee yaan la degdegin,waana in la samraa,Amuuraha waxaa maamula Alle wayne ee iyagu ma maamulaan.
    Allaa weyn ninkii aaminaa awood leh
    Ummad waliba aayaheeda inay garato iyadaa leh[[somali laga waa arinkaas!!!!!!]]

  25. caraseedo says:

    TO:Khadijo:waxaan u malaynayaa inaadan ahayn gabar reer Buuhoodle ah,waayo,Xaglotoosiye waa muwaadin somaliyeed oo ay ku dheer tahay somalinimadu waana wiil dhalinyaro ah marka walaaleey,dhalinyaradu way sal fududahay ee waa la soo celceliyaa ee lama didiyo,
    NFD,Kilinkaas shanaad,Buuhoodle,Laascaanood,Garoowe,Gaalkacyo, Boosaaso,Caabud Waaq,Gedo iyo Garbahareey,ilaa guriga Waamood dheh,naa tolkiis baa ka buuxee,miyuu marin habaab keenay???

Leave a Reply