Tababar Lagu Dhiirigalinayo Saxafiyiinta Puntland oo Ka Furmay Garoowe [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe [RBC Radio] Tababar ku saabsanaa Xoojinta iyo Dhiirigalinta Saxaafadda Puntland ayaa maanta loo furay Warfidiyeenada iyadoona uu soo qaban-qaabiyey Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed “”NUSOJ” isla markana ay taageereysay GOLIS Telcom gaar ahaana Barnaamijka KUMEE oo ah adeeg runtii sahlaya in aad ogaato cida kusoo wacday marka mobile-kaagu dansanaa ama hawada aad ka maqneyd.

Tababarka oo lagu qabtay Hotel Rugsan Square ayaa waxa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar,Maareeyaha Guud ee Shirkadda Golis Telcom Cali Xaaji Warsame, Madaxa Suuqgeynta Shirka Golis Siciid Xuseen Ciid,Hoggaanka Ganacsiga Golis Cumar Faaruuq,Guddoomiyaha Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Burhaan Axmed Daahir,qurbo joog iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiyaha Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Burhaan Axmed Daahir

Guddoomiyaha Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ Burhaan Axmed Daahir oo Tababarka furitaankiisa ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey Ujeedada Saxafiyiinta Puntland mihnadooda lagu Xoojinayo isla markaana lagu dhiirigalinayo in ay tahay in Suxufigu ama Warbaahintu noqoto mid xoog leh oo garaneysa waajibaadka horyaala iyo waxa laga sugaayo laakiin aysan caqab noqon Warbaahintu ummada dib u dhaceeda.

Md. Burhaan waxa kale oo uu intaas ku daray in kulanka dhanka taageerida ay gacan weyn ka geysatay Shirkadda Golis Telcom gaar ahaana adeega KUMEE oo ah adeeg runtii sahlaya in aad ogaato cida kusoo wacday marka mobile-kaagu dansanaa ama hawada aad ka maqneyd isla markaana waxa uu amaan u celiyey madaxda Golis ee kaalinya ka geystya qabsoomidiisa.

…”“Waxaa sharaf noo ah inaan Isugu nimaadno nagalana soo qeybgashaan kulankan oo loogu talagalay in lagu Xoojiyo isla markaana lagu dhiirigaliyo Saxaafadda Puntland iyadoona xooga la saari doono Xirfadyahanimada iyo mas’uuliyada Warbaahintu ay u baahantahay,waxa kulankan dhanka maaligelintiisa iska leh oo taageeray suurtagelintiisa Shirkadda Isgaarsiinta ee GOLIS,waxana dhanka qabanqaabada iyo Isku dubaridka iska leh Ururka Qaran ee Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee loo yaqaano NUSOJ,Waxaan Isugu yeernay halkan oo ka qeybgalaya qeybaha kala duwan ee Warbaahinta hadey tahay Idaacado,wargeyso iyo dhinac Warbaahinta Webseedka ee Online-ka…”"ayuu yiri Md Burhaan.

Maareeyaha Guud ee Golis Cali Xaaji Warsame

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Golis Telcom Md. Cali Xaaji Warsame oo isna la hadlay Warfidiyeenadii Tababarka ka qeybqaadaneysa mudda uu socdo ayaa tilmaamay in Warbaahintu ay tahay meesha ummad kasta laga qiimayo isla markaana loogu soo bandhigo caalamka ummadaasi himilada ay higsaneyso.

…”’  Runtii waxan aad ugu faraxsanahay inaan kulankan idin kala qeybgalo iyadoo runtii ay tahay muhiimad weyn arrinta Isgaarsiinta,ummad kasta marka la qiimeynayo waxaa lagu qiimeeyaa Isgaarsiinteeda,waxa weeye Sawirka muujin kara Mujtamacaas horumarka uu hadda taaganyahay iyo midka uu higsanayo himiladiisa meesha laga soo bandhigo oo Aduunka iyo umamada inteeda kale loogu sheego waa Saxaafadda,waxaa la yiraahdaa Saxaafadu waa muraayadii mujtamaca sidaas tarteed waxay u baahantahay wax ka badan in mujtamaca intiisa kale u baahanyihiin, Saxaafaddu waa Xirfad anagu waxan nahay waa Xirfadlayaal, Xirfad kastana waxay leedahay wax la yiraahdo anshax lagu qabto hawshas…”"ayuu yiri .

Isagoo hadalkiisa sii wata kale oo u yiri …”"” Isgaarsiinta waxyaalaha ugu muhiimsan waxa weeye laba qodob oo ah inay tahay Isgaarsiin xor ah iyo inay tahay Isgaarsiin mas’uul ah, xornimada macnaheedu waxa weeye inay u hadli karto sida ay tahay Xaqiiqadu inay usoo gudbin karto, inay ka warami karto iyadoo cidna ka baqeyn mujtamaca ay ka dhex shaqeyneyso himiladiisa, dhibkiisa,dheeftiisa,waxa uu doonayo inuu gaaro,waxa dhibaya inay soo gudbiso waa inay xor u tahay haddii loo diido waa dhib waana mida ay ku sifoobeen Saxafiyiinta Puntland mida labaadna waxa weeye waa in ay tahay mas’uul macnaheedu waxa weeye waa in ay ka qeybqaadato wixii mujtmaca korinaya laakiin aysan qeyb ka noqonin wixii mujtamaca dib u dhigaya siduu yiri Guddoomiye Burhaan,runtii waxan rajeyneynaa Saxaafadda Puntland inay noqoto Saxaafad labadas sifo laga helo,waxyaalo badan baa jira oo Saxaafadda soo gala inay ka fogaadaan oo ay yeeshaan Anshax-xirfadeed iyaga ka dhaxeeya oo qofkii markaas ka baxa lagula Xisaabtami karo ama lagu qaban karo hadey cid Saxaafadda is qabato waa in la helaa cid u dhaxeysa…”"ayuu yiri.

Md. Cali Xaaji Warsame ayaa xusay in ka Shirkad ahaan ay raadinayaan Suxufiyiintii Puntland ee ahayd Xorta isla markaana mas’uulka ahyd iyadoona ay ku amaanan yihiin in maanta ay qeyb ka yihiin horumarka madiqadan ay gaartay,wuxuuna ku dhiirigeliyey in doorkaas la sii wado lana sii jibaaro.

…”"Runtii Barnaamijka Taageeray kulankan ee KUMEE la yiraahdo qeyb buu kasoo galayaa maxaa yeelay qof baad dooneysaa inaad hesho marka war KUMEE weeye halkee joogtaa,waa adeeg runtii sahlaya in aad ogaato cida kusoo wacday marka mobile-kaagu dansanaa ama hawada aad ka maqneyd taas macnaheedu waxa weeye anaguna waxan raadinaynaa Suxufiyiintii Puntland oo ahayd xorta,oo ahayd  mas’uulka, waxan rajo weyn ka qabaa in maanta aad qeyb ka tihiin runtii horumarka aad mandiqadan gaartay door weyna aad ku leedihiin weliba idinkoo dhalinyaro u badan,waxan rajeynayaa inaad doorkas si wadaan  idinkuna dhexdiina isaga waafqdaan anshaxa mihnadaan..”"ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar

Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Axmed Cali Askar oo furay Tababarka ayaa ka sheekeeyey Taariikhda iyo heerarka kala duwan ee ay soo mareen Isgaarsiinta iyo Warbaahinta caalamka,wuxuuna xusay in labadoodaba ay ka dhaxeeyaan xiriir muuqda.

Warfidiyeenada ka faa’ideysaneysa Tababarka ayuu ku booriyey in ay ka xooga saaraan Casharada lagu baranayo kana aqoon korosadaan khabiirada bixinaysa casharada ku saabsan Warbaahinta.

Tababarkan oo loogu talagalay in uu socodo muddo laba beri ayaa waxaa bixinaya Casharada lagu qaadanayo khabiiro takhasus u leh dhanka Warbaahinta sida Wariye Axmed Maxamed Cali”"Axmed Kisimaayo”" oo muddo badan kusoo jiray Warbaahinta haatana u shaqeeya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Hoggaanka Ganacsiga Shirkadda Golis Cumar Faaruuq

Wariyaha Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da gobolada Puntland Axmed Kismaayo

______________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Garoowe

Share

Tags:

Leave a Reply