Tacsi : Marxuum Cabdixakiim Maxamud Khaliif Shire


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun “

Marxuum Cabdixakiim Maxamud Khaliif Shire?

Waxaa halkan tacsi looga dirayaa dhamaan Qoyskii , Waalidkii , Walaalihii, Ehelkii iyo dhamaan Saaxiibaddii AUN marxuum Cabdixakiim Maxamud Khaliif Shire oo Maalintii Isniinta ee 16/07/2012 ku geeriyoodey magaaladda muqdisho. Marxuumka oo ay maalintii Isniinta ahayd ay dabley hubeysani Gurigiisa hortiisa ku dileen.
Ugu horeyna waxaa halkan tacsi looga dirayaa Marwo Baarliin Khaliif Ashkir iyo Caruurtii uu marxuumku ifka kaga tegay, Aabe Maxamud khaliif Shire iyo dhamaan Reer Maxamud Khaliif iyo dhamaan qoysaska Reer khaliif Shire iyo Reer Khaliif Ashkir. Waxaana dhamaantood ALLE uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, marxuum Cabdixakiim Maxamud Khaliif uu EEBE ugu naxariisto Janadiisa. Aamiin, aamiin, aamiin….

Waxaana tacsi diraya .
1. Dr. Bashiir Nuur Xasan Looyaan
2. Maxamed Cali Madhoodhe
3. Cabdulaahi Cabdisalaam Aaden (Garoon)
4. Prof. Maxamed Xuseen Ilkadahab
5. Axmed Faarax Muuse
6. Axmed Maxamed Saalax (Diinash)

Share

Tags:

15 Responses for “Tacsi : Marxuum Cabdixakiim Maxamud Khaliif Shire”

  1. [...] View article: Tacsi : Marxuum Cabdixakiim Maxamud Khaliif Shire [...]

  2. prof Piccolo says:

    Allaha u naxariisto Marxuum C/xakiim M Khaliif Shire qooyskii uu kabaxey samir iyo iimaan allha ka siiyo marxuumka waaxa diley mooryaan oo ku diley guri uu ku lahaa Xamar kadibna ay mooryaantii ay huwiyeen xabado marka somaliya nabad ma’ahn ee waa bahalo galeen oo gurigaddii baa lagu dilayaa ogow beenta ay dadka u sheegayan oo ah xamar waa nabadgalyo oo dadka aqaladooda laheysto lagu dilayo oo cid wax oga qabta aan jirin mooryaanta dhiiga dadka xalaaleystey oo aan rabin nabad

  3. Waxaan tacsi u dirayaa Allaha u naxariistee marxuun Cabsdixakiin Maxamuud Khaliif Shire
    oo Dhawaan naftiisa kuwaayey Xamar, waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo xaaskiisa,caruurtiisa,waalidkiis iyo eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo amiin……

  4. Amina says:

    Allah naxariis iyo nabadgelyo ha siiyo marxuunka ehelkii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ha ka siiyo aamin.xaqdaro ayeey ku dileen dhiig Muslim bay xalaalaysteen.waxa layiri Guryo aylaahaayeen marxuunka ayaa lagu dilay.wuxuu ka soo jeedaa Gedo marka ha ogaadaan dadka kale ee u hanqal taagaya Xamar iyo Guryo ay moorayaan haysato in aan la daynayn wiilkaas miskiinka ah ha ku ciri qaataan.moorayaan dhiig ku bahalowday weeyeh Guryo aysan lahayn bay ku ilmo dhaleen Alah ha dufeeyee.

  5. somali ha israacdo says:

    Alle ha u naxariisto marxuumka janadii alle haka waraabiyo waxaan codsanaynaa in la horkeeno cadaalada kuwii dilay wax aan loo dulqaadan Karin waaye markaa aragto qof shaqsi ah oo maalkiisa lagu dilaayo one day soomaaliya nabad way noqon doontaa insha allah waana la xisaabtami doonaa

  6. maxmed says:

    qof kaste waxuu ka xun yahay Dilka logeystay Cabixakiin Khaliif Shire,sida laga warqabo beesha ====== ila 1991 waxa ku socdey gumad jogto noqday,oo uga imanayey ===== ,magalo madaxda Muqdisho dadka dhisay waa ==== dadka lagu gumaday waa ===== ,dadaka dawlanimada radinaya waa ===== ,waxaa kasii daran ===== wax iskashi ah oo qadiiyadoda ama hiil oo ka dhexeya majiro dhibatada ===== haysata ====== waxay unoqatay fa’do walina qof ==== ah oo ka hadlaya dhibta lagu hayo majiro beenta lashegayo oo laleyhay waxa la dhisaya dawlad waxba kama jiran ======== wali kama wantobin qadiyadii ======= diidka ayahd.

  7. Puntland boy says:

    Tacsi baan udirayaa dhamaan eheladii uu ka geeriyooday marxumka isagana alaha unaxariisto, Waxaan u maleynayaa dhowrjeer oo hore ayaan figradeyda ka dhiibtay Xamar & Waxay tahay, Waxaan la yaabanahay inaan is ku qancino Xamar waa magaalo madaxdii Soomalia, Su’aashu waxay tahay oo aan markasta is weeydiiyo Ma la ilaaway maa tadii lagu xsuuqay ? Xamar waxaan ka soo qaxay anigoo grade 8th ah mana ilaawi karo wixii aan kula kulanay aniga & Faami ligeyga, waxaan aqana ilaa iyo 5 guri oo kiiba uguyaraan 1Qof lagu dhex aasey oo qabri gii Lageyn waa yay ilaa & hadana aay ku dhex aasanyihiin, Maalinkaas ilaa & maanta dadbaa ku nool guryahaas oo waliba xoog ku haysta ,Meeshaan kuma soo koobi Karo waxii aan la kula nay , Wixii ka dhacay xamar mala is weeydii yay ? Maatadii lagu xasuuqay Mala is weeydii yay ? Hantida lagu haysto xooga mala is weeydii yay ? Dadka lagu laayay gur yahooda oo waliba qabuuraha lageeyn waa yay kuna aasan gur yahooda dhexdooda mala is weeydiiyay ? Gabdhihii la xogay mala is weey diiyay ?, Dadka aan lahadlayo waa isgara neysan. Waxaa doqo niima ii ah aniga & Qofwalba oo caqli leh in isagoo yar Aabo & Hooyo kala soo carareen xamar oo hada isagoo korey dib ugu noqo, Xamar maahan magaalo madax mana is taahisho Dadka aan lahad layo waa isgara neeysaane Madaxa kor u Qaada ,

  8. hogol says:

    maxmed@ sxb si xadaari ah oo reer magaalnimo leh u hadal qabiilo tiris waa ceebe xishoo inkastoo ay raxanreeb.com jartay waxad qabiil tirinaysay oo aysan soo gudbin hadana waxan kugu wanin laha si degaan ah uga hadala balse qabiil afka haku balaarin sxb

  9. claahi daahir siciid says:

    waxaan tacsi u dirayaa anoo kuhadlaaya magaca reer daahir siciid xaashi eheladii iyo qaraabadii uukageeriyooday c/xakiin maxamud khaliif shire oo gacan kaxaqdarani kudishay muqdisho ilaahay ha unaxariisto marxuumka reerkisii iyo ehelkiisiina ciwad khayr qaba alaha ugu badalo AAMIIN

  10. coon abdi says:

    Allaha u naxariisto eheladiisiina allaha ka abaal mariyo. Kuwiinaan afxumada caadeystay ee reer puqland ogaada xamar cid walba waa lagu dilaa. Markii boqolaal qof oo dadka meesha ku badan la dilo ayaa qof gobolo kale ka yimid lagu dilaa meesha. Midda kale xamar qof kasta ee rabo inuu dego waa caasimadii dalka dadka ka wada dhexeyso. Cidiid guri qof kale degen waa laga qaadayaa markii dowlad awood lahi ogolaato. dadku sidiisa meel kasta ha joogeenee haddii aysan sharci ka cabsaneyn wax walba ka filo. Midda kale gobolada w/bari goobo dowladda ayaa dad laga gaday oo goryo ka dhisteen yaa wax ka sheega. Marka yaan qabiilku idinka tan badine u fekera sidii dad wax garad ah oo caqligu ha shaqeeyo.

    Talo: qofkii aan xamar rabin ha iska joogo meesha.

  11. dr seef says:

    allaha haw naxariisto marxuum c/xakiim maxamuud khallif gurigiisii baa lagu dilay sidii xildhibaan aadan buule oo kale xamar degaan danbe maleh caasimadna warkeeda daa, maaweelada beentaa iyo dil joogtaa oo hantidaada laguugu dilayo ilaah baa ka gar qaybinaya talo waa tan rabiye talaa lagudboon soomaali waliba DRD, caalamkana waan usheegaynaa xamar inay tahay guri mooryaan bahalo galeen ee aysan caasimad ahayn,

  12. wiil gedo says:

    @coon ABDI

    ALLEYLEHE waxaad tahay coon da adiisa aysan wax ku tarin. dadku lagu laayo oo aad leedahay meeshaa lagu dilay dadkii ay ka dhasheen ha udoodaan. oma doodayaan sababtoo ah bahalada xamar qabsaday naftu wax lama aha. lalama noolaan karo. waxaan usoo jeedinayaa walaalaheyga puntland kasoo jeedaa in aan katashano oo gacmaha is qabsano dadka xamar xooga ku heysta somalinimo marabaan somaliland ha go do ssc ha iska hilmaamaan hana loo gooyo anaguna jubaland waa goosanaynaa puntland walaalayaal go a oo wadan madax banaan noqda. xamarna isbaaradooda iyo xaaraanta alla haku cadaabo duf ku baxa maxishoodayaal illaahay idinka jaasee somali waxaad badeen

  13. Puntland boy says:

    Waxaa la heshiinkaraa markii runta la isu sheego, Dad baa waxay la soo shir tagayaan xamar dadka ubadan markii boqolaal ladilo ayaa Qof laga dilaa u dhashay gobolada kale Hadalkaas laf ahaan tiisa ayaaney xamar magaalo madax unoqon karin, Markaad leedahay ubadan ma aadan oron ku dhashay xaamar macnaheedu soow maahan anagoo ah reer hebel ? Markaadse lee dahay kayimi gobolada kale Adeer aniga , Aabahay & Hooyadayba waxaan ku dhalanay Xamar Ama cadicasiis waligaa ma maqashay ? Xamar waxay aheyd Caasumad waxaana dhistay Soomali oo dhan Waa gii aan ku noolaana la ima oran mana maqal reerbaa ubadan ee waxaan ogaa ineey aheyd magaalo madax dii wadanka, Dariskii & Ciyaalkii xaafada aan buglaha wada cayaari jirnay ayaa anagoo dhex taagan gurigii bililiqaystay , Xamar yaan la isku lugoyn, waaka maaranaa Banadir ,hiiran ,galgaduud Soomiya maahan Sedexdaas gobol, Qofkii iga dhinta qiimo daro macna weeynbuu ii gu fadhiyaa waaba saa sheegat boqolaale, Kuwiinaan Macaan jeceelka ah oo Xukun doonka ah Una Badan Reer Puntland Umada haku Lu gooynina Cemeteriga waa xamare,

  14. coon abdi says:

    TO kan la baxay wiil gedo:

    Saaxiib aniga ima siri kartid waxba wiil gedo ha la bixin ee doqon yahow sheego gobolka aad ka timid.

  15. NINA says:

    ALA haw naxariisto marxuumka.anigu waxaan odhan lahaa yaan qofna ka tanaasulin xaqiisa ninkii hanti ku leh xamar waa in uu hantidiisa ka daba tago hadaad maanta hanti aad lahayd sheegan waydo berina meeshaad degtaa lagugu sheeganayaa oo lagugu qabsanayaa dadka xamar haysta hantida dadku weli ma arkaan dawlada quwad leh ooy ka baqaan waa sababtay dadka u laynayaan anigu waxaan qabaa yaan xamar loo hibayn waa intay doonayaane meel lagaa baacsaday hadaad ku noqon waydo biiq inaad tahaad cadaysay ood taariikhda isu galisay

Leave a Reply