Tahiriibayaal Soomaali Ah Oo Ay Soo Badbaadiyeen Ciidamadda Badda Libya
TripoliĀ (RBC) Tahiriibayaal Soomaali Tripoli Ciidamabadda Badalka Dalka Libya ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad sagaal qof oo Sooaali tahiriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socodeen ay ku degtay biyaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.
Warbaahinta dalka Libya, ayaa maanta oo Sabti ah baahisay in la soo badbaadiyay Soomaali tahriib ah, oo markii hore ka tagay Tripuli, kuna sii jeeday dalka Taliyaaniga.
Waxa gacan ka geestay tahriibayaashan Soomaalida, in la helo ciidamada badda dalka Talyaaniga, oo ogaaday in ay jirto dooni ku ciladowday badda , taas oo soo baxday arbacadii hore,laakin markii ay labo maalin ay badda ku jirtay ay degtay.
Qaar ka mid ah dadkii la socday doonida ayaa la sheegay in ay miir-daboolmeen,oo xaaladoooda ay is badashay, kuwaas oo hadda la dhigay Isbitaal,
Sidoo kale, ciidamadda badda dalka Taliyaaniga waxa ay sheegayaan in ay jirto dooni kale oo ka tagtay Libya oo badda hadda ku jirta.
Soomaali badan oo ku sugan Libya, ayaa ku haminaya in ay galaan badda iyagoo raba in ay aadaan dalka Talyaaniga, si halkaas ay uga galaan qaaradda Yurub, laakin kuwa badan oo waxa jira badda ku dhinta inta ay safarkaas dhibka badan ay ku jiraan.
Soomaali badan ayaa sidoo kale, soo mara saxaraha Africa,iyagoo doonaya in ay soo gaaray dalka Libya, oo hadda ay ka jiraan isaga qudhiisa dhibaato weyn oo ka dhashay wixii ka dambeeyay markii uu sannadkii hore ka dhacay kacdoon ka dhanaan, Qadaafigii geeriyooday.
Waxa kaloo jira, Soomaali badan oo ku xiran xabsiyadaha ku yaala dalka Libya, qaar kood waxa ay u xiran yihiin maleeshiyo aysan jirin cid ay ka marqaataa, oo doonaya in ay lacag ka qaataan, sidoo kale dumarka ayaa la sheegaa in ay kufsadaan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa baaq qeylo dhaan ah, ka soo saaray dhallinta tahiriibeysa ee ku dhimanaya baddaha, iyagoo doonaya in ay helaan nolan dhaanta tii ay ka soo tageen, markii hore.
Baaq uu soo saaray ayuu beesha caalamka waxa uu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada maanta ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan dhallinta ku baaba’eysa baddaha.
RBC Radio
——————————
Xafiiska Wararka Nairobi











[...] More: Tahiriibayaal Soomaali Ah Oo Ay Soo Badbaadiyeen Ciidamadda Badda Libya [...]
Dhalinyaradda la badbaadiyey intooda badani waa reer Garowe, waxaa ku jira ciyaartoydii xulka ee Gobalka Nugaal caasimadiisa Garowe. waxaa ku jira shaqaalihii Wasaaraddaha qaarkood. waxaa ku jira dhalinyaradii bilaa shaqada ahayd. waa la baxay Yurub ayaa lug lagu galaa.