Talaabo ku dayasho mudan – U Hiili dhulkaaga Hooyo. W/Q Abukar Awale
Talaabo ku dayasho mudan – U Hiili dhulkaaga Hooyo
Abukar Awale
Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka
Abukar_aw@yahoo.co.uk
Luulyo 27 2012
Iyadoo Mudooyinkan danbe laga dareemayo gebi ahaanba Soomaaliya inay kasocoto dar- dar iyo dhaqdhaqaaq balaaran oo ay shacabka Soomaaliyeed meelwalba ha joogaane tiigsanayaan inay wadankooda dib u dhistaan waxaan kaloo meesha kamaqnayn qurba joogta tirade badan oo wadankii dib ugu laabanaysa kuwaasoo wadankii geeyay dhaqaale iyo xirfadba.
Dhanka kale Dowlad goboleedka Puntland & shacabkeeda ayaad moodaa inay hormuud kayihiin horumarinta wadanka, sidaad lasocotaanba Waxaa mardhow bilaabanaya soosaarida batroolka Puntland taasoo gebi ahaanba badali doonta heerka dhaqaale ee Puntland iyo Soomaaliya ,
20kii sanoo lasoo dhaafay ayaa waxaa jira ganacsato waaweyn ILAAHBAA weyne oo ganacsiyo balaaran kafurtay ilaa hadana kusugan wadanka dibadiidsa ,sida Geeska afrika iyo wadamada carabta hadaba ma,la oran karaa waxaa lagaaray waqtigii ganacsatada Soomaaliyeed ay aaminilahaayeen kuna kalsoonaan lahaayeen Ciida hooyo , waqtigu mayahay mid sax ah kaasoo ganacsatadu ay ku dhiiradaan inay ganacsigooda dib ugusoo celiyaan wadankooda si ay dalkooda u dhistaan dadkoodana shaqo ugu abuuraan ,
Tusaale buuxana waxaa u noqonkara bangiga weyn ee cusub oo laga dhisay Boosaaso kaasoo diyaar noqonaya dhamaadka Sanadkan lana filayo inuu noqdo BANGIGA ugu weyn ee wadanka laga hirgaliyey ayna shaqo ka heleen dhalinyara badan oo wadanka wax kubaratay, bangigaas oo lamagac baxay IFTIN BANK of SOMALIA.
Waxaa igu kalifay maqaalkan ka dib markaan TV caalamiga ah ee SOMALI CHANEL ka daawaday waraysigii dhiirigalinta & xiisaha lahaa ee barnaamijka DALDHIS. Micin Ali – Gudoomiyaha Xawilaada Iftin ee UK and EU kudhiiraday, muujiyeyna inay xawilaada iftin u tafaxaydanayso sidii ay doorkooda uga qaadan lahayd dib udhisida dalka, talona ku siiyey ganacsatada muga weyn ee soomaaliyeed inay dalkooda & dadkooda usoo jeestaan, maalgalin weyna ku sameeyaan dhulkooda hooyo.
Barnaamijkii oo Buuxa guji halkan Hoose.
Waxaa Qoray
Abukar Awale
Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka.











[...] Read More: Talaabo ku dayasho mudan – U Hiili dhulkaaga Hooyo. W/Q Abukar Awale [...]
asc, waa wadani cawaale jecel dhulkiisa, waxaan kaloo aad u taageeraa barnaamijka joojinta qaadka. Halkaa ka wad walaale waad ku mahadsantahaye.
Sideedaba ayaa waxa aan Wanaagsaneyn in Warka khaar la’iska yiraahdo ama la’iska Qoro … Waxaana markasta Qofka Muhiim u ah, inta aan Warka la’iska Dhihin ka Hor, in markaasi la’iska Hobiyo si marka dambe uu Warki kugu soo noqonin ama si aad Warkaagiiba ugu Ceeboobin, sidaasi darteed ayaa waxa Qofka u Wanaagsan in Had iyo Jeer uu ka Taxadiro Qoraalkiisa iyo Magaci uu markaasi Dadka ku dhax lahaan laha, siiba in markaasi uu ka Fikiro in Qoraalkiisa ay ku Qotonto Wax Ilaahey Xaggiisa Dambi ku ahaan karo iyo inkale … Haddaba waxa aad Ogaata in Sharafta, Magaca iyo Karaamadda uu kaaga Ciyaari karayo, sida:- 1. Sheydaanka Dhuuni Raacnimadda ku Adeegta, 2. Sheydaanka Nin Jecleysiga Dadka ku Dhiirigaliya, iyo 3. Sheydaanka aanu Qabiil Qabiilka ugu wada Adeegi haayno … Saddexdaasi oo runti Arin iyo Hawl Sheydaan wada ah, ayaa waxa ay iskugu soo Biyo Shuban karayaan, sida ay inta baddan Dadka u wada yaqaaniin ayaa waxa ay yiraahdaan:- “Daneystaha aan Dadkiisa Danta ka laheyn”. Midkaasi oo runti Qoraaladdiisa Dadka khaar ay ku noqon karto, sida:- Baasuuke la dhax dhigay Dad aan markaasiba u War heynin … Qaraxa Qoraalkiisa ka Dhashana uu markaasi Firirkeediina Dad baddan Saameyn karayo … Dadkaasi oo sida inta ku yimaado Firiro is daba joog ah, Firirkaasi oo sii Danqinayo Nabarba Nabarki uu ka horeeyay, waxa ayna Cid waliba Daliil ka dhigan karta, Qaraaladda iyo Maqaaladda lagu Daabaco Wargeysyadda iyo Webside yadda siiba Post ga iyo Comment yadda oo kale ayaa Marqaati idinkugu Filnaan karayo … Sidaasi iyo Jimca Wanaagsan waliba RAMADAAN KARIIM … W.t.
Asc wadanka in ganacsigiisa la hormariyo way fiicantahay laakiin xagagy ku danbaysay hantidii ku maqnayd Dalsan Bank ex Iftin? dadka Iftin horboodaya sow mahan Dadkii dalsan?
maasha allah waa barnaamij aad u wanaagsan wuxuu ku dhiiri galinayaa dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku nool inay maal gashadaan wadankooda waa wax wadama caalamka u kala tartama waxa la yiraahdo investment maalgashiga waa arin wanaagsan tan kale waxaa shaqo ka helaya dad badan waxaana arki doontaa in dadka lagu soo xusho aqoontooda runtii waa alxamdulilaah
QORAAGU WAA MAHADSAN YAHAY WAXAAN U QAADANAY BARAARUJIN IN WADAKA LAGUNA SOO LAABTO LANA MAAL GASHADO LAAKIIN MEEL HUBAAL U BAAHAN AYAA QORAALKIISA HORDHAC U AH WAANA SHIDAALKA PUNTLAND, SHIRKADII KU HOWLANAYD SHIDAALKA PUNTLAN WAXAY SHEEGTAY IN MEESHA BIYO LOOGU TEGEY PUNTLAND BIYA LA’AANI KAMA JIRTEE SHIDAALKII MEEYEY? YAANAAN ISKU QANCIN FIKIRKA LIXDA SAXIIXE OO SIDA MOWJADA USOO BURQANAYA XEEBTANA KU DHAMAANAYA, SHIDAAL BAAN QODAYAA, KUMEELGAAR AYAAN KA BAXAYNAA, BALAA BAALAA BALAA XOOGAA FAALOOYINKA NAGA BAANDHEEYA THANKS EVERY BODY