Talo Ku Wajahan Shicibka Somaliyeed. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Talo Ku Wajahan Shicibka Somaliyeed
Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com
Luulyo 17 2012

Waxaan ku bilaabay magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Shicibyahow dhibo badan ayaa idinku habsaday, oo ay ka mid yihiin dil, xasuuq, boob iyo dhac ku salaysan arxandaro naxariis la’aan ixtiraam la’aan, uquurid la’aan, xaasidnimo…iwm. dhibahaas  oo ay idiin gaysanayeen kuwii aad idinku dhasheen oo aad daadihiseen dhibta ku imanaysa aad dhabarkiina u dhigayseen ha dhicin hajibin lahaydeen ilaa intay kasoo xoogsanayeen iyo dawlado danahooda idinnku wata oo aad u noqoteen laas aan gurin oo ay dhurtaan.

Shicibyahow waalidkiin wuxuu ahaa dad karaamo, sumcad iyo sharaf lahaa oo adduunkoo dhammina ku ixtiraamayey cadowgooduna uga baqayey. Waxay ahaayeen dad aan dawladaha aduunka tuugsan dad aan gaajadooda la arag dad khayaamada aqoon dad aan quursi cidna ka ogolayn dad sumcadda iyo sharafta naftooda u huryey sharaf iyo wanaag meeshay ka gaareen heeskaan hoose bal dhuux oo ka dhandhanso.

Waqtiyada socdaalka ah                     Ayaamaha silsidda ah
Xilliyada bal suuree                            Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo                     SOOMAALI WAA KUMA?

Sinnaantaan la magac ahay               Sanku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarrayn karo                          Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo                   SOOMAALI BAAN AHAY

Ninna madax-salaax iyo                     Kama yeelo seetada
Sasabada ma qaayibo                         Sirta waxaan iraahdaa
Saab aan biyaha cellin                         SOOMAALI BAAN AHAY

Dabayshaan la socod ahay                 Salfudeydna uma kaco
Waabay sunaan ahay                          Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa                       Soomaali baan ahay

Inkastoon sabool ahay                        Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado                      Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo                     SOOMAALI BAAN AHAY

Socdaalkaygu waa meel                     Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa can                        Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga suran                  SOOMAALI BAAN AHAY

Nin i sigay ma nabad galo                  Nin i sugayna maba jiro
Libta weli ma sii dayn                         Gardarrada ma saacido
Nin xaqlana cid lama simo                 SOOMAALI BAAN AHAY

Nabaddaan u sahanshaa                     Colaaddaan ka selelaa
Sooma jeesto goobaha                       Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo                         SOOMAALI BAAN AHAY

Ninkaan taydu soli karin                     Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed                         Ninna kabaha uma sido
SOOMAALI BAAN AHAY                      Ninka iga sed roonow
Siintaada magaca leh                         Ogow kaama sugayee
Hana oran “sasabo bedow”                Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY

Saan la kala jaraan ahay                    Summadi ay ku wada taal
Rag baa beri i saanyaday                   Anoo xoolo soofsada
Xil midnimo anaa sida

 

 

Idinkiina waxaad noqoteen waxaan sharaf lahayn oo karaamo lahayn oo sumcad lahayn aduunkana dawlad ixtiraamaysaa aysan jirin cadowgoodiina inuu kabaqo iska daaye aanu daahaba ka rogan. Allah ayaan idinku dhaarshee maanta ruuxa Somaliga ah oo hees kaas sharafta iyo wanaagga ay waalidkeen lahayeen xanbaarsan kufaani karaa waa kee. Sacabadaan hoorsanaa cadowgeenaan kabaha usidnaa waxaan rabno inaan dhahnaa loonoo yeeriyaa midnimadaan ka cararnaa dullinimadaan iyo tafaraaruqaan u orodnaa wanaag ayaan idiin soo wadnaa laynugu sasabaa.

Dhulkeenii intii inoo hartaa lagu soo fiday qaybaa lakala iibsanayaa oo dawlada kale kala iibsanayaan (sida suqadara oo yemen iyo Imaaraadku kala iibsanayaan) itoobiyaankii ayaa inagu soo fiday oo gudaheenii jooga inagaa hubka usidnaa askartuu wataa oo lebeiska itoobiyaanka xiran waa Somali kuwa kale lebiskeena wataa oo hogaaminayaa waa Somali, Kenyaatigii ayaa inagu soo fiday oo dhulkeenii dhex mushaaxaya askartuu wato oo labiskii kenyaatiga xiran waa Somali kuwa hogaaminaya oo labiskeena xiran waa Somali.

Ciidamao kale oo afrikadaa ka yimi ayaa inagu mushahar qaata oo dhaqaale badan magaceena ku  hela kuwii inagga askarteena ahaa shilin ma qaataan ciidan inoo gaar ah in dakhli lagu bixiyo oo dib loo dhiso laynooma ogola sababtoo ah dhaqaalahaas ayaa ka istaagaya magaceena lagu soo qaadato. Dhammaantoodna itoobiyaan keenyaan iyo afrikadaa kalaba ma ay kala jecla dhibta iyo hoogga maatadeenii ku dhacaya oo waxaan noqonay mashruuc laga shaqaysto.

Hal hoobiyaa kusoo dhacaya meelaha ay ciidamadoodu joogaan boqol madfac ayeey ku jawaabayaan ciday ku dhacayso oo ay haleelayso makala jecla oo ka nixi maayaan, gaari tikinikaa xabadaynaysa diyaaraday ku soo kicinayaan dhulkii xayawaankii dadkii ugaartii oo dhan bay ololinayaan mana kala jecla waxii ku dhammaanaya. Iskabadaa inay ka naxaan xasuuqa madaafiicdaasi gaysanayso ee maalintay madaafiic badan ridaan waa baraarahooda sababtoo ah madfacay dhulka ama cirka ka ridaan waxay soo dallacaan kharashkiisa markaas ayaa kuwii UN ta sheeganayey iyo kuwii madaafiicdaa ridayey kala goostaan dhaqaalahaas magaca Somaliyeed lagu baxshay. Kuwii lagu soo gabanayey ee Alshabaab iyaguna waxaad moodaa inaanay kala jeclayn dhibahaas lagu wado dadkii iyo dalkii ay udhasheen.

Baddeenii ayaa qashin lagu qubayaa khayraadkeedii ayaa la dal dalanayaa wax ka naxaya oo boobkaas iyo dhacaas lagu wado ka hadlayaa ma jirto, wiilal aan dhalnay ayaa laashash qaatay oo maraakiib afduubay waxaa soo gurmaday adduunka oo dhan waxay soo wada direen boqolaal maraakiibta dagaalka ah, maqal iyo muuqaal radio qoraal meel kasta ayeey ka sheegaan wiilashaas maraakiibta afduubtay, ogoow wiilashaas dadka saaran maraakiibta malaayaan ee dhaqaale ayeey waydiistaan. Hal tv iyo radio ka hadlaya khayraadkaas la dhacayo badaas sunta lagu shubayo dhulkaas lakala iibsanayo ma maqasheen mise maqasheen marna markab dagaal oo waddan hebel leeyahay ayaa qabtay markab khayraadka Somaliya guranayey amase markab badda Somaliya sun ku shubayey waa maya. Dhaqaalaha maraakiibtaa la afduubtay la waydiistay meel kasta ayeey isaga soo ciidmeen. Dhowr milyan ayeey wiilashaasi waydiistaan maraakiibta ay qabsadaan, baddeenana waxaa laga xaabsadaa oo laga boobaa si bareer ah oo dhac ah dhaqaale boqolaal kun oo milyan kor u dhaafaya sunta lagu shubayana xad maleh.

Shicibyahow dadkii dibadaha idinka aaday baraarahoodu waa maalinta aad islaysaan waxay shaaha makhaayadaha kaga cabaan oo isugu faanaan intaad iska dishaan, waxay uruuriyaan lacag ay doonayaan inaad xabadu ku gadataan aad isku laysaan si sheekada shaaho maalintaas qiimo u yeelato oo ay isugu faanaan reer hebel manta intaas ayaan ka dilnay. Caruurtii ayeey idinka bara kiciyeen oo baddii ku dhammaatay say usu lahaayeen hebel iyo hebla meeshay tageen aada oo idinkuna kasoo hadla. Wax agab ah oo wanaaga ama arxan oo ay idiin hayaan ma jirto.

Shicibyahow waxaad tihiin dadka kaliya ee aaminsan in ruux kastaa waqtigii loo qoray dhimanayo oo aanu dhaafayn oo haddii sababta dhimashadiisu tahay xabad aanu siigayn hadday tahay cudur aanu sigayn hadday shil baabuur ama markab ama diyaarad ay tahay aanu seegayn. Shicibyahow baqdin ayaa wadnihiina guri ka dhigatay aan maskaxdiinu aaminsanayn, sababtoo ah maskaxdiinu intaas aan soo sheegay ee ah inaanu ruux kastaa dhaafayn waqtigiisa ayeey aaminsan tahay.

Shicibyahow haddaydaan istaagin oo fulaynimadaa hoyga idinka dhigatay tuurin ogaada inaanay foolxumadaas, hoogaas, dhibaatadaas araxan daradaas sharaf dhacaas sumcad xumadaas idin saaran oo laydinku hayo inaan laydinka daynayn mid iskeed idiinka kacaysana maaha. Ogaadana Rabbi inuu yiri duul Rabbi kama bedelo waxay ku jiraan inay iska bedelaan maahee shar iyo khayr waxay tahayba.

Shicibyahow inaad xabad isu gurataan oo isleeysaan oo is xasuuqdaan kama baqdaan oo haddaad tobon nafood leedihiin oo midiba mar baxayso makala jeclidin oo xabadaad isu dhigaysaan. Ma waxaad awoodi la’dihiin oo ka baqaysaan inaad xumaanta dhaca boobka bahdilka laydinku haya nafta u hurtaan oo isu taagtaan same iyo baraare inaad kuwada noolaataan idinkoo sumcad ixtiraam sharaf adduunkoo dhan idiin hayo, ogoodana qof aan waqtigiisii dhammaan dhimanmaayo.

Shicibyahow waxaad noqoteen oo yeelateen dhaqanka shimbirta la yiraahdo Qoolayda, shimbirtaasi shimbiraha kale shibmir ay iska celin kartaa maleh xataa kuwa yar yar oo Somalidu u taqaan dayn hilato oo markay dhulka kusocdaan bood booda, markay shimbiraha kale oo ay isku nooc iyo sinjiga yihiin ee qoolayda ah aragto ayeey biloowdaa guux oo giirka kicisaa hadba mid ku boodaa.  Idinkiina sidaas oo kale ayaad noqoteen dhexdiinii markay noqotana guux iyo sawaxan ayaad biloowdaan dadyowgaa dawladaha kala mid aad juuq u dhihi kartaan ma jirto. Tusaale ahaan Ciidamada badda ee Puntland iyo Somaliland ayaan maqlaa oo soo qabqabtay burcad badeed toloow maanay xabadoodu karin maraakiibtaan sunta iyo khayraadka daldalanaysa oo ku shubaysa badaheenii, hal markab oo khayraad gurnaya ama sun shubayey  ayeey soo qabteen Allah ku dhaartee inaanan maqal. Maalin dhowaydna dhammaantood waxaa laysugu geeyey Imaaraadka iyagoo la leeyahay soo qabqabta wiilashiina maraakiibta afduubata sababtoo ah haddaanu nahay adduun waynaha kale dhaqaala hayagii ayaa wiilashaasi duullaan  ku yihiin bal ka warama kuwa dhaqaalaheenii duullaanka ku ah oo waliba dhib iyo sun isugu kaaya daraya.

Shicibyahow waxaynu u baahanahay ugu horayn ruux masuul qaadi kara oo inaga naxaya oo naxariis leh oo damiir leh iyo idinkoo dhan oo daba istaaga gacanna siiya cid alaale iyo ciddii isku dayda inay ka hor timaadda oo dawladahaas kale ah car nuuxsada yiraahda. Dhagax ayaad ku eryi jirteen maantana wada xabad baad haysataan hadaad is raacdaan miyeey idin soo hollin karaan waa maya. Rabbina waa idin caawinayaa illayn xaqdarro kuma socotaan waa dhulkiinii waa dadkiinii dawladahaas kale dhulkoodii iyo dadkoodii duullaan kuma tihidin.

Shicibyahow ruuxa Naxariista badani leh dareem damqada leh ixtiraamka leh kuwiine taagta daran ayuu u turayaa kuwiina madaafiicdu iyo dhibaha kale ku habsatuu kanaxayaa khayraadkiina iyo dhulkiina sidii ladoono laga yeelayuu dareenkiisu diidayaa, waxaad tiraahdaan ma rabno ayuu ixtiraamayaa oo idinku raacayaa. Haddaan ruux intaas leh heshaan idinkuna daba istaagtaan oo garabsiisaan dhibahaas xal ayaad u halaysaan Allah idinkii…

Shicibyahow maanta ruuxa Siyaasiga ah ee Sifahaas leh oo aan garayo waa Cabdiwali M Cali Gaas waxaan ku arkay naxariis waxaan ku arkay arxan waxaan ku arkay turriinsho waxaan ku arkay damiir damqada iyo waliba dulqaad ogaada tubta nabadda aad maqlaysaan waa sidii looga bixi lahaa dawlad ku meel gaar ah ee dawladaha kale u meeriyaan waxay oron lahaayeen iyo waxay samayn lahaayeen oo aan maya dhihi karin waxaasi nama anfacaan dhihi karin sidii shaqaalihii dhaqaale gacanta loogu shubo oo markii ay yiraahdaan foolxumadaas ma aqbali karno eedayn dusha laga saaro. Eedayntaas oo waayadaan danbe u badatay dhaqaale ayeey dhunsadeen illayn lama oron karo danahii dawladahayaga ayeey diideen. Sababta uu Cabdiwali M Cali Gaas tubta nabadda iyo dastuurka ula rafanayo ma is waydiiseen inay tahay mar kaliya aad noqoteen dawlad oron karta maya waxaas waa diidnay waddan kayaga nooga baxa Ciidamada Xooga Dalka ayaan dhisanaynaa Dhaqaalaha nala siinayo annagaa xor u ah… ogaadana dawladdii tiraahda ciidan ayaan gaynaynaa Somaliya maya lama oron karo dawladaha dariska inay soo galaan waddanka maya lama oron karo ruuxii maya yiraahdana horaa loola kacayaa illayn dhaqaale la qaybsaday oo magaca Somaliya lagu qaatay ayuu is hortaagayaa…

 Ruuxa siyaasigana waxaa fiican inuu wax kasta haye yiraahdo markuu itaal la’aanta yahay isla markaasna cagta cagta usaaro sidii uu waxaas foosha xun uga bixi lahaa oo usoo ceshan lahaa codkiisii sharaftiisii sumacadfdiisii iyo xaquuqdiisii gabay ayaa ahaa… Allahayow ruux ii daran maxaan daafta hore Seexshay, mid idaaq sanayana maxaan daafiga u kariyey,  Jirku nimaanu doonayn maxaan hadalka deeqsiiyey. Kama degdegee xaajada, maxaan ugu dulqaad yeeshay…

 

Gaqbagabadii

 

Shiciboow ama Qoolaydii noqda markay qoolay kale aragto u guuxi jirtay oo isu guuxa markii qof idinka mid ah run lagu amaano oo lagu sheego (sidaad ku arki doontaan afkaaraha(Comment) ay qaarkood ka jeedin doonaan markii ay arkaan magacaan Cabdiwali M Cali Gaas) ama sida shimbirka bahda bolo boolada ka midka ah ee aad korkiina ku aragtaan iyagoo saf saf ah oo midkood hogaaminayo iyaguna is jecel shimbiraha kalana aanay ku soo dhicin inay hawaystaan oo dhibaan iyaguna wa shimbirahaase ma dhibaan shimbiraha kale oo kale noqoda.

Wa Billaahi Tawfiiq

Eng Abdirashid Abdi Daad
Guurey@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: ,

34 Responses for “Talo Ku Wajahan Shicibka Somaliyeed. W/Q Eng Abdirashid Abdi Daad”

  1. ahmed---------- says:

    runtii qoraagu waa mahadsanyahay waana salaamay ,aniguse waxaan aaminsanahay kalmaddii hal’abuurkaahayd oo ahayd aljismusaliim alcaqlusaliim oo ah korkii caafimaadqabaa maskax wanaagsan qaba ,haddaba ninkii heestaas tiriyay qiirada badan oo murtida iyo macno badan badan leh waxuu ahaa runtii jir fiyow oo maskax caafimaad qabta leh oo kala garankara qiimaha waddankiisa iyo dadkiisa oo dhiig iyo damiir leh oo kalayaqaan cadawgiisa iyo sokeeyihiisa qaran. laakinse waxaa jira qof waalan oo haddana iska warhaynin dadkuna kawarhaynin ,anigu waxaan dhihi lahaa dadka soomaaliyeed hoos dib ha’laisui eego ,,salaama allah……..sc

  2. ahmed---------- says:

    runtii qoraagu waa mahadsanyahay waana salaamay ,aniguse waxaan aaminsanahay kalmaddii hal’abuurkaahayd oo ahayd aljismusaliim alcaqlusaliim oo ah korkii caafimaadqabaa maskax wanaagsan qaba ,haddaba ninkii heestaas tiriyay qiirada badan oo murtida iyo macno badan badan leh waxuu ahaa runtii jir fiyow oo maskax caafimaad qabta leh oo kala garankara qiimaha waddankiisa iyo dadkiisa oo dhiig iyo damiir leh oo kalayaqaan cadawgiisa iyo sokeeyihiisa qaran. laakinse waxaa jira qof waalan oo haddana iska warhaynin dadkuna kawarhaynin ,anigu waxaan dhihi lahaa dadka soomaaliyeed hoos dib ha’laisu eego ,,salaama allah……..sc

  3. daljirka says:

    eng neere khayr allahaku siiyo , runtii dhiigaa idhaqaaqay markaan mansada akhriyay. Waxaan orankaraa waxaad ka hartay dadkii damiirka iyo somalinimadu ku dheerayd. Thaks CODSI fadlan haka daalin fariimaha caynkana. Kolay in badan oo kamid ah shacabkena si baas bay u fakarane . Qaybta danbe xaq ayuu uleeyahay qof walba inuu tala kabixiyo cida isaga kula haboon hoganka wadanka, wayo wa muwadin. Akhriste saas u fahma.

  4. abdirahman-laaso says:

    Ma anaanan Jeclayn Bilawga Qormaddan Markaan Marayey,In Aan Odhaah Ku Darsado,Lkn Waxaan Dib Ku Arkay Waxaanan Ka Filayn, Sidaan U Akhrinayey Oo Aan Umacaansanayey Qormaddan oo Aan isulahaa, Allaylehe Kani Waa Wadanigii Loo Baahnaa,Ayaan Ku Arkay U Ololeeye Xariif ah,Oo Rag Katag Ah Oo Afmiishaar Ah, Oo Kuwii Ay Musharaxiintu Ubaahnaayeen Kamid Ah. Waxaan Kaloo Layaabay Saska Aad Kaqabto Afkaar Dhiibtayaasha,waxay U Arkaana Way Sheegayaan. Adigu Kuma Khasbi Karaysid C.weli Taageera,Walwalka Aad Kaqabto Waxaad Soo Qortay In Lanaqdiyo Ayaa Muujinaysa Kalsooni Xumadaada. Waxay Kaloo Muujinaysaa Sida Aad U Ogtahay In Aanay Soomaalidu Doonayn C.weli Oo Kale Ee Ay Ubaahan Yihiin Farmaajo Oo Kale,Kala Saar Faldan Waaninta umadda Iyo Ololahan Aad Cod Ugu Raadinayso Midka Gabalkiisu Sii Dhacayo Oo Aan Weji Lagu Taageero Dhigan. Waxaanse Ka Odhan Lahaa Qormaddan: 1.Caalamku Waxay Diideen Kii (Farmaajo) Umadda Wax Uqabanayey, Waxayna Kubedeleen C.weli Oo Hadday Wanaag Soomaaliyeed Ku Ogyihiin Kursiga Kuma Fadhiisiyeen. 2.C.weli Wuxuu Xiqdi Iyo Nacayb Kaqabo Ayuu Sxbkii, Indrkii Islamarkaana Ninkii Siyaasaddaba Kusoo Daray Ka sameeyey Been Abuur Uu Ku Dhaawacayo Sumcaddiisa. 3.Faroole, Awoodan Uusheeganayo Waxaa Sii C.weli. 4. Intii Uu Kursiga Hayey Loogama Baran Somalinimo, Lkn Danaha Qoyskiisa Haa. Sxb Ninkaa Ma Iibsamayee Isbihin-bihinta Nagadaa, Iyo Qiiro Reereednimadda, Qoolaydana Adigay Kuhoos Imaanaysaa Oo Nin jeclaysi Wadee. Boqol Soon On Bakhti Ku Afur Baad Tahay, Saa Intaad Wanaag Soo Taxday Baad Dib Kaqalootay.

  5. Muxammed says:

    asc walaan ku dhaartee wali qoragaan qof waxqora ka run badan kumaan arag webka imana soo horfariisan.waxaa isii cajibeyey sida hufan ee cidna wax ugasheegin.

    eng abdirashid waxaan aad ugu faraxsanahay anoon dhiman inay indhahaygu qabtaan waxgarad somaliyoon xaqiiqda ka meermeerin sidaad u abaartay weeye walaal sharaftii aanu lahayn waa tagtay waxgaradkii soo celinlahaa manoola godbaay wada galeen.
    walaal abdirashid siyaasiga kuula muuqday maanta inuu soocelinkaro qaranimadeenii duntay haduu yahay abdiwali waan kula qaadanay runtiina waa nin wadaniya jecelna sinaan iyo cadaalad waxku maamulo. waadna ku mahadsantahay afkaartaada ceeb kasaliimka .

  6. dalmar yare says:

    abdiraxman asc

    magaca markaad aragtay qoraagu qoolayduu sheegaad noqotay guux iyo sawaxan bilowday qoraagu wuxuu sheegay ninkastoo dawlada kumeel gaarka soomara inaanu awood buuxda lahayn kor laga maamulayey intuu sheegay ayaad adigoon sifiican uga fiirsan soo tabisay adigoo kusii daray aflagaado ku socota abdiwali taasina waa caadifad kuhaysa baan umalaynayaa

    daljire walaahi waa run eng abdirashid waa wadani dhaba oo xalaala umalayn maayo inuu abdiwali been kuraacayo malaha waa waxuu ku arkayoo inaan baarno ubaahan haday run noqotana taageerno

  7. xaq yaqaan says:

    Eng Abdirashid salaan sharaf iyo wanaag xanbaarsan iga gudoon

    runtii qoraalkani waxaa kuwada dhan foolxumada iyo hagardaamada haysata somaliya wuxuuna taabanayaa boog kasta Eng Abdirashid alle wuxuu kusiiyey caqli wanaagsan hal abuur fiican wadanimo iyo sharaf waanada walaal waan qaatay jazaakallahi kheyr.

    abdiraxman-laaso walaal adigoon cidna caayin oo danbi kororsan maad qunyar tiraahdid farmaajo intaas iyo inkabadan buu leeyahay oo wax katilmaantay wanaaga ku taqaanid Farmaajo.

    qormadaan waxaan run ahayn kuma qorno sadarba sadarka kadanbeeya runtii waan sii jeclaysanayey qiiro jiriiricaa iroortay hadaad wax kasheegto qoraagaan waxaa laguu arkayaa nin caadifadaysan oo dhibaalkaas Eng Abdirashid sheegay kaga wayntahay caadifada haysa.

  8. Falaago says:

    Ragaas Sida Hufan U Soo Wada Shaqeeyey In lakala Fadli Yeelo Ma Haboona Waxay Mudan Yihiin Xasanada Ay Soo Hayeen in Lagu Xushmeeyo.Dr Faroole Barlamaan iyo Nadaam Dawli ah oo Dawlada Dhexe ka Sal Balaaran buu Majaraha u Hayaa Shacabka u meteloh Rabitaankooda buu ku Shaqeeyaa Qodob ku Xakameynaya Ma Jiroh in u Dawlada Dhexe Hadafyadeeda Mudeec U Noqdoh Barlamanka PL Waxa Saldhig u ah Maamul Goboleed iyo Midnimo Raadin Cidii ay Wada Shaqayn karan buu Tageraya Qofkasta oo Majaraha PL u Hayaa. Masuliyiinta PL Ma ay Kala Fadli Yeelaan Madaxda Dawlada Dhexe ee Nadaamka Barlamankoda u Degsan bay Tixaracan. Dr Farmaajo Qaabka U Siyaasada ku Soogalay baa Humaag Galay Masuliyinti Talada la Wadagatay baa Wadashaqayn la.aani ka Dhex Dhalatay Sababatas buu Xilka ku Wayey Mudane Faramaajo

  9. abdirahman-laaso says:

    @ Dalmar Yare Iyo Xaq Yaqaan. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu Idinka Iyo Eng.Cabdirashiid Daad. Waan Qirayaa In Qoraa Kaqormo Fiican Kana Hufan Dhanka Soomaalinnimadda Uusan Isoo Marin,Aadbaana Ugu Raaxaystaa Maqaalladdiisa, Waxaanse Durayaa Qormaddan Iyo Tii Kahoraysay Oo Iigu Muuqatay Qormooyin Olole Siyaasaddeed Xambaarsan ,diidmadaydana Kuma Qotonto Diiditaan Aan Diidayo Samaanta Iyo Wanaagga Uu Ku Caan Baxay Ee Waa Kala Afkaar Duwanaansho Ku Qotonta Cidda Ummaddeena Hoggaamin Karta. Hadday Wax Deel-qaaf Ah Ama Meel Kadhac, Aflagaaddo noqonkara Oo Ay Deg-deggu Keentay Jiraan Waxaan Eng.Daad Iyo Prof.Gaas (Ra,iisal Wasaaraha Dalka) Kadalbanayaa Cafis Iyo Saamaxaad Maadaama Bishii Barakaysnayd Foodda Nagu Soo Hayso. Eng.Daad Waxaan Leeyahay Qormooyinkaaga Kadaa Shakhsi Xuska Si Ay Umaddu Uwada Dawoowdo Oo Loo Dhuuxo Waanooyinkaaga Xaqaa,iqa Kuqotoma, Maadaama Ay Rag Badan Oo Qaarkood Wanaag Ku Caan Baxay Ay Loolamayaan, Taageerayaalna Kala Leeyihiin Haddii Kale Waxaa Lagugu Sunti Doonaa Kooxda AALA GAAS Intaas Kaftan Hayga Ahaato,Kkk. Mr.Dalmar Yare Iyo Mr.Xaq-yaqaan Waad Kumahadsan Tihiin Sida Aad Hadalka Udhigteen. Sinnaan,Midnimo,Dowladnimo, Hoggaamiye Wacan Oo Alle Yaqaan Ah Iyo Wanaaggii Ay Awoowayaasheen iyo Ayeeyooyinkeen Ku Caan-baxeen ALLE Markale Hanagu Manaysto Mahadsanidin.

  10. idman says:

    @Abdirahman – Laaso
    waxaan aad iyo aad ugu qoslay caqligaagu meeshuu yaal! Allaha daa’imsanaa bal muxuu dad abuuray! Waxaa la yidhi caqliga kaa maqan walaalkaa buu ku jidhaa ee ka faa’iidayso! Qoraagu waa nin qiima badan, waa nin runta aan ka gaban, waa nin sidii horeba uu ugu sheegay qoraalladdiisii hore oo Illaah ka baq badani iyo run sheegidba ka muuqatay jecel inuu afkiisa ugu hiiliyo qofka wanaagsan oo qof walbaa u jeedo. Walaal Abdiweli Ali GAAS Qof kastaa u jeeda wanaagiisa iyo waxtarkiisa Illahayna waxaan ugu baryaynaa inuu ku guuleysto inuu hogaamiyo dalka! Waa nin karmeed dhibkasta iyo jilaafo kasta oo ku yimaada la jaan qaadi kadha. Waa waxtar mudadii uu shaqada hayey wax muuqda oo lagu faani kadho sameeyey! Maansha Allaah. Qoraagu waa ku mahadsan yahay qoraalkiisa xikmadeysan oo waanada badan iyo xaqsoorkuba ka muuqo. Qoraagu waa nin caqli badan oo meel fog oo ABDIRAXMAANOOW kugu adag inaad fahanto ileyn qof seef labood ihi wax ma fahmee wax ka eega….kkk Waa qoraa noo nasteexeeya oo markasta ka fekeraya dadka iyo dalka oo ninkii wax noogu yaal sida Professor Abdiweli oo xaqiiqaddii ah nin qiimihiisa qofnimo iyo waxtarba uu marag ma doonta yahay nagu waaniya inaan garab staagno oo dadka iyo dalkaba u hiilino!! Marka ABDIRAXMAANOOW illahay caqli aad qoraaga ku fahmi kadho ha kusiiyo xaqqiaddii iminka ma heysid…kk

  11. Haad says:

    @ Daad

    A/C

    Mid waan kugu baraarujinayaa Cabdirashiidow, Midna waxaan isku dayayaa in aan kuu muujiyo, Midna waan kaaga shakiyay,

    Mida aan kugu baraarujinayo waa in aad iswaafajisid Kunyada/titleka aad wadatid (Engineer) iyo khudbadaada. Had iyo goor qoraalkaaga waxaad ku saleysaa “Qiiro iyo Khushuuc”. Qiiro iyo Madaxa oo hoos loo lalmiyaahi xaqa wax kama badasho. Waa inaad aragtiyahaaga cadeymo iyo tusaalooyin la taaban karo ku dabakhdid. Tusaale ahaan, Qoraalkaaga waxaad ku tilmaantay Cabdi Wali nin daacad ah inuu yahay, ma xuma, waa ra’yigaaga, laakiin maxaad ku cadeynaysaa inuu ra’yigaagu saxsanyahay? Ileen inteenna badan fikirkaas kulama qabnee. Ma oohin iyo baroorbaad rabtaa inaan kugu aaminno “Engineere”. Waxa aad ku barooranayso wax ka gedisan baa horteena ka muuqdee bal adigu ur u bixi.

    Kunyada aad wadatid awgeed, waxaan kaa filayaa Daadow hab-fikir aad u xeeldheer oo muujinaya in maskaxdaada lagu soo gardaadshay akhris iyo tababar aad u xeeldheer. Kama filayo Kunyada aad wadatid inay wax ku saleynayso Khushuuc khalli ah oo aysan haba yaraatee wax cadeyn iyo xaq ah lasocon. Sidaas daraadeed, “Engineere”, Waxaan kugu baraarujinayaa in aad iswaafajisid Kunyada aad wadatid iyo tayada Khudbadaada.

    Mida aan isku dayayo in aan kuu muujiyo ayaa waxa ay tahay in uu ra’yigaaga ku aadan Cabdi Wali uusan xaq ku saleysnayn ee uu WAX Kale ku saleysanyahay. Waxa uu ra’yigaagu ku saleysanyahay ma garayo, ma Ganacsibaa, ma Deegaanbaa, ma Saaxiibtinimaa, ma QABYAALADBAA? mooji!

    In ra’yiga aad qaadatay aadan ka baaraan degin xaqna aadan ku saleyn waxaa daliil u ah in waxa aad Cabdiwali ku sheegtay lidkeeda uu yahay. Cabdiwali waa Khaa’inul wadan, Waa naxariis laawe, waana qabyaaladeyste.

    Wadanka sida uu u khiyaanay

    • Wuxuu badeenna u saxiixay Haliday Finch iyo hey’ado kaleba
    • Wuxuu dalka inay soo galaan oo waxay doonaana sameeyaan u saxiixay, Kenya, Ethopia, Sera lion, Jabuuti iwm
    • Wuxuu xaday hantidii qaranka ( fiiri Raxanreeb.com)
    • Wuxuu gobanimadii dalka gacanta u galiyay Mahiga

    Naxariis darradiisa

    • Markii shacabka madaafiicda lala dhacayay wuxuu yiri ha lagu sii wado ( Fiiri waraysigii laga qaaday waqtigii shirwenihii London)
    • Xasuuqii Garsoor kamuusan damqan, mar la heshiiyay unbuu dib ka neefsaday, bal e, asagaaba inuu wax ka abaabulay lagu eedeeyaa
    • Dagaalkii Kalshaale iyo Buuhoodle kamuusan damqan
    • Dagaalkii Dhagtuur kamuusan damqan
    • Shantii caruurta aheyd ee isku halka qoys ka dhimatay Jilib ee uu asagu dukheynta Kenya saxiixeeda lahaa ehelkoodii kamuusan xaq siin

    Qabyaaladiisa

    • Wax kastoo lagu aaminay jifadiisuu ugu roonaaday
    • Dhakhaatiirtii Turkiga oo uu Garoowe iyo Boosaaso u wareejiyay iyadoo barakacayaashii Muqdisho ku soo faruurmay ay baahi badan u qabeen.
    • Raashinkii barakacayaasha loogu talo galay oo uu si qarsoodi ah Dekada Boosaaso ugu leexiyay.
    • Birihii bololka ahaa ee dekada Muqdisho oo uu marar badan isku dayay inuu Boosaaso u raro.
    • Mahiga iyo Hay’adaha Caalamka oo uu ugu sheekeeyay in adeerkiis Faroole ay ka go’do talada Mudug, Sool, Sanaag, Bari, Iyo Togdheer, isagoo qarinaya maamullada sida Khaatumo, Raas Caseyr, iyo Galbeedka Puntland. Qarinayana inuu Faroole Garoowe kaliya madax ka yahay ee aysan talo ka go’in.
    • Deeqdii waxbarasho ee Turkiga oo uu adeerkiis Faroole iyo jifadiisa oo qura gacanta u galiyay.

    Waxaa laga yaabaa inaad tiraahdid waxaan yaryarkaa muxuu ka sheegayaa, hadaba taas waxaan ka leeyahay, tuugnimo waa tuugnimo, qabyaaladna waa qabyaalad. Si kasta oo ay waxa la qaaday u yaryihiin biraha bololkaana ha ku ahaadeene, hadana go’aanka iyo ficilku waa isku hal ama cirbad ku xad ama cood kale ku xade. Si aad u fahamto lacalla hadii ay fasiraadaan kugu adkaato, bal aan maahmaah kuu yagleelo; ( Nin bolol xaday Bilyanna xad).

    Ugu dambeyntii inta aanan u gudbin Mida aan kaaga shakisanahay, bal aan yara tilmaamo waxa shakiga igu abuuray. Qoraalkaagan waxaad ka calaacashay arrimo badan. Sadex kamid ah waxay ahaayeen sidan;

    1, In dhulkeenna ay ciidamo Shisheeye dhex mushaaxayaan.
    2, In Maraakiib shisheeye kheyraadkeena guranayso
    3, In maatadeenna madfac lala dhoco

    Sadexdaan arrimoodba sidaan la wada socono waxaa u saxiixay oo qalinka ugu duugay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waa cajiibe ah ninka aad Engineer Cabdirashiidoow noogu yeerayso in aan hogaanka u dhiibano.

    Kenya inay soo gasho isagaa ogolaaday waliba Madaxweynaha oo diiday,
    In shan caruur ah oo walaalaa mafac lagu habiyo Cabdiwalibaa saxiixay,
    In ay Maraakiib ajnabi ah badeena gurtaan Cabdiwalibaa saxiixay sidaan kor ku xusay.

    Hadaba waxaa iga yaabiyay marka, Waxa keeni kara in Cabdirashiid uu noogu yeero in aan taageerno isha (Gaas) ay kasoo burqanayso xumaanta uu asaguba ka cabaadayo! Markaan ka yara fikirayna waxaa iisoo baxday inay arrintani keeni Karaan labo shay. Shayga koobaad oo ah caqli yari, iyo Shayga labaad oo ah munaafaqad.

    Maadaama marka Daadow aad wadatid “Engineer”, fikirka hore ee ah caqli yarida waan tuuray waayo shaqsi dhaandhaan ah Engineer ma noqon karo. Laakiin fikrada dambe waa mida aan kaaga shakiyay. La soco hada wali ma dhihin waad tahay, laakiin waan kaaga shakiyay oo kaliya.

    In aan go’aan rasmi ah ka gaaro arrintan aan kaaga shakiyay waxay ku xirantahay inaan akhriyo qoraalladaada dambe iyo sidaad u wajahdid cadeymaha kaa hor muuqda.

    W.t

  12. Aw Malaaq says:

    WAR ISKA AAMUSA WAXAAD TIHIIN MALAHA. CAWAANYAHAY MAGACA LIHI.

    JUFO, JILB IYO JEES………..QARNIGA LAMA SOCON KARAANE HA LA TIRTIRO

    DHULKANA SHIINAHA , JABAAN IWM HA DEGAANO>

  13. daljirka says:

    please maxad wax isugu qastan oo marka dad laga waramayo aad xoolo uga hada shaan ?Dr. Gaas maxaad farole u ag dhiga san. Anigu midna mateger sani , lkn ilaahay kayaba oo ,Gaas farole kadheereeya. Pm ka sharafta haka dilinineee.

  14. Haad….Ac Wr Wb

    Waxaan kaaga mahad celinayaa sida sharafta leh oo aad qoraalkayga ugu tilmaantay qoraal qiiro iyo khushuuc xanbaarsan adigoon is ogayn…. Labadaas arimoodna waxaa keeni kara qoraal runta jirta ka hadlaya… qoraal been ahi qiiro iyo xamaasad iyo khushuuc cidna kuma kiciyo dareenna ma geliyo…

    Haadoow waxay Somalidu tiraahdaa qofkaad saacad ku baran wayday maalin kuma baratid qofkaad maalin ku baran waydidna bil kuma baratid bilk u baran waydidna sanad kuma baratid… walaal waxaad soo akhridaa maqaalkii ahaa Lakulankii wax iga bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas qaybtiisii koowaad ama kii ugu horeeyey… waxaad ku arki doontaa inaan anigu Abdirashid ahaan indhahayga kusoo arkay intaan ku tilmaamay oo ah Naxariis, Ixtiraam, uturid iyo dareen damqasho xanbaarsan… walaal waxaa la yiri iyo waxaa lalahaa anigu caddayn kama dhigto… adiguna iska ilaali waxaad la god gelayso oo aakhrio lagu waydiin doono inaad ku degdetid sheegideeda iyo ku eedaynteeda.

    Dadka ma eedeeyo oo inaan qof bini Aadama iskudayo inaan dadka ku diro ma jecli… waxaanse kuu sheegayaa markaan Abdiwali u tagayey inaan isku dayey inaan lakulmo Shiikh Shariif, Shariif Sakiin, Faroole, Caalin iyo ahlu sunnah waljamaacah masuulkii ka socday anigoo ugu socday wiilyar oo dhibban oo aan kula kulmay Istanbuul. Ninkii odayga ahaa ee wiilka dhalay iyo Allah swtc ayaa og waxaan duulkaas kala kulanay… haddaanse ku arki lahaa waxaan Cabdiwali ku arkay maan qariyeen Allah ayaana marag gashaday… inakstooy marag gashada Rabbi swtc aanay caddayn kuugu fillayn sidaan filayo.

    Eedaymaha aad usoo jeedisay Cabdiwali ayaa kuugu fillan jawaab inaan ka jawaabo uma baahna sababtoo ah…

    AMMISOM way ka horaysay Cabdiwali itoobiya waa ka horaysay Cabdiwali Kiiniya Jabuuti iyo siiraliyoon waxay ka mid yihiin AMISOM.

    AMISOM waxay ku hareerays naayeen madax tooyada iyo garoonka markii Cabdiwali xukunka qabtay oo madaafiicdoodu ka dhacaysay markay xoogaa dhaqaaqaana dib waxay ugu soo noqonayeen fariisamahoodii… maantana waxay sii marayaan Laanta Buura iyo Balcad Baladwayne iyo Baydhaba labadaasina waxay ku jiraan gacanta dawladda.

    Deeqaha Turkugu bixiyey ardadu waxay ahayd 1500 oo arday Puntland iyo Somaliland waxay kala haleen 70 iyo 30 arday siday ukala horeeyeen 1400 waxaa qaatay xamar iyo hareeraheeda oo Allah markhaanti iiga yahay oo aanan been abuurayn oo ay nooga warameen ardadii joogtay Istanbuul.

    Deeqaha Turkugi bixiyey waxaa ka mid ahaa 150 tan oo dawo ah hal xabbo oo kiniin ama cirbad ahi ma dhaafin xamar iyo hareeraheeda oo Puntland iyo Somaliland ma gaarin. Waxaa warkaa nasiiyey dadkii dawadaa wax ka diray inaanay gaarina waxaan waydiinay ergadii ka socotay Puntland iyo Somaliland…

    Lacag xadida walaal waxaagoo dhan waxay ku salaysan yihiin waxaa la yiri iyo waxaa lasoo qoray hadaad taas oo kale daliil u rabtid eeg kalshaalenews.com http://www.kalshaalenews.com/wp-content/uploads/2012/07/Rush.pdf

    Arinta Mahiga walaal Waxaa kugu filan yaa Mahiga magacaabay ma UN ta mise TFG walaal waxaan kale oo dhan waa qiyaaas iyo male dhammaantood nin maanta markhaanti ka noqon kara ma tihid dagaaladaas inuu ka damqaday inuusan ka damqan. meelahay ka dhaceena sidaan wada ognahay taageerada ay u hayaan maahe dawladda TFG ciidamo ay leedahay ma joogaan shanta caruurta ahi kama duwana kuwii xamar madaafiicdu ay ku habsanaysay iyagana Cabdiwali waxuu ka yiri oo aan ahayn waxaa la yiri oo aan anigu dhagahayga kaga maqlay waxaan kaga hadlay maqaalkii la kulankii wax iga bedeley ee Cabdiwali M Cali Gaas qaybtii ugu horaysay.

    Walaal qoraalkaagu oo dhan waxuu ku salaysan yahay eedayn iyo nacayb caadifadi ku jirto oo ku salaysan waxaa la yiri iyo waxaan akhriyey oo aadan midna goob joog u ahayn qofka uurkiisa Allah uunbaa og qofkii yiraahdaa anigaa og Awooddii Rabbi lahaa ayuu sheegtay waana danbiyada kan ugu waynee ah shirki.

    Walaal waxaan kugula talinayaa adigoon cidna eedayn oo danbi xanbaarsan waxaa sahlan oo kuu fudud oo aan danbi badani kaa soo gaarayn adigoo soo gudbiya ruuxa aad is leedahay somaliya waxay ku jirto ayuu ka saari karaa oo aad aaminsan tahay inuu yahay ruux cadaalad ah oo masuul qaadi kara… anigana hayga qaadin xaquuqdaan leeyahay ee ah inaan codkayga siin karo ruuxa aan u arko inuu yahay ruux u qalma.

    Wa Billaahi Tawfiq

  15. Qaran doon says:

    Qoraagu waa mahadsanyahay, runtii waa qoraa wadani ah waxaa uu isoo xasuusiyey heesihii waay wayo waan jarriirooocady heestaas markaan aqriyey waxaan filayaa waxaa qaadi jiray heestaas hoboladii waaberi ama heegan tay ahayd ma garanya laakiin waa heesiihii qarankii soomaliyeed abwaankii alifay anigu ma garanyo ciddii garanayso hanoo soo gudbiso, intaa bacdigeed soomaliy laba qodob ayeey u baahantahay si ay dhibaatada uga baxdo waan sidaan soosocota
    1, waxaa la isku dilay oo dhibaatada keenay waa qabyaalad, waxaana sababay qabyaaladaas waa caddaalad darro ay qabaa,ilda soomaliyeed muddu kala tabanayeen iyo maamul xumo dawladeed
    2, Qabaa,ilo soomaliyeed oo waligood ku taamayey in ay la wareegaan dhul ama gobollo ay san lahayn si ay u helaan dhul qayraad leh sida dekedon beero, bad, iyo dhulballaarsi aan qarsoodi lahayn taasna waxaa marag madoonto u ah dagaaladii sokeeye markii ay bilowdeed qabaa,ilda qaar waxay bilaabeen in ay qabsadaan gobollo aysan lahayn oo dadkale oo soomaliyed leeyihiin si ay dhaqaalna u helaan awoodoodana u balaariyaan, taasi waxay keentay in dadkii goboldass deggenaa qaarna la laayo qaarna la bara kiciyo, waxaan dhi karnaa labadaas arrimood ayaa ugu weyn in soomaliya ay heerkaa foosha xun soogaarto, maxaa xal ah. waxaa xal ah in la qaato habka federaalka ah si loo helo in ay kala nabadgalaan dadka soomaliyed oo qabiil walb deegaankii uu fursad ugu helo in uu deggo si cabsi la,aan ah iyo in la hormariyo deegaannada, markaa ka dibna la helo dib u heshiisiin waarto oo aan dib dambe la isugu soo dullin halkaasna lag unko qarannimadii soomaliya,
    Qoraaga waxaan ku raacsanahay Cabdiwali gaas waa nin ay maanta soomalidu u baahantahay oo qalbi wanaagsan daacadna ah oo hawshiisa aysan ku jirin mintooxsi laakiin ay ka go,antahay qaranimo soomaaliyed. waxaan filayaa way jiraan dad isga la tartami karo sida farmaajo oo runtii aqoon ahaan ka hooseeyo Gaas, waayo aragnimadiisana ay yartahay laakiin waa nin qalbi fiican, waxaanse oran lahaa xilligaan kuma uu fiicna farmaajo in uu hoggaamiyo qarankaa burbursan waayo waa nin fudud oo aan la jaanqaadi kari siyaasadahaan aduunka ee isbedbedelka badan, sidaa daraadeed waxaan oran lahaa xilligaan waxaa ku habboon Profesrer Gaas.

  16. Qaran doon says:

    Qoraagu waa mahadsanyahay, runtii waa qoraa wadani ah waxaa uu isoo xasuusiyey heesihii waay wayo waan jarriirooocady heestaas markaan aqriyey waxaan filayaa waxaa qaadi jiray heestaas hoboladii waaberi ama heegan tay ahayd ma garanya laakiin waa heesiihii qarankii soomaliyeed abwaankii alifay anigu ma garanyo ciddii garanayso hanoo soo gudbiso, intaa bacdigeed soomaliy laba qodob ayeey u baahantahay si ay dhibaatada uga baxdo waan sidaan soosocota
    1, waxaa la isku dilay oo dhibaatada keenay waa qabyaalad, waxaana sababay qabyaaladaas waa caddaalad darro ay qabaa,ilda soomaliyeed muddu kala tabanayeen iyo maamul xumo dawladeed
    2, Qabaa,ilo soomaliyeed oo waligood ku taamayey in ay la wareegaan dhul ama gobollo ay san lahayn si ay u helaan dhul qayraad leh sida dekedon beero, bad, iyo dhulballaarsi aan qarsoodi lahayn taasna waxaa marag madoonto u ah dagaaladii sokeeye markii ay bilowdeed qabaa,ilda qaar waxay bilaabeen in ay qabsadaan gobollo aysan lahayn oo dadkale oo soomaliyed leeyihiin si ay dhaqaalna u helaan awoodoodana u balaariyaan, taasi waxay keentay in dadkii goboldass deggenaa qaarna la laayo qaarna la bara kiciyo, waxaan dhi karnaa labadaas arrimood ayaa ugu weyn in soomaliya ay heerkaa foosha xun soogaarto, maxaa xal ah. waxaa xal ah in la qaato habka federaalka ah si loo helo in ay kala nabadgalaan dadka soomaliyed oo qabiil walb deegaankiis uu fursad ugu helo in uu deggo si cabsi la,aan ah iyo in la hormariyo deegaannada, markaa ka dibna la helo dib u heshiisiin waarto oo aan dib dambe la isugu soo dullin halkaasna lag unko qarannimadii soomaliya,
    Qoraaga waxaan ku raacsanahay Cabdiwali gaas waa nin ay maanta soomalidu u baahantahay oo qalbi wanaagsan daacadna ah oo hawshiisa aysan ku jirin mintooxsi laakiin ay ka go,antahay qaranimo soomaaliyed. waxaan filayaa way jiraan dad isga la tartami karo sida farmaajo oo runtii aqoon ahaan ka hooseeyo Gaas, waayo aragnimadiisana ay yartahay laakiin waa nin qalbi fiican, waxaanse oran lahaa xilligaan kuma uu fiicna farmaajo in uu hoggaamiyo qarankaa burbursan waayo waa nin fudud oo aan la jaanqaadi kari siyaasadahaan aduunka ee isbedbedelka badan, sidaa daraadeed waxaan oran lahaa xilligaan waxaa ku habboon Profesrer Gaas.

  17. Qaran doon says:

    Waxaa dhihi laha si habboon ha loo doodo hana la iska ddayo qabyaalada, runta haddii ay murta ka qaraartahay waa la sheegaa Cabdi wali iyo Farmaajo taariikhdaa xusi doonto waayo gaas waxaa uu xoreeyey dalkii oo dhan oo shabaab waxaa uu geeyey xilligii abdullaahi yuusuf dawladdiisii meelhii ay joogeen ayaa isugu geeyey waana sii dababa socdaa, laakiin farmaajo waa isla naqaanaan meeshii ay dowladiisa ku banjartay oo uu kaga tagay isagoo waliba si aan fiicnay kursiga looga qaaday beesha caalamkana waa kala dhinteen taasi waa marqaati ma doonto oo waa isla wada ogayn, laakiin labadaan siyaasi ee paratamayo waxaa kala dooran doono 225 xibnood oo paarlaman ah runtii wey yaqaannaa mid walba wixii uu dalkaan u soo qabtay iyo meesha ay mid walbo dawladdiissii jilbaha dhigatay iyo sida uu mid walbao hannaankii dawladeed uga faa,iideeyey ummaddiisa waxaanse filayaa in qorrax duhur joogto aan sacabbo lagau qarinkarin labadaan siyaasinna meeshii dawladihii ay madaxda ka ahaayeen ay saldhigatay ayeey ku kala qiimaysan yihiin. waxaa inoo ballan aha maalinta doorashada dhici doonto

  18. Fadumo says:

    @ Haad,
    Haadoow hadalkaaga,
    Waa humaag iyo been,
    oo xiqdi baaba hareeyey,
    oo cudur baa ka hilaacay,
    Ee xasadka aad la hinraagtay,
    iyo beenta aad halhaluuqday,
    ee xaqiiqadeeda an hayno,
    Maad hakaas ku ekeysid,
    oo toobad aad u hagaagtid,
    oo ninka aad hadal hayso,
    ee been ka samee aad horbooday,.
    waa Haldoorka raggeed,
    Waa halyey keenay wanaag,
    waa qarankeena u hiilshe, eh
    Maad hagardaamda dhaaftid,
    Waxba soo hoyinmayside!

  19. Haad says:

    A/C

    @ Cabdirashiid

    Walaal marka hore waad salaamantahay. Marka xigta waxaan isku dayayaa in aan qoraalkaagan hoos ku qoran Dhawr hal ka iraahdo. Waxaan u kala qaadayaa Inshallah labo qeybood; qeyb aan eedeymahaaga kaga doodayo iyo qeyb aan qodobo yaryar ku eegayo.

    Qaybta 1aad

    Ugu horreyn Waxaad tilmaantay in anigoon is ogeyn aan qoraalkaaga Qiiro iyo Khushuuc ku tilmaamay adoo waliba Cabdi Cabdiyow ammaan u arka. Hadaba ma aqaan meeshay wax kaa mareene, qodobku waaba kaan kugu eedeeyay.

    Isla sadarradaas waxaad iigaga mahad celisay in aan qoraalkaaga ku tilmaamay mid khashuuc XAMBAARSAN (Sidaad rabtidba u dhig mahadcelintaadee). Waan aqbalay mahadcelintaas, laakiin ma dhihin qoraalkaagu waxbuu xambaarsanyahay. Waxaan iri, “Had iyo goor qoraalkaaga waxaad ku SALEYSAA Qiiro iyo Khushuuc”. Hadaba fili maayo Engineere inaad iga sugaysid inaan kuu kala qeexo faraqa u dhexeeya Xambaarsanaan iyo Salaysnaan.

    Sidoo kale waxaad igu eedeysay in uu qoraalkeygu ku saleysanyahay Waa la yiri iyo waan akhriyay. Hadaba waxaa kuu dhaami laheyd malaha adigoo dhaleeceeya meeshaan warka ka keenay, inkastoo 100% lagu kalsoonyahay lana xaqiijin karo. Waxaase Cajiib ah hadaannaan wax aan akhrinay iyo wax aan maqalnay aanaan inta badan wax ku saleyn sideebay ahaan laheyd nolosha bini’aadamku?

    Daadow aniga iyo adigu midna ma arag Asxaabihii Rasuulka (scw) hadana waan rumeysanehee maxay ku dhacday? Damcan waan akhrinay oon maqalnay markaasaan waliba ayaga qisooyinkoodii ka dooranay kuwii kale. Mida kale, hadaadba walaalow waa la yirida igu eedeysay maxaad isla qoraalkaaga adigu u isticmaashay? Maxaad usoo xigatay waxay ardadu kugu dheheen?

    Mar kale waxaad dabaalatay meel aanan ka fileyn in uu Engineer Muslim ah dhex dabaalan karo. Adigoo C/wali buunbuuninaya siyaasiyiin kalena barbar dhigaya, durahayana, ayaad waxaad tiri, “Allah ayaana marag gashaday… inakstooy marag gashada Rabbi swtc aanay caddayn kuugu fillayn sidaan filayo”. Way haboonaan laheyd in aad sii raacisid waxa kugu kalifay in aad sidaas u fikirtid/filatid, laakiin nasiib darro wixii aan kaaga farxalayay baad faraha kula jirtaa. Qoraalkeygii hore waxaan kugu baraarujiyay in aad fikradahaaga cadeymo iyo tusaalooyin ku dabakhdid oo yara faahfaahisid si aan wax badan uga fahamno. Laakiin hadii aad oraah daba go’an iskaga hadaaqdid, waa sida hadalkaagu u badanyahaye, waxaad u muuqanaysaa Ahbal.

    Hadaba markaan oraahdaadaan dabada go’an fiirshay waxaa iisoo baxday in ay tabari meesha ku dhigtay. Waxaad weyday xirfad kale oo aad fikradahaaga aan xaqa ku saleysnayn aad ku meel marisid, sidaas daraadeed Allah (swt) baad ku dhaaratay adigoon afcaashaada iyo waxa kaaga imaan kara aan si qodo dheer uga fikirin sidaan gadaal ku muujin doono Inshallah.

    Mida ah inaan ku aamino maadaama aad dhaaratay waxaan ka leeyahay sidan; Quraanka waxaa kusoo aroortay Sheydaan oo u dhaaranaya Nabi Aadam (cs) iyo Xawaa, oo ku leh Waxaan naasix aheyn idiinma ahi. Hadaba hadii aad aniga iga filatay inaan rabbi ku dhaarashadaada aamini waayo, adiga dhaartaadu sideebay ka tahay tii Ibliis?

    Qaybta 2aad

    Daadow mar aad Ninkaan dambiilaha ah ee Ina Gaas difaacaysay waxaad sheegtay inuusan asagu Amisom keenin. Yaa ku yiri Amisom buu keenay? Waxaa fiican inaadan isku lug’goyn jawaabo aan laguu dirsan ciduna ku waydiin. Sidoo kale waxaad inkir ugu jiiday inay Ethopia iyo Kenyaba ay intuu meesha canbaraaqay yimaadeen. Walaal dib ugu noqo bal mar kale kheyr Allaha ku siiyee.

    Daadow sidoo kale waxaad tiri, “Deeqaha Turkugu bixiyey ardadu waxay ahayd 1500 oo arday Puntland iyo Somaliland waxay kala haleen 70 iyo 30 arday siday ukala horeeyeen”. Marka loo fiiriyo ninka la yiraahdo Juxa, Wasiirka Waxbarashada Pl,deeqda waxbarashoo Puntland gaartay intaas way ka badneyd. In kastoo aanan garanayn labadaan tiro midkay aheyd (163) (153), hadana waan hubaa inay midkood aheyd. Laakiin hadiiba sidaad sheegtay aan raacno, maxaa Somaliland 30 siiyay Puntlandna 70 siiyay? Waaba hadey jirto sidaad sheegaysid. Waase adiga soo qoraye ma cadaaladbay kuula muuqataa? Maxaad isu gawracsysaa Engineere?

    Mar kale waxaad tiri adoo dambiilaha kalkaalaya, Mahiga ma C/wali baa keenay UN taa keentaye. Engineere, ciduna keenidiisa iskuma haysato ee MUSTAWIHIISAA la isku haystaa. Mahiga waxaa loo soo diray inuu adeego oo hawlaha loo baahanyahay uu fududeeyo. Looma soo dirin wax ka badan waxaan ka aheyn waxa ay afka qalaad ku yiraahdaan, (Facilitator). Waa un gacan yare siyaasadeed oo heer caalami ah. Laakiin C/wali baa mustawihiisa kor u qaaday oo meeshuu asagu kursigiyo kabaha u dirsan lahaa yiri dalka iyo dadkaba sidaad doontid ka yeel, xitaa odayaasha iyo hooyooyinkaba aflagaadee anaa ku hor boodayee.

    Waxaan kusoo gabogabeynayaa qodobka adoo igula talinaya aad tiri, Ka hadal qofka aad rabi laheyd inuu wax hogaamiyo wanaagiisa Intaad qof kale xumaantiisa tilmaami laheyd. Waa talo aad u qurux badan laakiin aan xaq ku salaysneyn. Talo waan isku leenahay Cabdirashiid walaal waanna kaa qaadan lahaa hadii ay xaq tahay laakiin maahan. Tusaale ahaan, quraanka waxaa looga hadlay shaqsiyaad xumaantooda la muujinayo. Hadii aysan faa’iido ku jirin iyo cibra qaadasho loogama hadleen.

    Mida kale hadii aanaan xumaanta iska qaban soo nala rogi maayo sidii qoomkii naga horreeyay? Hadaba ma lihi cidbaan cilmi iyo caqli aan dheerahay xumaan ogaga reebayaa, laakiin soo ma haboona in la’isku dayo. Oo aad ka hadashid wixii xun oo hortaada ka muuqda si loo zuuliyo looguna cibra qaato? Waxaan filayaa inayba taasi tahay waxa nalookugu tilmaamay “Umaddii ugu kheyrka badneyd” ee xumaantana iska reebaysay wanaagana isfaraysay.

    Engineere waad salaamantahay mar kale A/C/W

    W.t

  20. Haad says:

    A/C

    @ Faadumo

    Faadumooy Fanaxleey, Faduushaadu badnaa?
    Far hadaanba ku Fiiqay ninkii Fawdada keenay,
    Inaad fiiriso xaalkoo, Fahamtaan kaa filayee
    Soo adigaan Feerkaba duubtay!

    Faadumooy Faradheer, Fahamkaagu yaraa?
    Ninkaan Feeraha buurane, Fuurrax Gaas layiraahdo
    Hadii aan Falanqeeyay, fasaadkuu la wareeginyo
    Fidnadiisa tilmaamay, ma cidbaan Feer ku jukeeyay?

    Faadumo Fuurrax udood, Fiiradaadu yaraa?
    Fuurraxii aan ogeynee Furdadii Xamar Feentay
    Oo uu Faroole la Fuuqay, miyaad Fariid kutimaantay
    Oo waliba Fagaaraha keentay, Adigoo Very Good leh?

    Faadumooy Filsaneey, Faa’iido aan kugu biirsho,
    Fiimeel baa tahayoo, rag inaad la Facleyso,
    Fir umaanan laheyne, Fudeydka intaad iska deysid
    Firaashkaaga u luud oo, Firdhiyoo xubnahaaga
    Farba meel ku ekee!

    W.t

  21. maxamad says:

    sxb cuqdada ka daaya iyo wax xasuusiga farmaajo yaa wax ka sheegay waa nin soomaaliyeed oo samcad leh punthland kama kaxayn meesha waxaa ka kexeeyay beesha caalamka iydaa la waydiinayaa c/weli waa madaxwaynihii mustaqbalka mxaa isku xiray isaga iyo faroole waa kala gaar labo meelood ayay kala qaraabtaan aygaa samaystay awoodaas samayso caqli daarood waa leedahay yaan filayaa mxaa ugu soo laabanaysaa oo farta ugu qaloocinaysaa mar kasta punthland ay sheeganayso iyadaa samaysatay samayso states oo maamul ku dhawaaq hanagu soo taagnaan anaga hadii kale hadaa na daba gasho waa ogatahay wxaa dabo galno belaa daba gashay soomaali janada iyo naarta waa uga horaynaa sow lama socotid caqlga ka shaqaysii wxaba laysla waayi mayo ina adeeeeeeeeeeeeeeeeeer

  22. Garyaqaan mpls says:

    @haad

    War xaadow wax lugu sheeg hadaad dhago wax maqlaya iyo qalbi nuxurka iyo alle ka cabsi ku jiro leedahay. Sida walaalkey qoraaga ah kuugu soo jawaabay adigoon caytamin caydamaha aad hayso keen.waxaa la yiri hadal kuu noqon maayo.

    Hadaadan cadeyn hayn soo maahan,illaahay cafis weydiiso,cudurka kugu jirana iska sifee walaal.

  23. NINA says:

    HAAD
    ishaad ka riday meel munaasibana waad kaga hadhay soomalida nin jacayyl marba waji u soo xidhanaysaay siduu AW MALAAQ sheegay qarniga 21 looma baahna afkaartii dib u dhaca ee asaageen naga reebtay qarnigii 20naad. afkaar cusub oo casriga la jaan qaada buu dalku u baahan yahay soomaaliya waa dal wax kasta oo kale ku hodan ah lkn ka aradan caqli saliim ah oo maamula in ay maxmiyad gashana si ay kaga fiican tahay ma leh inta dadkeedu saaxiga ka keenayaan wixii kloo dhami waa tush

  24. NINA says:

    HAAD
    ta rayigaaga xaga qoraalka waa kugu raacay lkn inaad FAADUMO dumarnimo awgeed hoos ugu dhigto maqbuul ma aha yaa ku yidhi dumarku sidaad qoraalka ku sheegtay uun weeye shaqadoodu adeer jaale siyaad baa hore u yidhi nacas weeye nimaan dumarka wax qabadkooda ogayn ama dhayalsada action kaad tilmaantay bini aadamka iyo xoolahuba waa ka siman yihiin markaa wax ka sareeya actionkaa golaha keen ogowna caruurtu wiil iyo gabadhba IQ ga ama fahmada inta badan hooyaday ka hidaystaan markaa hays caayin si anshax lehna dumarka ugu jawaab

  25. Fadumo says:

    @
    Haad
    Haad waxaan aaminsanahay inuusan dumarba yasi kadhin waayo markaan arko maskasdiisa hubsiinadu ka madhan tahay amabay dumaku ka dareen sareeyaan wakhtigan xaadirkaa e kala guurka lagu jiro laakiin micno ma leh oo Haad waa Haad…kk
    Haadoow heedhe haadoow,
    sida haadka lalaayoow,
    waxba aan hubsaneynoow,
    hadal uun iska tuuroow,
    xikmad aan marna haynoow,
    beenta haybadda moodoow,
    xaqiraada ad hayso,
    iyo xumaantaas kugu heeran,
    xaashaa kulilaahiye,
    professorka ka xaalnay,
    oo anagaa xaqa soornee,
    Halyey weeye xalaala,
    Xikmadiisu duxayso,
    xushmadiisu sareyso,
    Nina aan mar xumeynin,
    xaqiraad haba sheegin,
    nabad xaalka ku raadsha,
    xakameeyey dalkeena,
    xisaabtankiisu sareeyo,
    xaqeen doonis ku raadsha
    xaaraana aan u bareerine,
    ee hadaan xaq u hiishay,
    ma afkaadba i xuubsan!!
    oo heedhe xumaantaadu fogaa!
    oo hushmadaadu yaraa,
    oo caqligaagu xumaa.

    Good luck

  26. gardheere says:

    @Daad salaan qaaliya

    run baad ka hadashay talo fiicanna waad soojeedisay haday somali wax maqlayso jawaabta Haad siisay wllaahi waa jawaab waafiya maansha allah.

    @Haad

    walaal Engineerku sharafbuu kuula hadlay adiguna cay iyo aflagaado miidhan weeye qoraalkaagu xataa gabadha waad cayday sidawax looqorana mataqaanid hadalkaagu waa iskudhex yaacsan.
    waanada lagusiiyey waxku qaado.

  27. Haad says:

    @ Nina

    A/C

    Waad ku mahadsantahay in aad I saxdid. Waan qaatay waanadaada. Waxay dheheen soomaalidu “Caqliga kaa maqan Walaalkaabuu ku jiraa”. Waa been iyo huuhaa, Maxay u dhihi waayeen, “Caqliga kaa maqan Walaashaabuu ku jiraa” …..kkk

    W.t

  28. Haad says:

    A/C

    @ Faadumo

    Fajacyoo daku yaabyaye, Faadumo yaa igu Fagiigay?
    Faq wax yaa ugu sheegay oo, Haad faduuli ku waanshay?
    Falxado way daganeyde, Fariinkii sow tan halmaantay?

    Fududow soo tan ilee , Faalsoole iigu dhawaaqday!
    Farxiyo soo tan Fogaatay oo, Fiicnidii ka carrowday!
    Faruuryaha soo tan qaniini oo, Faraha soo Jucsanaysa!

    Fiicanow Ramadaankiyo, Farriinta Niina isiisayo,
    Falsamaanta Haweenkiyo, Fiilinkaa i Dabraayee,
    Fuudkeedaan dhami laa, Faraceed la Janeeda,
                   Farba yeysan Dhaqaajine.

    Jj

  29. Haad says:

    A/C

    @ Garyaqaan

    @ Gardheere

    Horta waan idin salaamee, Garka maxaa idinkaga wada dhacay? Gar Gar badnidinaa? Mise isku Hal qofbaaba tihiin, isku sina waad u hadleysaane.

    Waxaad doontaanba ahaadee, walaal waad ku mahadsantihiin sida aad isugu daydeen in aad wax iigu sheegtaan, laakiin marka hore adinku isi soo saxa intiidnaan wax waanin.

    Sidoo kale Garyaqaanow aadbaan oga xumahay in aan adiga iyo Gardheere isku hal weel idinku waraabiyo, waan ku dulmay hadii aan sidaas yeelay ee iska dulqaado waqtigaa ciriiri ahe.

    Jj

  30. Fadumo says:

    @Haad,
    walaal xumaantiina ma faan iyo foori aan meel gaadheyn baad ku dartay…kkk Somalaa horay u tidhi nin is faanshay waa hal isnuugtay!
    Fadumo waa gabadh,
    aan cadhoon abidkeed,
    caqligeedu sareeyo,
    cabiraada ku fiican,
    ee adigaa cadho weyn,
    iyo canaan aan waajib ahayn,
    iyo Professorka ood caydo,
    cadadaadu tahoo,
    caqligaada hadhaysay,
    ee aan kuu caqliyeeyee,
    xasadkaas kugu raagay,
    ee ragaadshay naftaada,
    oo ku ruubay xumaato,
    xaqii aad ka run diido,
    beena aad la raxlayso
    walaalkaana ku riiqdo,
    uu Raxmaankeenuba diiday,
    Haddi aad igu raac,
    been aan raad ba lahayn,
    aniga aad igu riixdo
    xumaantay la ruclayso,
    waxba soo raran mayside,
    aduunbaa ku rafaadin,
    ee Raxmaankeena na uumay,
    xumaantuu naga reebay,
    cadaab bay kugu riiqiye,
    maad naftaada ka reebtid,
    Qalbigaagu ha raystee!

    s

  31. Cilmi says:

    ac dhamaantin

    xaasidnimo ayaa faraqa inoogu wada guntan qoralkan korku xusan markaan akhriyey ayaan eegay commentska markaasbaan markale dibugu ugunoqday oosoo akhriyey. waxaa iimuuqatay in xaasidnimo faraqa inoogu wada guntantahay. ama wax wanaagsan sheeg ama iska aamus xadiiskii ahaa xasuustay markaan akhriyey qoraalkii eng abdirashid ugu jawaabay haad.

    @abdirahman-laaso iyo Haad labadiinuba q oraalkaaad qorteen waxaa iiga muuqday nacayb cabdiwali gaas malaa shaqsi ahaan baad utaqaanaan ood kunacdeen ama qabiil ahaan unecebtihiin waxkale aan idin idhaahdo garanmaayo cafisna waa rabadaan.

  32. jirdeh says:

    waxan la talin alaha inabtigay hsein arab essa , waan kula talin laaa in aanu dib isu dhigan qaxaaaas ka dib oo unna moodin in ay ka dhalanyso meesha uu jooga hadda , kana yahay wasiirka ashandhigga, waxaan ku leeyahay walaal, haw qaadan meesha sidii dawladihii la arki jiray, tanni waa dawlad dhgaraysan, had iyo jeerba ka digtoonoow, cidwa;ba ,waxaad si weyn iskaga ilalisa ninka ka yimid dhinaca so,aliland -ee la yirahdo-muxyaddi aw cali- qabilkiisuna cidegalaha yahay, waxa uu ku siisanaya xoogga shilimaad ah yaanu kuu gaban ninkaaaas, igu salan cabdiwali na ilahayna haydin ilaliyo by jirdeh

  33. bisinka u qabo says:

    marka hore farmaajo nin fiican oo wadani ah ayuu ahaa,waxaadna taas ku garan karta asaga ayaa keenay
    Abdiweli,marka soo ma cada inuu farmaajo uu ninkaas ku soo xushay shaqsiyadiisa wanaagsan iyo wadanimadiisa iyo somali jaceelkiisa,hadaba hadii uu farmaajo ku sifoobay wanaagaas oo dhan waxaan uran karnaa wanaaga xumaanta dhala.

  34. basra says:

    Waar hooy soomaaliyey runta isu sheega oo xaqsoor sameeya Ninkaas professorka ee la yiraah Abdiweli mohamed Ali gaas wele raganimaddiisu iyo waxtarkiisu cirkuu galay mana jidho nin Soomaray somaliya amaba hadda madax ka ah xataa madaxweyne oo sameeyey wuxuu soomaliya u sameyey marka waxba yaan lays daalin ee inta Eebbe laga baqo oo la xaqsooro Somali professor kaas dadaalka badan oo dalkiina xoreeye inta layska daayo maseyrka iyo hebel baa kana ha la huwiyo Professor Abdiweli Mohamed ali Gaas Allaha koryeeylee sharafta uu Soomaali ka mudan yahay!

Leave a Reply