Tarsan: Ninka Doonaya in Muqdisho Laga Bedelo Caasimada Soomaaliya Waa Nin Riyoonaya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in marnaba aaney suurtagal noqon doonin in meel aan Muqdisho ahayn laga dhigo caasimada dalka cida taasi dooneysana ay ku jirto riyo maalmeed.

Gudoomiye Tarsan oo ka hadlay kulan lagu soo afmeeray barnaamij loogu magacdaray ‘Tiiraanyo bixinta Muqdisho’ laguna soo dhoweynayo ergooyinka imaanaya caasimada ayaa sheegay inuu aad ula yaabay dad Soomaaliyeed, oo haddana masuuliyad sheeganaya inay u ololeynayaan in caasimada Muqdisho la xaqiro meeqaamkeeda.

“Dad baa ku fakaraya in caasimad ay noqinin Muqdisho, waxaan leenahay  ninka Ddonaya in Muqdisho laga bedelo caasimada Soomaaliya waa nin riyoonaya.” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay ka doodeen sababta dastuurka qabyada loogu xusi waayey caasimada hase yeeshee arintaasi ay ka war sugayaan, isagoo carabka ku adkeeyay in aan la heli doonion meel u dhiganta Muqdisho.

“Waa laga hadli karaa caasimada, oo anaku ma lihin lagama hadli karo waa wax laga doodi karo, laakiin xitaa haddii laga hadlo ma jirtaa magaalo u dhiganta oo leh waxa ay Muqdishow leedahay,” ayuu yiri gudoomiyaha.

Muqdishow waa loo baahan yahay

“Muqdishow iyadaa loo baahan yahay, marka loo eego adeega ay leedahay iyo muhimada dhulka ay ku taallo” ayuu sii raaciyey duqa magaalada Muqdisho.

“Waa magaalo aan cidna kaa xigin gobolkaa rabto ka imaw, waa loo siman yahay.” ayuu yiri Tarsan oo sheegay inaysan jirin magaalo kale oo maanta dadka Soomaaliyeed u siman yihiin, isagoo sheegay in magaalooyinka qaar dad Soomaaliyeed laga soo tarxiilay.

“Magaalooyin qaar ee Soomaaliya ku yaalla ayaa waxaa dhacday in dad Soomaali ah… waa SOOMAALI in laga soo tarxiilay sidii Sacuudigii” ayuu sheegay gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Mar uu ka hadlay ergooyinka ka imaanaya meelo kala duwan ee ka qeybgalaya shirka dastuurka ayuu sheegay, gudoomiyuhu in dadka reer Muqdisho iyo maamulkaba ay ballanqaadayaan amaankooda iyo dejintooda ayna la kulmi doonaan soo dhoweyn weyn.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan wuxuu kaloo sheegay in amniga magaalada uu marayo meeshii ugu fiicneyn qof kasta oo Soomaaliyeedna uu isku halleyn karo caasimada Soomaaliya.

“Annaga dadka ayaa marqaati noo ah wixii aan qabanay iyo sidii aan magaaladan ugu inmaanay markii aan xilka qabanay” ayuu sii raacyey Tarsan oo ka waramay shaqada maamulkiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa u diyaargaroobeysa shirka ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalinta berito ee Arbacada ee ka furmo dugsigii tababarka booliska ee Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya] oo ku yaalla degmada Xamar Jajab iyadoo amaankana si weyn loo adkeeyay.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

46 Responses for “Tarsan: Ninka Doonaya in Muqdisho Laga Bedelo Caasimada Soomaaliya Waa Nin Riyoonaya”

  1. KarKaar says:

    Tarzan asagaa riyoonaya wuxuu kuleeyahay muqdisho waa magaalo aan laga xigin adeer waxaan kuleeyahay muqdisho waa ay magaalo somaliyed ahayd wey jirtay foolxumo aduunyo tii ugu darneyd baa kadhacday magaalo qabiil sheegto bey noqotay oo waliba dadka lagu xasuuqo adigu tarxiil baad sheegaysaa marka tarsanow umada somaliyed ha haligin oo khiyaali ha usheegin caasimaduna meeshii somali isku raacdo bey noqonaysaa dalkuna xamar kaliya maha nabada yaree xamar kajirtana waa mid ay amisom ciidamada africanka sabab uyihiin marka qolyihii 20 yearkii lasoo dhaafay lahaa muqdisho anaga iska leh ay gartaan caasimad wadan leeyahay waa in umadu usimantahay bisayl somaliyed na laga arkaa manta qof walba oo somaliyed Dawladnimo wuu rabaa qurbe AMA gude hajoogee marka tarsanow qoomiyada muqdisho sheegatay haday taas ka wantooban oo khaladkey caasimada kagaleen saxan somali inteeda kale umaleyn maayo inay ka hor imaanayso. Wa bilahi towfiiq

  2. garowe says:

    asbuucaan bay ahayd markii lagu dilay nin gurigiisa habaysanaya oo UK katagay oo ku abtirsada beelaha gedo seebaanu ku aamini karnaa magaalada noocaas ah oo waa goofkaygi iyo handadaad iyo dil joogta ah miyaanu kujiri karnaa waar adeerayaalow uma qalanto muqdisho magaalamadax inta dadkeedu cadiifada iyo nacaybka beelaha soomaaliyeed ay ku bahoobeen
    tarsanow adeer muqdisho kitaabka kumataal shalayna waa loogartay dee maantana waalaga tashankaraa

  3. wiil mudug says:

    moqdisho dadkii soomaaliyeed baa lagu laayey wilina hantidoodii lagu heystaa ee yaa bal qaadaya in wixii hore ee dhacay aysan soo laabaneyn.
    YAAN BEEN LA ISKU SHEEGIN REER MODISHO AAMIN MAGALAAN MAGALA MADAXDUNA XOOG MA AHAN ADEEGANA MEESHII LA RABO AYAA LAGA DHISTAA

  4. Tarsan waa nin markasta difaac ku jira. Tarsan muqdisho bahalo galeen ayey noqotaye. Hawl adag ayaa ku taala ee bahalada meesha ka saar oo reerka hubka ka dhig. Reer hubeysan madax madax ha noogu galine.
    Adigiibaa si freely ah muqdisho u socon oo qori caaradii ku joga

  5. ex muqdisho says:

    asc haday jirto in aay dad riyonayan waxaa riyonaya waniinka casimadi dadki dagana odhan inta malin qura kadhigay matadii wuxuu layo iyo wuxuu kufsado iyo wuxuu fiqfiqdo sidii aboorki oo kale iyo sikadaran inuu hadlaba maahan tarsan maxayelay dadka saywax yeelen aay oktahay somaliweyn odhan maistahilan inayba umad sohor istagan wabilahi towfiq

  6. Jawaabe says:

    Salaan kadid sxb tarsan wuxuu doonayaa in loo kordhiyo maxaa asgaa riyoonaya ilaa gudoomiyaha gobol laga dhigo qof reer banaadir ah oo laysku raaco inay tahay caasimada soomaaliya in aan la ,kala xigin oo dadka hantidooda loo soo celeyo dadka caliyaalo ka yimid meeshooda ku noqdaan kuwa gobolada dhexe meeshooda ku noqdaan wax jiraa majiraan wuxuu ku hadlaayo waa waali hala xirxiro ninkaan riyoonaya oo halagu celiyo dhaqtarkiisa london

  7. Ismahan says:

    Kkkkkkkkkkkkkadunyoy xalka ba meel an somaliya dadka lagudilin haben iyo malin majirto mugdisho ma baryasao casumad tarsan wuusaxanyahay raga lagu dilay muqdhisho waxadilay 21 jir kudhashay guriga muqdhisha khaladka malahan dadka dagana malahan lkn hargaysa iyo garowe bosaso oodadka somaliyed madaxa in tiiriji cagar laga mariyey la sootarxilayey ma ahan muqdhisho wabilahi towfiiq

  8. dhoof says:

    tarsan intaad taagantahay af hayeen ///////////xasan xaadna ku horboodaayo waa lagaa tashnaya waana halkii laysla garto hadday doonto geed hoostii

  9. Osman says:

    asc wr wb. waxaa cajiib ah ruux isku sheegayo inuu magaalo madax uyahay duqa magaalada u hadlayo sidi caruur oo kale. Magaala madaxda waala badali karaa haddii cid gaar ah shegata dunida oo idil yaa badala magaalo madaxda. Magaalo madaxda ma ah quraan aan aayadihiisa labadli karin, waxaa badaley magaalo madaxdooda sida dalka Turkiga, nigeira, India iyo kuwa kale oo fara badan. Muqdishu waxaa qabaa maanta iyadaa ugu liidata Soomaliya, waxyaalo maleh aan ka eheyn dilid,llast week beey aheyd in Nin dibada katagey oo Uk katagay u aaday inuu gurigiisa soo dayactirto yaa lagu diley. Muqdishu dhiig islaam baa ku daatey, cadaabtii Alle yaa ku socota ilaa laga towbad keeno, lagana baxa dadka islaamka guryahooda la dhacey qabri yee ahaan la soco tarsanoow meesha waxba kuma heysid adigaa ubaahan soomali ee soomali kuuma baahno. The past 21 years soomali waakala tashatay sida Puntland oo maanta 100% ka qurxoon Muqdishu kaa tashhatay ee adiga isku tasho. asc wr wb Ramadaan Kariim.

  10. Garsoor_Gagaarweyne says:

    Run ahantii Muqdisho ma waxeey aheed mise waxeey noqotay.

    Wax kasta waa laga shiri karaa, oo sida odey dhaqameedyadu oga shirayaan Dastuurka ayaa looga shirayaa Meesha Soomaalida oo dhan u noqoneysa Magaala Madax.

    Sharci rabaani ah majiro oo dhahayo Muqdisho kaliya ayaa Caasimad ah, Soomaali baa awalba wada dhisatay, soomaali ayaan maanta XAQ uleh ineey ka doodaan meesha eey rabaan ineey Magaalo madan unoqoto, dhulku wuu badan yahay ilaaheey Banaadir oo kaliya inama badin, oo maanta waxaa soo ifbaxay magaalooyin wada casri ah sida Boosaaso, Hargeisa, Beledweyne, Gaalkacyo, Boorama, Garowe, Baardheere, Baydhabo iyo dee kuwa kale oo badan. Kuligoodna sii fiican ayeey unoqon karaan magaalo madax.

    Marka Tarsan, sxb raali noqo, meesha waxaa jira Cadaalad, oo waa laga wada doodi. Xamar ma ahan New York ama Dubai, oo xataa waxeey ubaahantahay dhismo aad utiro badan, maadama xataa tuubooyinka bulaacadaha la fuqsaday.

    SOMALIA waxaa Leh Soomaali, waxaana uwada talinaya si siman Soomaali oo dhan!

  11. mudane mudug says:

    mr. tarsan waa nin magaaladiisa u doodaya ee dan somaaliyeed niyadiisa kuma jirto waxay doonayaan dad sidayrabaan u yeela kaliya taasna maanta waa dhamaatay somalina way ka tashanaysaa meesha caasimada u noqonaysa mustaqbalka, nasiibkeed haddii marlabaad xamar loo doordo…..

    lakiin waxaa loo baahan yahay in isbadal weyn laga samaayo fikrada qaldan ee dadka xamar sheegta
    maanta….

  12. khaatumo-kheyr says:

    Waa runti Tarsan ,hargeysa iyo puntland waxaa laga masaaforiyey ama lagatarxeelay dad Somalia ah, wa taariikh Qoran .. lakin Tarzan mayo ilaawey in Muqdisho dadki guryabooda xoog logo haysto..marka sidii muqdisho logo siman yahey mar hadi umadi goryaahodi xoog logo haysto?

  13. sihaam says:

    tarxiil buu duqu kahadley adeer maqabo xamar insahalkaas waqtigan lajoogo laysugu yimaado magaalo madaxna somali ugu noqoto waayo wixii kadhacay xagee looga xaaley weli?hantidii lakala dhacay hadmaa laysu celiyeey oo lalakala wareegey?hadayba joogtaa car iigu imoow oo iweydii hanti aad leedahay oo qofkii runmooda waxa tarsan sheegayo iyo waa magaalo loosimanyahay oowaa nabad markuu tagoo wixiisii raadsado lagu dilayaa oo laleeyahay maadaa xoolo iguleh ama sheegan karo loo dilayaa wartarsanoow malaha dhiig kalaad u oomantahaye ummada haugu yeerin xamar .haysku qabto magaalo madaxdeedee umadda yaan lagu kawaamin. weligeedba weyna xamar magaalo damboo laysugu yimaado noqon karin bad dhiigaa ka hooseysa welina dhiigu ku qulqulo. sanado badan ayay qaadandoontaa ineeymayranto oo nadiif noqoto marka laga hadlayo magaalo madax waa in laga nadiifiyo waxyaabahaa ansoo sheegay dib uheshiin dhaba iyon wax isu celis iyoxaqsoor yimaadaan cayaar malaysugugu imaankaro mana loogu kulmi karo xamar.waana laga tashanayaa hadii qolo sheegashada iyo nadaafad darada ayawalkusugneeyd ay kusii sugantahay bal horta hala nadiifiyo sanado kabacdi hala arko sida ay isu badasho .

  14. ali says:

    Waxaa xamar caasimad u diidan kuwa ku leh caasimaddii somaliyeed anaa leh, iyo ciiddaan cagaha iiga qaad, iyo kuwa hanti dad leeyahay xoogga ku haysta ee ku leh anaa xoreystay kaas u sheeg inay Muqdisho caasimad tahay oo eeyan ayagu lahayn ee somali leedahay goortaa kadib ummadda inteeda kale la hadal.

  15. yaaska says:

    hadii muqdisho loo diido in ay noqoto magaalo madaxdii aan is weeydiinee waan is wada naqaanaa hadii aan soomaaliya nahaye xagee magaalo madaxdii ka dhigan laheen oo u qalanta ma garoowaa u qalanta magaalo madax mase boosaasaa u qalanto magaalo madax :::::: waa suaaal cajiib ah walaahi dadkii soomaaliyeed baa la tarxiilayaa ayaa la leeyahay waxaa laga hadlaayaa maqaamka magaalo madaxda war horta dadka soo dhaweeya markaas ka dib wax sheeg sheega mase la socotiin in dad qiyaartii lagu sheegay687 qof oo raxanweeyn ah in lagu dilay garoowe iyo boosaaso oo ay taariikhda idinkugu jirto hada waa walaahiye waan ku xisaabtamidoonaa arinkaas

  16. Jeeri says:

    Tarsan doqon waa mar kuu la imaan jiray caqliga axadda waryaa xamar adigu caasimad kama dhgi kartid xamar adigaa kufsaday ilaa loo qubeeyo oo laxaleeyo cidi ma imaanayso waayo eybaa luggaliyay quraan aqris bay ubaahan tahay hadii la dagayo waxba lagaa waydiinmaayo ee orod jawiil tag dhibta kadaa qabuuraha waan is ognahay madaxdii banaadiriga waxaan idin lee nahay aqbaar xamar ku saabsan aa la idiinka rabaa

  17. mudug says:

    yaaska@ adiga dad la tarxiilay ayad ka hadlaysa kuuma muuqdaad miya kuwa muqdisho guryohoodii lagu dilayo mise waxad leedahay dilka iyo tarxiilka tarxiilka aya daran tan kale ee ah raxanwaynta adeer raxanwayn ayaga dadkii puntland nag ka dhigay oo habeen walba afka soo duubta wiliba saas ayan asaxaan ugu falnay wayo waxa ka ganacsata ilaa tuuloyinka puntland iyo inta kabar’la yaal ah waa ayaga marka sxb digada ha isku kaacin

  18. NINA says:

    muqdisho inay caasimada soomaliya tahay waa waaqic jira ninkii jecel iyo kii kalaba bahda caalamku safaaradahoodii xamar bay ku soo ceshadeen isgriis iyoturkiyaa igu horeeyey magaaladu haday halaq mareen noqotay noo sheega meel aan soomaaliya halaq mareen noqon oon dad lagu xasuuqin denbiyadii dhacayna soomaaliyoo dhan bay ka dhaceen hadii layskala xisaabtamayo waa in si xadaari ah oo sharciyaysan looga xisaabtamo sidii s.africa,siiralyoon iyo ruwanda shacabkoodu u xisaabtamay ee ay uga gudbeen dhibkii ku dhacay inaga daaya saqaafada ag ciilka iyo yuuska waa in aynu ka dhaqano dhibkii kuligeen ina soo gaaray oo la helo dalkii soomaaliya ee aynu qiimaha ku lahayn faradiyada in caasimada la badalona yay noqon mid aarsi ku salaysan ee waa in dawlada soomaaliyeed ee imanaysaa gaadho qaraarka noocaas oo kale ah soomaaliyeey qabiil,warlrd,wadaad af xidhan,prof,iyo siyaasi lixdankii caqliyadeedii wataba aragnay waxa inoo hadhay waa dawlatu qaanuun inaynu tijaabino waa dawlada keliyee ina kala hagi karta viva our biloved soomaaliya

  19. Shanab says:

    Wuxuu u qabaa taariikhda & xaalku inuusidaan ahaanayo, bal aan sugno ayaaamaha soo socda in ay wax Gacanta ugu jiraan Qaswada yaasha & dadka halbeegeedu yahay ku dulnoolaansho.

  20. John says:

    Marka hore RAMADAAN KARIIM … Marka Xiga xaggeyga ayaa waxa aan u Arkay in Nasiib darro ay tahay, in inta badan Dadka ay wali Caloosha ku heystaan Wasaqdi iyo Qabiilka Baas oo horay loogu kala Abuurtay, waxaanse ka Xumahay in Dadka khaarkood ay Arintaasi ku noqotay Cudur waliba Lafaha ka galay, waxa ka sii daran in Dadki ay iyaguna sidaasi Daawadoodi moodayaan … Ileen waxa mar waliba la arkaya Dadkaasi oo khaarkood u Hadlaya sida Comment yadda khaar ku Xusan oo kale, Hab Fikirka Noocyadda Qabiil ku Dhisan oo runti Wax laga Xishooda ah, ayaa haddana Comment yada lagu Qor qora waliba iyadda oo Magacyaddi la soo wada badashay si markaasi aan ugu Adeegno Sheydaanka Magaca Qabiilka iyo Magaca Mamul Goboleedyadda Shaar ahaanta inoogu soo wada Huwaday … Waxa Xaqiiq ah, in Waqtigan Xaadirka aan inaguna Arintaasi Qabiilka ka dhiganay Wax aan ku wada Nafisi haayno, oo runti iyaduna Camalu Sheydaan ah … ! Runti Farsamadda Noocyadda sidaasi oo kale Internet ka loogu adeegto iyo Qaabka ay Dadka Fooda isku wada dari lahaayeen, siiba sidi Qabiil Qabiil la’isaga hor keeni laha, maadaama uu Dhamaaday is Dilki Qabaa’ilka ka wada dhaxeeyay ayaa waxa ay Arimaha khaar ahaan karta, Qidhad ay Adeegsanayaan kuwa Siyaasadda Soomaalidda Horbooda iyo Kuwa iyaga u Adeega sidi ay markaasi ku Ilaashan lahaayeen Danahooda u gaarka ah, inaguna aan meelaha isku Wada Jiid jiidno iyadda oo aan nalaga Warqabinba, Waayo :- Waxa aan ilaa iyo hadda la arkin Cid Garoorkiina waa imisa nagu tiri … ! Haddaba waxa Isweydiin mudan in marka hore la’is Weydiiyo, sidan :- 1. Maxey tahay Sababta aan Garka iyo Gundaha iskula jirno, haddiiba aan nalo War heynin … ? 2. Haddiiba Faa’iidadda Qabiilka ay sidaasi tahay, waa maxay waxa nagu wada Jaribay … !? 3. Wali ma is Bar bar Dhigtay Faa’iidadda iyo Qasaaraha uu Qabiilka inoo lahaan karo, siiba Dambiga laga Dhaxli karo, iyo Ajirka laga Aruursan karo, waaba haddiiba ay jirtaba … !? Wabillaahi Towfiiq.

  21. Dr Atoore says:

    Asc,Ramadaan kariim Tarzan waa nin xoog ku heysta shacbka dagan Muqdishow oo ahaa nin qabiil ooga yimid London isag iyo Yariisow Tarzan oo ahaa raggi xamar fiiqdey dagaalkii USC,ahaana nin toorey wadan jirey oo dhac,boob,shacbaka ku hayey inuu sidaan u hadlo waa laga fiican yahey xamar waa laga rarayaa caasimada oo waa meel ay bahalo iyo halaq galeen ah sida uu qabo dastuurka waa in laga baxaa guryaha xaaranta ah ee lagu soomaya bisha barakeysa,midaas waa iney ka jawaaban culamadda ka hadsha xoolaha xaaranta ah ee la baneystey qolada dagta xamar ay xooga ku heystaan oo xamar sidaas u dagi waydey tarzan waa mooryaan cid wax ka dhageysaneysa majiraan

  22. abdi says:

    qofka sheeganaya karkaar waxaan ku leeyahay karkaarta aad sheeganeyso sow qabiilnimo kuma sheegananeysid waxaan kuu sheegayaa qaabka wax loo naqdiyo ayaa kaa maqan ee horta soo baro qaabka wax lo naqdiyo mida kale adeer adigaa muqdisho u baahan ee kuuma baahna horta sidaa ugaro
    haddiise aan su aal kuweydiiyo wa halkee meesha ugu haboon ee laga dhigi karo caasimad soomaaliyeed
    ma waxaad la rabtaa garoowe oo jifo dagantahay itoobiyaana kaabiga ku hayo
    mida kale waxaad tiri nin reeergada ah ayaa lagu dilay maxaa adeer reergado kaa quseeyey ileyn waa horaa lakala tagaye waxaadse ogaataa in tiisi gashay
    waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa muqdisho adinkaa u baahane idiinma baahna dhagaxa iyo qaranqoorada jooga tan kale burxcad baeediina waa leysaga daba yimide xageed aadi?

  23. somali boy says:

    wataa soamliyi aqoondaro ayaa wada haysa maxaa uu u qirilayahay wixii ay geysteen qabiilkiisa habar gidir khaas ahaan iska hadli jaahiweeye oadayga aqoonyahan baan u haystaye.

  24. Horta reer pintiland mucaardnimada way u dhasheen oo somaliba iyagaa mucaard baray iyo xaasidnimada. Aniga waxaan soo jeedin lahaa hadii muqdisho leysku raaci waayo ha laga dhigo caasimad laascanood ee xarunta gobolka sool ama baardheere xarunta gobolka gedo.
    LAASCANOOd
    Laascanood waa magaalo isku xidha waqooyiga somaliya iyo koonfurta dalka
    Laascanood waa magaalo caan ku ah caanaha madaama ay daris la tahay dooxooyinka xooluhu daaqaan sida dooxada caanka ah ee nugaal iyo hawdka.
    Laascanood waxaa ku yaala durdur aan dhamaan biyahiisu gu iyo jilaal. Laascanood waxay hoy u tahay dhulka shidaalka ku qaniga ah sida ceelka holhol.
    Laascanood waa hoygii darawiishta ee la diriray gumeystihii ingriis kana xoreeyey dhulka waqooyiga
    Laascanood waxaa lagu dilay madaxweyne abdirashiid cali sharmake

    Viva khaatumo state viva somaliya

  25. ahmedpunt---------- says:

    tarsaan mar waa saxanyahay laba marna waa khaldanyahay tan koobaad mar waa saxanyahay oo waa gumarnatoorihii uugu horreeyay oo xamar oo ah bohol laga cabsado oo dunsan oo mugdiya waa ninka kadhigay magaalo sidii hore kawanaagsan oo iftiin leh ,balse waa nasiibdarro reerka uu kadhashay uuma oga dadaalkiisa, arinta labaad oo uu kuxunyahay tarsaan waxaa weeye tarsaan waxuu illoobay xamar inay isbadashay markuu dhacay dagaalkii sokeeye ee 1991 oo aay noqotay magaalo dad gaara sheegtaan oo sina aanan loogu tilmaami karin inay tahay caasimad sababo kow malleeshiyaad hubeesan iyo dil joogtaa iyo hantidii aay lahaayeen dadkii laga qaxshay 1991 oo dad xalaalaysteen iyo dhiigoodiiba oo illaa maanta kumaqan oo lamaraayo 2012 .arinta sadexaad tarsan waa ninkii dumiyay dawladdii marxuum cabdullaahi yuusuf oo maanta haddii lawaydiiyo sabab cad uusan kuusheegi karin aan ka ahayn qabiil balse aanan laga ficil qaadan waayo dadkii wax sooxukumi jiray waxay ogyihiin dawladnimada iyo soomaalinimada inay kaqiima badan tahay qabiil wax lagu dunsho sida jabhaddii usc iyo darsan iyo guruubkiisii aduunyadoo dhan kamudahuharaddaayay oo lahaa waa waray cabdullaahi yuusuf baa amxaaro noosookaxaystay oo markaas ka horyimid dhammaan qorshihii dawladnimo oo aay rabtay dawladdii cabdullaahi yuusuf oo ahaa dadka in hubka laga dhigo dawlad soomaaliyeedna timaado gabagabadii waxaan looyahay tarsan waad fiicantahay oo meelo waad dadaalaysaa in kastoo reerka aad kadhalatay sidaad u dadaalayso kufahmi karin inaad tahay nin kakurbaysan muqdisho siday tahay iyo meeshii aad kunoolaan jirtay ee londin siday ahayd balse muqdisho waxay u baahantahay in laga fiirsadaa caasimadnimadeeda iyo in kale iyo caddaalad rabi ….sc

  26. caraseedo says:

    Mudane Tarsan:waxaan waydiinayaa Hadday Muqdisho:nabad tahay maxay yihiin waxa uu ladagaalamayo habeen iyo maalinba oo ciidamada shisheeye loogu soo gurayo???,miyuusan ogayn kuwuu ladagaalamaayo in ay meel walba joogaan??magaalooyinka wax tarxiila miyuusan ogayn in ay joogaan kuwa Afka soo duubta oo ay maalin walba wax ku laayaan???
    Tarxiilku amuu dhaamaa boobka iyo iskhaarajinta ka taagan Muqdisho,mudadii 21ka sano ahayd oo uu u dambeeyay ninkii dhalinyarada ahaa ee UK ka tagay oo waliba ku noolaa xaafadihii uu deganaan jiray Tarsan,Camden, London ,UK ,iyo eeriyadeeda,marka xaaladiisa meel ku sheeg.
    Marka waxaan filayaa waxaa idiin soo noqon doona ninkaan dhul lahayn,ee dadka intoodii dhul lahayyd way ka tashadeen Muqdisho,hana u fadhiyin in ay sidii hore Xamar noqoto ee ku cuna ninkii habaw ku yimaada markale,balse arintaasi waxay u taalaa somali intii lagu dhibaateeyay oo waliba maalkoodii lagu haysto wixii ay kayeeli lahaayeen ee maaha mid Tarsan laga waraysanaaayo oo raba in mar kale la soo doorto oo kursi raadis ah,Tarsan xamar mar bay Xamar ahayd ee hadda ka nadiifi qabuuraha ku dhexyaal xafadaha kuwaas oo ah dadkii lagu xasuuqay bilaa sababta,ee loo laayay maxaad reerkaas u noqoteen!!!!!!!!!!.
    Soomaali waxaan oran lahaa ka fiirsada yaan mar kale la’idinku ridin god madoow,oo ha loo sameeyo doorasho xaqaaniya hadday rabto ha ahaato tuulo laysku raaco.
    Mase ogtihiin dawladda iyo Caasumadu in aysan isku xirnayn oo waa laga gudbay in laysku xiro,
    bal fiiri Tanzania,Holland,IWM xaggee bay fadhiyaan dawladii,marka doorashadu waa shacabku meeshay ku heshiiyaan ee maaha Tarsan kaliya warkiisa uu ku raadinaayo mar kale halaydoorto haddii kale daadku i qaad.Boobka,Kufsiga,Dilka aan loo aabayeelin,ma waxaa ka liita Tarxiilka,Sacuudiguba waa dhul muslin dadkana waa tarxiilaa,marka wixii ku dhiba waa la tarxiilaaye lama laayo ummad muslin sheeganaysa,iskaba daa kuwo kula dal ah oo kula af ah,oo kula dhaqan iyo diinba ah oo layswada dhalay!!!!!!!!!!!!,marka doqoshyadii uray baa laga xaraashanee rajo kale malaha Muqdisho.

  27. caraseedo says:

    TO Khatumo State kan la baxayoow:Saaxiib adeeradaa bay ahaayeen kuwii inta ladilay gawaarida lagu dabaxiraye,ee ku googa’ay siday uga lalmadeen,ee miyaadan dhalin mise arlo kale baad ku maqnayd,maxaad kala guraysaa!!!!!!!!.marka haddii la rabo geed hoostiis halaga dhigo caasumad iyadaa dhismaysee balse Halaq galeenka Xamar waa laga soo horjeedaa!!!!!!!!!!.

  28. Puntland boy says:

    Tarsan isaga aan ku fiirino in xamar aay kukala badbaadaan , Maanata waxaa ka socda Dilal siyaa sadeeysan oo ninba rabo inuu kan kale kaga taqalusiyo, Xamar maagalo madax marbeey ahaan jirtay Soomalina kuwada nooleyd , Maanta hadaa nan is yeel yeeleyn taasi ma taalo Xamar Waxii ka dhacayna kuligeen waa la soconaa , Ninka maanta ka ah gudoomiyaha degmada madiina waxuu dagan yahay Guri uu san laheyn Dadkii lahaabaa u tagay kuna yiri guriga nooga bax Waxuu ku jawaabey Gurigaan lacag badan baa iga gashay Marka lacagteydii iisoo celiya Ama markaan lacagtii iga gashay aan qiimeysto waxii idiin soo haray aan idin siiyo, Tarsan Ninkaas isagaa Doortay oo meesha u dhiibtay waana yaqaanaaye Bal arintaas ha baaro Markaas hanoo sheego ineey Xamar aan laga hadli karin magaalo madax nimadeeda & In kale, Puntland meeleey Dad Soomali ah aay kutar xiishay

  29. Puntland boy says:

    Tarsan isaga aan ku fiirino in xamar aay kukala badbaadaan , Maanata waxaa ka socda Dilal siyaa sadeeysan oo ninba rabo inuu kan kale kaga taqalusiyo, Xamar maagalo madax marbeey ahaan jirtay Soomalina kuwada nooleyd , Maanta hadaa nan is yeel yeeleyn taasi ma taalo Xamar Waxii ka dhacayna kuligeen waa la soconaa , Ninka maanta ka ah gudoomiyaha degmada madiina waxuu dagan yahay Guri uu san laheyn Dadkii lahaabaa u tagay kuna yiri guriga nooga bax Waxuu ku jawaabey Gurigaan lacag badan baa iga gashay Marka lacagteydii iisoo celiya Ama markaan lacagtii iga gashay aan qiimeysto waxii idiin soo haray aan idin siiyo, Tarsan Ninkaas isagaa Doortay oo meesha u dhiibtay waana yaqaanaaye Bal arintaas ha baaro Markaas hanoo sheego ineey Xamar aan laga hadli karin magaalo madax nimadeeda & In kale, Puntland meeleey Dad Soomali ah aay kutar xiishay lama hayo waana been hadlaas & Aflagaado, Dadka kayimi Soomaliya daafaheeda oo dhan baa kunool hala weeydiiyo iyaga in Puntland Dhibaato iyaga u gaara loogu geystay & In kale, Viva Puntland & Soomaaliya

  30. muqdisho caa sumad soomaliyeed ma aha laakiin way ahaanjirtay waa hore hadase qabiilo ayaa iska leh..

  31. mr turanto says:

    radiomuqdisho kadaawada xamar sida laga dhigay meelihii u qurux badnaan jiray oo qudaar lagu gadayo kkkkkkkkkkkkkkk tarsan ninkii wiigii hore lugu dilay xageebuu ku sheegay waxii dilay?

    midhaa idinma aamino kaaley oo igu qasab meel walba oo somalia kamid ah ayaan u dooranayaa caasumad xamar waxaan ka aheen hargeisa kismaayo baidao borama labada meelood oo aan iska ilaalinayo waa gaalkacyo iyo muqdisho hal qabiil ah baana qaribay waa la isla ogyahay runta

  32. Canbaradegen says:

    SC RABADAANU KARIIM,ALAHA NA CAFIYO

    Labo yawn leysku qaldin,mida Tarzan iyo Muqdisho
    Terzan waa qabiili aan aqoon badan laheyn .
    Muqdisho waxba ma galabsan waa magaalo madaxwanaagsan
    Waxaase lla yiri waxaaga iyo waxeygaba aan cuno waali soow ma aha.
    Reer koonfurna waan tarxiilin magaaladodiina habarta kaadisa hala I ogeysiiyo
    fAroole wuu ku qaladan yahay garoowe baa la ogyahay keligeed inuu xukumo
    Iyadana Xaq Kama jiro fiican,Waxaan qabaa cagta u dhiga yaan leysla xisaabtamine.

  33. sheekh says:

    Tarsan waa nin macquul ah laakiin soomalidii inta badan ayaa waalatay ,war waa xagee meesha aan Muqdisho ahayn ee magaalo madex nogon karta?

  34. tua says:

    canbaradagen

    hadii la isla xisaabtamo dadka xamar hada dagan 40% waa in dhiig lagu xukumaa kasheekee hee arinkaas

  35. Tutankhaamuun. says:

    War, waa dukaafad Muqdisho. Adaana ka dhigey,——————-

  36. B Jameeco says:

    Waalida walaalkay Tarsan hayso tartiib tartiib bay u soo baxaysaa. Caasimada soomaalida ayay u taalaa oo ku heshiinaya meeshay ka dhiganlahaayeen Caaasimad, muxuu yahay orodkaan iyo sanka gelintaan aaad walaalow aad wado

  37. RUN SHEEG says:

    KUWAAN WADA QAYLINAAYO EE TARSAN XAGXAGANAAYO WAA SHAYAADIIN QABIILISTAYAAL AH XAMAR WAA MAGAALO MADAXDA SOOMAALIYA (( FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIIN))
    HADDII AAD NACNAC LA MIMAADANA MADAXA AYAA LAGUGU DHIFAN TUUGAYEHEY URUURTAY, OO KARKAAR BUU KU LEEYAHAY WAX KARKAAR LA YIRAAHDO MA JIRAAN IYO KHAATUM ANAGAA CITIRAAFNAY OO SOMALILAND IN AAN KU FASAXNO AYEY AHEYD.. NACAS

  38. Moqdishu says:

    dhamaan dadka commentiga ka dhiibtay waxaan rabaa in aan waydeeyo ma Garowe ayaa laga dhiga ama boosaaso ama galgacyo ??????…. walee dadkee isbartay uma malaynayn in ay dadka dagaa meelo la yaqaano ay dabaalnimadooda gaarayso sidaa …

  39. Moqdishu says:

    continue ….

    waxaan ku celinayaa hordadad kakaca magaalada xamar waa magaalo soomaaliyeed dhamaan waa ay u siman yiheen waxaa ay u baahantahay qalbi wanaag..
    badankood dadka deegaanada aan kor ku soo xusay waa ay jiran yiheen, la imaada qalbi wanaag ama noqda sida soomaaliland waan go’nay dhaha.

  40. zack-london says:

    never and ever ma dhaceyso in mar labaad laga dhigo…muqdisho casimada soomaliya………xoolo iyo maal waala galiyey…….Somaliwayn oo dhan ayaa dhistey……..Hal reerna way dumiyeen………..Markaa Tarzan adigu waad riyooneysaa

  41. mariyoonayo tarsan ee wuxuu ulajeedaa qofka damca in uu kawareejiyo caasimada umaqdisho oo meelkale doonaya ayaa riyoonay marka qof

  42. somaliya somalibaa leh ee hal ogaado

  43. xasan daljir says:

    Bismillah sideedaba magaalo madax kuma haboona magaalooyinka waa weyn, magaalada muqdisho waa meel dhiigbadan oo gardarro ah uu ku daatey,oo ey daadiyeey dad sheeganaaya in ey iyagu magaalada leeyihiin. waxaa layiri mar idage alaha dago marlabaadse aneysdagay XAMAR MARNABA MANOQONKARTO MAGAALO MADAX dowlad xalaal ah si laguhelo wey adkaan jeer dambiilayaashii xasuuqa geystey aan maxkamad lasoo saarin VIDEO AYEY ISKA DUUBEEN AYAGOO BIREYNAAYA ( SIDII XOOLAHII) DAD AAN WAXBA GALABSAN .!!!!!!!

  44. aniga oo jira 12 sanno ayaan waxaan ka lugeyey xamar ilaa kismaayo 3 bilood ayaan lugeyneyney cid aan wax u dhineyna ma jirin heeb umbaa nalagu heestey.marka reer sheegta moqdisho marka ay doonaan xamar waa caasumad markey doonaana areey ilmahaaga afka ku qaado.waxaan balan ku qaadney hadaan mar dhow puntland kaa tarxiilin eey eey dhaley yaa is gaarey doqon doqon dhaley caasumada somaaliya waa garoowe ama diid ama yeel you have too.

  45. mogdisho says:

    waxaad modaa in nin walba gobal leeyahay lakiin reer mugdisho aan waxba loo aqoonsaneeyn dagaal iyo xumaanmooyee waad ogsoontihiin in dhibaatada mugdisho ka socoto eey tahay masiibo alle iyo mid eey walaaleheena soomaaliyyaan ku baxshaan iney nabad ka dhin lakiin ilaahey ma oran rafaad ku dhameysta reer mugdisho aaminida cidna uga baahno reer mogdishana gurina kaama qaadan xoolana kaama dhicin waa dad sharafle ee hota ogoog yaa eh reer mugdisho. waa idinka leh mugdisho qabiil baa yaalo waxa loo baa binaayo mugdisho qabiilkana waaba wax jiro qabiilbey soomaali wax ku qeysatay adna qabiil baad wax ku rabtaa mudishana qabiil uma ogalin taas waa arin guu gaara ma ahan iney neer mugdisho doqomo yihiin ee bahdilaad lala bartay in layiraahdo mugdisho cidmale waa caasimad aduunka ma aragtay caasimad aan cid layhay waxaas waa leykaga daba tay mogdisho cid uma baahno alla xafidaayo inti dhimatana alaha unaxariisto

  46. [...] (RBC) Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in xeebta magaalada Muqdisho lagu arkay saliid loo maleynayo in maraakiibta shisheeye [...]

Leave a Reply