Tuug La Qabtay Talo Ma Leh. W/Q Avv.Xussein Diiriye Afrax
TUUG LA QABTAY TALO MA LEH
Avv.Xussein Diiriye Afrax
Xussein1939@hotmail.com
Luulyo 26 2012
Soomaaliya waa beer bexeyso oo ka soo kabaneyso dhibaato mudda dheer ku habsatay,beer bexeysana lagama waayo geed buko,soomaaliya na waxaa mar waliba madax ka soo noqday dad maskaxda ka buko oo haba yaraatee lahayn aragti ama ujeeddo hor u kac, meeshii ay shaqada u doori lahaayeen cid u qalanta oo howsha loo dhiibay taqasus u leh,waxa ay u xagliyaan kaliya in danaha waddanka ku aaminaan qolooyin ay qaraabo hoose yihiin ama saaxibo oo xantooda u qariya,kama jirto Soomaaliya hayad guud oo shaqale ama mamul ka madax banana xulasho mugdo ka muuqdo,dhinac waliba aad ka eegtid shaqaalaha dowladda waxaa kuu soo baxaayo in ay hor booda yaan canaasiir qabiil lagu soo xulay oo ku xeel dheer sidii ay u booby lahaayeen hantada yar oo loogu tala galay in umadda lagu taakuleeyo,kama jirto waddanka hayad ah xisaabi xil maleh oo dar dar geliso ka war qabka lacagaha dowladda sida bareerka al loo lunsado, ciddii arrintaas isku daydo in ay ka hadasho waxay halis u tahay in shaqada la ceyriyo iyo in weliba xabsi loogu daro sida haatan uu la kulmay ninkii madaxda ka ahaa xeer ilaalinta guud oo dembi looga dhigay ka hadalka tuug iyo madax hanti lunsatay.
Soomaaliya waxay ku sifowday goob ay ka taliyaan tuugo is aruursatay,wax ay hambeynayaan la arag, jeebabka ka buuxsado lacagaha yar oo dalka soo galo, xishood ma yaqaaniin waxaa u cad xatooyo hanti dadwene,sed buursi iyo laaluush ku dhaqan, balse waxay aakhirkii ku dambeyn doonaan in dabin ku dhacaan laguna qaado tuug la qabtay talo ma leh. Madaxda waddanka ka taliso meel kasto oo ay tagaan waxay kala kulmaan aflagaado iyo xushmo darro sidii hadda ka hor ka dhacday shirkii London oo si gabasho lahayn loogu sheegay in tuugo iyo caado qaatayaal ay yihiin ayna xadeen lacag malaayiin kor u dhaaftay sidaas daraadeed na mar dambe lagu amini doonin hantida waddanka dibadda uga timaado,shirkaas madax ku shegga kulligood mid qaran ama mid gobol wey u dhammaayeen, meeshii ay ka gil-gilan lahaayen in ay iska rogaan heeryada dusha looga tuuray,waxay ka badin waayeen in gorodda ay raariciyaan waxa ay ogyihiin tuuga nimada ay faraha kula jiraan,tuug la qabtay talo ma leh.
Madaxda tuugada lagu tilmaamay qaar waa culumo, kuwa waa asharaaf,kuwa kalena waa madax hore uga soo shaqeyay dowladihii beri samaad kii,waa dad munaafiq ah oo u bareeray in ay ku takri falaaan jeebabka na ka buuxsadaan hanti guud oo loogu tala galay qolooyin masakiin ah,waa xaaraan ku naaxyo aadabta yu yartahay oo sida runta ah dhib badan u horseedi doono haddii ay leeyihiin ubad ay dhaleen, ciddii xaaraan lagu koriyo aaya dambe oo fiican laga sugi maayo,waxay ku wey naan doonaan ayagoo og in waalidkood tuug aha kuna soo koriyay lacag uu dadweynaha ka xaday.
Hoos waxaad ka aqrin kartaa in yar oo laga soo qaaday warbixintii UN ka loo gudbiyay,meeshaas waxaa ka muuqdo wax is daba marin oo haba yaraate loo meel dayin,inta wax hala boobo lagu jiray ayaa waxaa la illoobay in xisaabta la is waafajiyo,tuug la qabtay talo ma leh.
Missing funds, missing information
20. A key enabler of corruption and misappropriation of public finances is the absence of reliable information. TFG revenue and expenditure records are not only incomplete, but also essentially incoherent.
23. There exist serious discrepancies in recorded revenues, even within the TFG’sown financial institutions.
For FY 2011, the Ministry of Finance (MoFin) reported actual revenues of US$72,643,000 whereas the Accountant General (OAG) reported revenues of only US$55,482,997: a difference of US$17,160,003.
Inta yar oo warbixinta laga soo xigtay waxay muujineysaa in tuugo nimo cad ay madaxda faraha la galeen,mana muuqato caqli iyo cilmiin ay isaga difaaci karaan,waxay ka badin waayeen in midba midka kale uu eed badan farta ku fiiqo,tuug la qabtay talo ma laha.
Somalia: President Is Shielding Pirate Leader, U.N. Report Says
President Sheik Sharif Sheik Ahmed, left, has shielded a top pirate leader from arrest by issuing him a diplomatic passport, according to a United Nations inquiry, which criticizes the “climate of impunity” enjoyed by pirate kingpins in Somalia and abroad. The United Nations Monitoring Group on Somalia said in a report to the Security Council that senior pirate leaders were benefiting from high-level protection from Somali authorities and were not being sufficiently sought by international authorities. The group said a diplomatic passport had been provided “with the authorization of” Mr. Ahmed to Mohamed Abdi Hassan, a pirate leader also known as Afweyne, who presented it to authorities in Malaysia on a trip there in April. The report said Mr. Ahmed said the passport was “one of several inducements” for Afweyne aimed at dismantling his pirate network. Mr. Ahmed, in a letter to the chairman of the Security Council Sanctions Committee, called the report “one-sided” and described its contents as “unsubstantiated allegations.” President Sheik Sharif Sheik Ahmed
Xil kas nimo xumada madaxdaas waxay waddanka u horseeday jahawareer siyaasadeed,mid bulsho iyo mid dhaqaale iyo kala boob xabsi la’aan hantida umadda, maah maah ayaa waxay ahayd: markii bisadda maqan tahay jiirka waa bood booda; waddan madaxdiisa tuugo ku sifowda,xaqiiqda waxay tahay in marna waddankaas shaqaalahiisa laga sugeynin wax fiican oo loo aayo,tuug la qabtay talo ma leh.
Avv.xussein diiriye afrax
Edmonton London
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












mudane avv xuseen afrax diriye ada ayad ugu mahadsantahay qoralkan ad ku cabirtay dareenak ku aadan hantida ummadda somlieed oo dhaca loo geystay. runtii waxaa fiican qof walba oo muwadin ah inuu ogaado sababta la isugu soo aadiyaya warbixinta iyo marxalada KMGR, waxaan ogsoonaya waxa ay qabteen madaxda haatan xilka haysa gaar aha MD SHARIIF iyo RWS GAAS waxay waxay soo qabteen waxyaabo badan oo aysan qaban madax badan oo ka horaysay waxb badan in ay qabtaanan waa lafilaiayay madaxda haatan joogta waa niman meel fiican waxarinaya mana haboona in shaklhsi cusub oo ahwsah hadda iyo kow kasoo bilaaba oo wixii heshiis lagalay bur buriya uu yimaado, marka si nimankaan meesha looga fogeeyo oo dad aan wax badan ogayn la keeno ayay saas u smayeen qoloda soo saartay wrbixinta. WAA JIRTAA in wax la musuq maasuqay haddii aan lahelin dowlad rasmi ah oo laxisabtanta musuqa waligeeda laqga bixi maayi haddana waxaa socda hawshii lagu gaari lahaa dawlad la xisaabtanta qof kasta oo xil kahaya wadanka. NB. qoraagu wuxuu si shakhsiyan ah u aflagaadeeyay madaxda dalka asagoo ku tilmaamay caada qaatayaal iyo munaafiqiin ilmohoodana ku tilmaamay kuwo xaaraan lagu koriyay mustaqblakana aan waxba noqon karin madama xaaran lagu koriyay. anigu waxaan kuso gabo gabaynayaaa ILAHAY MADAXDA HANOOGAAJIYO.
Warbixinta, qoraagu, maa, mid sax, ah qofkastaana, garankaro, xaqiiqdana, xanbaarsan, loo, na baahanyahay, in qofkasta, oo Somali ahi farta, ku fiiqo, nimankan, tuugada, ah ee dalkii, iyo dadkii, ba dhacay!
Asc waa ku mahad sanayahay maqaalkaan ninka soo qoray lkn tuug taan wixii meesha isu gu keenay ayaa kadanbaysay ,masaa kiinta xoolahooda in laxado xoolo dad abaaro iyo colaado daashadeen ,Hadii xal la raadinayo Ugu horayn waa in la is ka qabtaa Shariif sakiinka tuuuga ah iyo sheekh shariifka uu duufsaday ….,
KKKKK TO WIILWAAL Waxaan u garatay qoraalkaaga in qofkii danbi galaa lagu abaalmariyo danbigii uu galay.Shariif iyo Gaas wax ba ma qaban.Wax qabasho maxaad u taqaan marka hore?
Anigu waxaa u aqaan wax qabasho qof ceeb oo dhan ka nasahan intii xad ah ma yihiin 2 nin arrintaa?
Waxaa laga yabaa in aad la soo booddo shabaab ayaa xamar laga saaray,yaa ka saaray ma ciidanka amison mise ciidanka dawaladda?wey caddahay ciidanka dawalada 24 hours in aanay is difaaci karin waan aragnaa maalin kasta ciidankii qaranka oo dadka shacabak boobaya ama dilaya waana aragnaa nidamka dawladnimo ankee in uusan jirin oo maalin kastaa dil uu socdo maxay qabatay dawalada?dawalada waxaa ay awoodi weysay ciidanka in ay mushaaro siiso muddo 10 billod ah ugu yaraan musuq maasuqa waa iska caadi dawalada dhexdeed.Away anti-corroption kii uu Abdwali sameeyay?waxaa cad Abdiwali in uu siray ummadda somaliyed sababtoo ah anti-correption unit ayuu sameeyay isagaana musuqmaasuq ka ugu xun sameeyay sida in uu canshuur dhaaf qalad ah u sameeyay asxaab qabiil iyo MP,aaway maamul wanaaggii uu sheegayay Abdiwali mise sidan ayaa ah maamul wanaag Abdiwali HEGUE wa inuu isaga isgeeyaa una hormaraa 2 shariif sababtoo ah kuwaasi isagaa ka daran ummadana been u sheegay tuugna noqday wixii wax xaday yaan la soo celin waana in laga matajiyaa dhamantood haddi kale dhankeenii aan bilowno ee ahaa keyga waa maailig mid kale na lagu amshquulo
maasha alaah dad sidaan cml wax ugarta ilah somali hakubadiyo
KU NINKA WATA SOMALI JECEL CUQDADA ISKA SAAR SXB CALOOSHA FAARUQI ……….QABIIL QARAN MA DHISO EE QARAN DHISAN BUU BUR BURIYAAA >>>>>>c/wali wax qabadkiisa soomaaliweyn oo dhan ayaa aragtay ee ((((( SAY MR ABDIWALI ALI GAAS THNK U
WAX MUUQDAA MUHIIM AH
@ Somalijecel(Or Somali Neceb)
Waxba soomaali uma haysid been iyo nin neceyb baad la wareegaysaa, misa adigaaba qeyb ka ahaa shabaab….kkk Ku dar talada in adiga iyo wixii soomaali dhibaatadeeda ka shaqeynayey in ay xaq tahay inta is aruursataan inaad HEGUE is geysaan. Waa nacas nin intuu damco in uu dad horyimaada belaayo iska dhigo oo wax sheego hanadana ay iska cadhay sida uu xaqqiiiiiiiiiiiiiiiiir u yahay! ogow dadka wax xaqira Illahaybaa cadaabtiisa u diyaarsaday! waryaa qofku wuxuu qof ku yahay markuu xaqa qiri kadho! Waryaa ciidamadda xooga dalka soomaliyeed iyo Professor Abdiweliba waa dadaaleen si aan inaba caadi ahayn waana nabadeeyeen badi koofur oo adiga iyo wax kulamida ay ummadda soomaaliyeed ku dhibaateeyeen 22sanno. Marka waxaa muuqata in gabalkiin dhacay oy afka idiin ka hadhay! Professor abdiweli waa nin waxtarkiisu sida xiddigtaas u muuqdee ee adigu maxaad tartay waxmatare oon ka ahayn wax ka sheeg dad aadan gaadhi kadhin!!! Waxaan ku dhihi lahaa u hiili dalkaaga iyo dadkaaga oo dhinac ka raac dadkaas dadaalaya oo Abdiweli ugu horeeyo ama iska hadal ileyn afqoyan hadal ma daayee…kkk