Uganda Oo Ciidan Hor Leh Keeneysa Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Kampala (RBC) Dowladda Uganda ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho ay keeni doonto dhawaan ciidan hor leh, oo ka qeybgala howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.

Ciidamada la keenayo Muqdisho ayaa hadda tabbobarkii ugu dambeeyay, waxa ay ku qaadanayaan xerada ciidamada Singo ee ku taala duleedka magaalada Kampala.

Wasaaradda gaashandhiga dalka Uganda ayaa sheegtay in ciidanka la soo diraayo, ay tagi doonaan gobalada ay hadda kaga sugan yihiin Al-Shabaab sida Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe, gaar ahaan magaalada dekadda leh ee Kismaayo.

Ciidanka ay soo direyso dowladda Uganda, waxa tiradiisa gaarayaa ilaa 3237 askari. ciidankan, waxa la sheegay in si gaar ah loogu talagalay in ay qabtaan magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe oo ah halka ugu badan ee dhaqaalaha ay ka helanaan kooxda Al-Shabaab.

Ciidankan Uganda ay u soo direyso Soomaaliya, ayaa la sheegay in uu yahay kooxdii 10-aad ee Uganda ay u soo dirto Soomaaliya, tan iyo sannadkii 2007dii oo ah markii ay ciidanka AMISOM ay yimaadeen Muqdisho .

Si kastaba, Uganda waa dowladda ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, marka loo eego ciidamada kale ee ka socda dalalka Burundi, Djabuti iyo Kenya, oo dhawaan uun ku biiray howgalka AMISOM.

Ciidanka Uganda, sidoo kale dhawaan ayaa loo kodhiyay mushaaraadka la siiyo, waxana arrintaas shaacisay wasaarada gaashandhiga, markii baarlamaanka dalkaas ay anisinyeen in ciidanka Uganda loo kordhiyo miisaaniyada ay helaan sannadkii.

Isagoo dhawaan la hadlaayay saxaafadda ayaa Gen. Levy Karuhanga oo ah taliyaha guud ee ciidamada Uganda ee loo yaqaan UPDF, ayaa  sheegay ciidanka la soo diraayo in la bari doono dhaqanka Soomaalida, maxaa yeelay waxa laga cabsi qabaa ayuu yiri in ay falal anshax daro ay ka geestaan dalka Soomaaliya.

Askari ka tirsan ciidanka Uganda , ayaa horey waxa uu uur ugu yeelay gabar Soomaaliyeed, taasoo keentay in ay laga eryo shaqadiisa, lana ganaaxo, si kastaba, waxa hadda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga la sheegay in ay xiriir la sameesteen gabdho Soomaali ah.

RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka Nairobi 

Share

Tags:

1 Response for “Uganda Oo Ciidan Hor Leh Keeneysa Soomaaliya”

  1. HAA HALA KEENO CIIDAN AFRICAN AH OO AIDS WADA QABA hadhow markey GABDHO badan qaarna GUURSADAAN qarna TARTIIBIYAAN waa in la siiyaaa BASABOR ileyn DASTUURKA AYEY KU QORAN TAHAYEE, DIINTIISANA DHIB MA LEH XORIYADA DIIMAHA DASTURKA waa ogolyahey

Leave a Reply