Ururka Al-Islaax Soomaaliya oo Maanta Shakhsiyaad Ururkooda Ka Tirsanaa Ka Casilay [BAYAAN]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dr Cali Sheekh Axmed oo kamid ahaa maamulka Al-Islaax, ahna gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho

Muqdisho (RBC) Sida lagu sheegay bayaan maanta ka soo baxay ururka Al-Islaax ee Soomaaliya oo ah urur ka tirsan Shabakada Ikhwaanul Muslimiin ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku cadeeyeen inay ururkooda ka casileen illaa saddex masuul oo sare oo ururka ka tirsanaa mudo dheer.

Bayaanka ka soo baxay Xarakada Al-Islaax oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Raxanreeb ayaa waxaa ku saxiixnaa Sheekh Maxamed Axmed Garyare oo ah aas aasaha ururka, waxaana lagu sheegay bayaanka in guddi xaqooqo raadin ah oo ururku u saaray mashaakil ka dhexjira ay soo jeediyeen casilaada shakhsiyaadkaasi.

Masuuliyiinta la casilay;

1- Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar (oo ahaa xubnaha maamulka ee Al-Islaax ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Muqdisho).  Dr Cali waxay Al-Islaax ku eedeysay inuu xiriir sir ah (qarsoodi) la yeeshay jihooyin ajnabi ah.

2- Dr Cali Baashe Cumar (oo ahaa gudoomiyaha Xarakada Al-Islaax), isaguna waxaa lagu eedeeyey inuu ku fashilmay inuu hogaan fiican la yimaado uuna la saftay garab ka tirsan ururka.

3- Mustafe C/laahi Cali  (oo ahaa xubin ka tirsan Al-Islaax). Waxaa lagu eedeeyey inuu fidno ka dhex waday ururka Al-Islaax dhexdiisa.

Sida ku qoran bayaanka waxaa go’aanadan ay ka dambeeyeen soo jeedinta guddixaqiiqo raadin ah oo bishii Febraayo 2012 Xarakada Al-Islaax ay u saartay baarista dhibaatooyinka ka dhex jira Xarakada dhexdeeda.

Bayaanka Xarakada Al-Islaax ayaa waxaa kale oo uu ku baaqay in la qabto shirweyne guud oo ay ka soo qeybgali doonaan guud ahaan xubnaha ururka Al-Islaax kaasoo lagu girfeyn doono xaalada ururka Al-Islaax uu ku jiro.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA XARAKADA AL ISLAAX

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

11 Responses for “Ururka Al-Islaax Soomaaliya oo Maanta Shakhsiyaad Ururkooda Ka Tirsanaa Ka Casilay [BAYAAN]”

  1. [...] Read More: Ururka Al-Islaax Soomaaliya oo Maanta Shakhsiyaad Ururkooda Ka Tirsanaa Ka Casilay [BAYAAN] [...]

  2. Axmed yare says:

    Eshcalaa islaax waaba sidii melatery-gii oo kala kkkkkkkkkk ma golhii sare ee kacaamkaa ? Kkkkkkk Waaba sugnaaba Waxa xiga kkkkk waxan u qabay koox diineeda. Bal aan aragno waxa xiga

  3. mo says:

    Waa ku faraxsanahay in nimankaan xilka ay haayaan laga qaado. Ninkaan Cali dheere la dhahaayo xoolihii dadka masaakiinta ayuu dhacay, inta aan ka war haayo waxa uu gacanta ku haayaa Hay’ado carab ah qof aan Islaax ahayna biyo kama cabi karo, marka inuu shaqada ka dago waa wax loo baahanyahay.

  4. Cabdi says:

    Shiiq garyare, waa hoobtay, urur maraaya qarnigii 21aad ayuu u malaynaayaa dariiqo uu isagu sheekhu-dariiqa u yahay!!
    Waxaa ka daran qof dhahaayo maamulkii ayaan kala diray,aniga ayaana isboqray oo madax noqonaayo

  5. Wadani says:

    war nimankii Islaax aha masasa u danbaysay wale somlai dhaqaale kuma heshiiso, magaca xarakada aya wax lagu soo qadanaya siguud kadibna shaqsi baa la degaya ama group. ka xayuubiya hadday waxas bilaben waliba cali dheere wuu ku fcnaa in laga xayubiyo xubinimad xizbiga.

  6. Abdi M. says:

    AWW.

    Salaan ka dib, markii aan aqriyay bayaanka:

    1- Sheekh Maxamed Nuur Garyare

    Waxaa ii soo baxday in Sheekh Maxamed Nuur Garyare uusan wax dhiseyn laakiin uu wax duminayo. Sheekha waxa ay aheyd in haddii uu jagada isu rabo inuu u soo maro dariiq sax ah laakiin ma aheyn inuu laan uu saaran yahay salka ka gooyo isagoo weliba ku fikiraya inuu wax wanaajinaya.
    Tan kale sheekhu maamulka Islaax xaggee ayuu kaga jiraa?
    Ma leeyahay awood inuu kala diro ama ka saaro Islaax dadka maamulka haaya?
    Aaway golihii uu ka tirsanayaa ee wadatashiga haddii uu dhib dareemayo muxuu halkaasi xalka uga raadin waayay?.
    Dadka magaca leh magacyadooda muxuu u soo qori waayay?
    Warqadda uu isticmaalyo maxay uga muuqan weysay wax astaan muujinaya inuu maamul haayo ama jiho maamul ka soo jeedo?.

    Waa markii labaaad ee jiho sheeganeyso iney Islaax kala dirtay, ka dibna iyadii kala dirtay ay hogaankii qaadatay, sidaasina Alle looguma dhawaado, Islaaxna waxaa la isugu yimid in Alle loogu dhawaado dalka iyo dadkana wax la taro ee yaan Alle looga fogaan.
    Waxaa hari doona sida aan rajeynayo kuwa saafiga ah asalkana ah dacwaduna ay dhab ka tahay.

    Wabillaahi tawfiiq.

  7. ayatiin says:

    ma fiicna fitna curato waana wax aan ku jirin horumarka sidii kherka ku jiro ilahay ha is waafajiyo

  8. Mohamed Osman says:

    Aniga, waxay ila tahay, in Nimanka xilalkoodii laga qaaday, si dhaqso ah uga dagaan, Eedeymaha loo soo jeediyayna iska difaacaan, Haddii ay beri ka yihiin dambiyada loo haysto, markaas islaax oo wada dhan ayay u taalaa inay xilalkoodii sii haystaan iyo in kale,

    Laakiin in sidii aan ku baranay hogaamiye kooxeednimada isku dhejiyaan, ama inta ay isku heybta yihiin gees ula baxaan dida faction-adii qabiilkla ku dhisnaa oo kale. Waxay ila tahay sidaasi Diinta ma qabto, Ilbaxnimadana ka mid ma ahan. waxayna noqoneysaa mooryaanimo.

    Marka afka oo laga diido eedaymaha keliya waxba ma bedeli karto. S|heekh Garyare, waa ruuxa ugu da’da weyn aasaasyaashii ururka, waana shaqsiyad sumcad weyn iyo qaddarin ku leh Xarakada Islaamka (Al-Islaax) iyo dhammaan shacbka Soomaaliyeed iyo Dunida Muslimka ahba.

    Marka go’aanada uu soo saaray oo la sahashadaa waxay keeni kartaa Khatar weyn gudaha iyo Dibedaba.

  9. Waa sax wixi khalad ah in la saxo, masuuliyiinta la xannibay masuuliyadoda iyo xubinnimadooda waa sax wax badan ayey ku lug leeyihiin oo aaan waafaqsnayn ahdafta guud ee xarakad, Mahadsanidiin Ustaad Garyare iyo ragga kalaba.

  10. Hassan Adan says:

    WALAAHI WAA YAAB, WAXA NIMANKA LAGU HAYSTO EE H=JAGOOYINKOODII LOOGA QAADAY WAA TACADI IYO KU TAGRI FAL SADAQADII AY KU SOO URURIYEEN MAGACA ISLAAMKA SOOMAALIYA AMA RAG IKHWAAN AHBA UGA SOO QAADEEN MAGACA AKHWAANUL MUSLIMIIN.

    MUDABA KHILLAFKOODU WUU JIRAY, NUXURKA ARRINTAN WAA RAGGAA XILALKOODII XUMEEYAY XOOLIHIIN MUSLIMIINTA LAGA SOO URURIYAYNA DHACAY , HOWSHII LOO IGMADAYNA HAREER MARAY.

    TALO WAAA IN AY XILALKAAS KA DAGAAN, WAAYO DUNIDA ILBAXA AH, HADDII QOF MASUUL AH EEDEYMAHA INTAA LA EG LOO SOO JEEDIYO, ISAGOON LAGA QAADIN XILKIISII AYUU KA DEGAA. MARKAAS AYUU LAWYER QABSADAA SI DACWADDA UU ISAGA DIFAACO. TAASI WAA HADDII AY DOONYAAN IN URURKOODA MAR KALE LUGAHIISA ISKU TAAGO.

    HADDII AY DIIDAAN , WAXAAN KU TALINYAA IN DOWLADDA SOOMAALIYA AY ARRINKAASI SOO GASHO, ISLA MARKAANA LA WAREEGTO HANTIDA URURKA EE MAGACA SOOMAALIYEED LAGU KEENAY, SIDA ISKUULADA, JAAMACADAHA, ISBITAALADA, XARUMAHA LAGU QABTO TABABARADA. LOOGUNA DANEEYO DADKA SOOMAALIYEED. WAAYO HANTIDAAS OO DHAN WAA HANTI CAAM AH (PUBLIC ASSETS).

    SIDA AY QABTO QAWAANIINTA, HADDII URURADA SAMAFALKA AMA KU HORUMARINEED AY BURBURAAN, HANTIDA WAXAA LA WAREEGAYA MAAMULKA MDOWLADDA EE MARKAASI DHISAN, SI UU UMMADDA WAX UGU QABTO.

    MARKA AAD U KUUR GASHO, JAWAABAHA AY KA BIXIYEEN XIL KA QAADISTOODA, WAXAY AAD UGU EG TAHAY HAB DHAQANKA MOORYAANTA, MARKA WAA IN AY DOWLADDA TALAABO QAADAA SI LOO BADBAADIYO HANTIDAAS UMMADDA LEEDAHAY.

  11. Jamal says:

    Waxaa layaab leh nin 22 sano ku dibjiray qurabaha iyo qaxootinimo, oo naftiisa iyo ehelkiisaba dayacay inuu ku andoocado inuu xilkaqaadaya dad 22-kiisano ee isagu cayta ujilba joogsanayay dad umada u adeegayay oo u dhabar adaygay dhibtii wadanka ka jirtay naftooda ka dhiqay raqiis si ay umada ugu khidmeeyaan. Sh. Garyare iyo Axmad Rashiid Xanifi marka hore ilaahay ha uga toobadkeenaan beentii ay ka sheegeen naftoda markii ay qaxootiga isku dhibayeen. iyo 22-kii sano ay qaxootiga ahaayeen Waxay lanoqotay in aduunyadu taagantahaay maalintii ay qaxootiga isku dhiibayeen. Nin tiisii dayacay oo dantiisa utashan waayay umad muxuu u galayaa?!?!?!?!?!?

Leave a Reply