Waa Kuma Matt Bryden? W/Q S. Shire


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waa Kuma Matt Bryden?
S. Shire
Dantaguud@hotmail.com
Luulyo 24  2012

 

Matt Bryden

Warbixintii ay dhawaan soo saartay Kooxda Kormeerka Soomaaliya iyo Eritariya ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan cunoqabataynta hubku waxay eedayn musuqmaasuq guudka u saartay madaxda Dawladda ku Meel Gaarka ee Soomaaliya, maamulka Puntland iyo Eritariya. Warbixintu waxay ka koobnayd eedo aan la dhayalsan karin oo dhiillo geliyay dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhursugayay nabad buuxda iyo xasillooni waarta. Waxay ku noqotay lama-filaan. Waxaa ka sii horreeyay warbixin taas la mid ahayd oo ka soo baxday Bangiga Adduunka sannadkii la soo dhaafay oo isla Kooxda Kormeerku diyaarinteeda kaalin ku lahayd. Labada warbixinneed ma lahayn caddaymo dheellitiran iyo tixraac toona, waxay se ka midaysnaayeen, eedda ka sokow, in nuxurkooda si hordhac ah warbaahinta loogu yaboohay ka hor inta ay si guud u soo shaacbixin.

Eedaha musuqmaasuqu dunida soo koraysa had iyo goor waa ay ka jiraan, waa na loo baahan yahay barnaamij joogto ah oo lagula dagaallamo musuqa, laakiin eedaha ay Kooxda Kormeerku baahisay waa kuwo xambaarsan ujeeddooyin gaar ahaaneed. Labada waxbixinnood oo ay tif iyo miriq ka ahaayeen gef iyo been, waxay dhimaal la tiigsadeen geeddi socodka nabadda Soomaaliya, gaar ahaan nabadda magaalada Muqdisho ka soo ifbaxday. Akhriskoodu wuxuu dhaliyay su’aalo badan oo ku aaddan eedaha suurogalnimada xaqiiqdooda, waxaa laga dheehan karay dhaleecayn, waxaa laga dhedhansan karay in diyaarintoodu ku saabsanayd dhooqaynta garaadka madaxda dawladda Soomaaliya.    

Warbixinnada Kooxda Kormeerka Soomaaliya iyo Eritariya u gudbiso QM oo ay warbaahinta iyo hay’aduhu soo xigtaan ayaa waxaa diyaariya Matt Bryden oo QM u qaabbilsan Geeska Afrika. Waxa uu hawshaas bilaabay horraantii sagaashameeyadii, waagaas oo uu xubin ka noqday hay’adihii gargaarka ee dalka yimid. Hawlo kala duduwan ayuu u qabtay hay’ado ku lug leh gargaarka Soomaaliya muddo labaatan gu’aad ah, muddadaas ayuu xiriir hoose la yeeshay hay’adaha, dawladaha iyo shaqsiyaad Geeska Afrika caan ka ah. Isla muddadaas waxaa la lunsaday balaayiin doolar oo loo qoondeeyay abaaraha iyo colaadda harqaamiyay Soomaaliya. Ma jiro urur isu xilsaaray baarista ama xisaabin lagu sameeyay lacagahaas tirada badan oo la lunsaday, xataa ma jirto warbixin guur-mar keliya ku samaysay, waxay ahayd un arrin la isla og yahay oo un afku juuqda u gabay.

Matt Bryden wuxuu u dhashay dalka Kanada, wuxuu qabaa haweenay u leh saddex carruur ah oo u dhalatay gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ee maamulka la magac baxay Soomaalilaan ka arrimiyo, dhammaan na ku wada nool dalka Kiinya. Shir kasta oo arrimaha Soomaaliya lagu falanqeeyo, wuxuu si bareer ah ugu hawlan yahay kala goynta ama waxyeellada qarannimada dalka. Wuxuu astaan u noqday been abuur, musuqmaasuq iyo in uu jeer walba madaxda Soomaaliyeed ku eedeeyo in ay ku jiraan goondhaba iyo goolaaftan. Qandaraasleyaasha–ama shaqaalaha–QM u qaabbilsan Afrika ee musuqmaasuqa ku caan baxay ayuu Matt Bryden xawli ku dhaafay oo uu musuqmaasuqaas gaarsiiyay heer aan hore loo arag oo aan gabbasho lahayn, waxay horseedday in laga eryay dalalka loo xilsaaray oo uu cago dhigan karin Soomaaliya iyo Eritariya mid na. Shaqadiisu waxay ku koobantay ka been abuurka dalalkaas uu burburintooda u heellan yahay ama soo saaridda waxbixineedyo warbaahinta marinhabaabiya ama buunbuuninta maamulka Soomaalilaan keliya.

Sir iyo caad ma saarna ujeeddooyinkiisa ku aaddan dalalka Geeska Afrika oo kama uu xishoodo in uu ku tiraabo ereyo liddi ku ah Soomaaliya, Eritariya iyo maamulka Puntland. Hagardaamooyinka ninkaasu gaystay ayaa dhaawacay xeerarkii iyo meeqaamkii Qarammada Midoobay lagu tixgelin jirey, tusaale ahaan markii uu yiri; “Sii socoshada colaadda Soomaaliya waxaa ay faa`iido ugu jirtaa Soomaalilaan, oo raadineysa madaxbannaani iyo aqoonsi”. Burburinta xubin QM ka tirsan waxay liddi ku tahay xeerarkeeda. Yeelkeede, siyaasad xumidiisa awgeed shirqoolka khiyaanadiisa cadowtooyo wixii uu libtooyo u maleegay Soomaaliya kama miro dhalin. Dhammaan wufuudda iyo madaxda Afrika way ka dheregsan yihiin godobta Matt Bryden ka galo qaaradda. Sidaas daraaddeed halgankii uu u soo galay kala goynta dalka oo uu u cuskaday jagada uu u hayo QM wuu ku guuldarraystay oo qolo dhageey-jalaq uma siin.

Haddii ay Soomaaliya kala go’ayso, goobta ay ku kala go’ayso, qaabka ay u kala go’ayso iyo weli ba xeerarka ay ku kala go’ayso, dhammaan waxay u taal Soomaaliya. Bil matalan, ugu horrayn waa in baarlamaan Soomaaliyeed oo fadhiya oo kalsooni buuxda ka haysta bulshoweynta Soomaaliyeed afti u qaado burburinta dalka uu u xilsaartay hoggaaminta iyo jiritaankiisa. Taas oo haddii ay dhacdo ay muhiim tahay in ay hoosta ka xariiqaan sababo milge ahaan lama huraan ka dhiga kala goynta dalka, sida; midab, af, dhaqan, isir, diin, iwm. Dabadeed dalalka dunida (oo badankood karaahiyaystay dhaqdhaqaaqyo kala goyntooda u heeggan [haa, annaga keliya ayay nagu cusub tahay ee dalal badan bay ka jiraan kooxo u taagan kala goynta dalkooda]) laga iibiyo in dunida uu ku soo biiro dal u dhisan qabiil Soomaaliyeed.

Ma shaki baa ku jira haddii hal qabiil dal loo aqoonsado in qabiillo kale la soo godlan doonaan aragtidaas? In ay qabiillada kala go’ay dhexdooda ka tolan doonto? In hammigaasu ku faafo dunida saddexaad (Itoobiya keliya waxaa ka jira lix kooxood oo u hanweyn)? Qabiil qaran ma noqdaa? Maya ayay ila tahay. Qaar baa se ka hadalkeeda ku diirsada oo nolol maalmeedku ugu baxaa.

Laba tobanlihii Soomaaliya burburku ka jiray dhaaxaa loo halgamay kala goynteeda, dhaaxaa maal iyo maskax lagu beerdarreeyay, dhaaxaaa wax lala harin, dhaaxaa lagu dhaayaday ba’eeda, dhaaxaa calooshiis u shaqayste loo soo kiraystay, dhaaxaa habar kasta la beerlaxawsaday, dhaaxaa meel wal ba lala istaagay Soomaaliya ma jirto, dhaaxaa lagu hungoobay!

Waa suurogal in qabiil weyraxay soo kiraysto danaysteyaal ama calooshood u shaqaysteyaal u ololeeya danahooda gaarka ah, xataa haddii ay lid ku yihiin danta guud ee Soomaaliyeed, sida Peter J. Pham iyo qaar kale oo hore. Hase ahaatee Matt Bryden kama quusan dangalooyinka; ujeeddadiisa gurracan ee ku aaddan Soomaaliya iyo ku dhamaajoodka qarbudaaddaas adduunweynuhu qaaddacay meelmarinteeda.

Qofkii yaqaan Matt Bryden waa ogsoon yahay halganka ninkaasu ugu jiro burburka Soomaaliya. Asagu na waa ogsoon yahay laab la kaca Soomaalida iyo sida loo daaro. (Asaga oo gebi ahaan dafirsan xaqiiqda dalka ayuu qaatay baasaboor Soomaalilaan ah oo ay jirin qolo dunida aqoonsan.) Godobteeda se waxaa uu si buuxda ugu aanoobi doonaa goorta ay garashada Soomaaliyeed gilgilato ee dadku baraarugo ee u dhiirrado garwaaqsi ee aqoonsado cadowgiisa ee ka foojignaado dabinka, taas oo ayadu na saadaal dheer. Inta ka horraysa Matt Bryden, iyo qaar kale oo la soo kiraystay, ka filo warbixinno been abuur ah iyo cadaawad hufan.

S. Shire

Dantaguud@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags: , ,

26 Responses for “Waa Kuma Matt Bryden? W/Q S. Shire”

  1. daljirka says:

    ninkani waa caloshiis ushaqayste runtii tuuga

  2. Mr ////// says:

    mr Shire dont insult the the clean people like matt bryden and wife this is week cry like baby of ///// or ……..remmber you sister of ayan hersi what she done to islam to help your policy of pricay

  3. ciise yare says:

    walaal waad ku mahad san tahay sida faah faah san ee cadow ga soomaaliya noogo soo diyaa riseen
    in sha allaah matt Bryden? waa in loo a qoon sanaado cadowga somaliya? waana in labaa hiyo dad ka shishiiyaha ah ee daganaasha la anta kawada soomaliya in lahelo dalka ay udhasheen iyo sawirada iyo
    halka oo dagan ya hay siqoorta looga gooyo

  4. muuse says:

    Wixiii fiican laqoro Raxanreeb lug kumalaha lkn wixii xun ee iyo dacaayada ayaad lug kuleedihiin.

  5. jilbis says:

    Waa qoraal xaqiiqda ku qotama ee somaliyey indhaha fura

  6. daljirka says:

    shire , mudane thanks ,
    saad cadawga tooshka ugu ifisay ,ninkaan warkisu waa cadyahay waa nin naagi wado nin naagi wadaana qashin weeye halkay udirto ayuu galayaa. Reer hargaysana waxaan leenahay naagihiina calooshood u shaqaystayasha ka daysta aqoonsi saas laguma helee, galadana ka fogada aad isku dhejinasan ,soomaalidaa ilaah iskiin badaye kaalaya
    .hadii kale marba kaniisadaha kanada,ingriska iyo norway ku wareega….

  7. Runsheeg says:

    shire ha ku mashquulin gabadh ayuu cidaa ka qabaa, eee ka sheekee malaayiintii xagay qabteen, ninkaasi waa ajanabi hadii somali meel uwada jeedana wax ka qaadi maayo, somaliland dad ayaa dhistay oo u soo dagaalamay dabadeed taagay isaguna kama mid ahayn, ee hadii waalidkaa lacag dhacay ama aad ka mid ahayd la shaqaystayaasha budhcadbadeeda gar bax oo ka garbax somali, ka garbax sharciga caalamiga ah, gar bax oo ka gar bax ninka somalia maamula ee mahiiga dabadeed shakhsi weerar markaad soo gar baxdid

  8. Saalixi says:

    Waxay ila tahay tabtii Gibb iyo wixii faacuul ku dhigay ayuun buu
    ku danbayn doonaa. Burco ha yimaado Bryden.

  9. somali says:

    mahadsanid real somali inikan naagta reer bucur bacayr xaaraanta kuhaystaa waanloo adeegsanayaa
    laakiin flimkiisu waa god kudhacay oo somliya sidaas kuma kala go,ayso reer waqooyina
    waxaan leeyahay ididnka cidi wax idinku falimayso laakiin dalka waxa leh somali weyn ee ogaada.

  10. TalokeenAmohmoud says:

    Ninku dhalasho Somali haqaato haddaba ilmihiisa iyo reerkiisa lagama
    Xigee.
    Dalka wixii u xun oo dhac iyo khalad ku sameeyana ha sheego.
    Laakiin sida xididkiisa nooga dhow yuusan dalka kala gooyeyn. Gobollada waqooyina
    Dadka dega go’itaan ma wada doonayaan oo inyar ayaa waxaas laqaaq leh : in their Dream but will never becomes in reality. Tot

  11. Ahmedyare says:

    Ninkaas nin tuug ah oo calooshii u shaqayste ah in uu yahay waa la ogaa, cidii caad ka saarnaana maanta ha u cadaado…

  12. nin raga says:

    waxaan idiin sheegaya dhamaan akhyaar malaha hadii shimiri dhuusto somaliland ayaa ka dambaysa gaaladu hadii ay lacagtay masaakiinta ugu tala gashay markii la cunay sheegtayna somaliland ayaa ka dambaysa you haters dadkiinii aya an soo dhawaynay putland banaanka u daadisay waa wax laga xumaado runtii nacaybka idinku jira waa maalintii koobaad een qoro comment becouse dambiga ayaanan jeclayn markaa dambiga iska yareeya

  13. farhan says:

    mr/////
    waxaa tahay crazy ninkzzn yuhuudkaa miyaa difaaceysaa
    dsoon with in week he will leave his post so dont cry

  14. cabdi samad says:

    waxaan la yaabay qoralkan waan aqriyay ujeedada ugu wayna waxay ahayd in ninka uu somaliland taageero markaa aad tii qabyaalada ee somaliland nacaybka ahayd aad ku difaacaysaan nimanka idin dhameeyey ee ilahay nasriga idinka so diray inuu idinka qabto
    somaliland gaajadiina iyo burburkina waxba ku fali mayso dana uguma jirto hadad sida iska dhaadhiciseen wan idin so ducaynaynaa waliba ninkana qaramada midoobay buu u shaqeya waxba somaliland ha ku sasina

  15. duale says:

    S. SHIRE waad mahadsan tahey laakiin waanu naqaanaa matt byrden ninka uu yahey iyo waxa uu aaminsanyahey, laakiin marna ha isku dayin inaad bari yeesho madaxda soomaaliyeed ee toshay jeebka weyn ee walibana ka saameyn badan ninka aad sheegeyso kana wadaniyad yar ayagoo waliba soomali ah, xalka somaliya waa geel ninkii lahaa dhacayo lama dhicin karo, marnaba warbixintaadu qiil u noqonmeyso in kuwani nagu soo noqdaan, shakina kuma jiro inay lacago badan lunsadeen midaasna cadeyn xoojinaya ayaa jira, marka saaxiib kaadso xaalku yuu difaac noqonee.

  16. Kalafoge says:

    Anigu aad baan unibcahay musuqmaasuqa
    Iyo madaxda soomaaliyeed ee lagu eedeeyeyba
    Hadii ay run tahay,waxaanse kasii nibcahay
    Gaalkan gaalku dhalay ee Raba inuu siduu
    Rabo naga yeelo sidaas darteed haday
    Noo sinmaan soomaali xoogaa shilimaa
    Cunay iyo gaal

  17. Allow ayaa darawiish dib u soo cesha
    Reer hargiesa gaaladii awoowayaashay darawiish la dagalameen ee ay ka xoreeyeen waqooyiga yey dib ugu laabteen alla kariim.

  18. Real sanaaglander says:

    Qoraaga 100% waan ku raacsanahay in matt byden u heelan yahay KALAGOYNTA somalia lakiin in u su’aal iska weydiiyo bay ahayd in nimanka muqdisho fadhiyaa wax musuqmaasuqeen, waxaan oran karaa si indho la aan ah bu u difaacay afarta foosha xun ee xaraan ku naaxiyaasha ah article kaaguna waa one sided view marka aad article qorayso waa in aad labada dhinacba fiirisaa haddii xataa aad amisan tahay in aan wax la musuqnaasuqin sheeg cadayn dadka akhristiyaasha ah in corruption jiro ka qancin sababta oo ah this is an argumative essay so u have to be cautious what what u writing about.

  19. Warsame10 says:

    Warbixinta uu wax ka qoray ninkaan (Matt Bryden) waa warbixin aan dhexdhexaad aheyn, laakiin yeelkeed, warkeeda haddii uu rumoobo wey ufiican tahay Somalia. Intaas kadib, ninka qoray faalodaan (S. Shire) wuxuu sheegay been marki uu yiri…”in lakala jaro Somalia waxaa rabo 1qabiil”. WAA BEEN! In lakala jaro Somalia waxaa rabo qabiil kasto oo kamid ah qabiilada dago gobaladi uu gumeystay dalka Britain, inkastoo aan la aqoon tirada dadka rabo in lakala jaro Somalia ee dago goboladaas marka qabiil ahaan loo kala saaro oo qabiil ahaan looga qaado afti/cod. Waa DOQONIMO inaan kala xigsano qabiilada dago goboladaas sababta oo ah, lama yaqaano iney isla go’i doonaan. Haddii ay isla go’aan, iyagaa iska keen xigayo sababta oo ah adduunka maanta jiro waxaa lagu abtirsadaa waddan/dal. LAGUMA ABTIRSADO WAX KA HOOSEEYO WADDAN ADDUUNKA MAANTA JIRO. Mahadsanid

  20. jamal says:

    waan ku amaanayaa raxanreeb in ay banaanka so dhigto ninkaan lagu magacabo matt brayden runtii cadowga somaliya ma yara cadaan & madowba lakiin qaar ayaa talaabdoda ka dheerya
    mar 2aad waku mahadsantihin in shacabka uso badhigtaan kan oo kale

  21. omar says:

    wa la yaab nimanka isku magacaabay somaliland ama /////////// land in aqoonsi meel walba ka doone xataa in gabdhoodi in cadaan hadan gaalo guursato aqoonsi awgiis wax ka sii daran in naagta magaciisi qaadatay MATT BRYDEN & ubax BRYDEN somaliyeey aan cadwogen saxda isha ku ahyno qaasatan dadka kuunfur degga…

  22. maakhiri says:

    @warasame10——— aragtidaadu maha qaangaadh, marka aad rabti in aad wax ka faalooto waa in ay macno samaynaysaa doodaadu haddii kale waxay suaal galinaysaa garaadkaaga siyaasaseed iyo midkaaga aqooneed. dont be naive bro, be farsighted not shortsighted.

  23. saacid says:

    somaliand ahdey kuunfur godane & hebel afqani uso dirsatay si colaad uga huriyo MATT Brayed oo gabr ka qabna usoo dirsaty in dowlada kala daadiyo dhabshiil na ku howlantahy in maal galiso cid walbaa ka shaqeynysa dhibka koonfur maxaa u haray koormee hurdad ka kacaayan somalida kale oo ay iska qabanyaa qoomka cuqdad dilootay somalia 20 sano is dileysay aygan waxay uga dhagantahay waanala laayaya ’89 mar labaad hala laayo markaas aygaa dhibka joojinyay

  24. Hassan says:

    Anigu wax aan ka yabay Somali ka hadlaysa wax aan dani ugu jirin! Adeer wax baa la soo kiraystay iyo waa nala burburinayaa iska daayo oo wadankeeda inta aad u timaadaan u tashadda. umadda aad halka qabiil ku sheegaysaan ee Somaliland na way tashatay oo taas shaki kuma jiro Nina lama waydiinayo wax ay qabsadeen iyo horimarka ay gaadheen marka aad qabiil ku celcelinaysaan micnaheeda wax weeye waad ka xun tihiin wax ay qabsadeen iyo halka ay gaadheen. Waa ayo Puntland? Ma Dowlad haddna Dowlad kale ku dhex talla baa? Ninka qora ah baan u dhaafaya Mr Shire Su’aasha. Laakiin wax aan Somalida u sheegaya Iyaga hallka is dhigay ee inta aan odhan wax baa lay soo kirays idinku is haajiya oo wadankeena dhista. salaam.

  25. HANAD says:

    waan wada akhiriyey runtii maqaalkan wax alla wax nuxur ah oo uu xanbaarsanyahayna ma jirto wuxuu ku eedeeyey in ninkaasi aanu wax cadayn ah u hayn warbixinta uu keenay isla xaajigan qoraalka sameeyey wax cadayn u ah in aan madaxda somaliyeed lacag lunsan isna ma keenin markaa wuxuu u muuqdaa nin ka xanaaqay uun in adeerkii lacag umad baahan leeday cunay waayo kun waxbuu isku qasayaa Somaliland qabiil baa leh iyo siyaasado kale ayaa ka dhex buuxa qoraalka oo iska nacayb iyo xiqdi uun ah runtii markaa waxan ku odhan lahaa Aamina adigu waxaad tahay qof Saxafiyad Sumcad fiican ku leh dhaman bulshada somaliyeed markaa wararka miiska dushiisa lagu sameeyo ee iska noocan oo kale ah waxba yaanay kula noqon wax macno kordhinaya because adigu qof waxbadan u baxsanyihiin baad tahay oo professional Journalist ah cadaalada ayaa ku yar dhaman umada Soomaaliyeed waa dad aad moodayso inay wada sumaysanyihiin oo isha kaliya ee wax ku arkaan tahay inay reer difaacaan hadii aanu adeerkii lacagtaas cunina qoraal si kale u yaal uunbuu qori lahaa ninkaas indhuhu ku daaleen qoraalka aan meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo aan lahayn ee kun ujeedo oo kala gaar ah gadhka isku wada galiyey.

  26. somaliweyn says:

    ayan xirsina wa gaal nagta gaal gursatana wa gaal somaliana wa mid

Leave a Reply