Waa Kuma Professor Siciid Ciise Maxamuud? W/Q Maha Hussein


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waa Kuma Professor Siciid Ciise Maxamuud?
Maha Hussein
Maaxah2010@gmail.com
Luulyo 16 2012

Inkasoo Siyaasadu tahay wax dhib badan, marka qofkasiyaasiga ahi xil balaaran iska saaro waajibkeeda, maadaama looga baahan yahayinuu sameeyo isbadal, daacadnimo iyo hufnaan, taasoo ku saleeysan cadaalad iyo sinaan. Sidookale ayay tahay wax aad iyo aad u dhib badan marka qofku uusan kasoo bixinkaalintiisa ee uu ku sifoobo sadbursi, musuqmaasuq, eex iyo kala qoqobid.Taasoo manta u bateen masuuliyiinta Soomaaliyeed marka lagasoo bilaabo wixii kadanbeeyay Madaxwene Adan Abdulle Osman oo isagu ahaa ninkii ugu horeeyay ee si dimoqoraadiyad ah uga degay xilkaumadana u cadli yeela. Aqristayaal wixii kadanbeeyay waxa ay ahayd kadar oo dibi dhal waloow midba mida kadanbeeysa kasii dareyd.

Siciid Ciise Maxamuud

Taas waxa ay sababtay in ay dad badini is weydiiyaanmaxaa looga waayay Soomali qof isu soo taagi kara xilkan? Runtii waa su’aalmeesha taala. Hadaba aqristoow qormadan waxa ay ku eegayaa aqoonteydashaqsiyadeed eek u saabsan Professor Saciid Ciise Maxamuud oo ah Musharax utaagan xilka madaxtnimada Soomaliya.Waxa uu madax u yahay Xisbi Siyaasadeed ooloo yaqaano Xisbiga Dadka.

Magacaygu waa Sacdiyo-Ruun, Cimrigeygu waxa uukaweyn yahay afartan sanadood, waxa aan ahay hooyo leh shan caruur ah. Waxa aan bartay professorka mudo ka badan laba iyo sodon sanadood, wax ehel ah lama ihi,waxa aanse kasoo wada jeednaa asal ahaan Gobolka Galgaduud. Qofka muslimka ahi waxaa waajib ku ah inuu Ilaahaydartiis uga runsheego inta uu wax ka ogyahay. Ma ahan in wax lagu daro ama waxlaga dhima si loo helo xog dhab ah(accurate infromation).

Hadaka waa nin noocee ah Musharax Siciid?

Inta aan ka aqaano shaqsiyan, Siciid waa nin aad udabeecad wanaagsan, markastana farxadi ka muuqato oo marka uu soo muuqdo meelfog uga soo qosla qofka. Qalbigiisu waa nadiif. Ma jecla fadhi ku dirirka. Waanin u arka in Soomaalidu isku mid tahay, wada dhasheen, ood wadaagna yihiin.Waxauu aad ugu dhawyahay dadka birimageydada ah waayeelka, caruurta iyodumarka. Waa nin aan qofka la dhaafin salaanta.Waa nin jecel dadaalka iyo waxqabadka. Waa nin aqoonyahan ah . Siciid inta aan ka aqaanowax uu guursaday hal mar, waxa uu leeyahay caruur farabadan, dhawaanshaha isagaiyo qooyskiisa dadka qaarkood waxa ayisweydiiyaan waxa ay ku kasbadeen. RasuulkuCSW waxa uu yiri qofka marka uu ku wanaagsan yahay arimaha qoyska oo gurugiisa wanaajiyo waxa uu la midyahay qof umada oo dhanwanaajiyay. Maalin maalmaha kamida ayaan fiirsaday isagoo leh, Waxaan umalaynayaa inuu wareysanayay Mascade, “Waxaan rabaa inaan u tartamo xilka madaxweynanimada Soomaliya 2012. Waxa markiiba qalbigayga kusoo dhacday in isbadal imaan karo hadii la doorto professor siciid.

Runtii waxaan dhihi karaa waa jiraan dad la mid ahlaakiin ma badna .Mar aan hooyadeey oo aqoon dheer uleh qoykiisa iigasheekaysay waxa ay tiri, “Siciid waxa uu ahaan nin baari u ah waalidkiis, waxaaan xasuustaa ayay tiri inuuu ayeydiis Culimo Cilmi Yare u sheekayn jiray oo biyaha ay ku weysaysato usoo dhaamin jiray. Taaswaxa ay isoo xasuusisay waqtigii President Obama u tagay ayedii oo ku nooleydKenya isagoo adeeg u sida inkastoo Siciid waqtigaas kayaraa toban jir oo aanlala meel dhigi Karin Obama oo isagu qaangaar ahaa.. Waa nin aad u dhowra xuquuqda waalidka. Waxa uu ahaa nin edeb badan,waxa uu aad u caawin jiray aaabihii oo cuuryaan ah markii uu aadka uyaraa, si aad ahna caan uga ahaa deegaanka. Waa intii uusan usoo baqoolin Muqdisho.

Aabihiis Xaaji Ciise dadka deegaanku wax ayugu yeeri jireen ( Ciise Lugoole). Laakiin magaciisa saxdaa ayaa ah Xaaji Ciise maxamuud Guuleeed. Inkastoo ay gaf igu tahay hadii aan cafis weeydiisan lahaana aanan ka war heyn inuu noolyahay iyo inkale waayo Eebe waxa uu yiri( Bi’sal IsmulFasuuq).

Waxa ay ii sheegtay hooyo in ay nasiib uyeelataymarkale in ay la deristo isaga iyo caruurtiisa waxa ayna ku sifeysay inuu yahaynin caruurtiisa iyo xaaskiisa aad u dhaqaaleeya oo wax tar ah. Waxa ay iisheegtay inaysan ku badneyn raga Soomaliyeeddad sidiisoo kala ah. Wax ay tiri “Waxa aan dhalay kow iyo toban ,waxa la I qabaykonton sano iyo kabadan, waan aqaanaaguurkii Soomaliya ee ilmaha layskaga dhaqaaqi jiray ee hadana naagaha layskaguursan jiray iyagoon daryeel heysanin.

Siciid waa nin in lagu daydo mudan ayay sii raacisay. Markii uyaaraa waxa uu ahaa nin ka dhex muuqda ardada xagaaqoonta. Sidoo kale caruurtii igu ag barbaartay waxaa kami ahaa ayay tiriProfessor Maxamed Cali Gaas oo la noolaa adeerkiis Cabdullahi Cali Gaas oo ay wada shaqeyn jireen caruurteyda aabahoodoo isagu Ilaal ahaa.Waxa aan ahay waayo arag lasoo shaqeeyay xukuumadihii Soomaliya, waxaan ka tisrsanaa ciidamada waqtigii ay dhacday dawladii dhexe ee uugarwadeenka ka ahaa macalinkii kacaanka marxuum Siad Barre.” Waxaan qeyb libaax kasoo qaatay dagaaladii gobonimo doonkaee lagaga soo horjeeday xabashida ayay tiri hooyo.” Hadalkeeda oo u egdardaaran ah waxa ay sii raacisay, “marka aan leeyahay waayo arag, waxaan u jeedaa waxaan ka mid ahay dadkiimaalkooda u huray calanka oo dahabkoodii iyo xoolahoodii u xaraashay, taasmacnaheedu waa dawladnimo ciyaar laguma helo.”

Sifooyinkee kale ayuu leeyahay Siciid?

Sifooyinkiisa shaqsiyadeed ee aan korkusoo xusnay kasokow, professor Siciid kama mid noqon urur diimeed, ma taageerin hogaamiye kooxeed, kama qeyb qaadan dhibaatooyinkii kadhex jiray qabiilooyinka wada dega, ma xadin xoolo dadweyne (Musumaasuq), mageysan xasuuq , fikirkiisana laguma xasuuqin shacabka (genocide). Ma saxiixin wax waraaqa ahama docoments) oo ka dhan ah qaranimada umada Soomaliyeed. Sidoo kale Professorku kama mid aha dadka saxaafada ka caaytama iyagoo magic iyo mansabdoon ah .Waxyaabahaas oo dhami waawaxa buuxin kara shuruudaha musharaxnimada.

Musharaxu waxa uu heystaa shahaadada ugu sareeysa eePHD da, waxa uu bare kasoo noqday Jaamacadaha Muqdisho mudadii dowlada dhexe jirtay.
Proffesorku waa nin muruqmaal ah oo u soo saara caruurtiisa quutul daruurigooda.

Hadaka , Suaasha meesha taalaa waxa ay tahay mawaxaanu u baahan nahay hogaamiye nadiif ah sida Professor Siciid , mise waxaanuubaahanahay madax dig yacabnimo iyo muqalisnimoisku darsatay. Miyaysan madaxda soomaliyeed ogeyn in beesha caalamku imdhaha kuhayaan ,lana socdaan dhaq dhaqaaqooda. Waxaa hubaala qofkasta oo qiyaamo galoin Eebe kala xisaantamayo maalinta aaqiro hadii uu aduunka ku fakado.

Waxaanu beesha caalamka oo ay ka midyihiin Ururka MidawgaAfrica, Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, Qaramada Midoobay iyo Wadamada Gobolka Geeska Africa ka codsaneeynaa in doorashada soo socota aan laga qeybgalin dhamaan dadka kuqoran liiska Qaramada Midoobay ku soo eedeeyeen xatooyada xoolihii loogu talagay dadka dhibaataysan amamba si taxadar leh loo baaro dilalkii qorsheysnaa ee ka dhacaya koofurta Soomaliya oo lagu eedeeyo masuuliyiinta oo uu ugu danbeeyayay kii Qaraxii Tiyaatarka. Loona ogolaado aqoonyahanada iyo qurbajoogta haysta shacabka kalsoonidiisa balse aan heysan dhaqaale , kuwaasoo kafoojigan musuq maasuqa. Waxaa hubaala in qaar kamida dheeli doonaan qoob kaciyaar cusub, si ay u sii joogaan xaafiiska, sidii looga bartayna in ay isku dayaan in ay ka dhaga adeeygaan go’aanka beesha caalamka.Taasbadalkeeda waxaanu ka cosaneeynaa anigoo ku hadlaya magaca shacabka in ciqaabl oo diyaariyo maxkamadna lasoo taago.

Hadii Qaramada Midoobay u ogolaadaan in dambiilayaashu kusoo laabtaan kursiga, shacabka Soomaliyeed waxay u arkaan in xididada loo siibayo(Ethnic Cleansing). Sidaasna ay Beeesha Caalamka iyo Qaramada Midoobayba ay raali ka yihiin gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan kaloo codsaneeynaa in baaritaan dheer lagu sameeyo hantidoodashaqsiyadeed, kahor inta aanay iman xaafiiska.

Halkan ka akhri warbixinta Guddiga QM oo English

Fikirkani waa mid shaqsiyadeed hadii aad rabto inaadfikirkaaga dhiibato lasoo xariir maaxah2010@gmail.com.

Wax shuqul ah kuma laha Professor Siciid , ururkiisaiyo siyaasadiiisa toona waaa fikir shaqsiyadeed.

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

3 Responses for “Waa Kuma Professor Siciid Ciise Maxamuud? W/Q Maha Hussein”

  1. [...] See more here: Waa Kuma Professor Siciid Ciise Maxamuud? W/Q Maha Hussein [...]

  2. Nabadoon says:

    Dr. Gaas waa waa lagu been abuurtay, waana la sixi doonaa warka qaladka ah ee laga qoray, waana madaxweynaha xiga ee dalkaan soomaliya, waxaana nagu filan isbadalka muuqda ee uu dalka ka sameeyey intii uu ra-iisalwassaraha ahaa, marka waa fiicantahay in lala tartamo lakiin fili maaya cid soo garab istaagi kartaa in ay jirto,

  3. dalkisa iyo dadkisa jecel says:

    adeeerow wa wx u mahiiga ka shaqeeyay si uu mesha ukeeno dad asaga si fcn uga amr qaata, mida kale lacagta qaramada midobey ay kuso qatan magaca somalia dadkina an wx logu qaban e nairobi iyo hotelada hargeysa iyo dulilmad an lo bahnayn lagu dhameeyo mala sheego o lala xisabtamo hey’adahas dulimiga midobey ah

Leave a Reply