Waa siddee Saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Waa siddee Saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay?
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com
Luulyo 08 2012

Alle (SW) ayaa mahad leh Allaha Aduun iyo Akhiro iyo inta dhextaalba leh , Mudnaan Bini ,aadam Nabi Muxamed ayaa leh (NNKH) ,Qormadaydaan ah Waa siddee saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay? Waxaan ku eegi doorka Cilmaaniyaddu ku yeelatay dalkeena ,Waxaa jirta in Cilmaaniyaddu ku xoogaysatay Soomaaliya aanna ka dheehan karo waaqiciga jira siday bulshadda Soomaaliyeed ugu hogaansan yihiin aragtidaas ah in aan diintu saamayn ku yeelan dadka Soomaaliyeed hanaanka dawladnimmadooda , Waxaa arintaan meel mariya oo dadka ku haya una dagaalamaaya kuwo hogaamiyayaal sheeganaaya , Bulshadda badankeedanna rabba inay ku qanciyaan Cilmaaniyadda iyagga oo u maraaya Qabyaalladda oo qofka ka fogaysa in uu xor u ahaaddo aragtidiisa.

Qeexid: Cilmaanniyad (Secularism) Waa (Separation of Church and State) kala madax banayn kaniisadda iyo Dawladda , dunidda islaamka waxay u noqonaysaa kala Saaridda Diinta iyo Nolosha haday qaataan aragtidaas , maadaama dawladnimmadu tahay maaraynta arimmaha bulshada , diinta iyo noloshuna aysan kala maarmi karin Markaas Cilmaani-nimmadu waa mid qatar ku ah dadka Muslimiinta ah.

Cilmaaniyaddu waa aragti ay fakareen Philosophers Reer Galbeed ah waliba Reer Yurub Gaar ahaan ka timi cariyadda Greek-ga iyo Roman-ki , waxaa dhaliyay baahideeda ama inay soo shaac baxdo marki aragti curuyayaashaas ka fakaray hab nololeedka halka ay ku nool yihiin iyo dhibaatooyinka noloshaas ku hareeraysan ee dadka dhibaysa , siddo kale sidi horusocod nolosha loogu samayn lahaa oo waxyaabo markaas aan jirin la fakari lahaa isla markaana dadka u ah wax wanaagsan , waa waxyaabaha la taaban karo dabcan waxyaabahha dhamaan bini,aadamka u wanaagsan, bini ,aadamkuna dhamaan waa soo dhowaynayaa arinta ah in waxyaabo Cusub nolosha lagu soo siyaadiyo ee la arki karo ma ahan in sheegida waxaas cusubi ay cusub tahay balse gaaridooda in si taabasho ah loo xaqiijiyo ayaa cusbayd ilayn waxyaabo badan oo Saynisyahanaddu ogaadeen (Quraanka kariimka ah ayay ku xusan yihiin) Tusaalle annigu diidmo ayaan ka keenayaa aragti Philosophy ah Qorshaynta hab noolaanshaha bini ,aadamka oo isaggu markaas ah mid aragtidiisu tahay mid alle jaahil ka ah qofkaas aragtidiisa ku aadan dhisme dawladeed qof muslim ahi hab dawladeedka qofkaas ma qaadan karo … Balse Philosophy fakaray Computer iwm waan qaadanayaa aragtidiisa oo waa wax la taaban karo isticmaalkoodana dhamaan dadku soo dhowaynaayo oo ah mid wax sahlaysa ama ah wax cusub oo la gaaray saammayna kuma lahan arimmaha Nolosha qofka ku hareeraysan ee ku xiran aminaadda Alle iyo qaadashadda awaamiirtiisa.

Waxaa jiray oo markaas dunidda Mucatablayda ka talinaayay Kaniisaddo iyaggu caburis baddan ku haya dadka hoos yimaadda ee ay maamulayeen , Siddaas darteed aragti curiyayaashi ka fakaraayay arimmaha Siyaasadda ee ku dhisan hogaaminta bulsho yeelata hanaan dawladeed ee dadka ku barbaarisa aragtidoodu siday qabto marka ay meel marinayso arimmaha, Dhaqanka , Waxbarashada , Dhaqaalaha Iwm , waxay ogaadeen in Kaniisaddu ku tahay caqabad hab fakarkooda ku dhisan Baahi Bini ,aadammeedka siday u arkeen , Waxay markaas aragti curuiyayaashi ka fakaraayay sidday u meel marin lahaayeen hab dawladdeedkooda Kaniisadda ka madax banaan ay soo saareen oo dadkooda ku faafiyen in kaniisadda iyo dawladda lakala saaro , Waxay si aan gabasho lahayn ugu qeexeen Cilmaaniyadda (Secularims) (Separation of Church and State) kala madax banayn kaniisadda iyo Dawladda oo ah kanniisaddu marna kama arimmin karto arimahha Bulshadda sidda , Dhaqanka , Waxbarashada , Dhaqaalahha iwm.

Arintaasu waa meel martay waxaa qawaaniinti ugu horaysay soo saaray ee kaniisadda lagaga saaraayo arimmaha siyaasadda dawladdi ka dhalatay Dalka faransiiska kacdoonki faransiiska ka dib , siddoo kale waxaay dhamaan ku baahday isla xiliyadaas oo ay ku awood satay dunnida Galbeedka waa markay si dhaba u heshay awooda balse bilaabitaankeedu qarnigi 17-aad ayuu soo bilowday.

Marki arinkaasu dhacay ayay hab fakarkooda la aadeen caalamka islaamka ee ay markaas qabsadeen waxay meel mariyeen aragtidi ahayd Cilmaaniyadda , waxaa dadka xoogga lagu qabsaday loo furay Iskuullo laggu baro afafka gumaystaha ee Cilmaaniyadda dunnida ku faafinaaya ,si ay dadkaasu u fahmaan aragtidda cilmaaniyadda ayna u fal galiyaan noloshoodana ay u saammayso, siddo kale waxay dhulalki ay qabsadeed ee caalamka Islaamka hoos geeyeen qawaaniinti Cilmaani-nimmadda ee oranaysa Diinta iyo nolosha hala kala saaro , Tusaale Soomaaliya waxaa lagu dhaqaayay qawaaniinti dalalki gumaysanaayay Sidda Talyaaniga Ingiriiska , Faransiiska.

Marki ay dalka ka baxeen waxay kaga tageen dad ay barbaariyeen oo u diyaarsan inay meel mariyaan aragtidaan lagu shubay ee looggu sheegay waa sidda saxan ee loo noolaaddo ,Tusaale waxaa isla markiiba si caaddi ah ay dadka ku dhaqan Soomaaliya intoodi Muqaal ahaan xor u noqotay ee awoodooda la kala dhantaalay ee xaafad xaafadda loo qaybiyay ay ku haddaaqeen (Demo- Kratia) dalkayagu waa dal xakun dadeed ah , Dabcan Cilmaani-nimmadda ayay hoos imaanaysaa Demo- Kraria-du madaamma ay qabtay Cilmaanniyaddu in Kaniisadda iyo dawladda la kala Fogeeyo Soomaaliya waxay noqonaysaa Diinta islaamka iyo Dowlad-nimmada hala kala fogeeyo , Demo Kratia-yadda dadku ku haddaaqayaan ee aysan iswaydiinayna waxay noqonaysaa marka Diinta iyo Nolosha lakala Fogeeyo ilayn dawlad-nimmaddu waa halka laga maaraynaayo ku dhaqanka shareecadda , Kala xakumidda dadka , Dhaqaalaha iyo warbarashada iwm, Markaas Demo- kratia waxaa ogolaanshaheeda keenay marki Cilmaaniyaddu bulshadda ku faahtay hogaankina noqday mid cilmaanni ah , markaas haddi xakunki iyo diinti la kala saraay , waa in ay timaaddaa awoodda dadka ayaa leh , dadka ayaa xakunka iska leh. meeshana ay ka baxdaa xakunka Alle ayaa leh , Tusaalle Qofki ku dhaca dabmi diintu xakun ku ridayso oo la rabo in la mariyo xakunkaas si Aayaadkaas loo dhaqangaliyo oo ay nolosha u saammeeyaan aayaad-ku loona hogaansamo maddaama ay awaamiirta Alle ka mid yihiin ,Waxay Cilmaaniyaddu Ku badalaysaa in Xeer ama qaynuun caqlaawi ah la sameeyo oo la dhaho waxa dambigaas xakunkiisu yahay in qofkaas siddaas lagu sameeyo qodobka noocaas ah ayaanna qabba , Halkaas waxaa ku cad in awoodi Alle ay Cilmaaniyaddu Qadanayso qof Muslim ahna aysan u cuntami karin in uu Alle Xakunkiisa mid kale ku badallo.

Qaababka ay Soomaaliya uggu meel martay Cilmaaniyaddu waxaa ka mid ah Gumaytayaasha baahinaayay Cilmaaniyaddaas waxay u Fiirsadeen diinta Islaamka waxay sidda sharafta baddan ee ay u dhowrtahay Haweenka Muslimaadka ah ka keeneen dhaliil iyaggu ma ahan kuwo aminsan lakiin qofka muslimka ah ayaa loo sheegayaa dhaliisha si uu cilmaani-nimmadda ugu hogaansammo , waxay dhaheen Diintu waa midda xakunka idiin diidan haweenoow , haddaad Haweenka muslimaadka ah tihiin , oo awood uma lihidin in aad hogaanka dalka noqotaan , Waxaa halkaas ka dhacay in Haweenka qaar ay ku kadsoomaan Cilmaani-nimmada , ,Tusaalle waxaad arkaysaa haween Soomaaliyeed oo u dabaal dagaaya Maalinta haweenka aduunka xagay ka timi Haween aduun maalin la dhahaa maxaase ku jira? , Waxaad kaloo arkaysaa haweenka Soomaaliyeed oo muslimaad ah oo haddana ku hadaaqaaya inay Noqdaan Iimaanka/Amiirka Bulsho islaam ah ogaamiya , Iyadda oo walaashaasu og in Nabbi Muxamed (NNKH) yiri ” Waxaa hoogay qoomki Haweenay Hogaamiso” Haddaba markaan aragno taas cadaynta ah in dastuurka waxa laggu sheegay uu leeyahay qof kasta oo Soomaali ah ayaa Hogaanka dalkaan noqon karra saw markaas cilmaanniyaddu innama haysatto oo gabdhaheeni muslimaadka ahaa qaarkood umma hogaansamin.

Cilmaaniyaddu Soomaaliya saamayn wayn ayay ku leedahay waxaana taas sahlaaya oo socod siinaaya cilmaaniyaddu waxay leedahay hay,addo faafiya cilmaani-nimmadda ,Hay,adda looggu yeero Human Rights Watch oo ah mid ku dhisan (humanism) waa mid hoos imaanaysa Cilmaaniyadda oo sheegaysa in xaquuqda Bini,aadamka uu caqligu sameeyo sidda caqliga aan caqiiddada lahayni qabbona ay tahay mid saxan , dabcan iyaggu waa kuwo Jaahil ka ah Alle , balse qofka Soomaaliga ah ee Muslimka ahi marka uu ku dhawaaqo HRW Ayaa ka soo horjeeda arinkaas saw ma ahan mid Cilmaaniyadda u hogaansamay, Siddo kale waxaa jirra hay,addo tirro badan oo meel marinaaya Cilmaaniyadda , Tusaalle Cilmaanniyadda waxaa u taagan waxaan looggu yeero Gollaha amaanka balse aan ahayn golle amaan waxay u tahay qofka cilmaanniyadda ogol , waxay Soomaaliya iyo caalamal islaam-ba QM oo dhamaan hay,aaddaha aragtidaan faafiyaa hoostagaan ku haysaa dhibaato aad u qatar badan.

Cilmaanniyaddu si ay u mel marto qofka waxaa lagu oranayaa aduunku waa mid isku xiran oo saammayn isku wadda leh siddaas darteed waxaa loo baahan yahay in si wadda jir ah loo wadda qaado horumarka , la iska kaashaddo arimmaha bulshadda dadknuna lahaadaan kala doorasho aan diin loo eegin , waxaana masuuliyadda Duniidda leh Qaramadda midoobay oo ay ka bixiyaan sawwir ah waa Gollaha amaanka yay u yihiin Golle amaan weeye iswaydiintu? haddayse Qm baahinayaan cilmaanniyad ku dhisan dadka ayaa awooda leh diintuna nolosha waxba kuma yeelanayso saammayn ah siddaan ugga mid ahaan karaa ?

La soco qaybta labaad ,oo aan ku eeggi doono.

Sidday dawladnimmadda iyo hogaanka Soomaaliyeed u saamaysay .
Siday shacabkeenu u dugsanayaan oo ay u meel marinayaan Cilmaaniyadda sawirro badan oo waaqica ahna looga dheehan karro.
Iyo dhinacyo baddan oo aan ka eeggi doono qatarteeda iyo samaynta ay innagu leedahay .
WQ Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

15 Responses for “Waa siddee Saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay?”

  1. [...] More: Waa siddee Saammaynta Cilmaaniyaddu (Secularism) ay Soomaaliya ku leedahay? [...]

  2. Saxane says:

    Anigu inta badan waxlaha af Soomaaliga lagu qoro waxaan ka aqristaaa Suugaanta kaliya, qormadan markaan magaca arkay, yaa laba dareen igu dhashay, oo waliba mid igu sii xoog badnaa, oo ahaa, in uu galay bad uusan wax ba ka garanayn, una dhacday sidaa. Midda kale, yaa ahayd, anoo is iri bal markaan ku faa’iid af Somaali Calmaaniyad looga hadlayo, waan se ku hungoobay.
    Warka badin maayo, jawaab na maba mudna, ee waxaan dhihi lahaa, inta aadan dadka wax u sheegin bal adigu wax baro, si sunta aad dadka uga dhaaftid, la yiri: “Si xun wax u sheeg Sixirroow ka daran” qaabka aad u qeexday Calmaaniyadda, waa been abuur aan wax ka jirin, waxaa kuu gaysaya aqoon la’aan & jahli, balse, dhibka yaa ah, inaadan meel u dadhiisan si aad wax u barato.
    waxaan u daynayaa tacqiibta & qeexidda Calmaaniyadda sida ku xusan .wikipedia, waana sidan:
    http://en.wikipedia.org/wiki/Secularism
    Jaahil boobay, booskii aqoon yahanka ma ahane wax kale kuma oranayo.

    Mahadsanidiin

  3. Iris aad baad u mahadsantahay walal, wax badan ayaan
    kaa faaidaystay, qoraaladaadii horana waan aqristay,
    si weyn ayaan u jeclaystay. Marka walal ilaahay ajir ha kaa
    siiyo aragtidaada wanaagsan ee soomaalinimada iyo
    cilmiga ku dhisan, please sii wad qoraaladaada
    noocaan oo kale ah bulshadana aad ugu faaiidaynayso
    si dadkeenu u ogaadaan waxyaabo badan oo ka qarsoon
    iyo qaar kale oo si qaldan looga dhaadhiciyey. Thanks bro
    By faysal USA
    Faishashi@hotmail.com

  4. caaqil says:

    WAAN KURAACSANAHAY QORAAGA WAXYAALO BADAN OO AH INAAN KUSAAMOWNAY CILMAANIYADA LAKIIN WAXAAD MOODAA IN DADKA SOOMALIYEED INBADAN AYKU BARAARUGEEN KHATARTA IYO GAALNIMADA CILMAANIYADA WAXAANA TUSAALE KUUGU FILAN SIDAY DAD WEYNUHU UTAAGEREEN MARKAY SOOBAXEEN MAXAAKIINTII ISLAAMIGA IYO HADII AY ISASOO SHARAXAAN LABA MUSHARAX OO MIDNA ICLAAMIYO INUU DIINTA KUXUKUMO HADII LADOORTO KANKALANA UU YIRAAHDO DIINKUMA XUKUMAAYO WAXAA XAQIIQAA INAY DADKU DOORANLAHAAYEEN MIDKA DIINTA BALANQAADAYA INUU WAX KUXUKUMO TAASI WAXAY CADAYNAYSAA IN DADKU KASOO NOQONAYAAN DUULAAN MASKAXEEDKII DIINTA LOOGA FOGEEYAY

  5. odaywarfaa says:

    KU–SAXANE NINKA LABAXAY ADEER WAXAAGU WAA HADAL BARATAYE ISKA HADAL MARKA HA KU MASHQUULIN QORAAGA KK K K

  6. Haad says:

    @ Saxane

    Bal maxaad hada ninkaas ku maagtay?

    Cid kastoo oraahdaada akhrida Saxanow waxay si dhab ah u ogaanaysaa in aad adigu tahay JAAHIL dhaga weyn. Hadii aad khalad ku aragtay maad saxdid hadii aad cilmi ku dhaantid? Mida kale Afsoomaali buu noogu faa’iideeyee maxaad Wikipedia sanka nooga galinaysaa? Ka waran hadaanaan afka qalaad aqoon?

    Malaha waxaad mooday wixii afqalaad ku qoran unbaa sax ah. Hadaba hadii aad ninkan cilmi ku dhaantid sida aad sheeganaysid noo faa’iidee ama nacnadaada dhinac noola dhaaf ha naloo faa’iideeyee.

    W.t

  7. xaaji says:

    qoraagu aad ayuu ugu mahadsan yahay qofkasta oo diin lehna waa garan karaa waxa ey cilmaaniyadu ku saabsan tahay wadan keenana qabiil ka sokow waxaa degenaanshaha iyo xasiloonida u diiday waa inaga oo ka tagnay ku dhaqanka quraanka karimka ah iyo isku xukunkisa oo u hogaansanay xukun ay soo dhoodhoobeen waddamo gaalo ah

  8. ABDULLAHI says:

    Allah (SW) ayaa mahad leh. Nabigeena (NNKH). Intaa kabacdi waxaan leehaya Idiris Suldaan, Allah haku xifdiyo runtii waxaad tahay nin indheer garad ah. Waxaad kahadashay arimo daahsoon ama loo yaqaano (doqoni magarato). Arintaani waa arin bulshadeena soomaaliyeed iyo bulshooyinkale oo muslilmiin ah ay ku kadsoomeen. Ugu danbaysiitii waxaa hubaal ah in dad badan oo soomaali ah ay yihiin (cilmaaniyiin) laakiin taas waxaaba usiidheer iyagii oo aanba ogayn in ay cilmaaniyiin yihiin. oo isku qaba muslimiin waana meesha dhibtawayn ay ka imaanayso. Allah wuxuu yiri ( wa man lam yaxkum bimaa an salalaah fa ulaa’ika humul kaafiruun) dad baa markay aayadaas maqlaan waxay dhahayaan laakiin shiikh baa yiri xeerar hoosaadyo iyo sharciyo kale wax dhib ah malaha.

  9. Takow says:

    Masha Allah, cilmaaniyaddu waa tafsiirka aad ka bixisay.

    Lakin, Masha Allah, Somaliya mabda’a islaamka siyaasiga ayaa hadda ku xooggan, madax iyo majaba.

    Walal jaahiliinta ha u jawabin.

  10. Qoraagu si dadaal ku jiro ayuu u soo gudbiyay says:

    Saxane fikirkiisu waa qof nebcaysi waxaan filayaa waa dadka uu ku dhacay cudurka anaa iri…qoraagu si dadaal ku jiri ayuu u soo bandhigay waxana uga qoray mawduucaas.
    Hab qoraalkuusuna ma xuma ,dedaalkuna waa shay u baahan ku dhiirasho soo ban dhigidiisu .bisadu waxaa la yiri” waxay gaari waydo waxay tiraahdaa uf”.

    Saxane hasoo bandhigo bal mawduuca uu hayo…Wikipedi yaad noo dirtay wax ka duwana waxa qoraagu soo qaatay ma arag..horena waa u ogayn in cilmaaniyadu ahayd xiligii kaniisadaha laga xoreebay…balse tan islaamka waxaa loo yiqiinay caqlaani…kadib markii kutubtii falsafada yuunaaniyiintii looo turjumay carabi..ibnu carabi xuluuliyiintii,ashcariyiin mucatsila…iwm
    maanta wat joogaan iyagoo leh magacyo casriya .
    hadii qof argti dhiibanyo waxa fiican in uu akhristyaasha wax u faa’iideeyo oo ku daro waxii u isleeyahay waa ka tegay ama ku amaano qoraaga sida loogu waxan uu keenay in uu ka hadlo.
    waa mahdasan yahay qoraagu iyo Raxanreeb

  11. wadani says:

    qoraagu si wanaagsan ayuu u sharaxay waana ku mahadsan yahay waana arkay idiris si dhaba in uu qofka waxa uu aminsan yahay uga dhaadhiciyo ayuu sameeyaa , waxaan rabbaa in aan SAXANE Walaalka sheegtay aan u sheego wikipedia iyo Idiris isku si ayay u sharaxeen in Cilmaaniyadu tahay mid lagu kala saaraaco kaniisada iyo dowladda ayaa Wikipedia ku qoran , saxane marka haddi muslimku qaataan saw sidda idiris ku sharaxay ma ahan oo diinta iyo nolosha hala kala fogeeyo noqon mayso, dhanka kale saxane walaal adigu haddaad sharaxaad kale ka hayso soo gudbi oo bal bulshada somaliyeed u sheeg , hadaan maqaalka ku soo noqdo waa mid si wanaagsan oo tusaalayaan leh u qoran , idiris qormooyinkiisu waa kuwo wax sixid u muuqda bulshaduna ay ka faa,iidaysanayso , halkaas ka wad sxb waan sugaynaa qormooyin kale oo sida kuwaan ah

  12. Dalka says:

    Maashalaah. Yaan lagu daalin ninka la baxay Saxane. Waa nin waxa uu aaminsan yahay aan aqoon u lahayn amase xoogaa shilimaada u doortay cilmaaniyada. Saxanoow wikipediyaha wuxuu sheegay amase u sharaxay sida walaal Idiris uu sharaxay cilmaaniyadda, kaliya waxa ka duwan in uusan qofka muslimka ahi farkarkiisa uusan wax ku xukumine bal ee kitaabka alle sw iyo sunada rasuulka scw ay wax ku xugmiyaan.

  13. marka hore waxaan oranayaan qoraa Idiris iyo Raxanreeba waa mahadsan yihiin, waxaan akhriyay maqaalka haddana waxaan akhriyay wikipedia, waxaa isoo baxay in wikipedia iyo idiris isku si cilmaaniyadda u macneeyeen , markaas ayaan dib ugu noqday qoraalka commentiga saxane , waxaa isoo baxay saxane isaggu in uu yahay nin ay maskaxda ka gumasyteen oo u hogaansamay kuwa cilmaaniyadda curiyay iyo kuwa wikipedia wax ku qoray sababta oo ah iyaggi ayuu difaacayaa oo idiris ka dhicinayaa in uu siday wax u wadaan sheego ,saxanow annigu waxaan ku leeyahay kuwa curiyay cilmaaniyaddu waa jaahiliin , idirisna waa qof caqli iyo aqoonba leh adiga ayuu rabaa in uu kaa xoreeyo ninkaas gaalka ah ee maskaxdaada gumaysanaaya , tan kale annigu hadaan dhaho idiris waa falasofi ama mufakar muslim ah oo somali ah kuwaasuna waa mufakariin gaallo ah waa mid aan sax u arko kan aan wax ka qaadanaayaana waxa uu noqonayaa idiris , saxane adiga waxaan filayaa quraanka iyo alle dadku haku xiraadeen ayaad ka xanaaqday oo diinta islaamka ayaan la diriraysaa , saxanow waxaan huba idiris in uu kun jeer kaa cilmi iyo caqliba badan yahay , cilmigu siddisaba ama ahan in aad jaamaci tahay balse waa in aad caqli leedahay diinta islaamkana wax ka taqaan ,shaqadda caganta laga qabto ee xirfada ah iyo waxaad kala barataa aragtida ku salaysan nolosha bini aadamka ,´annigu labadiinaba idinma aqaan haddana idin waydiinmaayo waxaad barateen basle labadiina idiris maqaalkiisa ayaa sheegaaya , adigana commentigaaga ayaa ku sheegaa , dadku markay hadlaan ayaa la gartaa waxa ay yihiin, raxanreeb waxaan ka codsanayaa in ay commentiga saxane oo kale ka ilaaliyaan bogga sababta oo ah waaba dambi in maqaal dadka muslimka ah ee somaliyed lagu baraarujinaayo in commenti ka soo horjeesanaaya baraarujintaas aad soo daysaan arintu haday qabyaalad iyo somali ishaysata ka sheekaynayso waa macquul lakiin idiris oo la dagaalamaaya dhowr qarni ka hor wax gaallo samaysay in laga soo horjeesto ha ogolaanina , saxane waa nin heerkaas ka gaaray gaallo jacayl waxa gubaayaana waa gaaladdisi oo fikirkoodi laga soo horjeestay saxane anniga iyo idiris muslim ayaan nahay sidda idiris noo sheegay ayaana qaadanaynaa waana ka faa,iidaysanay maqaalkaan ,
    Mahadsanid walal Idiris siddo Raxanreeb.com

  14. ABDULLAHI says:

    maxaa ku dhacay comment-tiigii aan soodiray aaway

  15. Guulwade says:

    Idiris suldan ! Sxb Weynu soo dhaweynaynaa argtidaa aad xaq uleedahay in sida ay kulatahay aad u cabirtay laakin aad ilawday in nolosha mala lagu cabirin ee sida ay tahay loo eego.Hadii aan fursad u heli lahaa waan ku fahansiin lahaa in nolosha ay mid qura tahay .Sida ay tahay in loo qaatana aysan ahayn mid qofna ku xadgudbaysaa xaquuqdiisa balse ay abuureyso in qof waliba xor noqdo.
    Aadanaha makala ah, meel uu kukala tagayna majirto.Mashriq iyo galbeed,koonfur iyo waqooyi waa iska jihooyin.Fikirada nolosha qeexo ma ah kuwa laga soo minguuriyo ashqaas ee garasha nolsha sida ay tahay ee uusan bini’aadamka isku qilaafsanayn hadii uusan ruwaayada qiyaaligiisa ka doorbidin xaqiiqiyaadka nolosha qeexo.Sidaasi dareed waxaan ku leeyahay sxb dhamaan weynu is wada leenahay .Wixii wanaagsan ee nolsha sida ay tahay qeexaya bini’aadamka wuu kala qaadanayaa s ay nolsha usocoto.

Leave a Reply