Wadamada Carabta Iyo Kuwa Islaamka Oo Maanta Ay U Bilaabatay Ramadaan
Makkah (RBC) Inta badan wadamada Carabta iyo dunidda Islaamka ayaa maanta oo Jimco ah waxa ay u tahay maalinta koobaad ee bisha barakeesan ee soon, dalalka Cumaan, Syria iyo Ciraaq waxa ay shaaciyeen in Sabtida bari ay tahay bisha ramadaan kow.
Wasaaradda awqaafta iyo diinta dalka Sacuudiga ayaa xaley ku dhawaaqday in la arkay bishii Ramadaan, sidaasna ay u tahay Jimcaha maanta maalinta koobaad ee Ramadaan.
Wadamada kale ee maanta Ramadaan kow tahay waxa ka mid ah Algeria, Egypt, Jordan, Kuwait, Qatar, Saudi Arabia, Tunisia, Isku Tagga imaaradka carabta, Falastiin,Lebanon, Somalia iyo Yemen.












[...] Excerpt from: Wadamada Carabta Iyo Kuwa Islaamka Oo Maanta Ay U Bilaabatay Ramadaan [...]