Wafdi Ka Socda QM Oo Xaley Ku Hoyday Dhuusamarreeb.
Dhuusamarreeb (RBC) Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud, ayaa sheegaya in wasfdi ka socda QM ay shaley gaareen halkaas, kuwaas oo doonaya in ay soo qiimeeyn xaaladda deegannada gobalkaas.
Wafdiga oo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa ku jira dad cadaan oo ka tirsan hey’addaha gargaarka ee hoostaga QM.
Ammaanka magaalada Dhuusamarreeb ayaa xalay la adkeeyay, si looga hortago in falal amni darro ah in ay dhacaan gudaha magaaladaas.
Dadka magaalada ayaa sheegay in xaley gudaha magaalada lagu la arkayay ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo howlo roondeyn ah ka wada waddooyinka ku yaalla gudaha magaalada iyo waddooyin kale ee soo gala Dhuusamarreeb.
QM ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay in laga cabsi qabo, in markale ay ka dilaacdo xaalad macluul ah Soomaaliya.
Si kastaba, waa markii ugu horrsaysa ee wafdi ka socda QM ay ku hoydaan Dhuusamarreeb tan iyo markii Ahlu Sunna la wareegeyn.
Waxa lagu soo waramayaa in wafdiga ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ay maanta kulan la qaadan doonaan madaxda Ahlu Sunna iyo dadka ku dhaqan magaalada.
Magaalada Dhuusamarreeb oo muhiim u ah isku socodka gaadidka gobalada dhexe ee dalka ayaa xalay waxaa la hakiyay xalay dhammaan gaadiidkii soo geli jiray xilliyada habeenka magaalada taasoo lagu tilmaamay in ay qeyb ka tahay adkeynta ammaanka.’
RBC Radio












Waa iska cadahay waxaa loogu tagay in dawlad diidka halkaas ku urursan la kadeedo iyo in loo sheego inay dawladda la dhisayo ka qayb qaataan beenta ay ku jiraan ka baxaan taasoo ah mar Ehlul sunaan nahay mar Islaax baan nahay marna shabaab baa nahay, waxaad sheeganaysaan joojiya dawlad diidnimadaasna ay iska daayaan.
Waan arkaynaa hadii berito marka laga tago ay arinkaas ku sii socdaan