War Saxaafadeed: Dawlada UK oo Taageertay Warbixintii Kooxda Monitoring Group ee Musuqmaasuqa Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Wasiirka Arrimaha Afrika ayaa soo dhoweeyey warbixinta Kooxda La-socodka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana uu carrabka ku adkeeyeybaahida looga in horumar dheeri ah laga sameeyo kor-u-qaadista daahfurnaanta Soomaaliya iyo in la hubiyo in Ku-meelgaarnimada lagu soo gebogebeeyo waqtigii loogu talogaley.

Isaga oo maanta hadley, ayaa Wasiirka Arrimaha Afrika ee XafiiskaArrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka, Henry Bellingham waxaa uu yiri:

 “Waan soo dhoweynayaa warbixinta Kooxda La-socodka Soomaaliya & Eritrea. Caddeymaha ay ururisey kooxdu waa kuwo faahfaahsan oo si wanaagsan cilmi-baaris loogu sameeyey.

Si weyn ayaan uga welwelsanahay qaar ka mid ah waxyaabaha warbixintusoo ogaatey waxaana dabcan aan ku dadaali doonaa in aan sii baaro.Gaarahaan waxaa dhibaato weyn ah caddeymaha tilmaamaya in si xun loomaamuley maaliyaddii – waan mid ina xusuusinaysa dhibaatooyinka ka dhashey in Soomaaliya aaney ka jirin maamul hufnaan iyo daahfurnaan kusifeysan. Inta aan indhaha ku hayno marxaladda innagu soo fool leh eegeeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in bulshada caalamku aykordhisaa dadaallada wax looga qabanayo musuq-maasuqa laguna hubinayo in kheyraadka/maaliyadda loogu talogaley dadkaSoomaaliyeed ay helaandadka Soomaaliyeed.

DowladdaUK waxaa ay muddaba welwel ka qabtey daahfurnaanta maaliyadeed ee Soomaaliya. Waana middan tan aan la-hawlgalayaasheenna Soomaalida iyo kuwa caalamiga ahba ugala shaqeyneyney soo-jeedin kusaabsan dhisidda Guddi Wadajir u Maamula Maaliyadda. Guddiga Wadajirka ah ee Maamulka Maaliyadda waxaa uu dowladda Soomaaliyeed iyo la-hawlgalayasheeda awood u siinayaa in ay muujiyaan in lacagta ay dowladdu ka heleyso ilo kala duwan loo isticmaalo danta dadweynaha –weliba si daahfuran oo xisaabtan uu ku dheehan yahay. Tani waxaa ay kordhineysaa is-aaminaadda ka dhexeysa Dowladda Soomaaliyeed, dadka caadiga ah ee Soomaalida ah iyo bulshada caalamka iyada oo kordhineysa daahfurnaanta maaliyadeed oo yareyneysana fursadaha uu musuq-musaaq ku iman karo.

Warbixinta Kooxda La-socodka waxaa ay hoosta ka xarriiqaysaa muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqso badan loo hirgeliyo Guddigan – waxaana aan ku faraxsanahay in muhiimadda ay arrintan leedahay mar kale uu carrabka ku adkeeyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, oo maanta si wadajir ah u oggolaadey Qaraarka 2060 ee ku saabsan Soomaaliya iyo Eritrea.

Waxaan sidoo kale doonayaa anniga oo fursaddan ka faa’iideysanaya in aan soo dhoweeyo in shirka Golaha Qaran ee Ansaxinta Dastuurka uu ka furmey Muqdisho. Waa tallaabo aad muhiim u ah oo ka mid ah geeddi-socodka lagu soo gebogebeynayo Ku-meelgaarnimada laguna dhisayo dowlad ka wanaagsan tan hadda jirta oo ay leeyihiin dhammaan dadka Soomaaliya. Waxaan dhammaan kuwa ay mas’uuliyad ka saaran tahay geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya ku tirtirsiineynaa in ay sii wadaan dadaalladooda ay ku hubinayaan in Ku-meelgaarnimada la soo gabagabeeyo wixii loo gaaro 20ka Agoosto.”

 

——————————————————————————————————————–*War saxaafadeedkan waxaa nasoo gaarsiiyey safaaradda UK ee magaalada Nairobi.

Share

Tags:

10 Responses for “War Saxaafadeed: Dawlada UK oo Taageertay Warbixintii Kooxda Monitoring Group ee Musuqmaasuqa Soomaaliya”

  1. adem says:

    aad ayay u khaldan tahay doowlada england waayoo dal 60 years xor ahaa ayey leeyihiin gudi caalami ah ha’ maamulo dhaqaals hooda, aniga tani waxaan u arkaan un fursad ragaa la magac baxay U.N .ka ee nairobi ku cuna waxii wadama reer galbeedka aay bixinayeen in la’doonaayo in loo fududeeyo waxii kalee markaa wadamada islaamka kayimaado. so al muhiim waa taageero tuugunima oo aad u cilmiyeeysan. waad mahadasantihiin.

  2. prof Piccolo says:

    Farmajo waa in laga saraa musharnimda awyo waxaa ku maqan lacag dhan 2.3ML$ oo uu labaxsadey xili shacbka somaliyeed ay ku jiran abaaro iyo macaluul marka ninkani waa in maxakam la soo tagaa

  3. mudug says:

    prof Piccolo@ kkkk cuqdad reer aya ku haysa ee allah haku caafiyo dadka somaliyeed wa wada ogyihiin meesha aad ka gubanaysaan ee ha is ceebayn e iska aamus kolayn anigu inaan wax ka sheego lagama yaabo dr Gaas idinku cuqdada la huursanada waligeed munafag meel magaaro ogow

  4. SSC BOY says:

    prof piccolo ninka ninka la baxay farmajo xaaladiisa cidi wax kaa waydiin mayso wax u xadayna malaha qabyaalada ku gubaysa waan garan karnaa iyo halka aad ka gubanayso isaga qof aan ahayna soo bixi maayo ee ku darso xisaabta

  5. somalijecel says:

    Anigu waxaa ay ila tahay in ay sax tahay in la maamulo ninka dadkiisa oo baahan lacag xaday sidoo kale maba garan karo nin tuug ah wax loo difaaco.Waxaan is weydiiyaa ka daran Farmajo iyo Abdiwali
    Farmajo lacag ah 3.5 million ayaa ku maqan waana in uu cadeeyaa halka ay ku maqan tahay inkastoo shariif iyo wasiirkiisii maaliyada ay isku aragti ka yihiin in waqti baahi weyn ay jirtay lacagta la keenay baahi jirtayna qaarna dayn loo bixiyay qaarna la isticmaalay,sow ma haboona in habkay ku baxday adayn ah kuu keeno Farmajo?Ta Abdiwali anigu haddii talo la iga yeelayo HEGUE ayaan u diri lahaa sababtoo ah 1-Wuxuu keenay hab khiyaano oo aan xal loo heli doonin taasoo ah in dad asxaab qaraabo iyo MP boonooyin loo qoro imisa boono canshuur dhaaf wax loogu magacdaray laakiin dadkii loo sameeyay ay sheegeen in lacagtaa dib loogu celiyay abdiwali imisa ayuu sameeyay?just 15000 oo min yareeba ah 20000 dollar inta Farmajo ku maqan 2 mar ka badan ayaa ku maqan 2-Xeryaha qaxootiga raashinkooda waa la gataa Abdiwali isagaa PM ah wax ayuu ka og-yahay ama uga yaraan awoodii uu u lahaa in uu wax uga qabto ayuusan yeelin 3-Qabyaalad aan xishood lahayn oo shaqaalaahiisa uu u kala eexdo illaaladisa un ka garo 4-Ciidanka oo aan mushaar la siin muddo aad u dheer bal is weydii dawaldii ka horeysay halkey ka heshay mushaarada?waxyaalah dawalada ay qabatay waa laga badbadiyay sid ay ila tahay laakiin waxaan xusi karaa in dilka dhaca iyo nidam darada waqtigii farmajo sidan aanu xalku ahayn abdiwali warkisu wuu cad yahay anigu Puntalnd baan ka imid Puntalnd waa nabad ee xoogaaga UN iyo dekada hala masuqumaasuq ayaad ka arki kartaa wixii wax xaday halaga jojiyo tartanka hana la xiro Abdiwali ayaan ugu horeyn lahaa sida ay ila tahay siyaasi Puntalnd Koonfurta dhib mooyee waxba kuma soo kordhin karo ka dad ahaan iyo ka degaan ahaan ba dhibkoodana waa sida Abdiwali iyo AU Abdullahi yusuf

  6. a/c w w waan salaamayaa dhamaan walaaha kor kuqoran waana u nasteexeeynayaa walaal yaal ogaada marka waa ramadaan yaan taa la hilmaamin oo ha soomina ramadaan gaajo mooyee aan wax kale lahayn !

    tan labaad waad huridaan dhamaan tiin hadiiba aad maanta ka had laysaan reer ama qabiil
    waxaan filayaa in aydnaan wali fahmin sida wax u socdaan wa walaahi sxb yaal in soomaaliba waxba gacan ugu jirin dastuurku waa meel yacne reer galbeed .com

    qof soomaali ah oo maanta la eedeyn karo lamahyo la socotaas dalka waa la haystaa adina reer iyo meelo hoose ayaad ka hadlaysaan sxb kor fiiriya

  7. xarago says:

    aniga farmajo iyo gaas waxba iskuma ay dhaaman lkn
    ninkan farmajo ah waa qaa inu wadan dadkii abaaruhu
    gaajada u baaba ay ayuu cuney xoolihii loogu talo
    galay hadii lagu helo danbigaa maxkamad ha la soo
    taago hadana yaan loo ogolaan inuu isa soo sharaxo
    inta baaritanka ku socdo

  8. JAMA says:

    ADAN AAD BAD U MAHAD SANTAHAY WAXAANA AAD TAHAY QOF AQOON LEH IN BADAN OO NAGA MIDA BAA RUN MOODA HADAL KOODA. ULA JEEDADU WAA AAN MAAMULNO, ILAA INTA SOMALILAND AY XOOGAYSANAYSO, MAXAA LOOGU DARI WAAAYAY REPORT KA SOMALILAND, MAXAA LOOGU DHIIBAY NIN RABA IN UU KALA QAYBIYO SOMALIYA SOMALIA? AAN SI WADIINO SUAALO BADAN? WAXAA CAD IN ARINKAAN UU YAHAY MID AY UDAAH FURTEEN DAWLADA INDRIISKU OO AH GUMAYSTE XUN

  9. Rooraaye says:

    Dowlada ing shartiina allaha na mootiyo waxa sheekadaan wato waa ayaga walee soomaaliya wax kama cuntid tan kale farmaajo waa tuug waa in maxkamad lasoo taago maxaa yeelay markuu meesha kasii tagaayey lacag badan oow leexsaday cid wwalibaa wey ogtahay ha difaacina waa tuug waxaynu haynaa xaqiiqada mana is sharaxi karo oo hadaan idiin sheegayaa wax jago ah ama jaanis ah uma banaana adeer forget

  10. hadaan nahay reer khaatumo waxaan heshiis la qaadanay dadka aan wada dhalanayee somaliland waxna nagama galin farmaajo iyo gaaas waxanan garanay in nabadu macaan tahay oo faaiido badan tahay sidaaa hala nagu ogaaado

Leave a Reply