Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Lagu Ansixinayo Datuurka
Muqdisho (RBC Radio) Waxa aan wali si rasmi ah u furmin shirka lagu ansixinaayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo maanta oo arbaca ah loo ballaan san yahay.
Wariyaasha RBC Radio ee ku sugan goobta shirka uu ka dhacayo ee ergada ansixineysa dastuurka ee dugsiga sare ee tobbobarka Gen: Kaahiye ee degmada Xamar-jajab, ayaa soo sheegaya in ergada ansixineysa dastuurka inta badan ay ku sugan yihiinn goobta shirka, sidoo kale waxa shirka ku sugan guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka Muqdisho, iyo wariyaasha ka soo waramaya shirka.
Laakin wariyaasheena waxa ay lee yihiin shirka oo la sheegay in uu furmaayo 9:00 saaka, uu ilaa hadda uusan furmin, isla markaana aysan wali immaan goobta madaxda dowladda KMG ah.
Ilaa toddobo boqol oo ergo lagu qiyaasay ayaa shirka ku sugan, laakin tira ka badan 100 xubnood ayaa wali maqan oo aan shirka joogin, waxana ilaa hadda goobta shirka aan ku sugneen ergadii ka immaneysa dhinaca Puntland.
Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay ammaankooda, waxana maanta lagu arkayay ciidamo badan oo baaraya dadka iyo gaadidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka.
Shirkan lagu ansixinaayo dastuurka waa mid ka mid ah wax yaabaha dowladda hadda jirta horyaala in ay ka guddubto ka hor 20-August ee sannadkan.
Wixii ku soo kordhan shirka lagu ansixinaayo dastuurka, waxa aad kala socon kartaan Raxanreeb.com











[...] More: Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Lagu Ansixinayo Datuurka [...]
asc raxanreeb maxaa u qarinaysaan shirkii waa furmay muxuu dhib ah ayuu idinku hayaa inuu furmo shirka xitaa idaacadaha afafka qalaad ayaa si toos ah u tabinay!
[...] toddobo boqol oo ergo lagu qiyaasay ayaa shirka ku sugan, laakin tira ka badan 100 xubnood ayaa wali maqan oo aan shirka joogin, waxana ilaa hadda goobta shirka aan ku [...]
Waan ku a farax sanahay inuu furmo shirkaan waayo waxaan rabaa inaan ka baxno ku meel gaarka.
waana soo dhawaynayaa cidkastoo madaxwayne ka noqota waase inuu yahay soomaali, muslim aqoon uleh hogaaminta .