Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Oo Dagmo Buuxdo Loogu Aqoonsaday Galinsoor


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dagmo buuxdo loogu aqoonsado Dagmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud.

Digreetada ayaa waxaa ay ka soo baxay wasaaradda aarimaha gudaha iyo amniga qaranka iyadoo ay ku lifaaqneed dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha waxa ayna u qorneed sida tan.

Ku guddoomiyaha gobolka Galgaduud.

Ku dhamaan wasaaradaha xukuumadda FKMG ah.

Ku Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ku taliyaha Nabadsugida Qaranka.

                     Ujeedo Baafin Dagmo cusub

iyadoo laga amba qaadayo xeerka Madaxweynaha LR. 045, ee 16/02/2012, kuna saabsan magacaabis dagmo cusub, waxaa loo aqoonsaday degmo ahaan degmada Gelinsoor oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Hadaba si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha, nabadgalyada, cadaalada IWM ee ay u baahantahay  Dagmo, waxaa laga codsanayaa dhammaan hay’adaha dowliga in ay dhameystiraan baahida kaga aadan dagmada Galinsoor, waxaa qoraalkan ku lifaaqan  Madaxweynaha ee ay ku soo baxday magacaabistaas.

Xeerka Madaxweynaha J.S Lr,045 Taariikh 16/02/2012 magacaabis dagmo cusub.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda J.S

Markuu arkay qodobka 39aad xarafka “A” iyo farqada labaad ee isla qodobkaan.

Markuu arkay xeerka Lr.6 ee 12ka febraayo 1980

Markuu arkay warqadda wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Lr WAG&AQ/XW/0155/12 ee Fabraayo 14/2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid dagmo.

Waxuu soo saaray xeerkan soo socda

Qodobka 1 aad

Waxaa la ogolaaday in Gelinsoor oo ka tirsan gobolka galgaduud loo aqoonsado dagmo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 febraayo 2012.

Qodobka 2aad

Xeerkan waxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Dikreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

4 Responses for “Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynaha Oo Dagmo Buuxdo Loogu Aqoonsaday Galinsoor”

  1. Tutankhaamuun. says:

    War qofkaan Degmooyin gadasho miyuu hadda bilaabey. Waana wax kama jiraan Degmadaasi.

  2. galinsor boy says:

    c/ samad macalin w/a/ gudaha wuxuu wadaa waa dhul boob iyo khiyaano wax isdaba marin galinsor ma xuma in dagmo aqoonsado laakiin waxaa iswaydiin mudan yaa galinsor iska leh oo dagmo looga dhigay waxaa waadix deegaanka galinsor in uu yahay deegaan xoog lugu haysto oo dadkii lahaa ay dibada ka joogaan kuwa xooga kuhaysta ayeey uga dhigayaan degma kuwaas oo ah beesha koofurta gaalkacyo dagta
    reerkaan ma ay rabaan in somali heshiiso dadkoo dhan way garanayaa goorta ay xaaraanta ku qabsadeen 1994 ayeey ahayd hadaba dhul 19 sano lahaysto saas maku xalaalaoobaa waa cajiib
    waxaa galinsor ka horeeyay dhuusamareeb oo ay kasoo qixiyeen dadkii magaalada ugu badnaa oo daganaa waxaa c/samad macalin uu wado shariifna uu garab kusiinayo waa dulmigaas
    laakiin waxay hilmaamsan yihiin waqtigii qoriga waa dhamaaday waqtigii dhulboobka wuu dhamaaday dadka walaalaha ah ha kala dilina hana sii kala fogaynina xiligaan waa xiligii boogihii iyo dhaawacyadii la dhayi lahaa

  3. jama says:

    galinsoor boy

    Galinsoor cida leh waa cida degan oo degmada loogu magacaabay, dhuusamareebna warkedaba daa. 21 sano kahor meel aad ka guurtay aya hada u calacaleysa. viva c/samad iyo shiiq shariif

  4. zahruuja says:

    galinsoor boy waa sax arinta sheegtey

Leave a Reply