Wasaarada Dastuurka Oo Sheegtay In Dhowaan la Qaban Doono Shirka Ansixinta Dastuurka Cusub Ee Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Wasaarada dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in dhowaan uu bilaaban doono shirka loogu talagalay ansixinta Dastuurka cuusub ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha wasaarada Dastuurka Soomaaliya Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in haatan shirkaasi uu sababo farsamo u baaqday laakiin uu kol dhow furmi doono shirkaasi.
Wuxuu sheegay in xili dhow la qorshaynayo in shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya uu si rasmi ah kaga furmo magaalada Muqdisho isla markaana ay fariistaan ergada ansixinayo dastuurka.
Sidoo kale xasan Maxamed Jimcaale wasiiru dowlaha wasaarada Dastuurka Soomaaliya ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in sidii loogu talagalay looga baxo xila KMG, loona gudbo dowlad rasmi ah.
12 bishaan ayaa waxaa lagu balansanaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka loogu talagalay ansixinta dastuurka isla markaana ay fariistaan ergo gaaraysa 825, ergo ah kuwaasi oo ay soo xuli lahaayeen odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka ayaa ka walaacsan dastuurka waxayna u arkaan in ay ku jiraan qodobo wax u dhibaya diinta islaam dalka iyo dhaqanka sidaa darteedna loo baahanyahay in marka hore wax laga badalo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











