Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Dalka ka erisay 3 nin oo Ajanabi ah Oo sheegtey inay dhakhaatiir yihiin hayeeshee shahaadooyinkoodu ay been abuur noqdeen markii Wasaaraddu Baartey


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garowe: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa amartey in dalka laga saaro ajaanib sheegtey inay dhakhaatiir yihiin oo si sharci daro ah dalka uga shaqeynaysay kuwaas oo shahaadooyinkoodu ay noqdeen been abuur markii ay Wasaaradda Caafimaadku baaritaan ku samaysay.

Wasaaraddu waxay hadda amartey in dalka laga saaro saddex nin oo u dhashay wadanka Kenya kuwaas oo dhakhtarnimo uga shaqeynayay Puntland iyagoo ka shaqeynayay xarumo gaar loo leeyahay waxaana ay saddexdaas nin ee ajanabiga ah kal ayihiin

  1. 1.      NAOMI MANJIRU MANYOIKE
  2. 2.      CLARIC MINAPO JUMA
  3. 3.      ROBIN KINGOINA

Saddexdan nin waxay u dhasheen wadanka Kenya waxaana dalka soo galiyey dad ganacsato ah, Wasaaradda caafimaadka ayaana baaris ay ku samaysay dadkan waxay ogaatey inay yihiin dad been ka sheegaya shaqada ay ku shaqeysanayeen ee dhakhtarnimada caafimaadka.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadku waxay sheegtay inay dalka kusoo badanayaan dadka ajanabiga ah ee ku shaqeysanaya xirfadda caafimaadka kuwaas oo warqaddaha ay wataana ay yihiin kuwo been abuur ah waxayna Wasaaraddu soo saartey wareegto ay uga hortagayso dadkaas shaqadana ay uga joojinayso wixii ajaanib ah oo ka shaqeeya goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.

Wareegtaddan  kasoo baxday xafiiska Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame uuna wasiirku ku saxiixnaa ayaa u qornayd sidan:

Ref: W.Caaf/312/07/2012                                                            Date: 24/07/2012

Ku: Isuduwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalada Puntland

Ku: Xarumaha Caafimaadka ee Gaarka loo leeyahay ee Puntland

Ku: Gudoomiyeyaasha Gobalada Puntland

Ku: Guddomiyayaasha Dowladaha Hoose Puntland

Ku: Taliska Ciidanka Booliska Puntland
Og: Xafiiska Madaxwaynaha Dowladda Puntland

 

Ujeedo: Shaqo ka Joojin ku socota Dhakhaatiirta iyo Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Ajanabiga ah ee aan Ogolaansho (Ruqsad) Shaqo ka haysan Wasaaradda Caafimaadka

Kadib markii dad sheeganaya dhakhatiir iyo xirfadlayaal Caafimaad oo Ajnabi ah  ay dalka ku soo bateen,

Kadib markii Wasaaradda Caafimaadku baaritaan ku samaysay qaar ka mid ah dad kaas ayna u caddaatay in shahaadooyinka ay wataan ay yihiin been abuur,

Kadib markii ay badatay soona noqnoqtay cabashada bulshada ka imaanaysa ee ku aadan dhibaatooyinka caafimaad ee ay dadkaasi u gaystaan bulshada reer Puntland,

Wassaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland waxay go’aamisay qodobada soo socda:

1-    Waxaa shaqada laga joojiyey dhammaan Dadka Ajnabiga ah ee ka hawlgala xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay.

2-    Waxaa lagu wargelinayaa in dadkaasi ay muddo 7 cisho gudahood  ah oo ka bilaabanaysa 26 ka bishan July, 2012) ay ku yimaadaan Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka ee Garowe

3-    Ciddii u hogaansami waysa waqtiga loo qabtay waxay Wasaaradda Caafimaadku u gudbin doontaa laamaha sharciga iyo kala danbaynta ee dalka.

4-    Waxaa lagu wargelinayaa dadweynaha reer Puntland inay ka foojignaadaan dadka Ajnabiga ah ee wata shahaadooyinka been abuurka ah ee sheeganaya inay yihiin xirfadlayaal iyo dhaqaatiir caafimaad isla markaasna ay soo wargaliyaan Wasaaradda Caafimaadka si wax looga qabto.

 

Waxaa laga codsanayaa dhammaan Gudoomiye-yaasha Gobalada Puntland, dowladaha hoose, hogaamada iyo talisyada Ciidamada Amniga inay arintaas gacan buuxda ka siiyaan Isuduwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee gobalada si looga hortago dhibaatada dadkaas ay ku hayaan bulshadda.

 

Wada shaqeyn wacan,

Wareegtadan Waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

C/qaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka
Abdiqadir72@gmail.com

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

13 Responses for “Wasaaradda Caafimaadka Puntland Oo Dalka ka erisay 3 nin oo Ajanabi ah Oo sheegtey inay dhakhaatiir yihiin hayeeshee shahaadooyinkoodu ay been abuur noqdeen markii Wasaaraddu Baartey”

  1. Sama_Kataliye says:

    Wasaaradu way khaldan tahay in ay tiraahdo dad danbiilayaal ah wadanka ha laga saaro ayadda oo aan sharciga dadkaas la marin……………for God sake, this is too little too late.

    Maasha dadkii baaba’e ilaa dhakhtar beenaad iyo daawo beenaad baa dadkii baabi’isay.

  2. mudug boy says:

    hadalkaas runyahay aadbaan usoo dhawayanayaa wasiirka caafimaadkana waligay waan taageersanaa maasha Allaah wasiir xagaas ka wad waxaan kaloo jeclahay wasiirka waxbarashada puntland soomaali qabiil waa fiirin jirteene isku qabiil midna manihin labada wasiir. qof .

  3. xassan Waayeel says:

    Wasiirka waxaan kacodsanaynaa inuu nimankaas dadkii baabiyay in sharciga la horkeeno ee aan wadanka laga cayrin iyagoo sharciga lamarsiin

  4. somalijecel says:

    ACWW:Wasaaradu waxaa ay ahayd in ay ragaasi baaritaan ku samayso,imisa qof ayay wax u gaysteen WHO KNOWS?Waa arrin dhinac ka wanaagsan taayoo ah in signal loo dirayo kuwa been abuurka wata xagga kale sharciyan qofkaa oo kale waa in la baaraa lana ciqaabaa si aanay mar kale u dhicin arrintan oo kale,any way improvement badan ayaa loo baahan yahay maadaama health sector ku yahay arrin muhiim ah baahi aad u badanna ay jirto sidoo kale nurses,pharmists iyo medical technologist(medical lab)waa in iyana la hubiyaa waliba medical lab waa very important kana daran medical doctors sababtuna waxaa weeye doctorku wuxuu wax ku daweeyaa baarista uu sameeyo medical lab,haddaba haddii aanu medical lab well trained ahayn doctor ku waxba ma qaban karo in this case USA,UK GERMANY ALL EU medical lab waa iridda hore ee caafimadka inuu uu occurate noqodo.

  5. Sayid cumar says:

    Asc waxaad mooda wareegtada wasaaradu in aay wax ka khaldanyihiin 1. waxay isku dartay dhamaan dhakhaatiirta ajnabiga oo makala socin kuwa sifaha sharciga ku jooga iyo kuwa kujooga been abuurka 2. waxay furtay dareen shacab oo qofkii hospital wax kaga khaldamaanba wuxuu uu raacanaya ajnabiga 3.baaritaan cad oo qofku garyaqaankiisa wato oo maxkamad soo maray oo laamaha danbi baaristu soo xaqiijiyeen oo hadana xeer ilaalintu soo aaragtay oo hadana dad aqoon uu len caafimaadka soo martay meesha kama muuqato marka waxan dhihi lahaa tilaabo ka hor waa in la dhawra sharciga si loo bad baadiyo adoo wax raba in aad saxdo in aad wax sii qaribto

  6. prof Piccolo says:

    somalida maxaa looga reebey oo meel ay ka soo baxeen aan laga warqabin oo wada bug ah oo India ayaa ugu badan shahaadooyinka meelaha lagu gato somali kama maqna ee ogaada halagu daro shahaadooyinka been aburka ah somaliya ayey ka buuxaan iyo suxufi bug ahba

  7. abdiwahaab abdi janac says:

    ASC anigoo ah muwaadin somaliyeed ahna muwaadin puntolaandar MAGCAYGUNA YAHAY abdiwahab abdi jamac waxaan umahada celinayaa wasaarada cafimaadka puntland waxaan markale umahad celinayaa madaxda sarada oo uu uhoreeyo wasiirka cafimaadka puntilaand agaasimayaasha iyo dhamaan madaxda cafimaadka puntland waxaan kacodsanayaa insharciga lahorkeeno kuwaas dadka beenta ku gumaadaya waxaan leeyahay inta aan wadankoodii lootarxiilin waa in sharciga la marsiiyaa waxaana kalo oo kacodsanayaa insidagdag ah wax looga qabtaa kuwakale ee beenta wadanka kujooga waxaana leeyahay sidaad umadiina ugu hagarbaxaysaan waa waxa la idiin doortay waana kumahadsantihiin shaqadiina aad uhaysaa shacabkiina ilahayna ha idinla garabgalo wabilaahi tow fiiq

  8. WADANKII waa u dhamaatey,, MARAKIBTA SUNTA QASHINKA AH+KUWA JIRIIFKA KALUUNKA+XABASHI+SAWAXILI+XABSIYO MAREYKAN OO SIR AH+ALSHABAB+BURCAD BADED+MAHIGA+SAXIIXAYASHA+IYO DHAKHATIR BUG AH OO DADQALATA AH,, ilaahow intaas naga qabo aamiin ,,,

  9. umalx says:

    wasiirka waa mahadasan yahay lakin waxa uu hawshii sa si cadaalad ku jirto u gudankaraa marka dad ka uu leeyahay ha ka bexeen puntland uu maxkamad geeyo sababtoo ah waa criminals dad bay sumeeyeen oo dawa aysan aqoon ku laayeen haday jirto wax ay wasaarado sheegayso waa in dad kaa cadalada la hor keenaa dhibanayaashii ay dawadu ku laayeena kis kooda lafuraa lana dhagaystaa waxii max kamadu ku xukunto lakin baxa ani ilama haboona fikir ahaan ayagoo la marin sharci si looga jaro waxii ay bulshada u gaysteeeeeeeenn

  10. [...] Bishii July ee sanadkan ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland waxay dalka ka ceyrisay saddex nin oo sheeganayey inay dhakhaatiir ahaayeen kuwaasoo ajnabi ahaa hase yeeshee markii la baaray shahaadooyinka ay siteen la ogaaday inay been abuur yihiin. AKHRI SADDEXDA NIN EE LA CEYRIYEY [...]

  11. [...] Bishii July ee sanadkan ayaa wasaaradda caafimaadka Puntland waxay dalka ka ceyrisay saddex nin oo sheeganayey inay dhakhaatiir ahaayeen kuwaasoo ajnabi ahaa hase yeeshee markii la baaray shahaadooyinka ay siteen la ogaaday inay been abuur yihiin. AKHRI SADDEXDA NIN EE LA CEYRIYEY [...]

  12. Diirshe says:

    Wasiirku wuu mahadsan yahay, laakiin raggan sharcidarada ku shaqeysanaya waxay ahayd in Xabsiga kulul ee Boosaaso lagu ururiyo oo sharciga la marsiiyo ka dibna markaa la sii daayo. Awaay kuwii la shaqeysnayey ee Soomaliyeed, ayana waa in la soo qabtaa oo la xiraa ama sharciga la mariyaa, ayadoon qabiil ahaan loo cafin.

Leave a Reply