Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Sheegay inla Tayayn Doono Cusbitaalka Guud ee Garoowe (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame

 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

RBC Radio (Garoowe) Kulankan oo ay qaban qaabadiisu lahayd wasaaradda Caafimaadka Puntland kana soo qayb galeen mas’uuliyiinta & dhaqaatiirta cusbitalka ayaa waxa lagaga hadlayay sidii sare loogu taaba gelin lahaa adeegyada caafimaad ee cusbitalku iyadoo uu wasiirkuna halkaa ku dhagaystay warbixin ku aaddanayd mar xaladihii kala duwnaa ee uu soo
maray cuspitalku baahiyaha iminka taagan & sida ay iminka hawluhu u socdaan,

Wasiirka wasaaradda caafimaadka puntland Dr Cali Cabdi Warsame oo intaa ka dib kulanka ayaa ka sheekeeyay dedaalladii ay dowladda,hay’adaha & shacabka garoowaba u galeen inuu noqdo mid u qalma kaalinta cuspital caasumadeed & sidii loo keeni lahaa dhaqaatiir taqasus leh isagoo intaa ku daray inuu yahay cuspitalku ugu dhaqtarrada badan puntland isla markaana looga baahan yahay iney kordhaan adeegyada kala duwan ee ay bulshadu u baahan tahay.

Mar uu wasiirku ka hadlayay xagga qalabka ayaa waxa uu raja ka muujiyay iney dhawaan ku han weyn yihiin ka wasaarad ahaan iney helaan aalado dheeri ah isagoo intaa raaciyay iney ballaarin doonaan qaybaha uu ka kooban yahay shaqaalahana loogu baahan yahay iney bar bar
istaagaan dedaallada ay wadaan iyo hayada ka shaqeya cafimaadka iyo shacabka.

Cusbitalka garoowe oo ay ka hawlgalaan dhaqaatiir ajanebi ah isla markaana lagu soo kordhiyay qalab casriya ayuu wasiirku sheegay iney jiraan dedaallo dheeri ah oo ay ugu jiraan sidii sare loogu sii qaadi lahaa tayada & ballaadhinta qaybaha uu ka kooban yahay cuspitaalku waxaan uu tilmaamay in lo bahan yahay in la sika kaashado tayeenta cisbitaalka guud ee garoowe iyo ciptaalada kale ee ku yaal dhamaan deegamada Puntland.

Geba gebadii ayuu wasiirku kula dardaarmay dhaqaatiirta & guud ahaan shaqaalaha cusbitalku in la xoojiyo nadaafadda & bilicda kale ee cusbitaalku si’ uu u soo jiito dhammaan dadka la keeno & dadka booqashada u yimmaadda cispitaalka maadama uu howl culus u hayo shacabka reer Puntland islamarkana ay wajib tahay in laga wada shaqeeyo shacabka iyo dowladaba oo an dowlada waxaba laga sugin.

Mahad Abdi Ali
nakal143@gmail.com
Xafiska RBC Garoowe

Share

Tags:

1 Response for “Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Sheegay inla Tayayn Doono Cusbitaalka Guud ee Garoowe (Dhageyso)”

  1. [...] Read More: Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Sheegay inla Tayayn Doono Cusbitaalka Guud ee Garoowe [...]

Leave a Reply