Wasiirka Dastuurka Iyo Dib U Heshiisiinta : Dastuurka Waxaa Wax Ka Badali kara Waxna Ku Dari Kara Baarlamaanka Cusub (SAWIRO)
Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Dastuurka iyo Deb u heshiisiinta xukuumada KMG Soomaaliya C/rixmaan Xoosh Jabrill ayaa sheegay in ergada ansixinaysa Dastuurka cusub ee Soomaaliya looga baahanyahay wixii qalad ah oo ay ku arkaan dastuurka in ay soo gudbiyaan isla markaan ay ka ka badali karaan oo kaliya baarlamaanka cusub ee soo socda.
Marka uu maanta ka hadlayay shiraka golaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanka cusub ee soo socda ay ka waxbadali karaan Dastuurka ama ay wax ku dari karaan.
“Ergada ansixinayda Dastuurka cusub waxaa laydinkaga baahanyahay in qodobada ku jiara dastuurka ee aad u aragtaan in ay saxanyihiin in aad ansixisaan, kuwa kale ee aad u aragtaan in ay qaldanyihiina aad soo gudbisaan isla markaana loo daayo baarlamaanka cusub ee la keeni doono”Ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo deb u heshiisiinta xukuumada Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Wixii waqti ah uu horay u baxay haatana loobaahanyahay waqtiga yare e la heesto in laga faa’iideesto, oo lagu ansixiyo dastuurkaan.
C/rixmaan Xoosh Jabriil ayaa wuxuu sheegay in dadaal badan laga soo maray Dastuurkaan howlaha dastuurkana sanado badan ay soo socdaan, islamarkaana dastuurkaan ay dani ugu jirto dhamaanba umada Soomaaliyeed.
Hadalka wasiirka ayaa wuxuu dareen ku abuuray Ergada la soo xulay ee ansixnaysa dastuurka ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo aanan awood ku lahayn in ay adstuurka wax ku daraan iyo in ay wax kareebaan intaba.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















[...] See more here: Wasiirka Dastuurka Iyo Dib U Heshiisiinta : Dastuurka Waxaa Wax Ka Badali kara Waxna Ku Dari Kara Ba… [...]
Abdiriahman xoosh jabrill waxaaan oran karaaa runtii wuxuu isku darsaday muwadinmo dhab ah iyo aqoon dhan kasta ah waana ku mahadsan yahay waana ku guulestay arintii uu u dhaartay waxaan leeyahay waa mahadsan tahay dadaalka aad muujisay waxaan umadda somaliyeed u tahay model ay mudan tahay in lagu daydo
kkkk SHALEY WUXUU LAHAA ODAYAASHU ERGADA AY SOO DOORTAAN AYAA KU SHAQA LEH ANSIXINTA DASTUURKA,, MAANTANA ERGADU WAXBA KAMA QABAN KARAAN EE BAARLAMAANKA SOO SOCDA U DAAYA,, waxaan u maleynayaa ADIGANA ku daroo cid ku shaqo leh ama WAX KA BADALI KARTA ma jirto aan aheyn AJNABIGII idiin soo dhiibey WAXA MEESHA KU QORAN,, laakiin malin kasta waxaan ku qoslaa SHEEKA CARUUREEDA UU KU HADLO NINKU,
[...] More: Wasiirka Dastuurka Iyo Dib U Heshiisiinta : Dastuurka Waxaa Wax Ka Badali kara Waxna Ku Dari Kara Ba… [...]
Waa inaan lga hordhicin Arimaha socda ee laga warsugo Ergada Ansaxinta.Ayagaa qaadaya wixii qalada oo ay qaban waayaan Ama ay soo bandhigi waa yaan.
maalin walba dastuurkaad ka qeylisaan soomaaliyeey iyo sidaad oga soo horjeedaan laakiin maalin walba kama hadashiin dadka soomaaliyeed ee lagu laayo hargeisa bosaso gaalkacyo cabudwaq baladweyne xamar inkaaran baidao iyo kismaayo ala soomaaliyeey dastuurku idinla culusaa oo dhiiga soomaaliyeed idin la fududaa oo qabiilkiinu idin la fiicanaa kadibna wadanka in laga qaxo oo qaxooti lanoqdo idinla fududaa
adiga magacaagaaba yaab iyo amakaag iska ah. waligaa haka bixin. sharci aqoon iyo farsamo wadaniyadeed baa loo baahan yahay ee dadka in layskaga fasaxo oo ay isku laayaan sidoodii baad joogtaa adigu
Dr xoosh waa nin runtii top class ah shaqo qaran oo dhib badan buu soo qabtay waxuuna inaga mudan yahay sharaf iyo ixtiraam. Keep it up sir
YAAB iyo AMAKAAG@ kk adigu waxaaso somali ah waad ka caqli badan tahay mansh alah kkkk waa in laguu sacabiyaa kkk waxan ku oran wiil yarbaa tehe siyasada haku wareeerin
WAXAAN KUKALSOONAHAY DASTUURKAN XARAANTAA INAAN SOOMALI SANKA LAGA GALIN KARIN WAXKASTOO LADHOOBDHOOBO WAXAA KUFILAN DIIDNAY
yaab iyo amakaag, waa wax lagu qoslo runtii, shalay odayaasha wax kama badali karaan baa la laha ee gudiga ansixinta ha loo daayo, markii gudiga ansixinta la heleyna waxaa loo daayay baarlamaanka cusub, markii baarlamaanka cusub la helana waxaa weeye afti waa in loo qaadaa dadkoo dhan. meeshaa dastuur baa umada la cabsiinayaa ee ilaahay ha yasiro
waan raacsnahay
wasiirka
waa nin bawaadin ah
Mahiga oo Kaliya Ayaa wax Ka bedeli Kara saxiib, Anaga hanoogu sheekeyn waxaas. Somalidu waxay ku maahmaahdaa. ( Dooro qoorqabad biyo Kuma cabto ) adiga Iyo kuwaad u shaqaynayso, xooshoow waad is raacaysaan. Somaliya Somali baa leh.
Dadka wasiirka muwaadin ku sheegaya ama ku dooda in waxaan dastuur ku sheega ah Somali soo qoratay bal labadan su’aalood iiga jawaaba.
1. Waligiin ma aragteen mase maqasheen ummad dastuurkooda ku qoratay “Haddii qayb dhulkeena ka mid ah uu muran ka yimaado ama dowlado kale nagu qabsadaan waxaan diyaar u nahay in wadahadal iyo sharciga caalamiga ah lagu dhameeyo”????
2. Ma idinla tahay in qof somali ah uu qodobkaas soo jeediyay in dastuurka lagu soo daro??
Qodobkaasi waa kan ugu khatarsan waxa khiyaamooyinka dastuurkan ku jira, nimanka madaxda dalka ka ahna waa iska indho tireen oo ama maba aysan akhrin waxa ay saxiixeen ama kursi jacayl ayaa u gaysay. Markii qofkii ku amaanaya dadka ummadda khiyaamadaas loo soo dhiibay u qarinaya waxaan u arkaa in nin jeclaysi iyo qabyaalad kala wayntahay qadiyadda laga hadlayo.
waana jirtaa in qolada dowladdu ay odayaasha been u sheegeen, waayo markii odayaashu qodabada khatarta ku ah qaranimada somaliya ay soo jeediyeen in la badalo, madaxwaynaha,wasiirka iyo Ra’iisul wasaaruhuba waxay odayaasha u sheegeen in wax ka badalka dastuurka ay u xilsaaranyihiin Ergada ansaxinta, ee odayaashu ha soo calaamadeeyaan wixii khalad ah oo ay arkaan.
Hadda markii odayaashii laga soo gudbay ayaa ergadiina lagu yiri wixii in la badalo u baahan soo gudbiya si Baarlamaanka soo socda ay u badalaan.
Laakiin waxaa meesha ku qarsoon oo aan dadka loo sheegin in Dastuurka uu ku jiro qodob oranaya “waxba lagama badali kari karo qaybaha muhiimka ah oo dhan 4ta sano ee ugu horaysa”
Marka arintu waa iska cadahay, meesha Ethiopia iyo Kenya ayaa isku bahaystay, Mahigana wakiil ayuu u yahay. Sheikh shariif iyo C/walina wax walba waxaa kala wayn sidii ay mar kale u soo noqon lahaayeen. waa nimanka aan wali ka hadlin shidaal qodista Kenya ka bilowday dhulka somaliya!!
Hal nin ah oo wasiir ku xigeen ah ayaa geesinimo muujiyay oo arintaas ka hadlay.
Raga noocaas ah qofkii isku inuu somali u xayaysiiyo/ama u amaano waa qof qabyaalad iyo nin jeclaysi la jiran.
Waxan ka xumahay dr gas dr xoosh hadi ay diyar uyihin in xududihi dalka gorgortan laga galo ayago ay aheeyd in aqoon tooda iyo waya arag nimadoda uga faideyan dadka iyo dalka hadiiba ay ayagu hor bodayan dastuur dalka iyo diinta qatar ku ah maxa laga raba kuwa an caqliga iyo aqoontooda dhafsisanen kursi iyo musuq masuq oo an aqoon qimaha dalka uu leyahay wa labada shariif iyo faroole
waligaa ma waxaad ku jireysaa @yaab iyo amakaab ninka waxbuu bartaye wax baro ee far ku fiiqa jooji
dumarka meeshan iiga muuqda caruurtooda yaa u islaam ah hadii aabihii mashquul yahay hooyadiina sidoo kale waa laga fiican yahay caruurta ayaa dhexda ka baxaysa hooyadu waa in ay barataa diinta iyo maadiga si ay u soo saarto caruur dhan waliba ka dhisan lakin hooyo dastuur ansixin ku jirto caruurtaas Allah ayaa u maqan…war ina ragoow caruurta tutoring kooda activities kooda diintooda etc ku dadaala Allah ha idin barakeeyee
[...] Golaha ansixinta dastuurka wax awood uma lahaan doonaan inay wax ka bedelaan qodobada ku yaalla nuqulka dastuurkan oo ah kii ay Magaalada Nairobi ku soo diyaariyeen guddi ka socday lixda saxiixayaasha ah. Hase yeeshee wixii soo jeedin ah ee ay qabaan golaha ansixinta dastuurka waxaa marka ay soo gudbiyaan loo gudbin doonaa baarlamaanka cusub. Arintaan waxaa sidoo kale mar labaad shalay kadhawaajiyey wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlay ergada kulanka uga furmay Muqdisho. AKHRI HADALKA WASIIRKA [...]
[...] Golaha ansixinta dastuurka wax awood uma lahaan doonaan inay wax ka bedelaan qodobada ku yaalla nuqulka dastuurkan oo ah kii ay Magaalada Nairobi ku soo diyaariyeen guddi ka socday lixda saxiixayaasha ah. Hase yeeshee wixii soo jeedin ah ee ay qabaan golaha ansixinta dastuurka waxaa marka ay soo gudbiyaan loo gudbin doonaa baarlamaanka cusub. Arintaan waxaa sidoo kale mar labaad shalay kadhawaajiyey wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlay ergada kulanka uga furmay Muqdisho. AKHRI HADALKA WASIIRKA [...]