Wasiirka Dastuurka oo ku Sheegay Baaqashada Shirka Ansixinta Dastuurka Cilad Farsamo (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta DKMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa galabta faahfaahin ka bixiyey sababatii uu maanta u baaqday shirkii ansixinta dastuurka oo maanta geli lahaa maalintii saddexaad.
C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in cilad dhanka computerada ah darteed loo baajiyey shirka hase yeeshee maalinta berito ee Sabtida uu dib u furmi doono shirka.
“Maanta waxan lahayn barnaamij kooban, waxay ahayd inaan isu imaano 9:00 subaxnimo illaa 11:00 barqanimo laakiin waxaa dhacdaycilad computerada dadka lagu baaro ah, sidaas ayaana u baajinay shirka” ayuu yiri wasiirka dastuurka.
C/raxmaan Xoosh Jibriil wuxuu diiday in hakadka ku yimid shirkii ansixinta dastuurka ay xiriir la leedahay qaraxii saaka ka dhacay xarunta shirka ee Iskuul Boolisiya (Gen Kaahiye), wuxuuse sheegay in ciidamada amaanka ay sameeyeen baaritaano ayna xaqiijiyeen amaanka.
“Berito oo Sabti ah shirka dib ayuu u furmi doonaa, waxaana sii wadaneynaa hawlihii noo yaallay” ayuu sii raaciyey.
Xubno ka mid ah ergada shirka ee saaka tagay madasha shirka ee Iskool Boolisiya ayaa Raxanreeb u sheegay in saaka markii ay gaareen goobta shirka uu dhacay qarax miino, isla markaana ciidamadu ay qabteen ugu yaraan labo bambo oo kale kadibna ergada loo sheegay inay hoteladooda ku laabtaan.
Ugu yaraan hal ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday qaraxa saaka, sida Raxanreeb ay ka ogaatay goob joogayaal.
Madaafiic lagu tuuray xarunta shirka
Qaar ka mid ah ergooyinka iyo saraakiil amni oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto ayaa xaqiijiyey in xalay fiidkii madaafiic hoobiyaal ah lagu soo tuuray xerada Iskool Boolisiya ee uu shirka uga socda ergada 825 ah, kuwaasoo aan la garaneyn cida soo tuurtay.
Warar ku dhow masuuliyiinta amaanka ayaa sheegaya in uu socdo baaritaan ku aadan cida soo tuurtay mafaafiicda waxana saaka ciidamo fara badan la dhigay xaafado ka fog goobta uu ku yaallo Iskool Boolisiya oo uu shirka ka dhacayo.
Wasiirka dastuurka iyo kan arimaha gudaha ayaa ka gaabsaday ka hadalka madaafiicda xalay la sheegay in lagu tuuray xarunta shirka golaha ansixinta dastuurka Soomaaliya uu ka socdo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Kkkkkkkkkk adunyo balaya ku ltaqtay wa arin ceeb ku ah dowlada jirta lkn ceeb maqabata wamaya wa rag ilahy ceeb shebabaka loga buxiyeye alow sahal amuraha
Asc Dastuurka kufaya oo la daalaa dhacaya maxuu yahey? meesha waa in somaliya Caasimada bahalo galeenka ah laga badalo oo lageeyo meel
Kkkkk adeer cirka ku shira somaliya Somali baaleh yeeli mayno caada qaate mahiga Iyo kuwa kabaha u sida gumaysi raba inay soomaliya galiyaan ciidda ayaa xataa idinla dagaalaysa, sxb. Gumaysi raac ha dhaco, somaliya ha is raacdo, cadawgeedu ha dhaco.
kkkkk SHEEKADA AAN BERYAHAAN XOOSH iyo ASXABTIISA ka bartey waa kalmada ah
ARIMO FARSAMO kkkkk YAA II MACNEEYA BAL (cilad farsamo)
Cilad farsamo xumo iga dheh