Wasiirka Dastuurka: Shirka Xiliga Loogu Tallagalay Ayuu Ku Dhamanayaa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in shirka ay lee yihiin ergada ansixineysa dastuurka qabyo qoraalka ee la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya, uu waqtiga loogu talagalay oo ah sagaal maalin uu ku dhamaan doono.

Wasiir C/raxmaan  Xoosh Jibril oo la hadlaayay Idaacadda Afka dowladda ku hadashay ee Radio Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda KMG ah Soomaaliya ay waqti badan u taalo, sidaas darteedna shirka la soo dhameen doono maalinta bari ah, waayo ayuu yiri waqti aan lumino mahayno.

Wasiirka waxa kaloo uu sheegay, in hadda meel wanaagsan ay marayaan, sidaas darteedna ay rajeenayaan in waqtiga loogu talagalay in uu ku soo dhamaan doono shirka dastuurka qabyo qoraalka.

Waxa kaloo Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta uu sheegay in ergada 852-ee ku sugan dugsiga sare ee tobborka Genaral Kaahiye, waqtiga la siiyay uu ku filan yahay.

Wasiirka ayaa tibaaxay, in qodobadii ugu dhibka badnaa ee muranka dhaliyay, laga baxay oo la xaliyay isla markaana la isku afgartay, ay rajo weyn ka lee yihiin in Soomaaliya ay yeelanto dastuur la isku raacsan yahay.

Shirka ay lee yihiin ergada anisixineyesa dastuurka qabyo qoraalka ayaa dhaliyay muran ballaaran, taasoo culimada iyo odayaasha dhaqanka ay lee yihiin wali waxa ku jira wax badan oo u baahan in laga badallo.

Shirkan ay lee yihiin ergada ansixineysa dastuurka Soomaaliya ay yeelan doonto, waxa barbar socdo shir kale oo ay lee yihiin odayaasha dhaqanka kuwaasoo la doonayo in ay soo xulaan baarlamaanka cusub.
Si kastaba, waqtiga u harsan dowladda oo ah labo toddobaad, waxa la donayaa in ay ku sameeso wax kasta oo u dhiman, taas oo 20-August ee sannadkan la doonayo in ay Soomaaliya ay ka baxdo xiliga KMG ah, oo ay ku jirtay mudadii 21-sanno

RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

2 Responses for “Wasiirka Dastuurka: Shirka Xiliga Loogu Tallagalay Ayuu Ku Dhamanayaa”

  1. [...] Read More: Wasiirka Dastuurka: Shirka Xiliga Loogu Tallagalay Ayuu Ku Dhamanayaa [...]

  2. khadija says:

    wakhtiga iyo dal dhan dastuurkiisa laba is leh maaha balse qorshe lawato weeye balse barlamaan wax nagama gelin ee shacabka ayey utaalaa waxa ay ka qabaan iney muujiyaan dadkaan aanu u dhiibaney masiirkii dalku lahaa ay iibsadeen iskana dhisayaan dalal kale si loo yiraahdo ku soo noqda allaha naga qabto hadey nagu so noqdaan diinta waa laga baxayaa hadey helaan cid ka yeesha ee intey goori goor tahay hala iska qabto oo yeeynan soo ceshan cid cusub oo soomalinimadu ka dhab tahay aan soo xulano barlamaanka soo socdoow hanoqonia ka daroo dibi dhaln oo kuwii hore ee wax kasta ansixin jirey hanoqonina waa digniin iyo talo.

Leave a Reply