Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Sheegay In Baarlamaanka Cusub oo Kaliya uu Go’aan Ka Gaari Karo Dastuurka Qabyada (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

 

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta xukuumada KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Shabakadda RBC Radio wuxuu kaga hadlay shirka ansixinta dastuurka ee la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa wuxuu cadeeyay in shirka ansixinta dastuurka uu furmi doono 21 bishaan aan ku gudaha jirno ee July, wuxuuna sheegay sidoo kale in shirkaan uu socon doono mudo sagaal maalmood ah.

C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa wuxuu sheegay in haatan inta badan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, inta dhimana ay si deg deg ah u soo gudbin doonaan odoyaasha dhaqanka labada maalmood ee soo socota.

“Waxa dib u dhaca keenay waxa ay tahay xukuumada Soomaaliya oo ku dadaalaysay in wax nadiif ah ay soo baxaan, maadaama ay jireen mad madow ka dhex jiray odoyaasha qaar.”ayuu yiri wasiirka dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil in odoyaasha dhaqanka ay u saareen dhexdooda gudi ka kooban 25-xubnood oo ka soo shaqeeya xalinta khilaafaadka, wuxuuna sheegay in ay taasi muujinayso in xukuumada Soomaaliya aysan iyadu faraha kula jirin arimaha odoyaasha dhaqanka.

Shirka anxinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu balansanaa in uu si toos ah u furmo 12-kii bishaan July, waxaana ku yimaaday dib u dhac, taas oo la rumaysanyahay in ay ka dambaysay ka dib markii odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay sheegeen in aanan haatan loo baahnayn in la soo xulo ergada ansixinaysa dastuurka inta dastuurka ay ku jiraan qodobada wax u dhibaya wadanka iyo diinta intaba.

Hase yeeshee wasiirka ayaa shgeegay in hadda arimihii taagfnaa oo dhan la xaliyey, ayna dawlada ku rajo weyn tahay in shirku si habsami ah uu u furmo.

DHAGEYSO WAREYSIGA

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

9 Responses for “Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Sheegay In Baarlamaanka Cusub oo Kaliya uu Go’aan Ka Gaari Karo Dastuurka Qabyada (Dhageyso)”

  1. [...] Read More: Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Sheegay In Baarlamaanka Cusub oo Kaliya uu Go’aan Ka Gaari Karo D… [...]

  2. Sama_Kataliye says:

    Qofku haddii uusan ilahay aqoon beenta kama xishoodo tusaale dhab ahna waxaa u ah ina xoosh Jabriil…………..in uu amxaaro iyo kenyati afka nooga shubo buu rabaa.

  3. muna says:

    @sama_kataliye yaakugu dhahay ina xoosh Allah ma yaqaan Ina xoosh jibril Allah wuu yaqaan waana qof musim ah ee qofka diintiisa waxba haka sheegin adaan malah waxa aad sheegeyso ah ee qofka siyaasadiisa wax waad ka sheegi kartaa lkin ha attacking diintiisa iyo shaqsiyadiisa adaa beenaale ah’

  4. hersi says:

    xoosh sida lagu yaqaan waa nin dadaal badan..daacdnimo-hufnaan…iyo aqoon xirfadeed oo ah sharci yaqaan ku ad-adag sharciga weeye laakiin nasiib daro somalida sharci darro ayaa lagusoo wada bar-baarey badi qaasatan reer muqdisho dhalinyaradooda…waxaa uu ka hadlahayna ma fahmikaraan …haddaanu isaga aheynna kooxdii dastuurka ee guddiga aheyd ee fal falaadka sameysey ..lagama fur-furi kareen….laakiin aqoonyahan sharci yaqaan ah baa somalia usoo baxay somaliduna eey berri in badan oo maanta wax dhaliilhaya eey ogaan doonaan..karetida iyo hufnaanta iyo shaqda weyn ee dhameystirka wacan ah ee uu u qabtey mr xoosh somali weyn.

  5. Midnimo says:

    Gaaleenta qof Islam ah, waa shey khatar ah, xoosh waa Muslim salaada oo dhal xer ah, anigu shirkii Dastuurka ayan ku bartey, waa dulqdad badan yahay, shaqodisa iyo tan umadaba ku filin, ninka ka hadly Kenya iyo Ethiopia, waa dariskaa, xushmee oo inta fican kaga dayo, Somali qax ah ayaa manta amni ku hilay iskadaa manta, Nabigii ayaa muhajiriin usoo direy Ethiopia, ilaa manta wa loo qaxaa…. inta xoolaha dadka xoga ku haysta ayaa cadeeysatey in ay afka ku tagaan.

  6. Dhagah says:

    SHARCIGU WAXUU U BAAHAN YAHAY SHARCI YAQAAN WASIIRKU WAA QAREEN SHARCIGA KU TAQAQUSAY ,EE FADHI KU DIRIR SHACI KUMA SIXI KARNEE AAN U DEYNO SHAQADIISA
    WASIIRKA- A. HOSH JABRIIL

  7. idman says:

    Sama – taliye ( XUMO -KATALITE)
    Magaca aad isticmaasho iyo markasta xumaha kaa soo burqanaya waa kaaf iyo kala dheeri!! Maad isticmaahsid magaca la yidhaa XUMO _ TALIYE waayo kaasaa kugu haboon. Aqoonta aad adigu diinta u leedahay maxay tahay? Yaa kuu baneeyey inaad qof muslim ah GAAL ku sheegto? Wax aduunka indinka baxsanaya ma leh. Qof aad daysaan maleh. been iyo qof ama qabiil naceyb baad intaas la wareegaysaan! Bal eeg maalin walba qof baad saarantihiin ood been ka fidineysaan aan EEbe idiin baneyn xataa Raisal wasaaraha Abdiweli oo Salaada Calaamadeedii ay sida dhuxul madow wajigiisa uga muuqato oo waliba nin wanaagsan ah oo dadaal badan sameyey baad intaas been aad danihiina gaarka ka leedihiin ka fidineysaan! Ogaada beenta aad la wareegaysaan iyo qof uun mucaardka markaad danahaaga gaarkaa ka waydo CADAAB ALLE Baad ku mutaysaneysaan. GARYAQAAN Abdirahmaan hoosh hawshiisa kama taqaaanid adigu waa wax uu isagu ku takhakhusay adiguna sida muuqata aad jaahil ka tahay marka dhibaatadiina adiga iyo dadka kula midka ah ee qashin aan loo meel deyin intaas afkooda intaas ka tuuraya waxaan idin leenahay Somalia 22sanno baad dhibaateynteeda ku soo nooleydeen kuna lacageysateen hadana waxay u baahan tahay inay afkiina qurunkaa iyo hungurigiina weyn ka xoroowdo oo neefsato oo hawo hesho! Inaasoo dhan waxaad u dig iyo humleedihiin waa inaad Somalia dhibkaas iyo dhiigmiiradkaas ku sii haysaan waxaana muuqata in wixii dhibaateynta iyo xumaha ka shaqeeyo dhan calankoodii sii dhacayo Illaahayna waxaan ka baryeynaa in calankood dhaco oo la waayo meel aad jaan iyo cirib dhigeeyn dalka iyo dadkuna uu baraaro iyo badhwaaqo ku dambeeyo! Amiin. Garyaqaan Hooshna waxaan leenahay shaqo wanaagsan odood aqoon u leedhay baad heysaaya ka sii wad halkaas oo dhibaatadooda iyo hagardaamada wuxuushta u dhabar adayd insha Allaah calankoodu waa sii dabo yaryehee, Amiin

  8. Qaran doon says:

    DrXwaxaan dhihi karaa waa in meel dheer ka fkarayo, waxaana u muuqda in uu maalin uu goob joog yahay la helo dawlad soomaliyeed oo taam ah. runti waxaa uu ku mintidayaa dastuurka soomaaliyed. Isaga iyo wasiirada la shaqeeyo waa dad dulqaad badan aad iyo aadna u xishood badan oo ay ka go,anthaya in la helo qaran soomaliyeed

  9. Punt lander says:

    Abdirihmaan Hoosh Jibriil waa will, will kale loo waayey somaliya Hadey heli laheed 3 xoosh oo kale ah horumar aduun Iyo akhiro baan gaari laheyn Mooryaanta Muqdishana wey naga xoreen lahaayeen iyagoon xabad qaadan, waqtigii xabada wey dhamaatey waqtigii qalinka Ayaa bilawdey waxaan kula talin lahaa Mooryaanta Muqdisho in ay Somalida soo raacaan AMA waxaa u dambeynaaya Xabsi African oo 3000 police Ayaa Muqdisho la keenay waxaana Laga dhisayaa 15 Xabsi cusub oo lagu xareeyo Mooryaanta waqtigeeda uu dhamaadey aduun kana waxey naga caawinaayaan sidii ay u xirxiri lahaayeen Mooryaanta waqtigedii uu dhamaadey inshallah Somalida kalena wey ka nasanaayaan. Xoosh Xoosh Xoosh Guuuuuuuuul Guuuuuuuuul Guuuuuuuuul.

Leave a Reply