Wasiirka Gaashaandhiga DKMG: Ciidan Ingiriis ah oo Soomaaliya Jooga Majiro, Heshiisna Lama Gelin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Xuseen Carab Ciise, Wasiirka gaashaandhiga DKMG Soomaaliya

Muqdisho (RBC) Wasiirka gaashaandhiga DKMG Soomaaliya ahna raysul wasaare ku xigeenka Xuseen Carab Ciise ayaabeeniyey in ciidamo ka tirsan kuwa Ingiriiska oo hubeysan ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya isagoo sheegay inuusan jirin heshiis uu la galay dawlada Ingiriiska.

Xuseen Carab Ciise oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho markii ugu horeysay tan iyo intii uu soo baxay warka ku saabsan in ciidamo Ingiriis ah lagu arkay magaalada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa ku eedeeyey saxaafadda Soomaalida iyo tan dibadda inay been abuur faafiyaan.

“Inaan anugu fasaxay oo aan saxiixay ciidankaasi ayaa la sheegay, waana been majirto” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise oo sidoo kale beeniyey in wax heshiis ah uu dhexmaray DKMG Soomaaliya ee uu isaga wasiirka ka yahay in dawlada Ingiriiska.

“Waxaasi wax dhacay maha, ciidan weyn oo meesha soo galay ma jirin” ayuu sii raaciyey.

Sawirada askart

Wasiirka gaashaanshiga oo la weydiiyey sawirada laga soo qaaday Afgooye ee muujinaya askar hubeysan oo Ingiriis ah oo carruur Soomaaliyeed kula hadleysa magaalada Afgooye ayuu sheegay in ay jiraan “koox tababarayaal ah oo ka socda Ingiriiska oo ku sugan Muqdisho. AKHRI CIIDAMO LAGU ARKAY AFGOOYE

Wargeyska The Time oo daabacay sawirada ciidamada Ingiriiska

War laga siidaayey warbaahinta dawlada KMG Soomaaliya ayaa warka ciidamada Ingiriiska ee jooga Afgooye ku tilmaantay ‘been abuurkii ugu weynaa ee mudo rubuc qarni ah” ay faafiyaan saxaafadda adduunka.   Jariirada The Time ee London ka soo baxda  ayaa shaaca ka qaaday in heshiis uu dhexmaray DKMG Soomaaliya iyo Ingiriiska kaasoo qeyb ka ah ciidamada hadda lagu arkay Afgooye.

Beeninta wasiirka gaashaandhiga DKMG Soomaaliya uu beeniyey jiritaanka ciidamada Ingiriiska ayaa timid kadib markii warbaahinta Soomaalida iyo kuwa dibadda ay faafiyeen sawiro muujinaya askar Ingiriis ah oo ku lebisan dharkii ciidanka Ingiriiska oo iyagoo hubeysan carruur kula sheekeysana magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasoo dhowaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah kala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale waraaq ay heshay BBC-da oo ah warbaahin ay leedahay dawlada Ingiriiska ayaa lagu cadeeyay in tiro yar oo ciidanka Ingiriiska oo caawinaya AMISOM iyo DKMG ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya, ayna ka warqabto dawlada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

5 Responses for “Wasiirka Gaashaandhiga DKMG: Ciidan Ingiriis ah oo Soomaaliya Jooga Majiro, Heshiisna Lama Gelin”

  1. Khadra ibraahim says:

    Waligiisba run masheegin malin dhawayd intuu burcad badeed lacag siiyay oo 2 oo uxrnaa kasoo kaxaystay ayuu yiri xoog ban kusoo furanay cidi nagama dhimana iyagana kama dhiman meshay furashadu ka dhacdayna sheegi mayo shabaab ayana haystay, marka gaalkii ayaa qiraya inay ciidamo ujoogaan somaliya maxad ku diidaysaa, waxan oo kale ayaa dalka iibsanaya

  2. duurgal.com says:

    waarkan waxaan ku tilmaano garan mayno wasiiroow xaal qaado

  3. cali darwiish says:

    Aabahood shariif afgufuud ayeybeenta ka wada bartee, shariif afguduud haduu mar kale xukunka dalka ku soo laabto saaxibadiisaana wasiiro ayuu u magaacaabayaa, halkaas ayey hawshoodi ka sii wadanayaan in ay dakka iibshaan.

  4. khadija says:

    wasiir buu sheeganayaa beena waa sheegayaa indhuhuu naga cameyn rabaa ninkan waa nin dalkii ciidamadii africa ee aanu garaneyney bedeley si tuuga ahna ku soo geshey ciidamo ingiriisa misana waa inkirayaa waxaa taa kadara waxaa lahayaa isagoo leh oo cod ah cid yaaleysaa majirto in soomalilland lakala qeybiyo waa berigii maamulka khaatumo la sameeyey oo wefdi odaya dhaqameedo ah xamar ku sugan yihii ayuu wareye soomalilland ah u waramayey ninka saas ah ayaa wasaaradii gaashaandhiga heysta iska daa ingiris uu keeno oo uu heshiis lagalo yuhuud buu keenaya kenyaana moyiye c/weli wasiiradiisa meelna yeysan ka soo gelin dowlada cusub xataa barlamaanka yaan loo ogolaan waxaan kaloo ka digayaa ninkii wasiirka ka ahaan jirey dowladii ina c/rashiid ee wax wasiirkii arimaha dibada sixiixi waayey uu isagu saxiixo waa badee maa maanta indha adeygiisa madaxweyne doonaya, geedi oo xoolihii oo dhan qaatey gurigii Jon Garown ka gatey kenya ayaa madaxweyne raadinaya alloow sahal amuuraha.

  5. Liibaan says:

    See lagu aaminaa ninkaas warkiisa,Sababtoo ah waa kuwaas Askar cad-cad la hadlaya ciyaalka soomaaliyeed.Meelo kalena way ku yaaliin askarta cad -cadi ayagoo si fiican loo arki karo sawiradooda.
    Qofku haddii uusan sheegin wax caqli gal ah hadalkiisu siima socdo.Bal hadda ninkaas masuulka sheeganaya maxuu ku beeninayaa waxa loo jeedo?

Leave a Reply