Wasiirka Maaliyadda DKMG oo Xaqiijiyey Lacag Shilin Soomaali ah oo DKMG Ku Daabacayso Suudaan Iyo Waqtiga Ay Dalka Imaaneyso


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wasiirka maaliyadda xukuumadda KMG Soomaaliya Dr C/naasir Maxamed Cabdille ayaa maanta xaqiijiyey in DKMG ah ay lacag ku daabaceyso wadanka Suudaan taasoo uu sheegay in waqti dhow ay dalka iman doonto.

Wuxuu sheegay wasiirku in lacagtaasi ay tahay nooc cusub oo Shilinka Soomaaliga ay laaguna talagalay inay bedesho lacagta duugowday ee hadda la isticmaalo iyadoo wax ka tari doontasida uu sheegay, yaraanshiyaha iyo ciriiriga ka jira shilinka Soomaaliga.

“Waxay mudo badan dhibaato ka taagneyd shilinka Soomaaliga oo aad u yar, isla markaana aan ku filneyn inuu suuqa wareego.  Dawlada waxay hadda mushaharka shaqaalaha ku bixisaa doolar, canshuurta dekeda iyo garoonka diyaaradaha waxaan ku qaadnaa doolar, waxaas oo dhan ayaa nagu kalifay in lacagta cusub la soo sameeyo” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda KMG ah Dr. C/naasir Maxamed Cabdille oo maanta u waramay idaacadda dawlada.

Wuxuu sheegay in heshiiska daabacaada lacagta cusub ay wada galeen dawlada KMG Soomaaliya iyo dawlada Suudaan, lacagtana lagu sameynayo warshad ku taalla wadanka Suudaan.

Wuxuu intaa ku daray in haddii lacagta cusub ee Shillinka ee hadda lagu daabacayo Suudaan ay dalka timaado dawladu ay bilaabi doonto in mushaharka shaqaalaheeda ku bixiso Shilin Soomaali, canshuurta laga qaado badeecadahana laga dhigi doono Shilin Soomaali.

“Waxaan bilaabeynaa in canshiirtana aan ku qaadno shilinka shaqaalaha dawladana waxaan mushaharka ku siin doonaa shilinka waayo markaasi waxaa fadhiisanaya heerka shilinka oo waxaa la helayaa xadi ku filan oo lacag ah oo suuqa ku jirta.” Ayuu sii raaciyey.

Wasiirka oo ka hadlay mudada ay lacagta cusub ku iman doonto ayaa sheegay inuu rajeynayo in waqtiga ugu dhow ay lacagtaasi cusub dalka ku soo gaarto.  Wuxuuna sheegay in warshada dabacaysa lacagta ay ka gudubtay tijaabooyin badan oo lagu sameeyo lacagaha ka hor intaan la daabicin.

Warar ay heshay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegaya in lacagtan cusub ee lagu daabacayo Suudaan loogu talagalay inay dalka soo gaarto waqti ku beegan bisha Sgoosto ee doorashada baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ay dhacayso, iyadoo sidoo kale la filayo in lacagtan mushahar ahaan loo siiyo shaqaalaha wasaaradaha kala duwan ee dawlada oo aan wax mushahar ah helin mudo labo bilood ah arintaasoo saameyn ku yeelatay habsami u socodka shaqada wasaaradaha DKMG ah.

 

RBC Radio

Share

Tags:

1 Response for “Wasiirka Maaliyadda DKMG oo Xaqiijiyey Lacag Shilin Soomaali ah oo DKMG Ku Daabacayso Suudaan Iyo Waqtiga Ay Dalka Imaaneyso”

  1. Cali yare says:

    Waxaan soo jeedin lahaa lacagtan keenisteeda in lala sugo dowlada cusub. Dowlada cusubna waa iney marka hore dalka oo dhan xoreysaa. Markaa kadib waa iney daraasad sameyso oo ah qaabka lacagtii hore loogu bedelayo tan cusub. Dowlada waa iney lashirtaa ganacsatada waaween sida xawilaada maadaama ay shirkadaha yihiin kuwii laga rabay inay hirgeliyaan qorshahan. Maraa kadib baa lacagta cusub la howl gelin karaa. Lakin haddii habeen madow lacagtan dalka lagu fasaxo. Waxey keeneysaa sicir barar iyo jah wareer.

Leave a Reply