Weerar Dad Ay Ku Dhaawacmeyn Oo Ka Dhacay Kenya
Wajeer, Kenya (RBC) Ugu yaraan afar qof oo Kenyan ah ayaa si xun ugu dhaawacmay labo weerar oo xaley fiidkii ka dhacay magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi-Bari dalka Kenya sida ay lee yihiin Booliska.
Sarkaal u hadlay booliska oo lagu magacaabo James Mutungi ayaa sheegay in dad aan lagaraneynin ay weerar bambaanooyin ah ku weerareen dhismo dukaan oo lagu magacaabo Ralph Super Cut barbershop iyo Hotell isna la yiraahdo Roho Safi Hotel oo ku yaala magaaladda Wajeer.
Waana weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaado dalkaas oo la maleenaayo inay fuliyeen xubno ka tirsan Shabaab-ka ku sugan dalka ay dariska yihiin ee Soomaalya.
Mutungi ayaa yiri laabda weerar waxa ay dhaceen abaaro 8:30 pm ee xaley isagoo intaas sii daba dhigay inaysan aqoon u lahayn kooxda weerarka geesatay sida uu wakaalada wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua ugu sheegay Taleefon isagoo ku sugan Wajeer.
Waxa uu ysiri labo qof ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday dukaanka kuwaas oo loola cararay isbitaal ku yaala magaalada halka labo kalena ay ku dhaawacmeen hotelka.
Dalka ku yaala bariga Africa waxa uu ku soo badanayay weerarada nooca laga tuuro gacanta iyo kuwa dhulka lagaliyo, kuwaas oo waqooyiga bari dalka Kenya, waxana ku dhintay in ka badan 20-Boolis ah iyo in ka badan 30-rayid ah.
Tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeen SOomaaliya dhowr weerar oo ay soo qaadeen Al-Shabaab ayaa lagu qaaday magaalooyinka Mandera, Wajeer iyo Gaarissa iyo sidoo kale degmada Dadaab ee gobalka waqooyi-bari dalka Kenya
Kooxda Al-Shabaab waxa ay cod dheer ah ku sheegatay in ay weerari doonto magaalooyinka dalka Kenya, inta ciidanka Kenya ay howlgalo ka wadan dalkaas kaddib markii lagu eedeey in ay ka masuul yihiin aduubka shisheeyaasha.
RBC Radio
—————————-
Xafiiska Wararka Naiorbi











[...] Read More: Weerar Dad Ay Ku Dhaawacmeyn Oo Ka Dhacay Kenya [...]