Wixii Aan Ku Arkay Madasha Ansixinta Dastuurka (Qeybtii 2aad)
Muqdisho (RBC) Guubaabada iyo madadaalada xaflada kaliya kuma ekeyn marxalada dalku ku jiro ee waxay sidoo kale hoboladu toos u abaareen wadamada deriska ee xuduudaha Soomaaliyeed u soo hanqaltaagaya. Malahayga fanaaniinta waxay beegsanayeen qodob ka mid ah kuwa ku jira dastuurka qabyada ah oo sheegaya in xuduudaha Soomaalida wixii khilaaf ah ee ka dhasha xal diblomaasi loo mari doono, arinkaasoo dad badan ka gowsqabaan.
“Inta gobolada NFD aad gumeysaneyso, wallee Geeska Afrika kuma gama’did. Soomaali baan garanayaa, Godobteeda maqan inay goosataan garanayaa..!. waxaa ereyadaasi masraxa kaga luuqeysay gabar kale oo ka tirsan hobolada Horseed oo sida muuqata toos ugu dhawaaqday gobolada NFD [oo Kenya u taqaano waqooyi bari Kenya] dhulkaasi oo Soomaalida illaa hadda u heysato inuu ka maqan yahay.
Mararka qaar waxay hoboladu suugaan ku tilmaamayeen dhibta qabyaalada iyo dawlad la’aantu ku reebtay shacabka Soomaaliyeed mudada ka badan labaatanka sano. Hal arin oo ii muuqatay inaan aan la difiri karin waxay ahayd in shir siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo uu ka dhacayo caasimadan labaatanka sano bahalo galeenka noqotay, waaba XAMARTII burburka, dhimashada iyo madaafiica hoyga u noqotay oo maanta shir dastuur looga hadlayo uu ku qabsoomayo.
Ergooyinka madasha joogay, qiyaastii 700 ayaa ugu horeysay inta maalintaasi soo xaadirtay, waxayna ahayd maalintii koowaad. Sida la ii sheegay tirada ka maqan 825-ka ergay waxay ku maqnaayeen Garowe iyo dibadaha oo weli safarkooda ma iman Xamar, waase laga warqabay.
Hoolka la fadhiyo, waa mid waasac ah oo ku filan ergada dhamaan, waa qol dhowaan la dayactiray oo gees kaga yaalla dugsiga Gen Kaahiye, si fiicana waa loo qurxiyey. Saddex bilood ka hor mar aan booqday xerada Gen Kaahiye hoolka sidii uu ahaa wuu ka qurux badan yahay. Qaar ergada ka mid ah ayaa hadalhayey in loo kala fariisto rag iyo dumar, laakiin lagama dhageysan, sidaan u maleynayo fikirkaasi lama wada qabin.
Sidii ay madadaalada u socotay ayay saacadu gaartay 12:30, waa xilligii Salaada Duhur oo aysan weli madaxda dawlada soo gaarin goobta maadaama iyaga lala sugayey furitaanka shirka. Ergooyin qaarkood, weliba qaar odayaasha u badan ayaa kuraastii ka joogsaday oo bilabaabay inay dibadda u baxaan si ay u soo tukadaan.
Aniga lafteda dadkaas baxay ayaan ka mid ahaa si aan u soo tukado. Albaabka laga soo baxo oo ah midka kaliya ee loo ogolaa inay dadka ka baxaan ayaa mid ka mid ah ragga amaanka qaabilsanaa oo marna xirayey marna furayey, wuxuu noo sheegay in cidii bannaanka aada aysan dib ugu soo laaban doonin, Anigu maba hadline, dhowr oday oo horteeda socday ayaa ku cawday in “Salaadii Duhur la gaaray oo ay waajib tahay in la soo tukado“, hortooda ayeyna u sii bexeen.
Masaajidka aan ku tukanay ciriiri buu ahaa, boqolkii ruux ee ugu soo hor baxay waxay dantu kaliftay inay labo jeer is kala qeybiyaan si kooxba ay mar u tukato. Dayactirka ka muuqday hoolka shirkana masjidka kama muuqan. Oday dadkii ugu hor tukaday ka mid ahaa ayaa markii aanu kabaha soo qaadanay yiri “Masjidka maxay noogu waasicin waayeen markay hoolka intaasoo kharash gelinayeen?, waxayse ahayd su’aal aanan jawaabteeda anagga heynin.
Shakiga madaxda
Markay madaxdii yimaadeen, shirkiina furmay, khudbaduhuna meel dhex marayaan ayaa dareen dhiilo leh laga dareemay kuraasta safka hore oo ahayd meesha ay fadhiyeen madaxweynaha, raysul wasaaraha, wasiirada iyo saraakiil sare. Nin dhalinyaro ah oo dhinaceyga fadhiyey kana mid ahaa suxufiyiinta ayaa ii sheegay in dhaqdhaqaaq uusan ogeyn waxa uu yahay uu ka socdo hoolka dhexdiisa, haddaan hareeraha eegayna waxaa ii muuqday Madaxweyne Shariif oo intuu isgaabiyey ilna dadka ku soo fiirinaya isha kalena C/weli Gaas oo dhankiisa bidix fadhiyey dhegta wax ugu sheegaya, nasiib darasae waxba ma maqli karin.
Daqiiqad kama soo wareegin, Shariif Xasan oo madaxweynaha ku sii xigay baa telefoon u soo dhacay. Haddiiba waxaa deg deg u baxay taliyaha booliska Gen Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka gudaha C/samad Macalin. Waxay kaloo isheydu qabatay taliyaha amaanka madaxweynaha oo loo yeeray iyo fara taag-taag aan caadi ahayn oo meesha ka socday, oo ruuxii dareen dhow wuu fahmi karay in wax si yihiin.
Taliyihii amaanka madaxweynaha intuu si dhega fudud u orday ayuu tobaneeyo dhar cad ah oo ilaalada madaxweynaha ka mid ahaa oo markii hore hareeraha taagnaa u baaqay, iyaguna way la fahmeen oo waxay markiiba ku qamaameen safafkii ergada oo illaa meel dambe isdaba yaallay. Anigoo weli ku wareersan jawigan cusub ee aan galnay ayaan arkay saddex ruux oo ergada kujiray qoortana kaararka aqoonsiga u suran yihiin oo lala booday iyagoo la garab hayo ayaa bannaanka loo kaxastay.
Anigoo weli dadaal ugu jira sidii aan ku ogaan lahaa xaaladan soo korortay, ayaa wiil dhalinyarada sawirqaadayaasha ka mid ah weydiiyey MAXAA SOO KORDHAY? intuu afka ii soo dhoweeyay buu igu yiri “Ruux madaxweynaha qarxin raba ayaa la sheegay inuu ku dhex jiro hoolka”.
Intaan su’aal labaad weydiinin saaxiibka ii waramay ayuu oraah kale ii raaciyey “run iyo been waxay tahay lama oga”. “GARTAY” baan ugu jawaabay. Waxaan soo xusuustay dhacdo ka dhacday garoonka diyaaradaha bishii Maarso mar uu madaxweyne Shariif ka soo laabanayey safar uu ku tagay Ethiopia oo ilaaladiisa sheegeen inay garoonka kaga hortageen wiil [sida ay sheegeen] Al-Shabaab ka tirsan oo madaxweynaha isku miidaamin lahaa.
Kiiskaasi wuxuu xitaa muran weyn ka dhex dhaliyey booliska garoonka Aden Cadde ka hawlgala iyo taliska nabadsugida kadib markii ay su’aal ka dhalatay sida ay ku suurtagashay nin Al-Shabaab ka tirsan oo miineysan inuu gudaha u galo garoonka Aden Cadde oo leh saddex bar kontorool???, waxayse baaristii la sameeyey markii dambe cadeysay in ilaalada madaxda sare ay ka macaashaan FARIIMAHA DHIILADA ee xaqiiqda ka fog, dabcan lacag badana way ku helaan, waana sababta ku kaliftay inay madaxweynaha mar walba been ugu waramaan. Dhacdadan Iskool Boolisiyana tiiyoo kale u eg.
Yaa ergada ah?
Magac ahaan ‘ERGADA’ waxa ku magacaaban tahay xulistooda odayaasha dhaqanka ee beelaha 4.5 ee Soomaalida wax ku qeybsato, laakiin xaqiiqda maalintaas aan ogaaday taasi waa ka duwaneyd waayo saddex meelood labo meel (2/3) ergada waxay ku yimaadeen xulitaanka madaxda sare (gaar ahaan saddexda ugu sareysa) iyo wasiirada. Wajiyo aan si fiican u garanayo oo ergada ka mid ah waxaa ku jiray shaqaalaha wasaaradaha arimaha gudaha, kalluumeysiga, warfaafinta, shaqaalaha xafiiska raysul wasaaraha, shaqaalaha madaxtooyada, shaqaalaha xafiiska Shariif Xasan.
Mid ka mid ah ergada oo haweeney ahayd oo aan fursad isu helnay ayaa igu tiri “Weligay ma arkin ugaaska beesheena xitaa aqoon uma lihi!!!!”, Shaki ma leh in qaar badan oo sidaas ah ay ku jiraan ergada. Qaar kale waxay kaliya hadalhayeen “imisa la qaadanayaa”.
______________________________________________________________________
W/Q: Cabdalle Muumin
RBC Radio
Email; cabdallemuumin2@gmail.com













[...] Read this article: Wixii Aan Ku Arkay Madasha Ansixinta Dastuurka (Qeybtii 2aad) [...]
mahadsanid wariye Cabdalle mumin.
Waa warbixin Xiiso Badan, Qaybta Saddexaad Hala Soo Raagin adigoo Mahadsan
Saaxiib, wad warbixinta quruxda badan. Masawir na deeqa ayaad ka muujinaysaa madasha shirka.
Waxaan sugnaahi waa qaybta 3aad.
Waan la dhacay Warbixin taada Qoraaga Faraha fudud lkn ku da daal una dhawoow Xaqiiqka is Ilaali walaal Waa Ramadaan Waligaana Foojignow ileen waxaa tahay Wariye. Ogow Carabkaaga waa lagu weydiinayaa waxaad ku sameysay wuuna kugu marqaati kacayaa. Aniguse waxaad soo qortay oo Idil waan la dhacsanahay . Walaahi Aclamu
ASC SAAN BAAN KA RABAA SAXAFADA INAY SOO DAAYE WAXII WARBIXIN AH INAAN SOO GUDIBINAYSAA IDINKOO MAHADASAN,SOO GUDBIYA TII SADEXAADA AYAAN INAA IIDINKA SUGAYAA
THANK U
Cabdallow nin reer soomaliland ah ayaa nin shaxaaday markaasuu kuyiri waxba ma hayo markaasuu ninkii yiri waar ninyahow ii dhiib waataan ninkii diintaada caayey ana diintiisa caayey, haatan Cabdallow kuwii reer puntland ee berigii dhuweyd kugu shimbiro waaqleeyey waanigii kaa dhiciyey qeybta sadexaad ha nagala daahin.
Markasta waa garab taaganahay warsida caan ka ah ee raxanreeb waxaan aad ula fajacay sida raxanreeb ay ugu soo waranto shirarka somaliya ka dhaca , waxaan soo xasuustay sidii sharafta lahayd ee ay noogu soo gudbin jirtay shirkii TALEEX SOOL SOMALIYA .
waxay raxanreeb caan ku tahay xaqiiqo warsaxan iyo hufnaan
viva raxanreeb.com