Wixii Aan Ku Arkay Madasha Shirka Ansixinta Dastuurka Maanta (Faaalleynta Madashii Maanta)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Abaare 6:00 subaxnimo ee aroornimadii saaka [Arbaco] ayaanu galnay aniga iyo koox wariyaal ah saf loogu talagalay in lagu diiwaangeliyo dadka ka qeybgalaya shirka golaha ansixinta dastuurka ee ka furmay hoolka xafladaha ee dugsiga tababarka booliska ee Gen Kaahiye [Ex Iskool Boolisiya]. Waxaana u diyaargarownay inaanu galno xarunta shirka baaritaanada amniga kadib.

Safku markaasi ma ahayn mid dheer, waxaanse maanka ku haynay in tirada dadka faraha badan ee iman doona meesha darteed uu jiri doono ciriiri.  Safka ugu soo horeeya waxaa uu ka soo bilawday afaafka hore ee xarunta Gen Kaahiye oo ku taalla degmada Xamar Jajab, qiyaastii 200 mitir meel u jirta xarunta ayayna dadkoo dhami kasoo lugeynayeen.

Waxaanu u degdegnay sidii aan waqti fiican u tagi lahayn hoolka shirarka maadaama aanu doonaynay inaan tabino furitaanka kulanka ergada ansixinta dastuurka.  Qof kasta waxaa aqoonsi u ahaa kaarar ay bixiyeen hay’adda UNPOS iyo guddiga qabanqaabada shirka oo hoostaga xafiiska raysul wasaaraha. Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta Gen Kaahiye waxaa ku sugnaa tiro yar oo askarta booliska Soomaaliyeed ah, waxay u badnaayeen odayaal da’ heyso daal badanina ka muuqdo, waxaase caawinayey dhowr askarta Uganda [AMISOM] kuwaasoo u muuqday inay ka yar firfircoon yihiin kuwa Soomaalida, mararka qaarna askarta AMISOM ayaa dadka faraha la galeysay si ay baarista u fududeeyaan.   Taasi waxayba lama huraan noqotay kadib markii qaar askartii booliska ahayd iyo dadkii safka ku jiray ay isku maandhaafeen safka dheeraaday iyo dadka sooman ee sida xad dhaafka ah loo daahiyey.

Dhowr jeer oo hubin “computerized” iyo baaritaan gacan ahba kadib, waxaa naloo fasaxay inaan u gudubno hoolka shirka uu ka socdo.  Aniga waxay indhahayga qabanayeen askarta AMISOM oo kaliya inay hubka la soo gali kartay hoolka iyo meel kasta oo xarunta ka mid ah, mana jirin askari Soomaali ah xitaa kuwa la socda madaxda sare oo gudaha loo ogolaa – markase laga reebo kuwo sacabo maran oo hoolka iyo hareerihiisa warwareegayey iyagoo muraayado [ookiyaale] madow indhaha u suran yihiin.

Isriixriixa xafiisyada sare

Wax kasta caadi bey ahaayeen, illaa bilowgii.  Dhawaq musik, heeso wadani ah iyo astaanta CALANKA ayaa lagu madadaalinayey ergooyinka oo hadba si teel teel ah ku soo xaroonayey. Waxaa hadba masraxa isku soo bedelayey hobolada HORSEED ee kooxda booliska iyo kooxda BAMBEYDA oo iyaguna markooda dhowr heesood oo wadani ah oo ay dusha ka xusuustaan musikooda qalalan garaacayey.

Heesaha wadaniga, gabayada guubaabada iyo dareenka wadaniyadeed xambaarsan waxay ku xusuusinayeen hal dareen oo ah wadaniyad, Soomaali iyo dawlad. Dadka intii meesha joogtay cid kasta waxay hadalheysay NABAD, hal wadan, hal qaran, cadawgeena aan garano iyo dawladnimo.  Xubnowasiiro ah, gudoomiyaal degmo iyo duqa Muqdisho ayaana ka mid ahaa dadkii nala daawanayey madadaaladaasi.

Intii jawiga noocaas ahi lagu dhex jiray waxaan mar qura dareenay iyadoo ay hareeraha naga joogaan dhowr ruux oo isugu jiray niman iyo gabdho muraayado madow wada xiran, dhaadheer, kuwa ragga ahna suudad [surweel iyo jaakad iswata] ayey wada xirnaayeen.  Saaxiibo meesha joogay ayaan weydiiyey, waxaa la ii sheegay ‘waa dadka qaabilsan amaanka raysul wasaaraha C/weli Gaas oo ka soo hormaray’, saaxiibadii ii waramay waxay intaa ii raaciyeen “waa asxaabta raysul wasaaraha”.  Waana xaqiiq waayo qaarkood waanba bar aqooday oo waa raggii yimid wixii ka dambeeyay qaraxii Tiyaatarka ee 4-tii April.

Oraahdaas ka hor aniga waxaan sugayey ciidan boolis iyo nabadsugid oo qaranku leeyahay inay sugaan amaanka guud ee goobta maadaama ergooyin fara badan, madax iyo shacaba meesha imaanayeen. Saaxiibada raysul wasaaraha [waa sida loo yaqaano] waxay bilaabeen inay kuraasta fatashaan, dadka qaar ay mid mid u kiciyaan, ‘boorsadaada i tus, ninkaas yaa yaqaana, xagee madaxdu fariisan’ ereyadaasi ayeyna ku soo celcelinayeen.

Iyadoo weli mashquulkii socdo xafladuna wada bilaaban, ayaa xiriiriyihii xaflada codbaahiyaha ka soo dhawaaqay wuxuuna ergada u sheegay inay waraaqaha dastuurka LUGTOODA ku doontaan.  In ka badan 720 ergooyin oo rag iyo dumar qaarkood waayeelo ahaayeen oo hoolka fadhiyey ayaa mar qura u wada dareeray inay dastuurka ka soo qaataan meel geesta midig ka xigta hoolka iyagoo afka saaray albaabka kaliya ee hoolka u furnaa, kaba darane markii ergooyinka isjiireen oo ay waraaqihii dastuurka soo qaateen ayaa haddana askartii ilaalada ahayd markale horistaageen ergooyinka oo ku yiraahdeen “baaritaan baad haddana mareysaan” taasoo odayaasha qaar furka ku tuureen, illaa markii dambe loo fasaxay inay hoolka ku xaroodaan.

Mid ka mid ah qabanqaabiyaasha oo haweeney ahayd ayaan weydiiyey sababta dastuurka ay ugu qeybin waayeen ergada iyagoo fadhiya si uusan ciriiri iyo isjiiritaankaba u dhicin? waxayse iigu jawaabtay “nin noo qaabilsanaa arintaasi ayaa saaka seexday, furihii qolka dastuurka ku jirayna isagaa la maqnaa oo hadeer buu yimid!”aniguna su’aal kale ma weydiin.

Laakiin dareenkaas wuuba iga baxay markii ay haddana yimaadeen koox kale oo dhalinyaro ah oo sida markale la ii sheegay ka socotay xafiiska madaxweynaha [dadku waxay u yaqaanaan ilmaha Aala Sheekh]- Rag iyo dumar way isugu jiraan. Wax yar kadibna waxaa timid baabuurtii AMISOM oo gelibinaysa madaxda sare ee dawlada KMG ah.

Ilma Aala Sheekh [Waa sida loo yaqaano] waxay bilaabeen inay amar siiyaan asxaabta raysul wasaaraha [sida loo yaqaano] ‘adiga fariiso, meeshaada haka dhaqaaqin, cid socon karta lama arko” iyo amaro kale ayaa la duldhigay. Waase caadi in marka xafladaha waaweyn iyo shirarka la yimaado xifaaltan uu dhexmaro ilaalada madaxweynaha iyo kuwa raysul wasaaraha, markan waxaa u dheer labada ninba waa MUSHARIXIIN oo tartanka iyaga u dhexeeya ayaa saameeyay wiilashooda (ilaalada).  Xitaa sawirada labada nin [madaxweyne Shariif iyo Raysul wasaare Gaas] ayey kala wataan.

Ninkii Muqdisho dhowaan yimid wuu layaabi lahaa in ilaalada xafiisyada sare aysan ahayn kuwo qaran ee ay yihiin kuwo shakhsi iyo qabiil ku saleysan, laakiin dadka jooga Muqdisho ee ka warhaya dhaqanka noocaan oo kale ah waa u caadi.

Waxaan xusuustay hees markaasi sii dhamaaneysay oo ay ku luuqeyneysay gabar ka mid ah kooxda Horseed oo ereyadeeda ka mid ahaayeen “Anigu,…Anigu Soomaali baan ahay, in lakala sareeyiyo sadbursi waan necbahay”.

Gumeysiga geeska Afrika

Guubaabada iyo madadaalada xaflada kaliya kuma ekeyn marxalada dalku ku jiro ee waxay sidoo kale hoboladu toos u abaareen wadamada deriska ee xuduudaha Soomaaliyeed u soo hanqaltaagaya. Malahayga fanaaniinta waxay beegsanayeen qodob ka mid ah kuwa ku jira dastuurka qabyada ah oo sheegaya in xuduudaha Soomaalida wixii khilaaf ah ee ka dhasha xal diblomaasi loo mari doono, arinkaasoo dad badan ka gowsqabaan.

“Inta gobolada NFD aad gumeysaneyso, wallee Geeska Afrika kuma gama’did. Soomaali baan garanayaa, Godobteeda maqan inay goosataan garanayaa..!.  waxaa ereyadaasi masraxa kaga luuqeysay gabar kale oo ka tirsan hobolada Horseed oo sida muuqata toos ugu dhawaaqday gobolada NFD [oo Kenya u taqaano waqooyi bari Kenya] dhulkaasi oo Soomaalida illaa hadda u heysato inuu ka maqan yahay.

 

______________________________________________________________________

W/Q:  Cabdalle Muumin
RBC Radio

Share

Tags:

17 Responses for “Wixii Aan Ku Arkay Madasha Shirka Ansixinta Dastuurka Maanta (Faaalleynta Madashii Maanta)”

  1. moo says:

    waa sheeko aad u wanaagsan waana waxa ka jira dalka la iskuna fahansan yahay

  2. Sama_Kataliye says:

    Duf kubaxa dheh kuwa ilaaladda qabiilka ah wali wata sheeganayana madax qaran maxaa duli iyo damiinimo kuwaas iskugu duubay…………….kama sugayo xal qaran kuwaas.

  3. [...] Waxaanu u degdegnay sidii aan waqti fiican u tagi lahayn hoolka shirarka maadaama aanu doonaynay inaan tabino furitaanka kulanka ergada ansixinta dastuurka.  Qof kasta waxaa aqoonsi u ahaa kaarar ay bixiyeen hay’adda UNPOS iyo guddiga qabanqaabada shirka oo hoostaga xafiiska raysul wasaaraha. Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta Gen Kaahiye waxaa ku sugnaa tiro yar oo askarta booliska Soomaaliyeed ah, waxay u badnaayeen odayaal da’ heyso daal badanina ka muuqdo, waxaase caawinayey dhowr askarta Uganda [AMISOM] kuwaasoo u muuqday inay ka yar firfircoon yihiin kuwa Soomaalida, mararka qaarna askarta AMISOM ayaa dadka faraha la galeysay si ay baarista u fududeeyaan.   Taasi waxayba lama huraan noqotay kadib markii qaar askartii booliska ahayd iyo dadkii safka ku jiray ay isku maandhaafeen safka dheeraaday iyo dadka sooman ee sida xad dhaafka ah loo daahiyey. [...]

  4. HADA MA WAXA LA ILAALINAYAY GAAS KALIYA MADAXDA MEESHA JOOGTA?

    MAXAAD KU CADAYNAYSAA IN LA GUMAYSTO SOMALIYA ,,,,,, ADIGOO WARIYE AH BAAN WAXAAGU TRANSPARENT AHAYNE OO NA LEH GAAS KALIYA BAA LA ILAALINAYAY

    HUBKANA IN LA XAKA MEEYO WAA SAX WAAYO, C/RASHID CALI SHARMO ARKE WAX DILAY INADEERKII BE REALISTIC RAXANREEB

  5. jama mohamed says:

    inta aad hadda noo sheegtay waa hor dhacii kulanka ergada iyo qaabka wax loo maamulay laakiin waxaan sugayay in aad u gudagasho nuxurka kulanka iyo qaabka odayasha loo fadhiisiyay , sidoo kale hadday jireen wax is maan dhaaf ah lakin waxaad ku soo idlaysay qaabka guud ee kulanka walaw aad sheegtay waxyaalo aanan ka war hayn oo xiilo leh bal kulamada dambe baan kaa sugi doonaa insha alaah qaab fadhiyeedka guud iyo kulanka wixii la isku waydaarsado

  6. Kilwe says:

    Ninka Faaladan qoray weriyuu ku banaan yahay, runtii wuxuu na dhexgeeyey madasha shirku ka socday oo uu Sawir waafi ah naga siiyey sida wax u socdeen. Waxayna ilatahay Waa xaqiiq dhab ah haddii aan aqaan hab dhaqanka Somalida. Well done Sxb.

  7. ASC dhamatiin gar ahan wariyaha warkaan soo qoray ama qoraaga aad ayan sheekadaan uga
    helay waana xaqiiqada jirta waxaa sii xoog leh u xaqiiq saday qaabka madaxada qaranka soomaliyeed ay yihiin iyo sida uu u cabiray wariyuhu

  8. asc
    wararku waxay sheegayaan in madashaha shirka isugu yirmaadeen ilaa 15000 OO qof, dulucda maqaalkaagu adigoo na leh waxaan ahay wariye, waxaad noo sooo tabisay waxaa la ilaalinayey c/wali cali gaas, waxaad kale oo sheegtay in ciidankii raysal wasaaraha ciidan kale kor ka qabsaday oo ka socday madaxwaynaha loona yaqaanay Caruurta aaala shiikh.oo xataa ay aram siiyeen ciidanka raysal wasaaraha ayagoo leh isma dhaqaajin kartaan , hadana waxaad naga dhaadhicisay in ay 2da ciidan kala matalayaan 2qabiil ama 2ba cidood.haday sidaa tahay , sidee ciidan ilaalo ah oo uu ciidan kale amar uga qaadan karaa, tusaale ciidan sidiisaba wuxuu leeyahay taliye uu amar ka qaato ee ciidan ma jiro ciidan amar ka qaata. waxaan kula talinayaa shabakada Raxanreeb in ay joojiyaan daacayadaha noocaan oo kale ah oo isku diraya shacabka somaliyeed, Dacaayado riqiis ahnq ka faafinaya qaranka iyo madaxda somaliyeed. aad baan uga xumahay in ay la shir yimaadaan hadalada noocaan oo kale, inkasoo aah ogahay dadka maanta webebka wax ku soo qora aysan ahayn dad aqoon u leh cilmiga saxaafada oo ku dhisan > waxa la yiraahdo ethics and moral.

    “Dugsi malahan Qabyaaladi waxay dumso mooyaane”
    wabilaahi Towfiiq/RAMADAAN KARIIM

  9. Jeeska says:

    Waa sheeko fiican ninka soo werinayeyna weriye keliya maaha sidookale waa filim sameeye laakiin sheekada ararteedii ayaad noo sheegtay dulucdii iyo gabagabadiiba waa noo dhimantahay, haday qeyb labaad soo socoto maandhe iga raali ahow parking ayaan geleyaa sheekada ii wad Cabdalle.

  10. IBNU IDRIIS says:

    warbixinta waxaa loo qoray hab dhaliil ah ama bushin waana ixtiraamayaa qoraha fikirkiisa laakiin anigu waxaan ka jeclaan lahaa in uu noo soo tabiyo arinka nugu cusub ee dabcan mucjisada lagu tilmaami karo in markii ugu horeysa shir noocana la suuro geliyo inay inuu ku qabsoomo farasmagaalaha muqdisho its a great credit and achievement for TFG special pm Gaas, Xoosh Jibriil and Ambassador Mahiga shimbiruhuse ha heeseen!!

  11. hami waalan says:

    wariye markuu yiri ilaaladii gaas ayaa lafariisiyay baan shakiyey waxaan ogsoonahay ilaalada gaas in loo sameeyey aaaminid la aan u dhaxaysa ilaalada sh shariif iyo gaas marka macquul miyaa dadkii ay kashakisnaayeen in ay amar ka qaataan ? hadii ay se kaqaataan amar soo naftii raysal wasaaraha meysan galin khatar ? caqligu ha shaqeeyo laakiin article kaan wuxuu u egyaha badanaaba kuwa english ka bbc bloggs aan ka aqristo very good indeed

  12. Qandali says:

    sheekh shariif iyo beeshisu waxay uhastaan somalia in ay xamar tahay oo qofkii xamar qabiilkisa joogan in uu dalka looga xoog badanyan waana ognahay in ay il xun ku eegaan madaxda kale sida raisalwasaraha oo nin firfircoon ah lagana yaabo in uu madaxweynaha noqdo 85% halka sharif 10% laga yaabo inuu noqdo madaxweynaha somalia somalia waxay ubaahantahay madax daacadnimo iyo wadanimo leh oo qabiil ka madaxbanaan

  13. Jeeska says:

    Dadka fikirkooda dhiibanaya qaarbaa qabiil kadhex guuxayaa , hadii weriyuhu inoo sheegay wixii uu arkay maxaad la gubanaysaan oo aad weriyaha ku cunteen abdiweli, abdiweli ayaad leedihiin waar isku xishooda , ogaadana in aanu cabdiweli soo noqonayn waayo waa nin jilicsan. Waxaana anigu u aqaanaa Kuulay Cali Banjar.

  14. Soomaaliweyn says:

    Wallaahi tani waa faallo si qurxan loo qoray. Warka waad na deeqsiisay saaxiib.

    Axaabta ra’iisal wasaraha vs. ilmaha aala-sheekh :) . Waa arrin waayaheeda leh, waase laga bixi doonaa inshaa Allaah.

  15. Osman Jelle says:

    Salaama Calaykum,

    Waxaan Salaamayaa Bahda RCB iyo Dhamaan shaqaalaha ka howl gala meel walba ay kusugan yihiin,
    Waxaan u mahadcelinayaa Wariye Cabdalle Muumin sida quruxda badan ee uu usoo gudbiyay warbixintaa ku saabsan furitaanka Shirka Ansaxinta Dastuurka Cusub ee Soomaaliya.
    Waxaan umada Soomaaliyeed u soo jeedin lahaa inay gartaan Danta guud.

    Ugu danbayntiina waxaan halkaan hanbalyo ugu gudbinayaa Umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan Bishaan Ramadaan ee Barakaysan in Ilaahay nawaafajiyo khayrkeeda.

    Salaama Calaykum

    Osman Jelle

  16. reer mudug says:

    kkkkk walaha waa sheeko cajiba sxbyaal waliba cabdala muumin sxb noo wad sheekda ceynkana inta dastuurka socdo wadmahadantihiim bahda RBC Radio

Leave a Reply