Xaaladda Wariye Cabdu Qaadir Kuwaaral Oo Soo Hagaageysa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxa soo hagaageysa xaaladda caafimaad wariye Cabdi Qaadir Cumar Cabdulle Kuwaaral oo xaley kooxo hubeysan ay ku dhaawacmeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo seddax xabadood ay ku dhacday ayaa loola cararay isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho,halkaasoo lagula tacaalayo dhaawaca soo gaarai sida ay u sheegeen RBC Radio ehaladiisa.

Wariye Kuwaaral oo ka tirsan Talafishanka Universal ayaa xaley saladii maqribka seddax dhallinyaro ah, oo ku hebeysan bistoolada waxa ay xabad kula fureen albaabka hore ee gurigaas xiligaas oo u fadhiyay.

Dhallinyaro kubad ku ciyaareysay Laamiga danwadaagaha oo ah halka lagu dhaawacay wariyaha oo la hadlay RBC Radio ayaa sheegay in ay arkayeen wiilasha toogtay wariyaha.

“Waan arkeynay, waxa ay ahaayeen seddax dhallinyaro ah oo wata surwaalo nooca tuutaha oo Sports-ka ah,markii uu ka orday oo guriga u carraray waa ay kadaba carareen oo guriga ayaa la isla galay, illaah ayaa badbaadiyay ma ihinee iyaga in ay dilaan ayey doonayeen, dabadeena si tartiib ah ayay u baxeen, wax qabtay ama cabsi kama muuqan” sidaas waxa sheegay wiil kubadda ku ciyaarayay goobta lagu dhaawacay wariye Kuwaaral.

Si kastaba, illaa hadda ma cadda cida dishay iyo heybtooda, laaakin degmada lagu dilay ee Wadajir waa degmo lagu ugaarsado suxufiyiinta waayahan oo dhowr suxufi ayaa sannadkan lagu dilay kaliye.

Degmada waxa ka arrimisa dowladda KMG ah Soomaaliya, mana jirto cid loo soo qabtay dilal iyo ugaarsiga suxufiyiinta ee degmadaas loogu geesto.

Wariye Cabdu Qaadir Kuwaaral ayaa la sheegay in qaliil lagu sameeyay oo dhiig uu ku gudaha ugu daatay sida ay lee yihiin dad ku sugan isbitaalka weyn ee Madiina.

RBC Radio

——————

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Xaaladda Wariye Cabdu Qaadir Kuwaaral Oo Soo Hagaageysa”

  1. [...] Continued here: Xaaladda Wariye Cabdu Qaadir Kuwaaral Oo Soo Hagaageysa [...]

Leave a Reply